fbpx

Uncategorized

Comments Off on TAAGEERAYAASHA TRUMP IYO DHAQDHAQAAQA CADAALAD DOONKA AH EE DADKA MADOW OO ISFARASAARAY

TAAGEERAYAASHA TRUMP IYO DHAQDHAQAAQA CADAALAD DOONKA AH EE DADKA MADOW OO ISFARASAARAY

Posted by | August 31, 2020 | Ducuments/Videos, Scholarship, ss, Tender, Training, Uncategorized

Hangoolnews;- Qof ayaa lagu toogtay gobolka Oregon ee dalka Mareykanka xilli taageerayaasha madaxweyne Trump iyo dhaqdhaqaaqa cadaalad doonka ah ee dadka madow ay isku farasaareen halkaas.

Muuqaalo halkaas laga soo duubay waxaa ay muujinayaan shaqaalaha gurmadka degdega oo isku dayaya inay badbaadiyaan nin u muuqday caddaan.

Booliiska Portland wax faahfaahin kama aanay bixin toogashadan, mana aysan caddeyn in ay xiriir toos ah la leedahay isku dhacyadan ka dhacay faras magaalaha Portland.

Toogashada ayaa timid xilli ay bartamaha magaaladaas isku dhacyo ku dhex marayaan taageerayaasha madaxweyne Trump iyo dibadbaxyaaasha dhaqdhaqaaq dadka madow.

Dibadbaxyo joogto ah ayaa todobaadyadii la soo dhaafay buux dhaafiyey waddooyinka waaweyn ee magaalada Portland.

Magaaladan ayaa xuddun u noqotay dibadbaxyo looga soo horjeedo midab takoorka iyo gaboodfallada booliiska tan iyo markii 25-kii May magaalada Minneapolis lagu dilay George Floyd.

Dhacdadaas ayaa waxaa ka dhashay mawjado caro ah oo ka dhacay guud ahaan Maraykanka.

Ciidama heer fedraal ah ayaa Madaxweyne Trump wuxuu bishii July u diray magaalada Portland, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid looga hortagayo qalalaaso halkaas ka dhaca. Taageerayaasha Trump ayaa iyaguna isu soo baxyo xiriir ah ka wada magaaladaas.

War qoraal ah oo fiidnimadii sabtida ka soo baxay booliiska Portland ayaa lagu sheegay: ” in saraakiisha booliiska ee magaaladaasi ay maqleen rasaas ka dhacaysa Waddo ku taal Koonfurta-Bari ee magaaladaas ayna booliisku rasaas kale ku jawaabeen halkaasna ay waxyeello ka soo soo gaartay hal qof oo rayid ah oo xabaadka rasaastu ka haleeshay.

Saraakiisha caafimaadka waxaa ay markii dambe sheegeen in qofkaas uu u geeriyooday dhaawaci soo gaaray.

Muuqaal kale oo la helay waxaa uu muujinayaa booliska oo isku dayaya inay qabtaan nin la socday ninka la toogtay.

Maxay arrinta ka bilaabatay?

.
Qoraalka sawirka,Baabuurta taageerayaahsa Trump

Rasasata la riday ayaa timid xilli xiisad ay u dhaxeyso tagaeerayaasha madaxweyne Donald Trump iyo dhaqdhaqaaqa cadaalad doonka ah ee dadka madow ay ka taagan tahay bartamaha magaalada.

Xiisadda ayaa sare u kacday kadib markii kolonyo baabuur ah oo lagu qiyaasay 600 oo ay saaran yihiin dad gaaraya kun qof oo ah taageerayaahsa madaxweyne Trump oo sita waraaqo iyo funaanado ay ku xardhan yihiin sawirka madaxweyne Trump ay isugu soo baxeen fagaaro ku yaala deegaanka Clackamas kahor inta aanay gudaha u gelin bartamaha Portland.

Booliska waxaa kale oo ay sheegeen in “rabshado aan sidaa u badneyn uu dhexmaray labada dhinac, qaar kamid ah dadkii dibadbaxa ka qeyb qaatayna xabsiga loo taxaabay.

Waxay arrintan dhacday xilli dhawana shirweynaha xisbiga Jamhuuriga madaxwene Trump loogu doortay in uu uga qeybgalo doorashada soo socota ee la filayo in Mareykanka ay ka dhacdo horraanta bisha Nofembar.

.

Haseyeeshee Trump ayaa markii uu jeedinayay khudbadda aqbalidda musharaxnimada, waxaa uu magaalada Portland ku tilmaamay magaalo ay dimuqraadiga ku badan yihiin oo u saaxiib ah “bililiqo, rabshado iyo degenaansho la’aan”.

Sidoo kale rabshadahan iyo toogashadan ayaa dhacday xilli magaalada Wisconsin ee dalka Mareykanka lagu dilay qof madow ah.

Jacob Blake ayaa waxaa soo gaaray dhawaac aad u daran, kadib markii booliska ay toddobo xabadood kaga dhufteen dhabarka xilli uu sii galayay baabuur.

Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu booqdo halka ay wax ka dhaceen.

Dibadbaxyo ka dhacay Portland oo looga soo horjeeday dilkii George Floyd ayaa waxaa hareeyay qalalaaso, in la burburiyay hanti badan iyo eedeyn loo jeediyay booliska oo ah in ay dhibaateeyaan dadka rayidka.

Comments Off on vvvvvvvvvvv

vvvvvvvvvvv

Posted by | August 31, 2020 | Ducuments/Videos, Scholarship, Tender, Training, Uncategorized, Uncategorized, VIDEOS

vvvvvvvvvvvvvvvv

Hello world!

Posted by | August 30, 2020 | Uncategorized

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start writing!

Hello world!

Posted by | June 2, 2020 | Uncategorized

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start writing!

Comments Off on 6

6

Posted by | May 25, 2018 | Uncategorized

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q13AAD

Daahir iyo saadiq waxay wada galeen guriga Daahir.Saadiq waa qubaysayay, qubays keddibna wuxuu Daahir ku yiri”Ninyahow waa daalanahay adiga oo iga raali ah,waan seexanayaa ilaahey idinkiisna subixi ayaan kala warbogaynaa”.

Daahirna wuxuu Saadiq ku yiri”Walaal iska seexo,waqtigan ma’ahan waqti sheeko,waa sidaad u tiri ,waa inoo subixi,ilaahey idinkiis”.

Saadiq wuxuu ku soo toosay Aadaanki Salaada fajarka,wuxuuna bannaanka ugu yimid Daahir oo isagana ku soo toosay Aadaanka,Daahir iyo Saadiq waxay isu raaceen Masjidka, salaaddi Subax keddibna waxay ku soo noqdeen guriga. Daahir ayaa wuxuu aaday kushiinka,wuxuuna soo kariyay Shaahi,wuxuuna u keenay Saadiq oo gudaha qolka ku aqrisanayo quraan,wuxuuna ku yiri “walaal aan shaahno ee soo dhawoow”.

Saadiq: ” waa runtaa aan shaahno,waxaansa ku weydiiyay Somaalida Xaafaddan deggan iyo magaalada Riyaad,walaal,adiga maku fiicantahay.Daahir ayaa Saadiq ku yiri”aad ayaan ugu fiicanahay Soomalida deggan Riyaad,badankoodana waxaan isku baranay Maqaayad aan ku lahaa xaafaddan oo ay usoo cunta doonan jireen, laakin, walaal adiga weli iigama warramin danta aad Riyaad u timid ,si aan kaaga kaalmeeyo,wixi aan isleeyahay wax waad kala qaban kartaa”.

Saadiq wuxuu Daahir ku yiri”walaal waa runtaa kaagama warramin danti aan Riyaad u imid ,su’aashaa aan ku weydiiyayna waxay la xiriirtaa danta aan Riyaad u imid ,oo waxaa jira rag aan shirko ku nahay Shirkad xawisho lacagaha Soomaalida ku nool dalalka Khaliijka, reerahodana u gaarsiiso si ammaan ah. Walaal raggaas ayaa ii soo wakiishay in aan Shirkada Maktab uga furo magaaladan,walaal arrintaas ayaan u imid ,waxaana ilaahey ka rajeynayaa in uu ii fududeeyo howshaas”.

Saadiq hadalki kalama goyn,wuxuuna Daahir weydiiyay “walaal waxaad igu tiri,Soomaalida badankooda waxaan isku baranay Maqaayad aan ku lahaa Xaafadan,walaal waxaan ku weydiiyay aaway maqaayadi maxaadsa hadda haysaa?”.

Daahir wuxuu Saadiq ku yiri “walaal Saadiq, waa sheeko dheer tan iyo maalinti aad iga soo qaaday garoonka magaalada Jeddah, aniga oo aad uu caaboon, kuna fikarayo in aan si dhaqsiya uga biyo keeno karti badan oo aan isku tabayey iyo balaayada igu habsatay marki aan albaabada u laabay Maqaayadaas keddib”.

Daahir hadalkiisa isaga oo sii wato ayuu wuxuu Saadiq ku yiri “walaal yaanan kuugu daalin sheekadayda, walaal beryahan waxan ahay baagamuundo (shaqo la’aan). calaa kulli-xaal, waxaan kuugula talinayaa in aad maktabkiina ka furataan xaafada Manfuuxo ,waayo Soomalida badanaa waxay deggan yihiin xaafadaas,aniga ayaana caawa ku geynayo Maqaayad ku taal xaafaddaas oo ay Soomaalida isugu yimaadaan ,si aad u indha-indhayso,ugana war bogato xaaladda guud ee Soomaalida ku nool magaaladan”.

Saadiq oo dareemay in Daahir saaran-yahay culays fara badan oo ay u dheer tahay shaqa-la’aan, dhinacna la dhacsan in uu saakay la aaday salaada Subax, ayaa wuxuu si deganaan fog ku jirto Daahir ugu yiri, “walaal kol haddii aadan shaqo lahayn ,caawana aan ku ballanay in aad    i geynayso maqaayad ku taalo xaafada Manfuuxa oo ay Soomaalida ku badan yihiin , deegaan ahaan magaalada Riyaadh, sida aad ii sheegtay,  ma wax dhib ah ayaa ku jiro in aan iska sheekaysano, khaas ahaan aad iiga warranto arrimahaaga caadiga ah tan iyo maalinta aad timid waddankan, adiga oo aad ugu caaboon in aad si dhaqsiya uga mira dhaliso safarki shaqa doonka ahaa ee aad dalkaan Sacuudiga ku timid, walaal maalinti aan garoonka diyaaradaha Jeddah kaa soo qaaday waxaan kuugu arkay firfircooni aanan horay ugu arkin badanaa Soomaalida timaado dalkaan Sacuudiga,Calaa kulli xaal ,walaal waxaad iiga warrantaa muddada aad waddankan joogtay maxaa kuu qabsoomay maxaase jeclayd oo aanan kuu qabsoomin ,waxaansa ku weydiiyay, adiga ma guursatay ,haddii aad guursataysa ,carruur ma kuu joogtaa??”.

Daahir kuma daahin Jawaabta ,wuxuuna Saadiq ku yiri , walaal maa mar kale innooga dhigtig in aan kaaga sheekeeyo maalmihi aan dalkaan joogay waxaan kala kulmay dheef iyo dhibaataba ,ilayn ma doonayo in aan kaa mashquuliyo dantaad u timid magaalada Riyaad “.

Saadiq waa ku adkaysayay in aynan meel kale aadin subaxdaas iyo in ay iska sheekaystaan, isuna warramaan si ay ugu suurta-gasho labadoodaba in ay si fiican isu sii bartaan.

Daahir wuxuu Saadiq ku yiri “waxba kama qabo ,waan sheekaysanaynaa “.

Daahir inta uunan bilaabin sheekada ayaa Saadiq ku yiri “Horta walaal waxaan ku weydiiyay hooyo iyo aabe ma joogaan ,xageesa ka deggan tihiin waddanki”.

Daahir oo aad uga tiiraanyooday xusuusta geerida aabbihii ku timid isaga oo aad u yar ,aadna ay u dan yaraayeen reerkooda ayuu wuxuu saadiq ku yiri “Aabe allah ha u naxariisto ,wuxuu xijaabtay aniga oo aad u yar ilaaheyna jannadi ha ka waraabiyo, Hooyana way joogtaa waana fiicantahay, waxaansa aad uga xumahay in aanan diinta ugu dhegin goor hore sida ay uga dheganaayeen,welina ay hooyadeey uga dhegantahay, walaal waxaan deganayn gobalka Hiiraan ,Magaalada Beledweyne, waxaansa ku weydiiyay ,adiga maalinta aad Garoonka iga soo qaadaysay Aabbaha oo baaqday ayaa cimra u imaanayay,ma yimid markaa, misa mar kale ayaad u yeertay”.

Saadiq oo yara ka tiiraanyooday geeridi ku timid Daahir Aabbihiis ayaa yiri”Aabbe allah ha u naxariisto ,janadina allah ha ka waraabiyo”.  Wuxuuna saadiq intaas raaciyay in uu aabbihiis u yimid markaas iyo in uu marar kale oo badan la xajiyay Aabbe iyo hooyadiisba, iyo in ay hadda deggan yihiin magaalada Muqdisho labadoodaba,waxaa kale oo uu Daahir u sheegay  in uu leeyahay xaas iyo laba caruur ah, gabar iyo wiil lana joogaan magaalada Makkah.wuxuusa mar kale Daahir weydiiyay, adiga xaas ma leedahay, wuxuuna Daahir ku jawaabay, “maya ma lihi, welina iskuma dayin ,kumana fikirin beryahan in aan guursado”.

Daahirna kolki hadalki ka so dhammaaday Saadiq wuxuu bilaabay in uu saadiq uga sheekeeyo badanaa taariikhdiisa inti uu joogay dalka Sacuudiga ,weliba wuxuu si aad ah uaga warramay sheekadi kaahinka uu ugu tegay dalka Masar iyo wuxuu kala kulmay iyo in uu waqtigaas la joogo isaga tebaayo dhibaatada haysto in ay salka ku hayso siyaaradi ay ugu timid Qamar Shariif iyo tegisti gurigooda iyo kulanki uu la yeeshay Aabaheed, waxaa kale oo uu uga sheekeeyay taariikhda saaxibtinimo ee isaga iyo Muraad ka dhaxaysay iyo in uu Saaxiibkiis Muraad xumaan ku kala maqan yihiin isaga oo aanan ogayn dhankiisa wuxuu Muraad ka tabanaayo ee gaarsiiyay in uu isaga xumeeyo.

Saadiq oo ay ka soo hareen indho ,marna ay cabsi ku beetray sheekada uu uga sheekeeyay Daahir, marna isweydiinayo war ninkan aad saakay salaadda Subax kuwada dukateen Masjidka siday u suurtoobaysaa in uu isla isaga yahay ninkan ka hadlayo Kaahin ayaan u tegay, xirsina ii qoray. Saadiq ayaa Daahir weydiiyay horta waxaan ku weydiiyay gormaad billowday Salaada iyo in aad masaajidka ka barato tacliinta diinteena? .

Daahir ayaa markaa yiri ,Saaxib aad ayaan ugu liitay xagga Cibaadada laakin sidaan kuu sheegay waxaan salaadda dukashadeeda bilaabay keddib  imaantinki ay Qamar Shariif iigu timid maqaayada, markaa keddibna marnana igama tegin Salaad kaliya ,welina taa waxaan ku darsaday in aan galab walbo casirki keddib aqoon kororsi u tago masjidka halkaana kaga tixnaado kitaabka towxiidka.

Saadiq oo marna ku farxay hadalka Daahir iyo sida uu hadda ugu dhegan-yahay cibaadada Ilaahey na faray ,marna la yaaban sida uunan Daahir weli xog-ogaal ugu ahayn in uu galay denbi gaarsiisan caasinimo, kufrinimo iyo ka furashada waddada toosan ee Ilaahey ayaa isaga oo aad uga baqay ku degdegida hadalka, islamarkaasna ka fekerayo isaga oo aanan Daahir ku tuhmin in uu galay caasinimo iyo kufrinimo ,una sheegin waqtigan xaadirkaa in ay Qamar iyada wax weyn u qabatay halka uu isaga ku tuhmayo dhibka haysto dhammaantiis in uu kaga yimid dhankeeda ayuu aayar Daahir ugu yiri. “walaal galabta ma kula tagaa masjidka aad kaga tixan tahay dhegaysiga towxiidka”.

Daahir oo dareen yar ka galay in uu isbedel ku dhacay wejiga Saadiq ayaa si fudud wuxuu Saadiq ugu yiri “taasi waa mid farxad weyn ii ah aniga, walaal waan is raacaynaa galabta, haddii allaha weyn Idmo”.

Daahir iyo Saadiq intaa keddib way qada doonteen ,kolki ay salaadda casir soo gashana waxay isu raaceen in ay casirka ku soo dukadaan Masjidka uu Daahir kaga tixan yahay dhageysiga iyo barashada kitaabka Towxiidka oo beryahaaas uu halkaas ka aqrinayay Shiikha imaamka ka ah Masjidkaas oo isaga aad looga ixtiraamo xaafadda uu masjidka ku yaalo, aadna ugu weynaa dadka deggan deegaankaas ,sidoo kalana ka mid ah culumada waaweyn oo aad looga yaqaan dalka Sacuudiga.

Galabtaa waxay casirka ku soo wada dukadeen masjidkaa ,dhegaysiga duruusta masjidka keddibna waxay maqribki keddib aadeen xaafada Manfuuxo oo ay Daahir iyo Saadiq ku balameen in ay soo ogaadaan halka ay gaarsiisantahay ku haboonaashada in ay xaafadaa oo ay Soomaalida aad u degan-tahay ka bilaabaan mashruuci xawaalada ee uu saadiq u yimid magaalada Riyaadh .

U Kuur gal aanan waqti badan qaadan keddib waxay labdoodaba afarti saac oo habeeninmo ku soo gurya noqdaan xaafada Xaara-difaac oo guriga Daahir ku yiilay. habeenkaas Daahir wuxuu seexday isaga oo aad ugu faraxsan soo dhoweynta uu soo dhoweeyay Saadiq, halka Saadiqna uu aad uga fekarayay sheekooyinka uu Daahir uga sheekeeyay kuna aadanaa xaga nolashiisa tan iyo intuu joogay dalka Sacuudiga iyo ka fekerida sidi uu uga  gungaari lahaa howlihi uu u yimid magaalada riyaadh waqtigi  uu ugu talagalay. Waxaa kale oo aad maskaxdiisa u hareereeyay meel saarida fiicnaanta, wanaaga dad ladhaqnka iyo firfircoonida ka muuqanaysay Daahir Guuleed iyo haddana sida  uu Daahir u ahaa nin aanan weli ka warqabin in uu ku dhacay munkar weyn, waxaa kale oo Saadiq madaxiisa ka guuxayay ka fekerida qaabki uu Daahir guuleed ugu sheegi lahaa in uu galay munkar weyn iyo sidi uu uga dhaadhicin lahaa in Muraad ahaa adeege uu shaydaan u soo diray iyo in saaxiibkii Muraad weli uu yahay nin ku jiro munkar iyo ka dheeraashada cibaadada ilaahey iyo sidi uu u tusi lahaa in gabadha uu dacwada ka yahay Qamar shariif iyada ahayd bilowgi nolol fiican oo u bilaabtay isaga, una jiidayso dhanka ku tiirsanaashada Ilaahey iyo fulinta cibaadadiisa sida uu inooga dalbaday.

Saadiq fikir dheer  keddib habeenkaa waxay gelisay in uu heli waayo hurdo aanan dhaafsiisnayn halhaleel, laakin wuxuu soo jeedkiisii dheeraa ka dhax helay sida uu ula tacaali am ula dhaqmi lahaa qaabka uu ugu sheegi karo Daahir in uu ku dhacay munkar weyn ee loo baahan yahay in uu ka soo noqdo, Ilaaheyna uga towba keeno.

Saadiq wuxuu subaxdi marki lasoo toosay ,fajarkana la dukaday ,shaah cabid keddib bilaabay in uu isagana Daahir markiisa uga sheekeeyo taariikhdiisa iyo muddadi uu joogay waddankan iyo halka uu hadda joogo iyo sida uu ku soo gaaray Ilaahey idinkiis keddib.

Saadiq iyo daahir waa qada tageen, kaddibna wuxuu Daahir weydiistay in uu galabtana u raaco mar kale dhegaysiga towxiidka ee masjidka uu ku tixan-yahay ,Daahirna waa ka aqbalay taa ,Saadaqna kolki darsiga dhammaaday galabtaas ,maqribkina la dukaday, wuxuu Daahir mar kale weydiistay in uu xoogaa yar sii joogayo masjidka, kagana daba imaanayo guriga haddii Allah idmo .Daahir waa soo baxyay ,Saadaqna kolki Daahir baxay wuxuu ka baxay iridka kale ee masjidka isaga oo bannaanka uga daba tegay Immaamki masjidka, wuxuuna Imaamka weydiistay in uu xoogaa yar  ka siiyo waqtigiisa, Imaamkina waa aqbalay taa. Saadaq wuxuu Imaamka u sheekay sheekada Daahir iyo sida wax isaga dhax yaacsan yihiin iyo sida uu jaahil uga yahay umuura badan oo ku saabsan diinta Islaamka, gaar ahaan aqoon xumida ka heyso dhibka ay leedahay u tegista faalliyuhu , kuhanada guud ahaan iyo rumaysigooda iyo sida uu isla markaas Daahir Guuleed u jecel-yahay ku dheganaashada  diintiisa iyo barashadeeda.

Saadaq intaa keddib Imaamka iyo isaga waxay isla garteen in uu imaamka Salaada cishahi keddib jameecada masjidka uga hadlo mowduuc ku saabsan dhibaatada ay leedahay u tegista kuhanada rumaysigooda iyo ku dhaqanka camalka ay ku faraan.

Comments Off on 5

5

Posted by | May 25, 2018 | Uncategorized

Qiso Xanuun Badan Iyo Sheeko Dhaba Oo Jacayl Ah, Halkan Ka Akhriso Adaa Ooyi Doone

Waxay ahayd 7:30 habeenimo aniga oo socdaal caafimaad ku tagey magaalada Addis ababa, halkaas oo aan si kadisa ula kulmay saaxiibkay Deeq oo ahaa wiil dhalinyaro ahaa ,oo farxaana laguna asteeyo furfurnaan, iyo waji hillac,

hasayeeshee waxa deeq bariinsaday oo bahdii iyo barkii kala baxay kalgacal facwayn oo ku fogaaday dhaamaan feedhaha iyo waxaayaha jidhkoo idil, taasna waxa sababay jacayl dhiiranaa oo si kal iyo laab ah loogu qaabilay kalsooni badan oo niyad sami ku dheehantahay, waxaana caashaqaa ku abuurmay oo sida midhaha geedaha ku abqaalay kuna beeray gabadh la yidhaah ifraax, gabadhaasi oo sida waqalka uga heelaacday wadnihiisa bidix, horaa loo yidhi

“JACAYLKU DAACAD IYO HADDII UU HELO DARYEEL MA DUUGOOBEE OGAW”.

Ifraax xiligaa waxay deeq u muujisay dabacsanaan iyo dareen, iyo xushmad wayn, dabadeed deeqna waxa uu u muujiyay gabaadhaa , dareen naxaaris, taas oo labadaba fagaaraha aakhyaarta looga yaqaanay mataanihii jacaylka,waxaana dhex yaalay miisaan jacayl oo xaqsooran, labaadaa qof oo isku indho kuulan jiray waxaanay ahaayeen ,

dhaayo iyo aragood, dhoola iyo qosolkood ,laf iyo dhuuxeed,

waayo waxay ahaayeen ul iyo diirkeed,,Deeq waxa uu jacaylku ku kalifay in uu naftiisa u hibeeyo ifraax una huro maankiisa iyo maskaxdiisa, taa dhigeedana ifraax ayaan dabyar shideyn oo keentay heer ilaa cuntada ay cunayaan ka dhigtaan isku mid.

Oo si kaftan kalgacayl ku dheehanyahay isku su,aala , manta ama caawa caloosheenu waa mid, sidaa darted aan anfaco isku mida quudano ee maxaad cunaysaa caawa, waliba xiliyada ay waqti kulan isku helaan, waxay ahaayeen laba qof oo labiska ama huga oo qudha ku kala duwan , dhar ahaan, balse muuqa iyo midabka iskaga mid ah, jacaylkaa gaaxday ee heerkaa halista ah gaadhay, ee hadii ayna is arag saacad midba dhibta uu dareemayo, dhalan gadiyayso ka kale,AYAA WAATII HORE LOO YIDHI DABAR IYO HOGAAN IYO DANI WAA SEETEE.

Iyadoo xaal halkaa marayo ayaa waxa dhoof u soo baxay ifraax, nasiibkaa mid udhawna waxa helay Deeq, oo waxbarasho jamacadeed u helay ADDIS ABABA, ifraax oo u socota Denmark iyo deeq oo jamacad u tagay adiis, ayaa labaduba safarkii gaadhi ugu baqoolay meel labadaba dantoodu ku xidhnayd.

waxa ay noqdeen laba nafood oo isku mid ah, oo isku milmay,daymada indhahaa isku doogsade, sababtoo ah DHAAYIHII IS JECELBAA DHAB AHAAN IS RAADSHO DHAYAL UKALA JEEDSAN.

intii jidka lagu jiray qooraansi eegmada indhihii ayaa qaloocday, naf wax jecel ag joogta waa u nasiib iyo naruuro, xawaaraha u jaraayo gaadhiga ay saran yihiin waxa barbar socda, xawaaraha uu jaraayo wadnaha iyo dareenka deeq,waayo? Deeq waxa uu u ogyahay safarkiisa inuu ku eegyahay adis ababa, balse ifraax tahay qof u dhoofaysa dal shisheeye iyo dibad fog, is aragii dhaayuhu ku doogsan jireen ku danbaynayo dhagaysi, qudheeda ifraax shidada iyo shawrka kalgacayl kuma yara, oo iyaduba waxay ka fakaraysa jacaylkan safarka galay balse socdaalkii dhawaa fogaanayo, waxay yimaadeen ADISABABA iyagoo umal iyo urugo jacayl, midba gaarkii ula tiicayo,

hasa aahaatee may noqon laba qof oo xaafad wada daga, ifraax waxay dagtay booli, deeqna waxa uu la dagay adeerkii oo caruurtiisa dhoofinaayay oo dagan xaafada la yidhaah SHOOLA.

jacaylkii waxa durba soo food saaray duruufo lagama maarmaan ah. Ifraax waa qof safar kale laga sugayo , oo markiiba waxa loo dhaqaajiyay xaraynta foomka fiisaha iyo hawl safaaradeed, deeq laftiisa jacayl darani haku dagee, oo daruuro kalgacayl xambaarsan dhibica sida mahiigaan ha ugu asqeeyaane, isna hawl ayaa sugaysa oo ah inuu galo jamacada oo u baahan dariiq dheer, balse jacaylka uu u hayo ifraax ayaa ku kalifay intay tagayso in aanu waxbarasho bilaabin waayo?

Waxa aad ugu mudan aragtida ifraax, hase ahaatee ifraax safaarada qacanta kuma haysato, halka uu deeq maalinba waqtiga riixayo, oo uu adeerkii ku maawelinaayo jaamacad I qancisa ayaan raadsanayaa ee dagdagu ma wacna,

waxaanu taas u samaynayaa waa firaaqo aad u heshid yartan ifraax ee lagu beeray maskaxdiisa,ee sida geedka ka dhex baxday, ifraax dhankeeda dhibtu kuma yara oo waxay qaadaysaa oo ay ku sugantahay,AMA DHAMAC KALGACALBAA I DHALAALINAYSOO INTA’AAN LA DHOLANDHOLAY DHEXDU ILA YARAATAY.

Hase ahaatee, tagitaankeeda waxa qabanqaabinaya abtigeed iyo walaalkeed,kuna raad jooga ilaalinta iyo dhawarista ifraax, maadama dhulkani yahay mid shisheeye oo dhaqan ahaan kala duwanahay, waxa deeq uu ku guulaystay in uu helo taleefanka ifraax, waanu lahadlay salaam diiran oo kalgacayl dabadeed, waxa uu u sheegay in galitaankii jaamacda u darted u hakiyay, maadama mardanbe oo ale qadaro mooyee ay tahay aragii ugu danbeeyay, intaa markuu hadalkii marinaayo ayay tidhi, walaal waan qiiro ooyay ee halkee ayaan kugu imaadaa.

deeq ayaa si naxarisi ku dheehantay ugu jawaabay , walaal anaa ku imanayee iska joog, naf wax jeceli dhibanaa, deeq gaadhi ayuu kiraystay geeya xaafada ay daganayd ifraax.

jacayl waayo badanaa ifraax dibada ayay ku sugtay, waana ay kulmeen bariido qacmmeed, faraha la is dhaafsay waxay geeysay guri ay jaar ahaayeen, deeq waa lagu sii diday oo kaarkii caashaqa ayaa ku sii fiday, waxa uu qaadayaa JACAYLKAN DHULKAYGIYO HALKAN IGU DHIBAAYAAN DAL DHEER U DHOOFINAAYAA.

waw, ifraax lafteedu ma dhawa oo waxay maraysaa “sidii aan u laab kacay ladi waayay jiifkoo”, is warayste oo u sheegtay inay heshay fiisihii oo la siinayo laba todobaad oo ah 14 cisho, intaasna ay wada xidhiidhayaan deeq waa u farxad marna waa u naxdin waayo ?

jacaykisi ayaa helay nasiib wacan oo dhoof, marna waa uu murugo, oo ifraax xasuus uu qalbiga ka daawado mooyee isarag imika waa gabaabsi waxaase u leeyahay “dhawristeeda oo qudhaan ayaan dhawr ku qadayaa”, oo agjoogeedu guul iyo farxad ugu filan, waana uu ku hambalyeeyay waxaanu u sheegay in uu sugaayo, intaasna ay xidhiidh taleefan iyo netka kuwada noolaadan, maalinkastana inta ay joogto maagaalada u imanaayo si ILDOOGSI ugu noqoto, ifraax way ka aqbashay, waxaanay tidhi “ADIGA IYO JACAYLKABA IDIN ILAAWI MAAYO’OO WAAN IDIN TABAYAA”, maalintaa iyo maalmihii ka danbeeyaya waxay noloshooda ku qaateen dharaaro macaan, oo midba midka kale uu mabsuudo,

balse , maalmihii sida badda caariday oo soo buuxsantay ayay dagnaan iyo lama filaan ku soo idlaadeen, deeq caashaqu biyo dhig, dhinac walba kalgacaylku u dhaaf, ifraax way laqabtaa dareenkaa hasa ahaatee farahaa ilaahay masimee,waxa qadarin badan oo cishqigu ku wayn yahay waa deeq, waayo?

Isagaa laga tagayaa waxaaba lagaadhay dhoofkii, ifraax bulsho uu ku jirro deeq ayaa sii galbisay,balse deeq meel uu maraayo isma oga, waxaabu ku sigtay inuu diyaarada balaasha qabsado marka laga eego, sida uu u foofay iyo badwaynta jacaylka ee lagaga tagay, waxaase niyada u dhistay ifraax oo tidhi, anaa kuu nool ee ha warwarin la isna maca salaamee

ifraax oyday ,deeqna ilmee dhiig caashaq, duushay oo diyaaradii kacday,deeqna isagoo dalanbaabiya ku soo noqoy halkuu daganaa, waagii bari, deeq qalbiga ayuu ka daalanyahay , intaan xalay moodaayay in uu hurdo,,waxa uu saarnaa diyaaradii ay ifraax raaxday, waa gataati dhac, xili barqo ah ayaan toosiyay, markuu indhaha kala qaaday ayuu yidhi iifraax inoo gee, anoo dareensan waxa ka hadlinyaa in uu yahay jacayl qoto dheer, oo qalbigiisa galay ayaan ku idhi

Saaxiib waataynu xalay anba bixinay markaasuu intuu soobaaday yidhi” alla waa runtaa sxb sideen ahaa “ waxan ugu jawaabay “waa jacayl iyo caadkii” sadex casho markay maqnayd ifraax ayay soo hadashay ayadoo kawaramaysa nabad qabkeeda waana ay wada hadleen

Number uu kala hadlo ayay siisay, waana uu kala xidhiidhi jiray ,

Deeq waxa uu joogaa adiss oo ah, halkii jacaylku kaga dhoofay , waxa ay markasta ishiisu qabataa , maalmihii ay wada joogeen dhulkay mari jireen , taasi hadaba waxa ay deeq kadhigtay , maxbuus qalbiga uga xidhan ifraax oo waxa uu qaadayaa

“ADIGOO DALDHEER JIRAAN HALKAN KAA DAREEMAA IFRAAX WAAN KU JECELAHAY”

Waxa uu bilaabay Tacliintiisii , hase yeeshee isaga ayaabay jaamacadi kafuran tahay beerkiisa

Oo waxa ka ifaysa ifraax , oo marka aanay lasoo hadal waaba bastii oo balo ayaa ka higle

Markuu la hadlana ma ah wiil buka oo waabu bogsadaa , waxaas oo dhana waxa sababay caashaq , jacayl , iyo kalgacayl is urursaday oo guluf ku haya isaga

LAABI LABA U LA hadaba ninkii isku kari waa tacliin iyo taleefan ku hadal , waa ifraax oo biixiyaha dhabarka howl yari ku baahday , waxa uu dhigay qalin kii qalbigana waxa uu ku xardhay ifraax oo kaliya , nasiib daro’se waxay tahay ‘siduu ugu lisay ugumay hambayn’

Ileyn waa gabadh yurub gashay oo jacayl kiiba way ka mashquushay

Isagiina ayada oo kaliya ayaabu ku mashquulsan yahay , maalinba maalinta ka danbaysa waxa sii yaraanayay soo hadal keedii , deeqna wuu sii karaar qaadanayay

Waxa hadaba ku sii kordhay Dhamac kalgacayl oo adkaysi u diiday waxaana qalbigiisa kadhex maaxaysa ifraax oo sida miiraale roob iyo weedhka hadba dhinac kaga meeraysanaysa maskaxdiisa

Gantaal jacayl ayaa siwayn ugu dhacay markii ay ifraax anba baxday , waxaanu noqday baal dabayli sidato iyo badwayn baaxaa dagaysa , waxa uu hadaba deeq hamuun iyo hiirtaanyo uqabaa Hadalka ifraax

Balse iyadu sidii ay u baqooshay way yaraysay hadalkii uu u jeelanaa , hadaba deeq waxa ku dhacay dareen cidlo

Waxaanu noqday maxbuus uxidhan gabadh aan xukun ku ridan oo dulman , Balse ilaa imika deeq waa uu kujiraa Jeel caashaq oo aan lahayn Loyar iyo Maxkamad u dooda Marka laga reebo aniga oo u caqli celin jiray Samir iyo dulqaadna fari jiray

Hase yeeshee ilayn waanadu madeeqdo Ruux jacayl ku wayn yahay Deeq iga diid waanadii Balse Jacayl ayaa dardaray oo waxa uu yidhi

ADAAN DOOG JACAYL IYO KALGACAYL KU DAARINE MIYAAN DUNIBA JOOGAA

SAAXIIB WAAN SILIC SOCDAAYE HADAL KAA IDAM QAAYEE IGADAA WALAAL

Markuu Halkaa marinaayay ayaan go aansaday inaan raadiyo ifraax si aan ugu sheego halka ay saaxib kay lamarayso dhibaatada jacay ee ku kaliyay satay

Nasiib wanaag waan helay ifraax , waxaan se odhaahdeedii kadareemay in uu jacaylkeedu ku ekaa eriboodka (airport) sidaan anigu u maleeyay

Markaa waxaa halkaasi aan kadareemay in jacaylkii deeq iyo kii ifraaxba ku kaliyaystay isla saxiib kay deeq marhadii lagaga tagay oon loo ogayn,

Hadaba ilayn lamaanahayni isjeclaa waxa kala fogeeyay war xuma tashiil , waxa ay nasiibdaradu tahay in ay ifraax rumaysatay warxuma tashiil kaasi soo weeraray

Saxiibkay deeqna waa uu lasocday in lakala fogeeyay hadaba wakhtigaa saxiibkay wuxu isku maaweelinayay hees aan midheheedii ka xasuusto,

CAKU LABA ISBARATOO

ISKU BOGOO ISKALA BAXAY

BOQOLKU IYO DHEERAAD

MARKUU BAAHAY XIISUHU

KALGACAYLKII SOOBAXAY

BISILYAHAY LACUNI LAA

ISBARIIDIN WAAYOO

BINI AADAM KALA DILAY

Bal hadaba kadis kani layaabkale ee dhacay dadoow ufiirsada

Isaga oo deeq ku hawlan heestani oo maskax diisa iyo qalbigu isku jiibinayaan ayaa waxa soo dhacay taleefan aniga idoonaya saxiibkay deeqna uu I agfadhiyaa

Si dag dag ah ayaan u qabtay Waxanan ogaaday in ay tahay ifraax

Bariido aanu is waydaarsanay dabadeed waxa aan markiiba la boobay waano iyo canaan isu jira , intaa kadib waxa aan taleefan kii ugu dhiibay deeq

Hadaba markii aan u fidiyay gacanta taleefanka saxiibkay waxa aan wajigiisa kadareemay

Furfurnaan ,hididiilo , iyo rajo uu kadamacsanyahay soonoqodka ifraax intaa kadib maxaa dhici doona

Deeq oo si dag dag ah u hadlaya ayaa yidhi ‘ walaal is daji cid aan adiga aduunka kaa jecelahay majirto waxaa laguu sheegayna waa waxba kama jiraan ‘

Hase ahaatee iyadu dhag jalaq umay siin halkiina kama dabcin waxaanay ku adkaysatay in wax yaalahaa looga soo tabiyay oo ilayn show ahaa inuu gabadh kale la rafiiqay ay jiraan

Iyaduna fariintan ay waday ay ahayd uun inay kabaxday oo ay is fasaxaan

Intaas oo la is dhaafsaday kadib Deeq wajigiisu wuxuu isu badalay dhidid miidhan , murugo , iyo ciil kasoo if baxay wajiga saxiibkay deeq , waxaanu dirqi ku haleelay intii aanay dhigin telefonka

IBAD BAADI BEERKAAD LABAXDAA BUKOODEE

Markii arinku halkaasi marayay gabal ayaa u dhacay deeq waxaanu ku muusanaabay

WEHELKA WEHELKAYGA CAASHAQA

LAWADAAGI JIRAY BAAN

WALI U YEEDHA

WAKHTIGII WACNAAYEE

IWAYDAARTAY BAAN

WALI XASUUSTAA

Hadaba aniga iyo saxiibkay deeq halkii ayaanu ku kala tagnay habeen kaasi isaga oo aad u murugo iyo ciilba qaba

Waxa la isu soo noqday aroornimadii iyo fagaarihii asxaabtu ku kulmi jirtay

Asxaabtana waxa ku jiray qaybtii kashayqaysay isu dirka deeq iyo ifraax iyagoo ku hadaaqaya erayo laga soo xigtay ifraax oo sumcada iyo sharafta deeq ku tumanaysa , halka uu deeqna marka laga waraysto ifraax uu erayo wanaagsan iyo amaan kabixinaayay hase yeeshee markii ay erayadaasi dhawaca ku sii kordhinayay deeq hadhiwaayeen kalatagistii ifraaxna ay kalmadahaasi kaga dhib bateen

Ayaanu habeen qol isugu nimidnay aniga iyo saxiibkay deeq isagoo ay laabtiisa gubayaan kalmadihii warxuma tashiilku

Wax uu jiif iyo joog xamili waayaba , mar ay goor sheegtu (sacadu) ahayd cabaara 2:30 kii habeenimo goobtuna tahay Ethiopia (adis ababa) ayaa aniga oo hurda waxa aan ku toosay saxiibkay oo jiif iyo joogba xamili la oo kacaa fadhiisanaya

Deeq waxa uu markiiba qaatay Talefan I agyaalay waxaanan waydii yay cida soo jeeda ee uu xiligan garaacayo , waxaanu ii sheegay in uu garaacayo ifraax

Runtii aniga waxa ay igu noqotay layaab dhibaatada saxiib kay uu la baaxaa dagayo

Deeq waxa uu garaacay ifraax , Talefan kii ayaanay ka qabatay , waxaanu ku yidhi isaga oo cabsanaya

“ IFRAAX WALAAL WAA ANIGA WAA DEEQ, KUU MAAN SOO GARAACIN INAAN KAA NIXIYO WALAL, XILIGAN AAN KU SOO GARAACAYNA WALI WAXA AY KA TURJUMAYSAA JACAYL KA AAN KUU QABO, KUNA ILAAWI MAAYO INTA AAN NOOLAHAY WAXANAN RAJAYNAYAA HADII AAN IFKA ISU ARKI WAYNAY INAAN HOYGA AAKHIRO ISU ARAGNO, WAXAAN SE KAA CODSANAYAA INAAD IGA DAYSO CEEBTA IYO AFLAGAADADA TAASOO IGU KEENTA MARWALBA DHAAWAC KAWAYN KII KALA FOGAAN SHEHEENU I YEELAY , WAXAANAN KU FARXI LAHAA ADIGA OO AAN WEEDH SAN KAA MAQLO.

Intaa kadib deeq waxa uu isaga oon iyada jawaab kasugayn dhigay talefoon kii inta kali ah eegubaysayna ay ahayd intaasi uu u qodobeeyay ifraax

Hadaba aniga oo lasocday dhibaatada iyo baaxaa daga ku kali ah saxiibkay iyo sida uu xidhiidh koodu u kala go’ay , warxuma tashiilka weeraray ayaa waxa igu dhalatay maansadan oo aan ugu magac daray HAATUF CAASHAQ waxanay ahayd sidan .

 

1.

WAA HAATUF CAASHAQOO

HALKAAN U HOYDIYO

HEER KAAN KU SUGANAHAY

HAWRAAR KUUGU SHEGIYE

2.

KOLAY WAAN HUBAAYOO

HADIMADA KALGACALKA

ANIGAA LAHOYDOO

IFKA UGA HULEELEE

3.

KOLKAAD I HAGRATEED

IIGA HIILIN WAYDAY

HALISTAA JACAYLKEE

HALIIGAYSA BEERKEE

4.

OGSOONOW HABEEN QUDHA

HAMIGAYGA LAABTIYO

KAMAAD HADHIN BOGAYGOO

HALBAWLAHAAD KU NOOLAYD

5.

OO HANAQA IYO LAABTAAD

HADBA QAYB DAGTAAYOO

SIDA HILAACA KARANTII

KA HANQADHAA DUSHAYDEE

6.

SIDAN HAYB SIGAAGII

HABOONEEY DARAADAA

NAFTA KUUGU HURAYEEN

U HIBEEYAY AWGAA

7.

ADNA WAAD IHIIFTOO

MAAD HAGAAJIN QALBIGII

HANAQAAD JACAYL IYO

HOR ILAAH U TAAGNAA

8.

RUUX HOGA XABAASHIYO

IIL HOOSE TAGAYOO

ABID KAA HADHAYNOO

KUU HARAADAN BAAN AHAY

9.

HAYEESHEE IFRAAXEEY

HAMBALYIYO SALAAN IYO

HIBASHIYO XASUUS BAAN

KUUSOO HANEEYEE

10.

KOLKA AAD HALEESHEE

HADALQAAD KA WAAYAHA

HAASAAWAHAA GUUD

DADKU KUGU HAYBSHAAN

11.

HALKA AAN KAA XIGO

NAFTU KAMA HABAWDEE

HAWRAAR SAN TILMAANTAY

SI HUFAN U TABIYOO

12.

NAFTAA HIRDOOGLIYO

MALAB HIBITIQAAYA

U HAYSAN ABIDOO

BARYO KUGU SOO HADHGALIYE

Comments Off on 4

4

Posted by | May 25, 2018 | Uncategorized

By: Rahma Mohamed Yusuf
Sharaf waxay ahayd inan ayeeyadeed oo lagu magacaabi jirey Dhudi la nool. Waxay
ahayd qofka ayeeydeed aduunka ugu jeclayd. Sharaf waxay reerkeeda u ahayd curad.
Haseyeeshee, ayeeyadeed ayaa qaadatay markay gu’ jir ahayd. Sharaf waxay ahayd inanta ugu
maskaxda badan beesheeda. Waxay ahayd inan aad u fikir dheer oo sheedda fog wax ka
aragta.Waxay ahayd inan gaari ah aan naagina is barbar dhigi Karin. Intaa waxa u dheeraa inay
Sharaf ahayd farsamo yaqaanad aad u xeelsheer. Dadku waxay aqalka ayeeydeed ku tilmaami
jireen buur la dheho Hadhiya oo ahayd buurta ugu weyn uguna dheer deegaankooda. Aqalku
haba weeynaado oo ha quruxbadnaadee, waxa dheeraa inta cawsas, kebdo, iyo dermooyin
dhamaystiran ee duuban. Noockasta oo shaqo ah-hadday tahay sahan, reer rarid, aqal dhisid iyo
furfurid, neef qalis, guri oodis, cunto Karin, iyo xoola aroorin- Sharaf baa u heelanayd. Sharaf
waxay ahayd gabadh yar laakiin dumarrro waaweyn oo guryo iyo caruuro leh ayaa u iman jiray
iyagoo ka dalbanaya inay tusto naqshadaha ay aqalka ayeeydeed u sharaxday.
Sharaf way nasisay ayeeydeed, abtiyadeed, iyo awoowgeed, waxaana suurto gal ahayd in
Sharaf la’aanteed ay reerka waxba u hirgeli waayaan. Aad ayaa Sharaf looga jeclaa loogana
qaddarin jiray xaafadda ay ku nooleyd dumarrada abtiyadeedna waxay ula dhaqmi jireen sidii
inantooda oo kale. Sharaf aad baa geyaanka looga ixtiraami jiray marka fagaare laysugu
yimaadona, iyadaa go’aanada ugu suubani ka soo goi jireen. Waxay ahayd inan ixtiraam iyo
naxariis badan oo waaweynkana kor u eegta yar-yarkana hoos.
Sharafa may ahayn inan maskax badan amaba gaari ah amaba farsamo yaqaan ah oo
keliya, balse waxay ahayd inan quruxdeedu ka hirgashay deegaankoo dhan. Ninkastaa wuxuu u
soo dhukusi jirey si uu iyada u arko oo keliya, kii arkaana wuxuu noqon jiray isagoo taahaya oo
leh, “Qalbigaa layga wareemee, duumo idin laysee daawadiisu waa Sharaf.” Qurux iyo qaayo
ayaa rabbi u dhameeyey. Intii qalanjo la amaaney addunka, wax Sharaf lagu amaano waa la
waayey ragna wuu diidey inuu goray, faras, iyo deero la barbardhigo iyada. Raggu waxay isugu
tilmaami jireen “Tii quruxdii nebi Yusuf Rabbi deeqda u siiyey.” Ninna wuu ku dhici waayey
inuu soo doono iyada maxaa yeelay midkastaa wuu ogaa inuu ceboobidoono markay Sharaf
hadaladeeda xikmadda leh ku wanjarto ee waa ku uu ka jawaabo suaale, garanwaayo waxay
su’aaleheeda ka waddo. Waxay rag badani u derrisi jireen si ay iyada habeen ula baxaan, laakiin
Sharaf way ka badin waayeen.
Nasiib darro, Sharaf aabaheed wuxuu bixiyey iyadoo uurka ku jirta inanka la siiyeyna
markay dhalatay buu labo jirsaday. Inanku wuxuu ka dhashay reer maalqabeen ah oo ad mooddo
inay Janno firdawsa ka soo rakaadeen. Sharaf way ka war haysay dhacdadan laakiin may jeclayn
inay ka hadasho waxayna rajeyn jirtay in Rabbi iyada iyo reer Qawdhan wax kala dhaxdhigo.
Reer Qawdhan waa reerka ay Sharaf inankooda u doonanayd oo Sharafna aad u necbayd maxaa
yeelay waxay iyaga u arkeysey reer fasahaaday oo kibir ku talis ah.
Gu’gii ay Sharaf 17jirsatay ayaa hooyadeed geeriyootay. Laba ayaamood geeridii ka
bacdi ayaa Sharaf aabaheed Maxamed Marooro oo ku magacdheeraa Dacde soo hishay oo u soo
dheelmaday gurigii sodohdii. Odaygii oo giirar leh ayaa reerkii u soo hoydey. Si quruxbadan
ayaa sodoggii, sodohdii, iyo seediyadii u soo dhaweeyeen. Haseyeeshee, taa muu mahadin wixii
lagu macsuumayna cankuu u dhigay isaga oo aan reerka si sharaf leh salaanta uga qaadin. Intuu
shabacay oo uguska xoqday ayuu ku dhawaaqay wax reerkii ka fajiciyey. Odagii afkiisa waxa
laga helay inuu u soo dheelmaday inuu inantiisa Sharaf kaxaysto. Reerkii dhafoorada iyo
dhabanaday wada qabteen yaab iyo amankaagna way la jaahwareereen. Sharaf iyada qalbi
wareegbaa la degey xaaladana si ay u waajahdo way garanwaydey. Dhudi waxaa u dhinayd inay
ku dhawaaqdo ilaahow dhulka iga dusi. Dhudi waxay is tidhi haddii kii rag ahaa Alle saa u
qadaray, bal aduu xagga xuska ku dhaan dabadeedna waxay u sheegtay inay raaci karto.
Haseyeeshee, taasi Sharaf way mari weydey waxayna ku madax adaygtay inay raacdo aabaheed
halkuu xaaji Dacde almey iska soo jiiday nidirna ku galay inuu qof dooxi haday soo raaci waydo.
Sharaf ma jeclaysan in ay sababto dhimasho sidaa darteena aabaheed way raacday.
Sharaf way is afgaranwaayeen reer aabaheed. Waxay ku dhex darsantahay toban
walaaleheed ah oo iyada iska wada leeg halka kan iyada ku xigaa toban bilood ka yaraa. Iyada
iyo walaaleheed ismay jeclaan waxayna walaaleheed ku billaabeen xin iyo xaasidnimo intay
been maryo u gelinkaraana aabahood kusoo dho’ siiyaa. Dacde wuxuu had iyo jeer Sharaf ula
diyaar ahaa inu dhebi u qaado. Ayaamii dambena wuxuu bilaabay inuu habbeen kasta markuu
soo hoydo uu afarta adin ka tumo.
Wax kasta Sharaf way xamishay laakiin waxay ka ledi weydey aabaheed oo had iyo goor
ka hadlaya Sharaf iyo doonanaanteeda. Kasii darane, wuxuu u hadli jiray sidii in reer Qawdhan
ay iska leeyihiin iyada wuxuuna ku hamiyi jiray xoolaa badan uu ka qaadan doono. Sharaf
waxay aabaheed u sheegtay inuu fekiradiisa xun-xun kala fogaado haddii ay rabto inay
guursatona iyadaa doonan ninkay rabto. Dacde intuu labada dhafoor is qabtay ayuu dhirbaaxo
dheg iyo dhafoor fujiyay Sharaf. Sharaf intaa kumay aamusine way raacisay, “Haddi aad rabto in
aad la xidido reerkan aad la alaakoodayso eed u miyir beeshay, hablahaaga aad korsatee
koolkooliso mid sii.” “Belo la tagtayeey, caqli xaarwalwaaleey, goormay dumarku dhaxleen
awoodda ay kaga talinayaan meeshay marayaan? Goormaa la gaadhey heerka naagi ninkeeda ku
doorato? Alla waan arkaayey in aanya dawo yeelanayn inan ba’ Dhudi ku dhex kortay” ayaa
Dacde afkiisa ka so dhubuq yidhi Sharafna aad bay uga xanaaqday inuu dhalleceeyo ayeeydeed.
“EEyaa, hadaan inanta Dhudi kuu dhixin, maanta kumaad hammi dheeraateen geelaad iga
qaadan doonto,” ayaa Sharaf ku jawaabtey. “Hooyadaa dulliyad bay sidaado kale ahayd.
Dumarku waa alaab la kala iibsado, tii faa’iido yeelan weydana daadkaa la raaciyaa. Sharafeey
waa in aad ka war haysaa halka aad ku haabbontahay.
Sharaf ayaa sanadkii xigay khasab ninkii loogu dhisay. Shaamil waa ninka Sharaf
guursaday waana nin aad isula hanweyn oo jecel inuu hawada ku socdo cagaana kor uga qaado
dhulka qofkastaa marayo. Wuu kasii xag jiray siday Sharaf ka aaminsanayd. Sharaf iyo Shaamil
way is fahmi waayeen waxayna isku noqdeen dab iyo gaas. Waxaa heegan noqotay in ay Sharaf
iyo Shaamil habeen iyo dharaar is dagaalaan. Sharaf waa aftahanad, marka uu Shaamilna ka
garbixi waayo ayuu faraa ula tagi jirey maxaa yeelay markay noqoto hadal iyadaa ka badisa isna
muu ogolayn inuu marnaba khasaaro. Waxay Sharaf u gashay reer ay koodii yaraa iyo kii
weynaa ka amaan beeshay habarta sodohdeed ha u darnaatee. Halka ummaddu is sa salaanto,
habarttu, oo ku magic dheerayd Qayliya, waxay ku bilaabi jirtay cay iyo habaar Sharaf. Islaan
weyn oo wax karooxaysaana waxay noqotay sharka ka cawdubille. Hablii dumaashiyiyadeedna
waxay u raaceen hooyadood. Odayga Qawdhan uunbaa inanta qadarin jirey oo dadka ka didin
jirey.
Markuu Qawdhan inankiisa u hanjabo oo Sharaf dufaaco inanku wuxuu jawaab celin
jiray, “ EE adiga yaa ku yidhi ciyaar naga dhigo oo naag aanad ka war hayn waxay noqon doonto
dun noogu xidh. EE naagtu waa inay Tafo-dhiig noqotaa oo rag u go’aa.” Si kataba ha ahaatee,
Shaamil kamuu war hayn muuna dareemin in ay Sharaf Tafo-dhiig kumanaan u dhintaan ka
qiimo badnayd.
Marka uu gabalku dhaco ayuu Shaamil haasaawe u baxi jiray Sharafna taa way ka
xumayd wayna u adkaysan weydey iyada iyo Shaamilna way ku dagaalameen taa halku uu
damcay inuu Sharaf fasax aan so noqosho lahayn u jaro. Haseyeeshee qawdhan muu ogolaan
inay taasi dhacdo. Waxaa Sharaf arooskeeda ka soo wareegay 2 bilood markuu Shaamil la
guursadey. Sharaf guurka Shaamil aad buu u dhaawacay laakiin may tusin inay wax ka qabto
guurkiisa maadama uu soddogeed aad u jeclaa ayna ogayd in aanu naagta Shaamil la guursado
ka jeclaanayan.
Shaamil hooyadii baa ku qancisay inuu guursado uuna ka hadhgalo kana nasto qaxarka
Sharaf. Cambaro waxay ka dhalatay reer ay reeraa islaanta Qawdhan isku deegaan yihiin.
Shaamil Hooyadii weligeed bay rabtey in inan ka dhalatay reerka cambaro soo gasho gurigeeda
maxaa yeelay waxay saaxibtinimo dheeri ka dhexesay cambaro hooyadeed. Shaamil hooyadii
waxay heshay fursad aad uga farxisay Qawdhanna inankiisa muu joojin maxaa yeelay dhawr
goor buu isku deyey wuuna dhega adaygay. Reerka Cambaro ka dhalatay aad bay ugu
mabsuudeen in ina Qawdhan inantooda soo doonay maadaama ay naag kastaa ku riyooto inay
reer Qawdhan u gasho gaar ahaan nolol la wadaagto Shaamil. Cambaro aad bay u qurxoonayd
laakiin quruxdeedu waxay ahayd ta lagu tilmaamo hilaac basari.
Shaamil si xun buu ula dhaqmi jiray Sharaf la aqalgalkiisa Cambaro ka bacdi wuxuuna is
ku deyi joray inuu waxyeeleeyo iyada. Waxa dhici jirtay inuu mar ugu yimaado si uu uga
maadaysto iyada. Wuxuu u sheegi jirey in cambaro ay iyada ka wacantahay kana qurux
badantahay uuna qayladeedii ka raystay. Wuxuu Cambaro lasoo dejiyey Sharaf aqalna uga
barbar dhisay si uu iyada xumeeyo darteed. Wuxuu Cambaro u soo wareejiyey walaashii si ay u
caawiso Cambarona u hawshoon. Shaamil hooyiidana waxay Sharaf ugu hanjabtaa inuu
inakeedu rabin furayona haddii ay nuku’ nuku’ keento. Sharaf way ka hanweeynayd inay habar
haylaa dhigatay la tirsato. Wixii dhacana ishay kala socon jirtay.
Cambaro waxay ahayd inanta basarinimada kaalinta koowaad qaaday doqiinanadana wax
ka badiya la waayey. Haddii aya tafaha ka ololayna may garanjirin is bakhtii. Intii segeger
dhalatay, tii ugu layaabka badnayd bay ahayd.
Markiiba waxay Cambaro ku xidhatay kun Naagood kuwaasoo ku dhiirrigelinjiray in
farsamo ka qabato naagtan Sharaf. Cambaro waxay dumaradii u imanjiray u qabaysi dharkii
noockasta lahaa ee mariinka loo siiyey halka ay iyaduna halo tafo dhilan ku jookhnayd. Inantii
Shaamil walaashii ee Cambaro loo keenay markay ka yaabtay bay ka carartay.
Gabadhii Cambaro way garanweydey aduu Shaamil Sharaf kaaga go’ay ee naag Sharaf
leh iska dhig illaa weligeedaa doqoni dheg lulatee. Shaamil yaabbaa alle u keenay markuu
maalinkasta yimaado gurigii oo an dab laga shidin ay Cambarona huruddo, maqantahay ama
aqalka naago kula shareerantahay halku ku ogaadeey inay tahay qof aan garanayn dab huri ilaa
aad u sheegto haddii aad u sheegtona aan garanayn saddex dhardhaar baa la isticmaalaa. Waxaa
dhacday inuu maalin tuulo aaday Cambarona u sii sheegay inay qadada bislayso intuu dabka u sii
shiday. Shaamil wuxuu soo noqday isagoo Cambaro bac alaaba u sida aan Sharafna shalfadi u
dheerayn. Wuxuu yimi Cambaro oo aanay ka qasnanyn oo dumar aqalka kula sheelan dabkiina
fuuray. Shaamil oo amankaagay ayaa ku jiireeyey aqalkii Sharaf. Sharaf way joogtaa laakiin
salaantii hadal may dhaafin. Shaamil isagoo khajilaad la ciiraya ayuu Sharaf cunto ka dalbaday.
Waxay Sharaf usoo dhigtay dhiil gadhoodh ah xaganna waxay ka soo rogtay joog muqmad iyo
subaga dabadeedna aqalkii u soo dhaaftay. Wuxuu Shaamil qoomameeyey siduu ula dhaqmay
Sharaf. Wuxuu qooomameeyey inuu naagnimadeeda arki waayey aanuuna qiimayn iyada.
Shaamil Sharaf wuu u yeedhay una sheegaya inuu alaabtan iyada u sido. “Markaad iibanaysay
ciddaad qalbiga ku haysay baa mutaysata.” Shaamil wuu fahmay inay u sheegayso in aanu iyada
u sidin.
Cambaro iyo Sharaf isma jecla illaa waa naago nin wadaaga e mashaakil badanina wuu
ka dhexdhacay halka Shaamilna uu bilaabay inuu jeclaado Sharaf.
Habeen habeenada ka mid ah ayaa rag marti ah u soo hoydeen guriga Shaamil. Shaamil
wuxuu Cambaro dacay dheer u sheegay inay ragga neef intuu bireeyey u qasho intuu geela u soo
lisayo lana caweynaayo. Goor danbuu raggii ka soo yare kacoo is yiri bal in hilibkii ay saartay
soo eeg wuxuuse la kulmay wax taariikhda banii adamka ku cusub. Wuxuu la kulmay Cambaro
oo neefkii oo aanay haragii ka saarin afartii adin oo majnihii leh ka jartay, dabadeedna docda ka
dooxday oo uskii faganaysa. Wax allaale iyo wuxuu sameeyo wuu garan waayey- ma naagtu
dilaa, ma neefkuu wax ka qabtaa, mise wuuba iskaga cararaa waxkasta. Gooruu cabbaar saa u
dul maliignaa Cambaro oo ciil is cun cunayo oo isleeyahay iyana docda ma ka dooxdaa ayuu
Cambaro shalmadeedii laba dible ugu xidhay afkana ka gingimay oo aqalkeeda ku soo yuuriyay.
Intuu xerada jaf yiri ayuu ka soo saaray wan weyn birta mariyay illleyn kii kale wax dad lagu
sharfo ma aha e. Isaga oo hadal la’aan ku sugan ayuu Sharaf u tegoo lugaa qabasay isagoo ka
baryaaya in ay neefka u qasho ceebna ka badbaaso.
Sharaf way ka aqbashay wuxuu ka dalbaday. Miridho yar eyey neefkii ku jarjartay cabaar
ka dibna raggii hilibkii u geysay. Sharaf may rabin in raggaasi ka ceeb xambaaraan guriga reer
Shaamil. Markuu waagu soo guduutay ayay raggii quraacdii uga dhag siisay maxaa yeelay way
jarmaadayeen. Barqadii buu Shaamil xasuustay inuu tii Cambaro xalay aqalka ku xidhay.
Cambaro waa la da’ Shaamil laakiin labaatankay jirtayba ciyaalka wayka caqli liidataa.
Dumaradii la shuurayn jiray Cambaro ayaa ogaadey qisada la soo deristay Cambaro xalay
waxayna u sheegeen inuu Shaamil ka door biday Sharaf oo uu rabey cunto ay iyadu karisay inay
martidu cunaan. Waxay kula taliyeen inay la dagaalanto Sharaf. Cambaro dumarkii timihii bay u
dabeen waxayna u diyaariyeen siyaabihii ay naagta uga adkaan layd. Sharaf oo dooxada u xaaba
doonatay ayay u soo dhukuseen iyadoo sii jeedan dhebi bay dhegta dabadeeda ka laqsiisayeen.
Sharaf inta madaxu dilaamay bay dhacday. Waxa Cambaro dumarku u sheegaan si toos aha bay
ugu dhaqaaqi jirtay, waxay u sii sheegeen waxay ku odhan lahayd Sharaf markay ridato. “Naa
weligaa Shaamil igama qaadaysid,” Cambaro ayaa tidhi. Illaa waa derderan oo garanmayso
naagtii kuu dhacdey ee dil way is ka gudub fadhiisatay . Sharaf intay soo toostay bay Cambaro
qabsatay oo dusha uga baxday dabadeedna ruquustay oo ceejo ku dibirisay. Haweenkii Cambaro
asxaabteeda ahaa intay tafaha soo qabasadeen bay Sharaf u rogeen dabadeedna la dileen
waxayna ka dul kaceen goor ay miyir beeshay. Intaa ka dib way soo qaadeen oo ku tureen
aqalkeeda. Waxay Cambaro u sheegeen inay aqalkeeda iska dhex oohiso ay markuu Shaamil
yimaado dhehdo naagtaada igu boodey. Si ay wax kasta run ugu ekaysiiyaan, Cambaro ayay
xagtimo dhaadheer ku dhigeen, dhengedna la shaceen, alaabtii aqalkeediina isku soo dumsheen
oo ka dhigeen in meesha labo qof iskula rafatay.
Shaamil baa yimid Cambaro oo ka barooranaysaa aqalkii oo oohinta iyo waxay isku
darayso laga qaxayo guriga oo aad mooddo in inay beelaheedii la haligay. Shaamil Cambaro
ayuu ka waraystay waxa dhacay iyo sida wax u dheceen Cambarona cabashadeedii iyo in Sharaf
is tiri wanjar ayay u taxday. Cambaro kama war hayso inuu Shaamil Sharaf hadda aad u jecel
yahay oo aanu awoodi karin inuu iyada daraadeed u jikaaro ama dhibaato u gaadhsiiyo. Shaamil
wuxuu is yiri bal Sharafna soo wareeyso, laakiin wuxuu la kulmay Sharaf oo weli miyir la’.
Shaamil karka wadnahaa goi gaaray maxaa yeelay wuxuu mooday in ay Sharaf dhimatay. Biyuu
ku shushubay wayna soo miyirsatey iyada oon meel qaadi karayn. Shaamil isagoo yaaban waxa
isu geeyey labada Naagood ayuu warka ka dhaguugay Sharaf. Markuu ogaadey in Cambaro iyo
saaxibadaheed Sharaf isugu tageen gardareysteenna ayuu ciil la miyir belay. Tii Cambaro kamay
qasnayn waxayna is lahayd hadduu Shaamil intii naf ahayd ee Sharaf ku hadhay ka saarayaa
laakiin isagoo budh sita ayuu kula soo dul dhacay oo dhabay daa ka saaray wuuna kula miyir
beelay. Cambaro mataqaan xattaa waa la cararaa ee wayska lignayd iyadoo la yaabban xanuunka
budhka.
Shaamil wuxuu ka raalli geliyey Sharaf wixii dhacay una sheegay in aanay dib u dhacayn
waxaa wax la mid ahi. Sharaf kamay ledi karayn wixii ku dhacay waxayna xasuusnayd hadaladii
ay Cambaro ka dul tiri. Sharaf waxay go’aansatay in ay Cambaro ka aar gudato.
Hadday cambaro bilowdey dagaal lagu kala qaadayo Shaamil, Sharaf waxay u diyaar
garowdey inay dhamayso iyaduna beretanka badin doonto. Waxay Sharaf bac ku xidhay fud
lo’aad iyo hilib ceedhiin ah oo kii martida ka hadhay, iyo go’ calool ah waxayna ku xabistay
meel aan jin iyo insi arki karin wuxuuna halkii ku jiray asbuuc. Waxay ka soo saartay meeshii
habeen uu Shaamil la jiray reer aabihii. Markay istiri haddu soo socdaana, intay xagga dambe
aqalka Cambaro uga wareegtay oo dabada ka daloolisay ayay cawska dadabta kasoo hoos
dusisay. Shaamil oo rooraya ayaa aqalkii Cambaro daf yidhi, markuu foodda saa u soo geliyay
ayaa ur aan hore loo arag ilaa maskaxda roortay Cambarona ma dareensana in aqalkeeda
qadhmoon ka dhex damaashaadayo shirarna ku qabsanayo. Shaamil oo liicliicaya ayaa aqalkii
Sharaf u leexday oo sariirta ku dul wab yiri cabbarna miyir la’aa. Cabbaar ka dib ayuu soo
miiraabay wuxuuna la kulmay Sharaf oo daafta fadhida oo dermo falkisanay aan danna ka lahayn
isaga.
Sharaf aqalkeeda naagina isma tiraahdo ha u ekaado maxaayeelay way ogyihiin in aanay
u suurto gelayn inay iyada gaadhaan. Xagga hoose ka sharraxanyahay, wuuna kala wada
guranyahay wuxuuna le’egyahay shan aqal oo laysku daray. Waxay aqalka ka gingimtay sariir
haddii odayga mareeykanka ugu qanisani ku jiifsado aanu ka kaceen quruxdeedana indhuu ka
daaleyn. Intaa aqalkeedu wuu rushaysnaanjiray fooxna ka bixi jiray. Wuxuu Shaamil la yaabay
intaa shay ee ay dhamaysay intii uu guursadey tan kale. Sharaf waa naag aad u xarrago badan
waxayna intaa ku jookhantahay dharba kuu ka sito.
Shaamil: Sharaf maxaad la hadli la’dahay?
Sharaf: martidu iyadaa aya salaanta ku horraysiisa?
Shaamil: oo ma marti baan kuu ahay?
Sharaf: waa siday u egtahay e maxaad la didsantahay?
Shaamil: waxba ma jiraan.
Waxaan Shaamil soo marayn inuu dheho Cambaro ayaa col ur ahi weeraray oo warmo la galay
aqalkeedii. Haseyeeshee, Sharaf hoosta ayay firixdaa ka haysaa waxayna ku dhawayd inay qosol
la gariirto.
Shaamil: “Sharaf waan gaajoonayaaye ee wax la cuno bal igu taag.” Shaamil wuu dheregsanaa
laakiin wuxuu rabey inuu Sharaf ka hadalsiiyo.
Sharaf: “oo qalbi dahab maxaa kaa soo eryadey.” Intay kacday ayay quud u keentay.
Shaamil: “ma qalbi dahab aan adi ahayn baa jirta.”
Sharaf: “Sidii in shiriya col kaala tegey.”
Shaamil: “Waxaa inaga dhaaf.” Shaamil wuxuu isleeyahay kama warhayso colka dhabta ah ee
Cambaro la nool caawa halka ay Sharafna isleedahay bal wuxuu yadhi.
Sharaf: “Inaadeer hore ii soo dhaaf markaad dherekto.”
Shaamil: “oo xagaad ii sii waddaa.”
Sharaf: “Taasi mid aad aniga I waydiinayso maaha.” Waxay Sharaf u danleedahay wuxuuu ku
dhawaaqo inay dhaguugto iyo bal wuxuu Cambaro ka dheho.
Shaamil: “Sharaf, waan ogahay in aad calool xumo ii haysid waanna ogayahay inaan mutaysto
ciqaab, laakiin hadii aan ku dheho maanta adaan kaa jeclahay Cambaro ma I rumaysanaysaa?
Markaan ku iri Cambaraa kaa wanaagsan run may ahayn. Waxkastaan ku iri been buu ahaa,
dagaalkii inaga dhexdhici jirayna waan u darsaday,” ayuu yidhi intuu soo garab fadhiistay.
Sharaf: “Waar waxan aad ka hadlaysid goor ay dhaceen kama warhayo, jacaylkan aad la
jadhadhac leedahayna cirka la aad.”
Sharaf: “Waan jeclahay in aan ku arko adoo xanaaqsan maxaa yeelay aad baad u qurux
badantahay. Waan ku……. Habeen wanaagsan.”
Markuu waagu soo guduutey ayay Sharaf kacday oo aqalka Cambaro dabada uga wareegay oo
wixii bacdii kaga wada ridday aqalka bacdiina xoortay. Waxa bacda ku arbudnaa oo dhami
wuxuu noqday ur iyo xisti. Markuu Shaamil aroortii soo toosay ayuu is yiri bal soo eeg inay tii
Cambaro ka badbaaddey wixii xalay. Wuxuu aroortii la kulamay baa ka darnaa wixii
habeenimada la kulmay.Wuxuu arkay aqalkii oo xisti dareerayo sidii daad. Isagoo juuq gabay
ayuu iska soo noqdey.
Maalintaa xooluu waxay u baxayeen aroor. Waxay Cambaro soo kacday Shaamil oo ku
quraacanaya ardaaga Sharaf kuna qanciyey Sharaf iney xoolaa la ceel geyso. Cambaro wixii
dhacayey bay aragtay.
Goor aya tahay tobanadii ayaa Cambaro saaxibadaheed soo dhigteen. Waxay dumarkii la
kulmeen shilkii Cambaro soo waajahay. Xabado xisti ah baa xitaa Cambaro timaa kaga
bakhtiyey. Iyagoo yaaban waxay ku hadlaanna aan garenayn ayey aqalkii Sharaf u daawasho
tageen. Wixii afka saaxibadaheed ka soo baxay qalbi jab buu ku riday Cambaro. “Naa ma
naagtan buu ninku kula qabaa. Bal aqalkeeda quruxdiisa eeg. Naa naagta nadiifnimadeedaan la
yaabanayn aqalkeedana weynidiisa, ee bal quruxdan daawo. Naa adigu tafo jeexan haylo uskag
baad tahay. Naa gurigaaga duqsi baa meelkasta maamula. Naa maantana dirxi baa ka dhashay.
Wax loo caal waayey baad tahay. Doqonniinaa ku dhishay oo daamanka ku dheeraysay. Naa
ninkaagu guriagaaga sanbuur buu ka qaadayaa. Alla berri buu ku furi ee sida si isugu dhaan,”
ayaa mid dumarka ka mid hayd ku canaanatay Cambaro.
“Naa damiinadiiyeey, miyaanad u fiirsan in uu ninku Sharaf hadda kaa jecelyahay. Gawso
weyneey sawtaa maanta raacday. Naa bilaa dareeme ayaad tahay,” ayaa mid kale ku cayday
Cambaro.
Intay tiro leekaayeen haweenkii Cambaro ayay taariikho cay iyo canaan ah u tiriyeen.
Cambaro oo calool xanuun lagu riday ayaa haweenkii ka dalbatay inay u taakuleeyaan oo wax u
sheegaan. Mid ka mida dumarkii ayaa halka ka soo haf tiri oo tiri, “Aan ka dumino aqalka
Sharaf.” Taasi haweenkii kale la may noqon fikir wanaagsan maxaa yeelay wax yeello weyn
kumuu ahayn Sharaf- aqalkoo dib loo dhiso ayuu xalku ahaa.
“Naa aqlka dab ha laga sudho,” ayaa mid kale ku hadaaqday. Taasi waxay noqotay taladii ugu
fiicanayd wayna ku farxeen. Waxay Cambaro u sheegeen inay aqalka Sharaf dab sudho
Cambarona way ku dhaqaaqdey halka ay guriga intiisa kale ka dhawreen inuu dab gaadho oo
dabkii ku ilaaliyeen aqalka iyo garabka Sharaf. Goor ay uuradii iyo ololkii is qabsadeen ayey
Cambaro dumarkii u sheegtay hadduu Shaamil ogaado inay iyadu ka dambayso waxan dhacay in
aanu naf kaga tegayn.
“Si aan loo fahmin in aynnu u danlahayn in aynnu gubno aqalka Sharaf aynnu baal ka gubno
aqalka Cambarona,” waxa tiri gabadhii marka horena tiri aynnu gubno aqalka.
Go’aankeedii waa lagu raacay aqalkii Cambarona baashaa laga sudhay dab halka aqalkii kale
gun iyo baar ka ololeyey. Mar aqalkii Cambaro caws iyo dermo shuf beeleen ayaa dad u soo
gurmadeen markay arkeen ololka dunida qabsadey. Markay arkeen in la soo socdo ayaay
dumarkii wixii biyo yaalley ku damiyeen aqalkii cambaro.
Aqalkii Sharaf waa la awoodi waayey in la damiyo waayo biyo meella kamay dhoweyn wayna
suurta geli weydey in ciidi damiso halkiibuuna shu shufbeelay.
Cidi uma warhayn laakiin gabadhan ku boorriysay Cambariyo in guriga la gubo waxay meesha
ka wadatey danweyn. Waxay Cambaro ula saaxiibtay si ay uga dhex faaidaysato cadaawadda
dhex taalla Cambaro iyo Sharaf. Gabadhan waleelkeed ayaa Sharaf rabey inuu kala baxo
Shaamil, naagtanina, oo lagu magacaabi jirey timiro, waxay rabtey si aay waleelkeed naagta ugu
saarto. Si ay taasi ugu suurtowdo waay inay ka dhex shaqayso oo isku dirto Sharaf iyo Shaamil
laakiin way u fuli weydey taasi. Haweenkaa qaar ka mid ahi waxay rabeen in ay galaan booska
Sharaf halka qaar ka mid ahina rabeen inay ka bacdi Cambaro iyo Shaamil kala diraan. Naag
waliba iyadaa danteeda gaar u wadatey.
Waxay Sharaf la kulantay aqalkeedi oo bas belay oo dambaskiisii raaskii buuxiyey Qawdhan iyo
islaantiisiina aag joogaan. Sharaf iyadoon weydiin waxa sababay bay Cambaro haw ku tiri oo
horta shan dhabanaano ka gaadhsiisay. Cambaro oo oohin qabsaatay bay baa Sharaf laga soo
jiidey. Intay Sharaf banaanka u baxday bay shan dhagax candhada u gelisay waxayna mid kala
haleeshay dhafoorka halka uu Cambaro dhafoorku dhayda noqday dhiiguna isku darsamay.
Cambaroo calyada daadinaysa ayaa Shaamilna ku qayliyey oo weydiiyey waxa waxan oo dhan
dunida ka riday. Qayliya ayaa halkan kasoo booddey iyadoo u halgamaysa Cambaro
sheegaysana in aanay caqliga geleyn in Cambaro gubto guriga maxaa yeelay aqalkeeda may
raacsiiseen. Shaamil umuu joojin hooyadii ee Cambaruu runtii ka shubay. Isagoo ciil la
liicliicaya ayuu Cambaro ku tuntey. Cambaroo sii naf baxay baana laga reebay. Wuxuu Shaamil
soo miyirsadey Sharaf oo aan aaggaba joogin wuuna ka daba dhigey. Sharaf intii lays
dagaalaayey bay tafaha qabsatay oo iska tagtay. Iyado dhamcatay ayuu Shaamil gaadhey oo
wadada ka hor istaagey una oglaan waayey inay socoto. “Sharaf shaydaanka iska naar xagaad u
socotaa.”
“Waar horta fikir xumidaa. Xaggeen joogaa oo aad ii negaynaysaa?” Wax kasta wuu sameeyey
laakiin way ka aqbali weydey inay joogto. Waxay taasi ku keliftay Shaamil inu gabay u riyo
iyada tusona inay qof aad u qaali ah agtiisa ka tahay
Intuu diinle gaal dheeryahaad
Dumarka dheertahaye
Dayax nuurayaad tihiyo,
Dunida oo idele
Deganeey qalbiga deeqaaay
Darmaneey indhaha doogshaay
Dahab iyo duunyaba daraadaa waan ka huleeli
Dagaal oo higsadey,
Dabaylahoo qixiyo,
Degaankoo halwaday, waa hubaal la’aantaa
Dufaac rag uma dareereen
Raggoo maqan
Geeloo golaha libaax ku liifaayo
Intay kuwo baroordiiqayaan
Ee hoogayeey hohduna yeedho
Aduun baa gaashaan la’aan goobta ka halgamiye
Iyadoo dumar taf yahay
Sidii webi daroogaysan
Hadduu ina rag dheelmado
Si uu dheeman uga dheehdo
Oo uu cagaago,
Dhidikiisuna dhooqo abuuro
Hadduu heeganeey yahay tan iyo
Maalintuu dunida deeynaayo
Abidkii ma helo marwo
Adi kula geyaan noqota
Dawladeey adoo qudha
Ayaa dunidaba deeqa
Wadnahaygu webiyuu muquurayaa
Adi ma jogaaga
Dadkoo wada barwaaqaysan
Baan lohonlohaayaaye
Waxaan luudayaa
Sidii oday laxaad beelay
Cambarona waa ciyaal
Caqli marooraysan oo
Waa malliigan meleg sidii sii e
Ha cadhoon hadday iyadu carruurowdey
Sharafeey ha tagin, addunyaba adaan ku haystaaye
Hadaladii Shaamil Sharaf kumay qancin in ay joogto. Waxayna go’aansatay inay u
jawaab celiso oo dareensiiso isaga inuu waxan oo dhan kii bilaabey.
Anoo uurka hooyaday
Ku hilan baa la I kaa hibeeyey
Anoo aan haa iyo maya karayn
Baa qaddarku I halleyey
Adaa dhayal moodey dhaladkayga
Adaa hawlaha bilaabay
Hadderna adaa harraadsan
Haddad mar matashade ahayd
Haddii Cambaro lagugu dabay
Hadderna ay tan tahay
Maxaa berrina I hor iman
Wax kasta wuu isku deyey laakiin Sharaf wuu ku guuleysan kari waayey inuu negeeyo.
Wuu ka yaabay in hadaladiisii aan ay Sharaf tusin faa’iidada joogeedu uu leeyahay.
Haseyeeshee, Shaamil wuu quusan waayey wuxuuna isku deyey inuu hees qalbigiisa ka soo
go’aday u tiriyo. Si kasta oo ay kuwada noolaayeen, wuu dareensiinayaa inuu in badan jeclaa
anuu se u sheegin iyada.
Jacyl daraaddii mala deyowdey
Intuu kalgacayl ku daashey
Dareenkaagana didhoodey
Dabaylaha maw war sheegtay
Dambaaburo quud ma moodey
Adoon duuleyn deganeynna
Adoo doonyo daran dul saaran
Damaashaad aan durbaan lahayniyo
Dabaaldeg mala dekaysay
Intuu kalgacayl ku dulleeyey
Adoon dan lahayn, dareeno kale
Sidii dameer da’a gabay
Duleedyo dadkale ma daaqday
Ninuu cishqigu duqeeyey
Ninuu dalalkale u dhoofshey
Daruuro aan daymo qaban u hoorshoo
Shimbiraa la duulshey
Misana uu daad la tegey
Ayuun baan dahab danayninoo
Dheemanta dhagaxyo mooda
Ayuun baan hadduu danab dillaamo
Ka ducaysan
Anaa taa maray dartaa e
Dareen iyo daryeel diirrimaad miyaan laguu ogeyn
Waxay Sharaf ogaatey inuu dhab u jecelyahay iyada, waxayna dib uga fekertay inay doqoniino
tahay in ay Cambaro ka guulaysato. Waxay go’aansatay in ay joogto cambarona tusto in wixii
dhacay aanu waxba ahayn. Sanad ka dib waxa Sharaf u dhisnaa aqal kii hore ka weyn oo ka
qurux dheer. Waxay Sharaf dhashay wiil iyo gabadh mataano ah Cambarona gabadh. Sanadkii
Sharaf aqalka samaysanaysay halkii bay Cambaro dacay dheerayd aqalkeeduna ka dalooley
docdii ay dabka ka sudheen. Halka dadku ka soo rayyo Cambaro way ka sii daraysay. Waxaanay
garan jirin in ay inanta yar cunnaysiiso.
Ilmaa Cambaro wuxuu jiray hal wiig markuu qaddarku helay. Cambaro intay aqalka dhex
dhigtay bay ka dhaqaaqdey waxaana u soo dabo martey bisad oo ilmii yaraa muska la gashay.
Waxa laysu yimid Cambaro oo aan hayn cunugii yaraa. Si kasta waa la yeelay laakiin waa laga
soo hadhay nuunihii. Iyada oo quus la taagan yahay baa Sharaf aragtay madaxii il maa yar oo
muska ku jira. Halkii bay qaylisay. Waxa loogu tegey lafo yar yar oo la fiiqay iyo madaxii yaraa
oo camanka laga feentay. Taasi waxay ahayd qalbi jabkii ugu weynaa ee Shaamil weligii
waajehay. Reer Qawdhan oo dhamina way wada tiiraanyeysnaayeen. Wuxuu maalintaa
go’aansadey inuu Cambaro aanu dib ugu arag agtiisa. Isla markiiba wuu furay Cambaro. Muu
ogolaan inay Cambaro u sii muuqmuuqato ee wuxuu ku eryey faras.

Comments Off on 3

3

Posted by | May 25, 2018 | Uncategorized

Tol Waa Nin Qumman Qabanqaabadiis iyo Nin Qalloocan
Qabanqaabadiis
W/Q Georgi Kapchits
Okt 01, 2014
________________________________________________________________________
Si xiise leh, ayaan u akhristay maqaal uu qoray Ibraahim M. Deeq uuna magac uga dhigay
“Kala Miirka Maahmaah iyo Odhaah, Gabay iyo Hees”, waxayna ila noqotay in maqaalku
uu mudan yahay in laga faalloodo, siiba qaybtiisa ku saabsan maahmaahyada iyo
odhaahyada. Qoraagu aad buu uga welwelsan yahay in si qumman loo kala garan waayo
laba shay oo kala ah Maahmaah iyo Odhaah. Waxaase nasiibdarro ah in maqaalkiisu
intuu toosin lahaa arrinta uu khuseeyo uu sii qalloocinayo. Tol waa nin qumman
qabanqaabadiis iyo nin qalloocan qabanqaabadiis!
Qoraagu, tusaale ahaan, wuxuu yidhi: “Odhaahdu waa
hadal kooban”. Markaa haddii sidaa uu sheegay aan u
qaadano, waxaad mooddaa in maahmaahduna ay tahay
hadal ballaadhan. Wuxuu kaloo yidhi: “Mahmaahdu waa
murti”. Miyaanay odhaahduba murti ahayn? Wuxuu
haddana yidhi: “Maahmaahdu xaraf bay ku socotaa”. Nin
daad qaaday xumbo cuskay, oo aan xaraf ku dhisnayni
sow maahmaah ma aha? Taa waxaa weliba u sii dheer in
Waari mayside war ha kaa hadho ee uu qoraagu uu u
haysto odhaah ay xaraf ku dhisan tahay. “Odhaahda qiso
baa ka dambaysa”, ayuu mar kale yidhi qoraagu. Aabbe,
kan yar iga celiyoo kan weyn igu sii daa ee la wada
yaqaanno, qisana ay ka dambeyso ma odhaah baa mise
waa maahmaah? Ratigu rar-xumadii reeryo-cun buu ku
darsaday!
Noocyada ay murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed u kala baxaan (proverbial clichés)
Waxay dad badani u qabaan in murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed ay u kala baxaan laba
nooc oo kala ah: maahmaah (proverb) iyo odhaah (saying). Runtuse waxay tahay in ay u
kala baxaan ugu yaraan laba iyo toban jaad. Dhinaca naxwaha haddii laga eego murtimaahmaaheedka
Soomaaliyeed waxay u kala baxaan kuwo ka kooban weedh qudha (onephrase
clichés) iyo kuwo ka kooban weedho dhowr ah (supra-phrase clichés).
Isla markaasna murti-maahmaaheedka ka kooban weedh qudha waxaa loo kala qaybin
karaa kuwo xidhan (kuwaasoo aan waxba laga beddeli karin) sida Awr awr wado iyo nin
naagi waddo midna kaama baydho iyo kuwo furan (kuwaasoo wax laga beddeli karo ama
wax lagu dari karo) sida Hal bacaad lagu lisay (waxaa la odhan karaa: Hal bacaad baad
ku listay…Hal bacaad buu ku lisay ku wad). Kuwa hore waxaaa loo bixin karaa
maahmaahyo, kuwa dambana – odhaahyo.
Murti-maahmaaheedka oo ka kooban weedho dhowr ah, ayaguna waxay u kala baxaan
kuwo hal jile wax ka yidhaahdo1
(Shabeel baa beri libaax ku yiri: “Libaaxow, bal ama
boqol nin la xoog noqo, ama boqol nin la xirrib noqo.”) laba jile wax ka yidhaahdaan (–
Daayeerow, qadhaab ka warran? – Tunkayga iyo tagooggayga ka eeg) .
Murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed macnaha ku qarsoon saddex siyaalood bay ku kala
muujiyaan: ama sarbeeb bay ku muujiyaan (Diqsi biyo ku dabaal bartay Fuud buu ku
gubtaa), ama si toos ah bay ku muujiyaan (Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku
nacaa) amase waxay ku muujiyaan dhacdooyinkii ama sheekooyinkii ay ku yimaaddeen ee
haddii aan la aqoon macnahoodu uu mugdi yahay (La jiifshaana bannaan, la joogshaaba
bannaan).
Haddii laysku daro hababka ay murti-maahmaaheedku ku kala dhisan yihiin iyo siyaalaha
ay ku kala muujiyaan dulucdooda, waxaa soo baxa laba iyo tobanka nooc ee ay u kala
qaybsan yihiin:
A. Murti-maahmaaheedka ka kooban weedh qudha (One-phrase clichés)
I. Maahmaahyo (weedho xidhxidhan)
1. Maahmaahyo dhab ah (oo macnaha ku dahsoon si maldahan ku muujiya):
Maroodigu takarta saaran ma arkee kan kale tan saaran ayuu arkaa.
2. Maahmaahyo toosan (oo macnaha ku dahsoon si toos ah ku muujiya): Been
sheeg, laakiin been run u eg sheeg.
3. Maahmaahyo qarsoon (oo macnahoodu uu ka muuqdo dhacdooyinkii ama
sheekooyinkii ay ku yimaaddeen): Tuugow hillaaca yaa kula ogaa.
II. Odhaahyo (weedho furfuran)
1. Odhaahyo dhab ah (oo machaha ku dahsoon si maldahan ku muujiya): Markii
geel loo heeso yuu dameerro u heesaa.
2. Odhaahyo toosan (oo macnaha ku dahsoon si toos ah ku muujiya): Camalkaa
xeero buuxduu kaa qadiyaa.
3. Odhaahyo qarsoon (oo macnahoodu uu ka muuqdo dhacdooyinkii ama
sheekooyinkii ay ku yimaaddeen): “Yax” lahaydaa!
B. Murti-maahmaaheedka ka kooban dhowr weedh (Supra-phrase clichés)
I. Murti-maahmaaheedka uu hal jile wax ka yidhaahdo:
1. Murti-maahmaaheedka uu hal jile wax ka yidhaahdo ee macnahooda si
maldahan ku muujiya: Goroyo waxay tiri: “Cayaarta lug baan gashanayaa. Haddii
ay fiicnaatana waan la soo wada galayaa, haddii ay xumaatana waan kala wada
baxayaa”

1 Afka qalaad waxaa la yidhaahdaa wellerisms ee loogu magacdaray Sam Weller oo jile ka ah qisada la yidhaahdo “Warqadaha Pickwick” ee uu
qoray Charlis Dikens.
2. Murti-maahmaaheedka uu hal jile wax ka yidhaahdo ee macnahooda si toosan
ku muujiya: Nin kaa sii socda “Halna waan kuu qali lahaa” baa lagu yidhaahdaa.
3. Murti-maahmaaheedka uu hal jile wax ka yidhaahdo ee macnahoodu uu ka
muuqdo dhacdooyinkii ama sheekooyinkii ay ku yimaaddeen: Abeeso waxay tiri:
“Aadane abaal ma leh”.
II. Murti-maahmaaheedka ay laba jile wax ka yidhaahdaan:
1. Murti-maahmaaheedka ay laba jile waxa k ayidhaadan ee macnahooda si
maldahan ku muujiya: – Dhurwaayow, kabo ma laguu tolaa? – Haddii lay
tolana waa alxamdu lilla, haddii aan lay tolinna waa Rabbil caalamiin.
2. Murti-maahmaaheedka ay laba jile wax ka yidhaahdan ee macnahooda si
toosan ku muujiya: – Duqdii maxaad ku ogayd? – Indho la’aan. – Dadcunnimana
waa ku darsatay!
3. Murti-maahmaaheedka ay laba jile wax ka yidhaahdan ee macnahoodu uu
ka muuqdo dhacdooyinkii ama sheekooyinkii ay ku yimaaddeen:
“Sagaaro biyo waa cabtaa” iyo “Ma cabto”.
Waxaa in la tilmaamo mudan in ay kaloo jiraan murti-maahmaaheedka loo yaqaanno
tiroley:
1) Labaley: Laba laba laguma reebo: gar hagar laguma reebo, faqrina faqri
laguma reebo.
2) Saddexley: Doqoni saddex bay la weyn tahay: wax cun, wax dil iyo wax dhac.
3) Afarley: Afar afar kama dheregto: dhul cir kama dhergo, rag naago kama
dhergaan, calooli cunto kama dheregto, caalim cilmi kama dhergo.
4) Shanley: Ilaahow, shan waad uuntay ee maxaadan shan ugu sameyn? Geesi
waad uuntay ee maxaadan bir uga dhigin? Fulay waad uuntay ee maxaadan
baalal ugu yeelin? Deeqsi waad uuntay ee maxaadan maalqab uga dhigin?
Bakhayl waad uuntay ee maxaadan summad ugu dhigin? Naag xun baad
uuntay ee maxaadan koor ugu xidhin? Ku wad.
Waxaan ku rajo weyn ahay in aan idiin muujiyey hodantinnimada xad-dhaafka ah ee
murtida maahmaaheed ee hiddaha ah ee awooweyaashii Soomaaliyeed ay ka tegeen, una
baahan in la ururiyo, la dhowro, la baadho, lana dhaxalsiiyo filalka soo socda.
Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi!
George Kapchits
E-mail:geedka@aha.ru
Website: www.kapchits.narod.ru
Moosko
Dr. Kapchits waa khabiir ku takhasusay luqada Af Soomaaliga. Waxa uu qoray buuggaag iyo
qoraalo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu aad
isugu taxalujiyaa baadhista iyo ururinta Afka, dhaqanka iyo suugaanta Soo

Comments Off on 2

2

Posted by | May 25, 2018 | Uncategorized

Progetto e coordinamento scientifico: Annarita Puglielli
Madaxda Tifaftirayaasha:
Annarita Puglielli, Cabdalla Cumar Mansuur
Guddiga Cilmibaarista:
Annarita Puglielli, Axmed Cabdullaahi Axmed, Cabdalla Cumar Mansuur, Ciise
Maxamed Siyaad, Axmed Cartan Xaange, Maryan Faarax Warsame, Dahabo
Faarax Xasan, Cabdi Daahir Afey
Tifaftirayaasha:
Axmed Muuse Kayd, Cabdullaahi Maxamed Shirwac, Maxamed Cilmi Toxow,
Cumar Maxamed Siyaad, Ibraahim Nuur Faqaburaale, Xasan Ibraahim Macallin,
Cabdi Daahir Afey, Cabdullahi Xasan Rooble, Axmed Cabdikariim Xirsi, Amiin
Maxamed Cali, Maxamed Soofe Xasan, Daahir Cali Cumar, Saciid Cusmaan
Keenadiid, Aw Jaamac Cumar Ciise, Cali Axmed ‘Mudiir’, Axmed Xasan Axmed
Aqoonyahannada aan ka helnay wadashaqayn:
Roberto Ajello, Giorgio Banti
Elaborazione dati ed impaginazione:
Renato Moretti – Centro Linguistico di Ateneo
Coordinamento editoriale:
Gruppo di Lavoro Roma TrE-Press
Edizioni: Roma TrE-Press ©
Roma 2012
ISBN: 978-88-97524-02-1
http://www.romatrepress.uniroma3.it
Tusmada Buugga
Gogoldhig V
Ereyada la isku gaabiyay XXI
Qaamuuska 1
Naxwaha af-soomaaliga oo kooban 895
Shaxannada 921

V
Gogoldhig
Qaamuuskani waa mirihii hawl adag oo muddo dheer soo socotay. In uu
mudadaas dheer qaato waxaa ugu wacan maadaama uu qayb ka ahaa sababihii
loo sameeyey mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed (Studi Somali)1
, waxaa
hawlgalkiisu billaabmay kaddib markii la soo saaray sannadka 1985
Qaamuuska Soomaali-Talyaani (Agostini F., A. Puglielli e Ciise M. Siyaad,
Dizionario Somalo-Italiano, Roma, 1985); sababta ay hawshiisu u adkaatayna
waxay ahayd iyadoo billowgii dagaalka sokeeye ee 1991 uu caqabad ku
noqday sii wadidda hawshii qiimaha lahayd ee lagu qabtay Akademiyadii
Fanka, Suugaanta iyo Sayniska ee Muqdisho. Waxaase nasiib wanaag ah in
dalka Taliyaaniga ay yaaleen nuqulladii macluumaadkaas oo laga
shaqeeynayey ilaa muddadaas. Inkastoo qaybo ka mid ah oo aan nuqulkooda
la haynini ay ku baaba’een Soomaaliya, intooda badani way badabaadeen.
Joogsiga mashruuca iskaashiga “Somalia-Italia” iyo burburkii ku dhacay
Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo Akedemiyadii, sida hay’adaha kale
ee qaranka, iyo guud ahaan xaaladihii colaadeed ee dalka ka jiray waxay
sababeen in dib u habayn xoog leh lagu sameeyo mashruuca qaamuuska.
Arrintan iyada ah dhowr jeer ayaan horay uga faalloonay (Puglielli 1995,
Puglielli e Bitocchi 2009)2
.
Waxaa noo suurtaggeli wayday in waxyaabo aan ku taamaynay in aan si
fiican ugu falanqayno qaybo gaar ah, sida: ereyada farsamada, aqoonta dhirta
iyo xoolaha iyo kuwa kale, sidaas ay tahay arrimahaas nagama horjoogsanin
dhamaystirka hab daabacaadda qaamuuskan oo aan maanta u soo bandhigayno

1
Mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo la bilaabay sannadka 1977-78, wuxuu ka mid
noqday mashaariic cilmi-afeed oo lagu hormarinayey iskaashiga dhex yiil Talyaaniga iyo
Soomaalida, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Jaamacadda
Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho (AAVV, Atti dei Convegni Lincei 107, Lingua,
pensiero scientifico e interculturalità: l’esperienza dell’interazione universitaria in Somalia,
Roma, Accademia Nazionale dei Lincei, 1994.)Mashaaricdaas hadafkoodu kuma ekayn keliyah
in la hagaajiyo habka loo baro ardayda af talyaaniga si ay ugu suurtowdo in ay af taliyaaniga ku
bartaan maadooyinka looga dhigo kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, wuxuu kaloo
yoolkiisi ahaa in si cilmiyeysan loo baaro af-soomaaliga xagga codayntiisa, dhismihiisa iyo
ereyadiisaba, afkaanoo ah mid dhawaan loo yeelay far-qoraal, noqdayn afka rasmiga ee
qaranka soomaaliyeed (Abdalla O. Mansur Il somalo dalla oralità alla scrittura,in Atti dei
convegni Lincei 107,1994). 2
Puglielli A., The Somali Language Lexical Project: Aims and Methods in M. Putz (ed.)
Discrimination through Language in Africa, Berlin-New York,Mouton de Gruyter, 1995.
Puglielli A. e F. Bitocchi, Qaamuuska Af-Soomaaliga. The Great Somali monolingual
Dictionary, in A. Puglielli, (ed.), Lessons in survival: the language and culture of
Somalia.Thirty years of Somali studies. Studi Somali 13, Torino, Harmattan Italia, 2009.
VI
guud ahaan aqoonyahannada, gaar ahaana bulshada soomaaliyeed ee ku nool
gudaha dalka soomaaliyeed ama dibaddiisaba, annagoo aaminsan in luqaddu
ay matasho shayga ugu muhimsan ee ummad lagu aqoonsado (identity),
qaamuusna uu yahay waxa lagama maarmaanka u ah adeegsiga luqadda
(Puglielli 2001)3
.
Qaamuuskan, dabcan ma aha mid matalaya heerka kamadambeyska ah
ee loo sameeyn karo qaamuus af-soomaali, laakiin waxaan filaynaa in uu
noqdo mid si wacan looga faa’idaysan karo mustaqbalka xagga diyaarinta
qaamuusyo midkan ka baaxad weyn. Si kastaba ha ahaatee, qaamuuskan halka
luqadeed qaabkiisa, markii laga eego xagga daraasaadka guud ee afafka
Afrikada madow, waxaa la oran karaa in uu ka mid yahay qaamuusyada fara
ku tiriska ah.
Dhowr jeer ayaan ka hadalnay habka aan u adeegsannay diyaariinta
Qaamuuskii hore Soomaali-Talyaani (DSI) oo ereyadiisii aasaaska u yihiin
qaamuuskan iyo sida aan ugu hawlgalnay ballaarinta micnaha iyo ereyada
macluumaadka kala duwan. Sidaa darteed waxaa keliya aan halkan ku soo
bandhigaynaa raadraacyada si ay uga faa’idaysato ciddii doonaysay in sii
baarto mawduuca.
Waxaan doonaynaa in aan halkan ku soo bandhigno wixii wargelin ah
oo dhan oo lagama maarmaanka u ah sidii wax badan looga faa’idaysan lahaa
qaaamuuskan muhimka ah, inkastoo uu daldaloolo lahaan karo, waxaanna ku
rajaweynnahay in ay ka faa’idaysan karaan dadka hawlahan u dhuundaloola,
aqoonyahannada iyo dadweyne fara badan iyo xataa dugsiyada soomaaliyeed
markii dib loo dhiso.
1. Taariikh kooban oo ku saabsan qaamuuska
Ereyada aasaasiga ah ee lagu billaabay qaamuuskan waxay ahaayeen
ereyadii qaamuuska soomaali-talyaani (DSI) oo la daabcay sannadkii 1985.
Ereyadaas tiradoodu waxay ahaayeen qiyaastii 30.000 oo lagu soo xulay baaris
lagu sameeyey qaamuusyadii markaa jiray oo idil oo ay ku saabsanaayeen afsoomaaliga
oo lagu tarjumay af kale, laga billaabo midkii uu Reinisch
sameeyey sannadkii 1902, iyo qaamuuska keliya ee hal af ku qoran ee markaas
jiray oo ah midkii Yaasiin Cusmaan Keenadiid4
oo qiyaastii ka kooban 15.000

3
Puglielli A.,Language and identity, in Lilius M.S. (ed.) Variations on the theme of Somaliness,
Turku, Center for Continuing Education, Abo Accademy University, 2001.
4
Yaasiin C. Keenadiid, Qaamuuska Af-Soomaaliga, Firenze, 1976.
VII
erey, intaa waxaa sii dheer ereyadii ka soo baxay lafagurkii lagu sameeyey
qoraallo fara badan oo af-soomaaliga lagu qoray laga billaabo sannadkii 1972.
Haddaba hawshu waxay ku billaabatay in af-soomaali ahaan lagu qeexo
micnaha ereyada ku qoran qaamuuska DSI iyadoo la raacayo qaacido iyo
nidaam ay degsadeen cilmibaarayaal ka kooban talyaani iyo soomaali oo ka
mid ahaayeen xubnaha mashruucaas. Waxaa kuwaas lagu sii kordhiyay markii
dambe ereyo kale oo meelo kala duwan laga keenay, ha ahaadeen isla ereyadii
markaas la hayay kuwa la micna ah ama ha ahaadeen ereyada ku saabsan
kasmada, farsamada iyo cilmiga oo markaas loo baahnaa in loo adeegsado dib
u habeynta buugaagta dugsiyada, waxaana lagu dhaqaaqay in la soo xulo
ereyada aasasiga ee u gaarka ah maadda walba (xisaabta, fiisikiska, taariikhda
iwm.). Eereyadaas iyo micnahooda oo soomaali ah waxaa soo diyaariyey
Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii Waxbarashada, xilligaasuna waa
dhammaadkii 80meeyadii5
.
Taariikhdan kooban waxaan ku soo gunaanadaynaa in aan idin
xasuusinno dhammaan dadka siyaabo kala duwan iyo muddo kala duwan ay
uga qaybqaateen hirgelinta mashruucan laga billaabo 1985tii. Inkastoo
qaarkood ay geeriyoodeen weli xasuustayada kama suulin.
Liiskani waa magacyadii dadka taabbaggeliyay hawshan.
Guddiga Cilmibaarista:
Annarita Puglielli, Axmed Cabdullaahi Axmed, Cabdalla Cumar Mansuur,
Ciise Maxamed Siyaad, Axmed Cartan Xaange, Maryan Faarax Warsame,
Dahabo Faarax Xasan, Cabdi Daahir Afey.
Tifaftirayaasha:
Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Muuse Kayd, Cabdullaahi Maxamed
Shirwac, Maxamed Cilmi Toxow, Cumar Maxamed Siyaad, Ibraahim Nuur
Faqaburaale, Xasan Ibraahim Macallin, Cabdi Daahir Afey, Cabdullahi Xasan
Rooble, Axmed Cabdikariim Xirsi, Axmed Xasan Axmed, Amiin Maxamed
Cali, Maxamed Soofe Xasan, Daahir Cali Cumar, Saciid Cusmaan Keenadiid,
Aw Jaamac Cumar Ciise, Cali Axmed ‘Mudiir’.
Waxaa kaloo xusuus mudan gacanta aan ka helnay shaqaalahii Xafiiska
Manaahijta oo nasiib darro magacyadooda aan waynay meel aan u raacno.
Aqoonyahannada aan ka helnay wadashaqayn:
Roberto Ajello, Giorgio Banti.

5
Arrintan oo tifaftiran waxaa laga heli karaa qoraalkii. Puglielli A. iyo F. Bitocchi (2009).
VIII
2. Habka uu u samaysanyahay qaamuusku
Waxaa halkaan ku soo bandhigaynaa warbixinno fududeynaya la
tashiga ama adeegsiga Qaamuuska.
Erey kasta ee ka mid ah qaamuuskan oo la fasiray wuxuu leeyahay arrimaha
ama qaybaha soo socda oo la xariira sharraxaadda ereyga:
a) Ereyga soomaaliyeed ee la fasirayo
b) Qaybta naxweed ee uu ereygaasi ka tirsanyahay
c) Tilmaan muujinayso rogrogmadka eryga marka uu yahay fal ama magac.
d) Qeexidda micnaha ereyga
e) Erey la mid ah ama la micna ah ereyga la fasirayo6
Si loo muujiyo sida ay isugu xigaan waxyaabaha loo adeegsaday sharraxaadda
eryga waxaa tusaale ahaan u soo qaadanaynaa ereyga falki oo raacsan afar
qaybood oo la xiriira fasiraaddiisa:
ereyga qaabnax. isrogrogga micnaha lamidka
falki f.g2 (-iyay, -isay) falko samayn; falag2
Qaybahan warkooda oo faahfaahsan waxaa ku cad qodobbada soo socda,
xagga dambe ee qaamuuskana waxaa ku lifaaqan “Naxwaha af-soomaaliga oo
kooban” oo loogu talaggaly in uu sii faahfaahiyo wixii war ah ee aan halkan ku
caddayn.
2.1 Ereyada qaamuuska iyo nidaamka loo taxay
Isku xigga xarfaha ku billaabma ereyada la micneeynaayo waxaan u
doorannay habka uu Yaasiin Cusmaan Keenadiid u adeegsaday qaamuuskiisa,
yacnii habka iskuxigga alifba’da Laatiinka, sababaha aan u doorannayna labo
arrimood ayaa ugu muhimsan:
a) Maadaama ummadaha badan ee fartoodu tahay midda Laatiinka ay
qaamuusyadooda si isku mid ah u adeegsadeen habka isku xigga alifba’da,
waxaan doorbidnay in qaamuuska af-soomaaliguna uusan ka duwanaan
habkaas caalamiga ah.
b) Maadaama shaqallada af-soomaaligu ay leeyihii xarfo u gaar ah sida
shibbanayaasha waxaa nala habboonaatay inaan laga soocin shibanayaasha,
yacnii in meel gooni ah lagu taxo ereyada ku bilaabma shaqallada waa laga
fiicanyahay, gaar ahaan marka qaamuus la samaynaayo.

6 Ereyga la midka ah erey kale (varient) isna gooni ayaa loo qoray, laakiin halka lagu qori lahaa
qeexidda micnihiisa waxaa ku qoran oo keliyah ereyga la micnaha ah, kaasoo loola jeedo
“ereygan micnihiisa ka eeg midkan kale e la midka ah (ld)”.
IX
Waa kan habka isku xigga alifba’da ee qaamuuskan:
A, b, c, d, e, f, g, h, i, j, k, l, m, n, o, q, r, s, t, u, w, x, y.
Xarfaha dh, kh, sh ereyadooda gooni uma qorna, waxay ku kala jiraan halka ay
kaga aaddanyihiin taxanaha xarfaha d-, k-, s-, habkaanna afafka kale ayay la
wadaagaan, sida “sh-”-da af ingiriisga oo laga dhex helo halka ay kaga
aadantahay ereyada ka bilaabma xarafka “s-”.
Ereyada qaamuuskan waxaa loo adeegsaday far-soomaaliga rasmiga ah oo aan
wax laga beddelin, laakiin mararka qaarkood ayaan u baahannay in aan ku
kordhinno calaamo yar si aan u kala saarno ereyada qaabkooda qoraalku isku
midka yahay micnahooduse ay kala duwanyihiin, waxaana lagu kala saari
karaa oo keliya shaqalka ay wadaagaan oo laba siyood loogu dhawaaqo. Sida
aad ku arki doontaan qaybta dambe ee qaamuuska “Naxwaha af-soomaaliga
oo kooban”, shaqal walba labo siyood oo kala duwan ayaa loogu dhawaaqaa:
mar waa culusyahay, marna waa fududyahay, sida labadan erey:
dųul² f.mg1 (-uulay, -uushay) Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid
duul² f.mg1 (-uulay, -uushay) 1. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda
marid. 2. Diyaarad iwm ku safrid
Ereyga hore wuxuu leeyahay shaqal culus, sidaa darteed shaqalka “ųu”
hoostiisa waxaa ku astaysan calaamad yar. Ujeeddadu ma aha in aan wax ku
kordhinayno alifba’da soomaaliyeed, laakiin waa si loo fududeeyo kala
garashada labada erey ee noocaan oo kale ah oo aanay ku dhex jirin weero laga
dheehan karo micnahooda.
2.2 Ereyada qaabkoodu isku midka yahay
Laba erey ama in kabadan oo qaab ahaan isku si loo qoro laakiin ay ka
kala duwanyihiin naxwa ahaan iyo micna ahaanba waxaa la kala siiyaa
lambaro isku xiga: magacyada ayaa la hormariyaa, falalka ayaa lagu xijiyaa,
kaddibna qaybaha kale ee ereyada, magacyadana kuwa labka ayaa laga
hormariyaa kuwa dheddigga.Tus.
beer¹ m.l (-rar, m.l) 1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah
midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida,
dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha jilicsan,
qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.
X
beer² m.dh (-ro, m.l) Dhul la falay oo dhir, miro, badar iwm lagu abuuri
karo.
beer³ f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhul miro ku abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku
abuurid (qof).
2.3 Ereyga iyo qeexidda micnihiisa
Ereyada micnahooda, oo qaarkood ay la socdaan tusaalooyin, waa la
soo koobay markii laga reebo ereyada cilmiga la xiriira oo qaarkood si gaar ah
loo faahfaahiyay, gaar ahaan kuwa af-soomaaliga ku cusub. Ereyadan
micnahooda, sida aan korba ku soo xusnay, waxaa ka shaqeeyey qeexiddooda
aqoonyahanno ka shaqayn jiray Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii
Waxbarashada. Waa laga yaaba in qaarkood ay leeyihiin daldaloolo, laakiin
ulajeeddadayadu waxay tahay in ay noqdaan kuwa laga ambaqaadi karo ama
ay ka shidaal qaataan dadka doonaya inay diyaariyaan qaamuus cilmiyeed ama
ay abuuraan ereybixinno loo adeegsado diyaarinta buugaagta dugsiyada.
Billawga qeexidda ereyga waxaa ku yaalla laba bil oo dhexdooda uu ku qoran
yahay magaca maaddada oo la soo gaabiyey, sida (daaw.) = Daawo, (fiis.) =
fiisikis. Xitaa magacyadan iyo qaabkooda gaaban waxaa laga dhex helayaa
taxanaha ereyada la soo gaabiyey. Waxaan tusaale ahaan halkan ku xusaynaa
erey cilmiyeed iyo micnihiisa:
falnaq m.l (daaw.) Hawl uu fuliyo, ogaan la’aan, xiriirka ugu fudud ee unug
maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad
mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta
maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysay.
Haddii erey uu leeyahay hal micne wax ka badan hal mar uun baa la qoraa
ereygaas, micna kasta ee uu leeyahayna ereygaas lambar ayaa la siiyay, sida
ereygan:
baar m.l 1. Fiidda sare ee geed ama timo iwm. 2. Dhogor dhaadheer ah oo ka
baxda kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka
la qeybiyo laguna ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel lagu iibsho
cabitaanka iyo cunto fudud.
Waxaa la arkaa mararka qaarkood erey ay soomaalidu micne kala duwan u
taqaanno, yacnii erey micnihiisa sida gobollada woqooyi looga yaqaan si ka
duwan ayaa gobollada koonfureed looga yaqaannaa. Hadaba, ereyga noocaas
oo kale ah waxaa la siiyey labadiisa micne ee kala duwan, sida ereygan:
XI
iskadhal m.kh 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I.
ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
2.4 Ereyada isku micnaha leh (variant)
Ereyada micna ahaan isku midka ah laakiin yara kala duwan
qoraalkooda waxaa loo qoray iyadoo la raacayo nidaamka soo socda:
a) Haddii ereygu uu leeyahay hal micno oo keliyah ereyga la midka ah (ld)
waxaa la dhigaa meesha ugu dambaysa qeexidda micnahaas, sida eryga
falki aan kor ugu soo aragnay.
falki f.g2 (-iyay, -isay) Falko samayn. ld falag2
b) Haddiise ereygu uu leeyahay in ka badan hal micno oo ereyga la midka
ahina uu la wadaago hal micno oo keliyah, inta kalena aan la wadaagin,
waxaa ereyga la midka ah loo yeela lambar gaar ah. Tus.:
bariido m.dh 1. Casho baartay oo maalintii xigtay gaartay. 2. ld bariidin:
Salaanta kolka waagu beryo. 3. Hanti laga bixiyo gabar guur laga doonayo
oo la siiyo soddohda.
bidhaan m.l 1. Muuqaal meel fog laga arko. 2. Tiro aad u yar oo ari ah
oo gaar u daaqa. 3. ld bidhaamid.
c) Haddii ereyga la midka ahi uu la wadaago ereyga la fasirayo inta micno ee
uu leeyaahy oo dhan, waxaa ereyga la midka ah (ld) lagu qoray
dhammaadka qeexidda micnaha ugu dambeeya. Tus.:
foof¹ m.l 1. Xoolo daaq doonad ah. 2. Meesha xooluhu daaqaan. 3. Inta u
dhexeysa xerada iyo daaqsinta. 4. Kadin geel ah. 5. Daaq. 6. ld foofid. ld
soof.¹
d) Maadaama af-soomaaligu, qoraal ahaan, aanu weli si fiican u wada
midoobin, waxaa ku badan ereyo isku mid ah, laakiin soomaalida ku kala
nool gobollada qaarkood ay ugu dhawaaqaan amaba u qoraan siyaabo yara
kal duwan. Haddaba si aan cidna loogu eexanin waxaan isku daynay inaan
ku qorno qaamuuska kuwa adeegsigooda aadka ugu badanyihiin, sida
kuwa soo socda oo laba qaab loo adeegsado:
tabar tamar
XII
baratami bedertami
quraanyo quraanjo
tallaabo tillaabo
dhifasho dhufasho
dhacaan dheecaan
necbaan nebcaan
ningax lingax
siyaaso siyaasad
dayuuro diyaarad
iwm
Ereyadan kor ku xusan, oo mid waliba leh mid la mid ah, iyo wixii la
halmaalaba waa la qoray, mid baase la micneeyey, midka kalena waxaa
keliya oo horiisa lagu qoray ld. (la mid ah) iyo ereyga kale ee la micneeyey
oo loola danleeyahay “micnihiisa ka raadi ereygaa kale ee la midka ah”. Tus.
quraanyo m.dh.u, Cayayaan yaryar jaadad badan, beelbeel u degta oo
aan baalal lahayn, lehna lix addin iyo labo gees; quraanjo.
quraanjo m.dh.u, ld quraanyo.
e) Qaar ka mid ah eryada isku midka ah oo dhigaalkoodu uu kala yara
duwanyahay ayaa ogaal ahaan ama ulakac looga tagay, maadaama aanay
wax faa’ida ah ku soo kordhinaynin qaamuska culays mooyee. Labada
erey ee isku midka ah oo labadoodaba caadi ahaan la adeegsado mid uun
baa laga doortay, kaasoo inta badan qoraal ahaan adeegsigiisu badanyahay.
Ereyadaas labada dhawaaq ee kala duwan leh waxaa ka mid ah kuwa kala
leh xarfahan kala duwan ee soo socda:
-rn- (furnay) -rr- (furray)
-i/a/y+snaa (ducaysnaa) -i/a/y+sanaa (ducaysanaa)
-ln- (dilney) -ll- (dilley)
-a- (hawl) -o- (howl)
-a- (gabar) -e- (geber)
q- (qalad) kh- (khalad)
-ng- (hingo) -gg- (higgo)
-iy- (u kaadiyey) -sh- (u kaadshay)
-r- (ma jirto) -dh- (ma jidho)
-ey (erey) -ay (eray)
-ay (kariyay) -ey (kariyey)
XIII
Ereyada leh xarfaha ku taxan safka bidix, oon tusaale ahaan u soo
qaadannay ereyo qaarkood, ayaa ah kuwa ku qoran qaamuuskan, xarfaha
taxanaha kale ee midig waa kuwa la midka ah ee aan ku xusnayn halkan. Taas
waxay la micna tahay, haddii aan tusaale ahaan u soo qaadanno, in erey kasta
ee ka mid ah qaamuuskan oo xarfihiisa ka mid ah –rn oo isku xigaan, waxaa
suurtaggal ah in uu jiro erey la mid ah oo labadaa xaraf ka dhigaya qaabkan –
rr. Labada cod ee ugu dameeya ey iyo ay waa la wada adeegsaday inkastoo
labadooduba ay leeyihiin kuwa u dhigma oo la midka ah: ay iyo ey. Arrintan
go’aankeeda waxaan qaadannay kaddib markii aan la tashannay odayaashii
soomaaliyeed ee gacanta weyn naga siiyey diyaarinta qaamuuskan.
3. Sifaynta erey naxweydyada kala duwan
Halkan waxaan ku xusaynaa oo keliya magacyada erey naxweydyada
ugu muhimsan, laakiin qaybta “Naxwaha af-soomaaliga oo kooban” ayaan si
faahfaahsan oo tusalooyin leh ugu qaadaadhignay. In kastoo magacyada
ereyada naxweed oo dhan iyo qaabkooda la soo gaabiyay ay ku xusanyihiin
meel gaar ah, waa kuwan qaarkood: magac (magac lab, magac dheddig), fal
(fal-gudbe, fal-magudbe, fal-labagudbe), magacuyaal, magac faleed, magac
khabareed, tilmaame, qurub (diiradeeye, xiriiriye, horyaale iwm).
Waxaa halkan laga dareemayaa in sifadu ay ka maqantahay taxanaha
magacyada erey naxweedyada kor ku xusan. Sida aqoonyahanka Adrzejewski
uu ku taliyay, waxaanu ka dhignay ereyada sida: weyn, yar iwm koox faleed
gaar ah oo ka baxsan kuwa caadiga ah, waxaanna ku magacaabnay kooxda
isrogrogga IV ama fal-sifo. Arrintaanna bib baan uga faalloon doonnaa.
3.1 Falalka
Ereyada falka looma qorin qaabka ay soomaalidu caada ahaan u
adeegsato sida cunid, karin, barasho iwm, laakiin qaabka fal amarka ayuu u
muuqdaa sida cun, kari, baro, qaabkaasoo ah salka falka, ahna qaybta asalka
ah oo lagu kabo lifaaqyada muujinaya amminka (tense), xaaladda (mood)
iwm. Qaabkani waa nidaamka ay aad u adeegsadaan cilmi-afeedyahannada ku
xeeldheer baarista af-soomaaliga iyo xitaa kuwa baara afafka kale ee
Kushitigga. Ereyga falka agtiisa, fasiraadda micnaha ka hore, waxaa laba bil
dhexdooda ku qoran falkaas lifaaqiisa qofka 3d ee kelida ee lab iyo dheddig
*ah, amminkiisuna yahay qaab tagto habkeeda ebyoon. Tus.
XIV
cun f.g1(-ay, -tay) 1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3.
Cayayaan, nafle dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad,
haad kale oo ka adag ku qaadasho.
Qaabka fal-saleedka waxaa loo adeegsaday xataa falal aan caadi ahaan loo
adeegsanin fal amar ahaan, habkan xitaa afaf kale ayaa loo adeegsaday falal
aan lahayn qaab amar, sida falalka soomaaliyeed: aqoo, yaal, weynow iwm.
Falalku, guud ahaan, laba kooxood ayay u kalal baxaan: fal-gudbe (f.g) iyo falmagudbe
(f.mg), hase ahaatee waxaa jira falal loo adeegsan karo labada
qaabba, yacnii fal-gudbe ahaan iyo fal-magudbe ahaanba (f.g/mg). Falkaas oo
kale inta laba jeer la qori lahaa mar uun baa la qoray, labada siyood ee loo
adeegsadana sharraxaadda micnaha ayay ka dhex muuqdaan. Tus.
baro (f.g/mg3) 1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2.(f.mg) U b.: wax caado ka
yeelasho. Tus. “Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay”.
Waxaa jira fal uu isku hayn karo horyaale (preposition) la’aan saddex magac,
yacnii yeele iyo laba magac kale aan yeele ahayn. Tusaale ahaan, haddaan u
fiirsanno weertan “Cali ayaa guriga tusay Axmed” waxaan arkaynaa in falka
tus uu isku hayo yeelaha (Cali) iyo labada layeele (guriga iyo Axmed) isagoon
u baahnayn horyaale. Falka caynkan oo kale ah waxaa lagu magacaabaa fallabagudbe
(f.lg). Tus.:
tus² (f.lg1) 1. Cid wax farta ugu fiiqid. 2. Is t.: laba qof isu keenid.
Guud ahaan waxaa jira afar siyood oo falalaka soomaaliyeed ay isu
rogrogaan. Si hogatus ah ayaan halkan ugu soo bandhigaynaa sida afarta qaab
isrogrog (conugasion) ee fal-saleedyadu ay uga dhex muuqdaan ereyada
qaamuuska. Afartaa hab isrogrog sharraxaaddooda oo koobani waxay ku
xusanyihiin qaybta “Naxwaha af-soomaaliga oo kooban” oo ku qoran xagga
dambe ee qaamuuska, waxaa kaloo halkaas lifaaq ahaan ugu qoran dhowr
shaxan iyo tusaalooyin oo faahfaahinaya afarta hab ee isrogrogga falka oo
kaamil ah.
Isrogrogga I:
Waxyaabaha u gaarka ah qaabka isrogrogga I:
1) Qaabkan waxaa ka tirsan falalka qaabkooda fal amar ee kelida ah oo aan
lahayn dibkabe isrogroga.
2) Dibkabaha tagtada qofka 3° ee kelida ah: -ay (l.), –tay/-day (dh.)
XV
3) Dibkabaha masdarka (infinitive) –i
Tus.:
cun f.g1 (-nay, -ntay)
1) Cun! 2) cunay, cuntay 3) cuni (doona)
qor f.g1 (-ay, -rtay)
1) Qor! 2) qoray, qortay 3) qori (doonaa)
Waxaa kaloo ka mid ah qaybta isrogrogga 1° falal farcame oo qaababkooda
amareed leh dibkabeyaal, sida kuwa soo socda.
a) gabow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
1. gabow 2. gaboobay, gabowday 3. gaboobi
b) xiran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)
1. xiran 2. xirmay, xirantay 3. xirmi (doonaa)
c) bari³ f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi)
1. bari 2. bariyay, bariday 3. baryi (doonaa)
Waxaa qaamuuska laga dhax arkayaa in falalka qaarkood, halka ku cadyahay
isrorogga, la raacsiyey qaabka uu ku dhammaado masdarka oo wax yar ka
beddelan sida caadiga ah, arrintaasna waxay u gaar tahay falalka farcame ee
aan kor ku soo xusnay oo kala ah saddexdan kooxood: a) (-oobay, -owday; –
oobi), b) (-rmay, -rantay; -rmi) iyo c) (-ryay, -riday; -ryi). Waxaa qaabka
kooxdan la wadaaga qaar ka mid ah falka caadiga ee Isrogrogga 1°, waxaana
ugu wacan isa saameynta shaqallada (vowal harmony) oo keena isbeddel.,
falalkaas waxaa ka mid ah falka:
dhac (-cay, -cday;dhici)
Tus. Wax baa dhici doona
Isrogrogga II
1) Qaabka fal amarku wuxuu ku dhamaadaa –i, ama -ee
2) Tagto qf. 3° ke.: -yay (l.), –say (dh)
3) Masdarka: –in, -eyn
Tus.:
a) kari f.g.2 (-iyay, -isay)
1) kari! 2) kariyay, karisay 3) karin (doonaa)
b) jidee f.g.2 (-eeyay, -eysay)
1) jidee! 2) jideeyay, jideysay 3) jideyn (doonaa)
XVI
Isrogrogga III
Astaamaha u gaarka ah isroggroggan:
1) Qaabka fal amarku wuxuu ku dhamaadaa –o, -so, -ow
2) Tagto qf. 3° ke.: -tay/-day (l), –atay (dh)
3) Masdarka: –an (-san, -on)
Tus.:
a) baro f.g.3 (-rtay, -ratay)
1) baro! 2) bartay, baratay 3) baran (doonaa)
b) baxso f.g.3 (-saday, -satay)
1) baxso! 2) baxsaday, baxsatay 3) baxsan
c) adkow f.mg3 (-kaaday, -kaatay)
1) adkow! 2) adkaaday, adkaatay 3) adkaan (doonaa)
d) caroo f.mg3 (-ooday, -ootay)
1) caroo! 2) carooday, carootay 3) caroon (doonaa)
Isrogrogga IV
1) Falalka ka tirsan kooxdan lama adeegsado fal amarkooda maadaama ay
yihiin fal ahaansho ama fal sifo, laakiin qaab ahaan waxaan ka dhignay
sida kuwa kale ee badan. Laba koox ayayna u kala baxaan: koox aan
lahayn dibkabe, sida dheer, weyn, og iwm. iyo koox dibkabe leh,
kuwaasoo laba cayn kala ah: a) fal+an, sida: xiran, shidan iwm., b)
magac+san, sida: jabsan, quruxsan iwm.).
2) Tagto qf. 3° ke: -aa (l), -ayd (dh)
3) Masdarka: –aan
Tus.:
a) dheer f.mg4 (-raa, -rayd)
1) dheer 2) dheeraa, dheerayd 3) dheeraan (doona)
b) furan² f.mg4 (-rnaa, -rnayd)
1) furan 2) furnaa, furnayd 3) furnaan (doona)
c) jabsan f.mg4 (-naa, -nayd)
1) jabsan 2) jabsanaa, jabsanayd 3) jabsanaan (dh)
XVII
3.2 Falal gaar ah
a) Waxaa jira falal qaab amarkoodu ku dhamaado –i oo haddana laba siyood
isu rogrogi kara, isrogrogga I iyo midka II. Falalka noocan ah waxaa loo
adeegsan karaa labada qaabba, waxayna wadaagaan, micnaha ka sokow,
qaabka fal amarka iyo isrogrogga qofka 3° ee labka ee kelida ah, inta kale
way ku kala duwanyihiin (sida qf 3° ee dh iyo masdarka). Tus.:
1) badi! 2) -iyay, -iday 3) badiyi (doonaa)
1) badi! 2) -iyay, -isay 3) badin (doonaa)
Falalka kuwan la midka ah, si aanay u noqon laba erey oo kala gaar ah
waxaa laga dhigay hal erey, inta ay ku kala duwanyihiinna waa lagu
kordhiyey, labada siyood ee loo adeegsan karo inta la qoray ayaa haddana
sumadda ama (/) la dhax dhigay:
badi f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay, -iyi )
b) Waxaa jira falal fal-amarkooda ku dhamaado –oo (sida kuwa isrog. III
xarafkiisa d) haddana qaabka irogroggoodu uu yahay midka II. Falalkan
waa koox gaar ah maadaama midkiiba uu ka koobanyahay laba fal oo
laysku lammaaniyay: fal lagu lifaaqay falka –goo (fal+goo). Tus.:
dabargoo waa fal ka yimid dabar+goo.
dabargoo f.g2 (-ooyay, -oysay)
1) dabargoo! 2) dabargooyay, dabargoysay 3) dabargoyn
c) Falalka Isrogrogga II ee fal-amarkooda ku dhammaada –ee iyo –oo waxaa
gobollada qaarkood looga yaqaannaa –ey iyo –oy (-ee = -ey/-ay iyo -oo = –
oy) hase yeeshee inta kale waa isaga mid, hab isrogroggoodu ma kala
duwana. Tus.
jidee = jidey (-iyay, -isay), jidayn (doona), jidayn(ta)
goo = goy (-ooyay, -oysay), goyn (doona), goyn(ta)
Maadaama ay aad u badanyihiin falalka loo adeegsado labadan qaab oo
isku midka ah waxaa la doorbiday in hal qaab uun qamuuska lagu qoro.
Taas micnaheedu ma aha in midka kale la yaraysanayo.
XVIII
3.3 Magacyada
Ereyada qaamuuska ee tilmaama magac waxaa hortooda ku suntan,
erey naxweedkooda ka sokow, cayntooda naxweed (lab ama dheddig) iyo
wadartoodaba.
a) Magaca qaab wadareedkiisu uma qorna si kaamil ah, waxaa keliya oo laga
soo qaaday xarafka ugu dambeeyo ee magaca oo aan is beddelin isagoo ku
dheggan lifaaqa wadarta oo raacsan cayntiisa naxweed:
Caado m.dh (-ooyin, m.l.) 1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2.
Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka
bishiiba hal mar; dhibaad;xiso;xayl
Maydhax¹ m.dh (-xo, m.dh) ld mayrax
b) Magaca aan qoraal ahaan isbeddelin markuu yahay kelida ama wadarta,
laakiin cayntiisa isbeddesha isaga oo dhan iyo sumadda cayntiisa ayaa dib
loo qoraa. Tus.:
tuug m.l (tuug m.dh)
c) Waxaa jira magacyo gobollada qaarkood ay cayntiisa ka dhigaan lab,
kuwana dheddig. Sidaas ay tahay ereyga micnihiisa iyo qaabkiisa kale waa
isku mid, sida:
arrinka / arrinta, guddiga / guddida, ballanka / ballanta, iwm.
Markaas oo kale hal erey uun baa la adeegsaday isagoo lagu hor qorayo
astaanta labadiisa cayn naxweed oo loo dhexaysiinayo sumadda (/): m.l/dh
(magac lab/dheddig).
guddi m.l/dh.. (-iyo, m.dh) 1. Dad loo xilsaaray inay ka arrimiyaan
xaajo doodi ka taagantahay. 2. Dad loo xilsaaray inay socodsiiyaan
maamul dawladeed, shirkadeed iwm
d) Magac faleedyada (noun verbs) ha ahaadeen kuwa ka yimid fal-saleedka
ama kuwa ka yimid fal-farcameedka laguma ag qorin sharraxaadda
micnahooda maadaama ay la micna yihiin falalka ay ka soo jeedaan.
Labadan qaab magaceed mid ayaa hortiisa ku qoran “eeg falka” (uu
magacaas ka soo jeedo), midka kalena waxaa ku ag qoran oo keliya “ld”
(la mid ah magac faleedka kale).
XIX
Magac-faleedyada qaababkan ayay leeyihiin:
– Magacyada ku dhammaada –id oo waafaqsan falalka isrogrogga I
(tus: cun > cunid)
– Magacyada ku dhammaada –in/-ayn oo waafaqsan isrogrogga. II
(tus: kari > karin, same > samayn)
– Magacyada ku dhammaada –asho iyo –ood oo waafaqsan isrog. III
(tus: gado > gadasho, caroo > carood)
– Magacyada ku dhammaada -aan oo waafaqsan isrog. IV
(tus: furan > furnaan)
Tus:
caadbixid, m.f.dh , eeg caadbax², ld caadbax¹

kaddibna waxaa jira labadii erey ee kale
caadbax¹ m.l ld caadbixid
caadbax² mg1, (-xay, -xday; -bixi) 1. Soo c.: bannaan u soo bixid;
muuqasho.2.Soo c.: qof daacad ah ahaansho.
e) Waxaa jira ereyo aad u fara badan oo laga samayn karo fal-saleedyada
iyagoo si fudud loogu qodbo lifaaqyo yeele:
-e/-ye : bare (bar+e), taliye (tali+ye)
-so/-to: taliso (tali+so), adeegto (adeeg+to)

Ereyada noocaas ah si ulakac ah ayaa qaamuuska looga saaray markii laga
reebo qaar yar oo adeegsigoodu aad u badanyahay, sida: bare, taliye,
meerto iwm.
f) Waxaa haray in aan xusno magacyo sifadooda gaar ah oo dowrkooda
keliya uu yahay in weerta gudaheeda ay ka qabtaan dawrka khabarka (kh)
(predícate). Tus: ereyga caan oo loo adeegsado sida tan:
– nin caan ah baa yimid
– ninku waa caan
– *caanka baa yimid (lama yiraahdo)

Qaamuuskana habka soo socoda ayaa loogu qoray ereyga caan iyo mixii la
mid ahba
XX
caan m.l.kh C. ah: wax dad badani yaqaan.
Xarafka C. waa ereyga caan oo la soo gaabiyeey (C. ah = Caan ah).
Magacyada la halmaala ereyga caan (sida: hebed, ilbax, hodan, kaamil
iwm) intooda badan lama raacsin karo qodob asagoo madaxbannaan sida
ku cad weerta: *caanka baa yimid, aan ka ahayn markii lagu
lammaaninayo magac qodobaysan sida: ninka caanka ah.
Mahadcelin
Hawshaan dhammaystirkeeda waxaa kaloo noo suurtageliyay sida lixaadka iyo
hagar la’aanta ah ee ay gacanta noogu siiyeen xagga isku duwidda iyo
farsamada: Francesca Bitocchi iyo Renato Moretti oo isagu si gaar ah noogu
taageerey xagga hawsha kombiyuuterka. Sidaa darted waxay naga mudanyihiin
in aan si gaar ah ugu mahadcelino iyaga iyo dhammaan intii kale ee horey
gacanta uga gaysatay diyaarinta qaamuuskan.
Annarita Puglielli
Cabdalla C. Mansuur
XXI
Ereyada la isku gaabiyay
a Amar imperativo imperative
ac aan cayinnayn indefinito indefinite
baay. Baayoloji biologia biology
bot. Botani botanica botany
bul. Bulsho società society
c.af cilmig-afeed linguistica linguistics
c.beer cilmi beereed agricoltura agriculture
c.cimi cilmiga cimilada meteorologia meteorology
c.fal cilmi-falag astronomia astronomy
c.naf cilimi-nafsi psicologia psychology
c.nafl cilmiga-naflayd zoologia zoology
ca Cayiman definito definite
daaw. Daawo medicina medicine
dd Diirad focus focus
dh Dheddig femminile feminine
dhaq Dhaqaale economia economics
dhm Dhimman clitico clitic
dii. Diinta religione religion
diid Diidmo negazione negation
dk Dibkabe suffisso suffix
e Erey parola word
eb Ebyoon indipendente indipendent
e.d erey dareen esclamazione exclamation
etno. Etnoloji etnologia ethnology
f Fal verbo verb
fals. Falsafad filosofia philosophy
fiis. Fiisikis fisica physics
fk Falkaab avverbio adverb
g Gudbe transitivo transitive
h Horyaale preposizione preposition
isrog Isrogrog coniugazione conjugation
j Jagaale ordinale ordinal
jool. Jooloji geologia geology
juqr. Juqraafi geografia geography
ke Keli singolare singular
kh Khabar predicato predicate
kiim. Kiimika chimica chemistry
l Lab maschile masculine
XXII
ld la-mid variante variant
lg labagudbe ditransitivo bitransitive
lh laahansho possessivo possessive
ly layeele oggetto object
m magac nome noun
maan. maanso poesia/poetico poetry/poetic
mg magudbe intransitivo intransitive
mi mideeya inclusivo inclusive
mu magacuyaal pronome pronoun
muus. muusiko musica music
nax naxwe grammatica grammar
q qodob articolo article
qaan qaanuun giuridico legal
qf qof persona person
qr qurub particella particle
riw riwaayad teatro theater
s sifo attributivo attributive
sh.r shanqar-raac ideofono ideophone
siyaa. siyaasad politica politics
so soocan esclusivo exclusive
t tiraale numerale numeral
taar. taariikh storia history
tegno. tegnology tecnologia technology
to. tegnoloji tecnologia technology
ti tilmaame dimostrativo demonstrative
tus tusaale esempio example
u urur collettivo collective
u-j u jeediye allocutivo allocutive
w wadar plurale plural
we weyddimeed interrogativo interrogative
wr weer frase sentence
xi xiriiriye congiunzione conjunction
xis xisaab matematica mathematics
y yeele soggetto subject

Ereyada la isku gaabiyay waxay noqon karaan kuwo laba iyo in kabadan la
isku lifaaqay sida: m.dh, f.mg1, f.g2, m.f.dh, m.l.u.kh, .iwm.
1
A
a (a’) m.dh Xarafka koowaad ee xuruufta af
soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
aa’ f.g1 (-‘ay, -‘day) 1. Cid ama wax garaacid,
u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.
aa¹ qr.dd ld baa.
aa² mu.dhm.y 1. ld Aad. 2. ld aydin.
aa³ e.d Cod lagu muujiyo xanuunka.
aabayeel¹ m.l 1. A. ah: qaddarinta ama
tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid.
aabayeel² f.mg1 (-yeelay, -yeshay) U a.:
qaddarin ama tixgelin cid siin.
aabayeelid m.f.dh eeg aabayeel². ld aabayeel¹
(2), aabeyeelid.
aabayn m.f.dh eeg aabee.
aabbannimo m.dh Aabbe ahaansho.
aabbayaal m.l/dh 1. eeg aabbe.
2. Awooweyaashii hore. ld aabbeyaal.
aabbe m.l (-bayaal, m.l/m.dh) 1. Nin ubad
dhalay. 2. (u.j) Aabbow!; wiilkaygiyow! ld
aabbo.
aabbo u.j ld aabbe.
aabbur¹ m.l (-rro, m.dh) Weel yar, wax lagu
shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka
lagaga xiro.
aabbur² f.g1 (-ray, -rtay) Dhiil, haan iwm
weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga
xirid.
aabburan¹ f.mg1 (-rmay., -rantay, -rmi)
Dhiil, haan iwm wax la aabburay noqosho.
Tus. “Weelku waa aabburmay”.
aabburan² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Dhiil, haan
iwm wax la aabburay ahaansho. Tus.
“Weelku waa aabburanyahay”.
aabburid m.f.dh eeg aabbur².
aabburmid m.f.dh eeg aabburan¹.
aabburnaan m.f.dh eeg aabburan². ld
aabburnaansho.
aabburnaansho m.l/dh ld aabburnaan.
aabee f.g2 (-beeyay, -beysay) 1. Cid qaddarin
ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh
marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u
habin.
aabeyeelid m.f.dh ld aabayeelid.
aabi m.l Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro
oo cid lagula muujiyo.
aabiweyrax m.l Sabab la’aan cid dagaal ku
qaadid, weyrax kulul.
aabo m.l Dareen naxariis, rabitaan iyo
xurmayn leh oo qof qof kale u hayo.
aabonimo m.dh (siyaa.) Mowqifka dawlad,
ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay
go’aan kasta u sameeyaan dadka ay
mas’uulka ka yihiin.
aabyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku aa.: cid
xumaan aanay mutaysan kula kicid.
aabyood m.f.l eeg aabyoo.
aad mu.dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka
labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo
qoraha). “Ninka aad la hadashay waa
walaalkay”. ld aa², aydin.
ąad¹ m.l (-dyo, m.dh) 1. Isku ąa. cayaar: isku
beegnaan cayaar. 2. ld aadid.
ąad² m.dh.fk (-dyo, m.l) 1. Isku beegnaanta
laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran.
3. A. yar: ld aayar.
ąad³ f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Meel u
socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax
wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ąa.: cunto
cabid iwm cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ąa.:
wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ąa.: meel aadisteeda wax u
adeegsasho. Tus. “Cali baabuur buu
Kismaayo ku aaday”.
aadaab m.dh 1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan
oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay
cidi leedahay.
aadaamid m.f.dh eeg aadaan². ld aadaan¹,
aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.
aadaan¹ m.l 1. Ogeysiin cod dheer leh oo
mu’addinku ugu yeero muslimiinta
waqtiyada salaadda. 2. Ci’ dheer oo neef riyo
ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld
aadaamid, aaddan¹, eedaan¹.
aadaan² f.mg1 (-aamay, -aantay) 1. Cod
dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada
aadami
2
salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah
xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan².
aadami m.l.u 1. Dadka Eebahay dunida
guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami
ahaan. ld aadane, aadmi.
aadaminnimo¹ m.dh Aadami ahaansho. ld
aadminnimo.
aadaminnimo² m.dh 1. (fals.) Isku taxluujin
ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo
barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista
(qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku
saleysan barashada Giriigga iyo
Roomaaniyiintii hore).
aadane m.l ld aadami.
aaddamid m.dh ld aadaamid.
aaddan¹ m.l ld aadaan¹.
aaddan² f.mg1 (-damay, -dantay) ld aadaan².
aaddan³ f.g/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Is aa.:
laba nafley wax da’da ama xoogga iska le’eg
ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku
beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu
ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku
aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku
gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax
la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco
waqti go’an ahaansho.
aaddanaan m.f.dh eeg aaddan³. ld
aaddanaansho.
aaddanaansho m.l/dh ld aaddanaan.
aaddi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid meel ku toosin;
ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri
ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax
muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku
aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci
karaan u nadaamid.
aaddin m.f.dh eeg aaddi. ld aadin, aadsiin.
aadeer m.dh ld adeeryo.
aadi f.g2 ld aaddi.
aadid m.f.dh eeg ąad³; ld ąad¹.
aadimo m.l 1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga
qaaday walax adke ah sida dhererka (l),
ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.)
“Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka
xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo
xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro
habboon.
aadin m.dh ld aaddin.
aadiraac m.l Dhicinta uu neef markaas rimay
dhiciyo; qubeys.
aadmi m.l ld aadami.
aadminnimo m.dh ld aadaminnimo¹.
aadsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld aaddin.
aadsiin m.dh ld aaddin.
aadyar m.dh.fk ld aayar.
aaf m.dh.u Meel la deggenyahay ama ceel
agagaarkood.
aafayn m.dh eeg aafee. ld aafeyn.
aafee f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid aafo gaarsiin.
aafeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aafo
haleeshay ahaansho.
aafeysnaan m.f.dh eeg aafeysan. ld
aafeysnaansho.
aafeysnaansho m.l/dh ld aafeysnaan.
aafo m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn oo
abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud
ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad
u weyn.
aafoobid m.f.dh eeg aafow.
aafow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax
aafeysan noqosho (nafley badan).
aag m.l.u Dhul ballaaran oo meel la yaqaano
ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa
laga helaa dhagax jilicsan oo burjikooyinka
laga qoro”.
aagaan¹ m.l (-nno, m.l/dh) Weel yar oo wax
lagu shuban karo oo haamaha lagu aabburo.
aagaan² m.dh (-aamo, m.l) Haan yar oo
biyaha ama caanaha lagu shubto.
aagga-qabow m.l (-gag-qabow, m.l) (jool.)
Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda
hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada
qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
aah e.d Cod yar oo qof xanuun hayo ka soo
baxa. ld ah².
aaho m.dh (-ooyin, m.l) Dhiibato weyn oo
abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan
saameya naflay badan.
aa’id m.f.dh eeg aa’.
aajur m.l.u Jaajuur yaryar oo ka samaysan
dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.
aakhir m.l 1. Kan dambe. 2. Quraanka
qaybtiisa damba. ld aakhiritaan.
aakhiritaan m.l ld aakhir.
aakhiro m.dh Meesha iyo nolosha dambe ee
lagu noolaan doono marka adduunka laga
tago.
aakhirutahan m.l ld aakhir.
aakib m.l 1. Ka aa. ah: faa’iidada laga rajeynayo
fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta
Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay
joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta
adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta
uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro
badan waxaa ka aa. ah tayo”.
aal¹ m.dh.fk Aashay, -aa, -iis iwm: si aan
degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar,
tartiib, qunyar. Tus. “Ciise aashiis buu
hadlaa”.
aammusdarnaan
3
aal² f.g/mg1 (yiil, tiil; aalli) 1. (f.g) Wax meel
go’an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku
dhaqaaqiddiisa deyn. ld ool², oollow.
aalaa fk. Inta badan, marar badan, badanaa.
Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”.
ąalad m.dh (-do, m.dh) 1. Qalab mashiin leh
oo wax lagu qabsan karo. Tus.
“Kombiyuutarku waa ąa. cusub oo
cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu
dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay
qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
ąaladee f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax
qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn.
4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato
geedo ku darid.
ąaladeyn m.f.dh eeg ąaladee.
ąaladeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la
qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay
ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho
(ciidan).
ąaladeysnaan m.f.dh eeg ąaladeysan. ld
ąaladeysnaansho.
ąaladeysnaansho m.l/dh ld ąaladeysnaan.
ąalad-kabniin m.dh (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada
ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay
jabaan ama kala baxaan. Waxay ka
sameysantahay balaastig ama faashad lagu
qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris”
waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si
dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu
keenay.
aale m.l Geed lugtool ahaan u baxa, sida
qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta
iwm.
aalkol m.l Dareere aan midab lahayn oo dabka
qabsan og, boogahana lagu dhaqo. ld
aalkolo.
aalkolo m.dh ld aalkol.
aallid m.f.dh eeg aal². ld oollid.
aalo m.dh.u Lo’da inteeda aan weli gaarin
da’dii ay rimi ama wax rimin lahayd.
aamanuu m.dh Waqti hore oo aad u fog.
aameel m.l (-llo, m.dh) 1. Weel qori ka
samaysan oo aan dabool lahayn oo lo’da iyo
geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii
waxay arkaan iska raacaan.
ąamiin m.dh ld ąammiin.
ąamiinsad m.l ld ąamiinsasho.
ąamiinsasho m.dh ld ąammiinsasho.
ąamiinsi m.l ld ąammiinsasho.
ąamiinso f.mg3 (-saday, -satay) ld ąammiinso.
ąammiin m.dh Erey la yiraahdo marka la
duceysto kaddib, oo ujeeddadiisu tahay in
Ilaah aqbalo ducada. ld ąamiin.
ąammiinsad m.l ld ąammiinsasho.
ąammiinsasho m.f.dh eeg ąamminso. ld
ąamiinsad, ąamiinsasho, ąamiinsi,
ąammiinsad, ąamm
ąammiinso f.mg3 (-saday, -satay) Aaammiin
dhihid. ld ąamiinso.
ąammin¹ m.l 1. Aan dhagar iyo laqdabo
aqoon; daacad; lillaahi (qof). 2. Nabad ah;
aan cabsi lahayn (meel).
ąammin² f.g1 (-nay, -ntay) 1. Cid kalsooni ku
qabid. 2. Ku ąa.: cid si kalsooni leh wax ugu
dhiibasho.
ąamminaad m.dh ld ąamminid.
ąamminbax f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ka ąa.:
qof, cid aamminkii uu ku qabay lumin.
ąamminbixid m.f.dh eeg ąamminbax.
ąammindarreysad m.l ld ąammindarreysasho.
ąammindarreysasho m.f.dh ld ąammindarreysad, ąammindarreysi.
ąammindarreysi m.l ld ąammindarreysasho.
ąammindarreyso f.mg3 (-stay, -satay) Ka ąa.:
cid ka ąamminbixid.
ąammindarro m.dh Kalsooni la’aan.
ąamminid m.f.dh eeg ąammin².
ąamminnimo m.dh Ąammin ahaansho.
ąamminsan f.g4 (-naa, -nayd) 1. Qof, wax cid
aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax
rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha
ahaansho. Tus. “Diinta Islaamka ayaan
aamminsanahay”.
ąamminsanaan m.f.dh eeg ąamminsan. ld
ąamminsanaansho.
ąamminsanaansho m.l/dh eeg ąamminsanow;
ld ąamminsanaan.
ąamminsanow f.g3 (-naaday, -naatay) 1. Qof,
wax cid aamminka ku qabo noqosho.
2. Qof, wax rumaysan jiritaanka Eebbe iyo
diinta noqosho.
ąamminsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof in uu wax
aammino ka oggoleysiin.
ąamminsiin m.f.dh eeg ąamminsii.
aammus¹ m.l 1. Hadal la’aan. 2. Shib. 3. ld
aammusid.
aammus² f.mg1 (-say, -stay) 1. Hadal joojin.
2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho.
aammusan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aan
hadlayn ahaansho; shibban (cid).
aammusdaran f.mg4 (-rnaa, -nayd) Wax aan
aammusaynin (cid).
aammusdarnaan m.f.dh eeg aammusdaran. ld
aammusdarnaansho.
aammusdarnaansho
4
aammusdarnaansho m.l/dh ld aammusdarnaan.
aammusi f.g2 (-iyay, -isay) Hadal, qaylo ama
oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka
aammusi qofka jirran”.
aammusid m.f.dh eeg aammus². ld aammus¹
(3).
aammusin m.f.dh eeg aammusi. ld aammusis.
aammusis m.l ld aammusin.
aammusnaan m.f.dh eeg aammusan. ld
aammusnaansho.
aammusnaansho m.l/dh ld aammusnaan.
aan¹ mu.dhm.y 1. Magacuyaal tilmaama qofka
koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax
qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan
doonayaa” 2. ld aannu.
aan² qr.diid Qurub tilmaamaya in weertu
tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan
ahayn tu ay tahayba. Tus. “Miyaan fadhigii
la qaban?”, “Yaan lacag la siin!”, “Wiilka aan
imaanini waa Cali”. ld an.
aanayn m.f.dh eeg aanee. aanaysad m.l ld aanaysasho.
aanaysasho m.f.dh eeg aanayso. ld aanaysad,
aanaysi.
aanaysi m.l 1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. ld
aanaysasho.
aanayso f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. Godob u
raadsasho. 2. Qaraabannimo ama
saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
aanee f.g/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.:
cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid.
2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid.
Tus. “Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa
loo aaneynayaa taxaddar la’aanta shufeerka”.
aannu mu.dhm.y Magacuyaal tilmaamaya
qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga
reebo lala hadlaha). Tus. “Xafiiska aannu
aragnay waa xafiiskaada cusub”. ld aan1.
aano m.dh Dhibaato hore oo ciddii loo geystay
aanay illaawin; godob; utun; dakano.
aar¹ m.l (-rar, m.l) 1. Libaax weyn oo lab.
2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.
aar² f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Alaab (aqal
iwm) meel sare saarid. 2. (f.mg) Ka aa.: cid
dakano gashay ka gudid. 3. (f.mg) U aa.: cid
qof laga dilay, ciddii dishey qof ka mid ah
dilid.
aaraa’ m.dh.w eeg ra’yi.
aarad m.dh (-do, m.l) Liid maro ah oo qurxin
awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto
iyo daahyada.
aaradee f.g2 (-deeyay, -deysay) Maro ama
daah aarad u yeelid.
aaradeyn m.f.dh eeg aaradee.
aaradeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aarad
loo yeelay ahaansho (maro, daah iwm).
aaradeysnaan m.f.dh eeg aaradeysan. ld
aaradeysnaansho.
aaradeysnaansho m.l/dh ld aaradeysnaan.
aaran m.l.u 1. Geela intiisa aan weli gaarin
da’dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa.
2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel
doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo
barwaaqo leh.
aarbax¹ m.l ld aarbixid.
aarbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Ka aa.:
qof eed loo haystay iska daaficid. 2. Ka aa.:
qof ka aargudasho.
aarbi-aar m.l Qaab loo ciyaaro turubka.
aarbixid m.f.dh eeg aarbax². ld aarbax¹.
aardoon m.l Qof, qof kale oo dakane ka galay
raadinaya. ld aardoonad, aardoonasho,
aarsashaddoon.
aardoonad m.l ld aardoonasho.
aardoonasho m.f.dh eeg aardoono. ld
aardoonad.
aardoono f.mg3 (-ntay, -natay) Qof in uu
aano soo guto meel u aadid.
aargalaan m.l (-nno, m.dh) Weel siin ah, dheg
leh oo wax lagu cabbo.
aargoonle m.l Nooc dawacada ka mid ah,
midab bey madow ah leh oo aad ariga u
laysa.
aargoosad m.l ld aargoosasho.
aargoosasho m.f.dh eeg aargooso. ld aargoosad,
aargoosi.
aargoosi m.l ld aargoosasho.
aargooso f.mg3 (-stay, -satay) Ka aa.: cid, cid
kale oo waxyeelo u geystay ka gudasho.
aargud f.mg1 (-day, -dday) 1. Ka aa.: cid
dakano ay gashay ka gudid. 2. U aa.: cid qof
laga dilay, ciddii dishay qof ka mid ah dilid.
ld aargudo.
aargudasho m.dh eeg aargudo. ld aargudid. aargudid m.f.dh eeg aargud. ld aargudasho,
aargudis.
aargudis m.dh ld aargudid. aargudo f.mg3 (-utay, -udatay) ld aargud.
aarid m.f.dh eeg aar². ld aaris.
aaris m.dh ld aarid.
aarnimo m.dh Aar ahaansho.
aarsashaddoon m.l ld aardoon.
aarsasho m.f.dh eeg aarso. ld aarsi.
aarsi m.l ld aarsasho.
aarso f.mg3 (-saday, -satay) Ka aa.: cid, cid
kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.
aas¹ m.l 1. Xabaalidda meydka; ld aasid.
2. Marka aasku madoobaado: waqtiga
abaad¹
5
qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo;
himhiimow, cilcillow.
aas² f.g1 (-say, -stay) Wax dhulka ku xabaalid
(dad dhintay); duugid.
aasaas¹ m.l ld asaas¹. asaasid. aasaas² f.g1 (-say, -stay) ld asaas².
aasaasan¹ f.mg1 (-smay, -santay) ld asaasan¹.
aasaasan² f.mg4 (-snaa,-snayd) ld asaasan².
aasaasi m.l ld asaasi.
aasaasid m.dh ld asaasid.
aasaasmid m.dh ld asaasmid.
aasaasnaan m.dh ld asaasnaan.
aasaasnaansho m.l/dh ld asaasnaan.
aasan¹ f.mg1 (-smay, -sanaty; -smi) Wax cidi
aastay noqosho.
aasan² f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la aasay
ahaansho.
aashuun m.l (-uummo/-uunno, m.dh) Weel
tebedda u eg, dhoobo ka samaysan oo biyaha
lagu shubto. ld ashuun.
aasid m.f.dh eeg aas². ld aas¹.
aasmid m.f.dh eeg aasan¹.
aasnaan m.f.dh eeg aasan². ld aasnaansho.
aasnaansho m.l/dh eeg aasnow. ld aasnaan.
aasnow f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax aasmay
noqosho.
aaway e.we Erey weyddiimeed, oo sida falka,
mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.:
awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay
“xaggee laga helaa?” “mee?”. ld aawaye,
away, awday.
aawaye e.we ld aaway.
aawi f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Wax
ururin.
aawil¹ m.l ld awaal¹, awaalid.
aawil² f.mg1 (-ilay, -ishay) Wax
dhicitaankooda ama imaatinkooda filid. ld
awaal².
aawilid m.f.dh ld awaalid.
aawin m.f.dh eeg aawi. ld aawis.
aawis m.l ld aawin.
aawo m.dh Erey aan keligii istaagin in qodob
lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, –
deed, -dood iwm oo macnahiisu yahay qof
ama wax dartood. Tus. “Cali, Caasha
aawadeed ayuu halkan u yimid”. ld aw. aayad m.dh (-do, m.l) 1. Akhriska ama
qoridda quraanka inta u dhexeysa laba
joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab
leh; mucjiso.
aayakatalin m.dh Ka tashiga cidi ka tashato
mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. ld
aayakatashi.
aayakatashi m.l (siyaa.) Xaqa uu waddan u
leeyahay waddan kale in uu kaga xoroobo
waddan shisheeye ee haystay, una doorto
dawladda uu rabo. ld aayakatalin.
aayar m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. ld aad
yar, aadyar.
aayatiin m.l (-nno, m.dh) Xaalad xumaan ama
samaan leh oo ay cidi ku dambeyso;
ciribdambeed. ld aayo¹.
aayaxumaan m.f.dh eeg aayaxun. ld
aayaxumaansho, aayaxumi, aayaxumo.
aayaxumaansho m.l/dh ld aayaxumaan.
aayaxumi m.dh ld aayaxumaan.
aayaxumo m.dh ld aayaxumaan.
aayaxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Cid aan aayo
ficnayn ahaansho.
aaye m.dh ld aayo².
aayid m.f.dh eeg ay². ld aayis.
aayis m.dh ld aayid.
aayo¹ m.l ld aayatiin.
aayo² m.dh (-ooyin, m.l) 1. Afo waxa ay u
tahay carruurta ninkeedu ka dhalay naag
kale. 2. Haweeney qof abtigii ama adeerkii
qabo. 3. Qof waxa ay u tahay hooyadiis
walaasheed; habaryar. ld aaye.
aayodhiin m.l (kiim.) Curiye adke ah oo bida
midabkiisuna yahay buluug madow kana
tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha
kalgalka curiyayaasha).
aayon m.l ld ayoon.
aayoonayn m.dh (kiim.) Habka soo saaridda
ayoonnada.
aayoonka haydarojiin m.l eeg asiidh; PH.
ab¹ m.l.u 1. Awoowyaashii hore oo laga soo
jeedo. 2.Abkay ma arag: weligay ma arag.
ab² m.l.fk A.kay ma arag: weligay ma arag.
abaab¹ m.l ld abaabid; abab¹; ababid.
abaab² f.mg1 (-bay, -btay) ld abab².
abaabi f.g2 ld ababi.
abaabid m.dh eeg abaab². ld ababid. ld abaab¹,
abaabis.
abaabin m.dh ld ababin.
abaabis m.dh ld Abaabid; ababid. ld ababis.
abaabul¹ m.l ld abaabulid.
abaabul² f.g1 (-ulay, -ushay) Si hannaan ama
qaab habeysan leh dad u hawlgelin, arrin
isku duwid, qabanqaabin.
abaabulan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la
abaabulay ahaansho (hawl).
abaabule m.l (-layaal, m.l/dh) Qof hawl
qabanqaabiya; qabanqaabiye.
abaabulid m.f.dh eeg abaabul². ld abaabul¹.
abaabulnaan m.f.dh eeg abaabulan. ld
abaabulnaansho.
abaabulnaansho m.l/dh ld abaabulnaan.
abaad¹ m.l ld abaabid.
abaad²
6
abaad² f.mg1 (-day, -dday) 1. Ku a.: muddo
dheer xaalad gaar ah ku sugnaan, ku waarid.
2. Duugoobid.
abaadi f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Baadi
goobisteed raajin. 2. (f.mg) Ku a.: wax xaalad
gaar ah ku raajin. ld abaadsii.
abaadid m.f.dh eeg abaad². ld abaad¹.
abaadin m.f.dh eeg abaadi. ld abaadsiin.
abaadsii f.g2 (-iyay, -isay) ld abaadi.
abaadsiin m.dh ld abaadin.
abaahi¹ m.l Isutagga awrka iyo hasha. ld
abaahiyid.
abaahi² f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Hal
kudid (awr).
abaahin m.f.dh eeg abaahi². ld abaahiyid.
abaahiqab m.l ld buudhqab.
abaahis m.l ld abaahiyid.
abaahiyid m.f.dh ld abaahi¹, abaahin,
abaahis.
abaaji¹ m.l Xoolo lumay oo waa dambe la
tabay.
abaaji² f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xoolo lumay
waa dambe tebid.
abaajiyid m.f.dh eeg abaaji².
abaal m.l (-llo, m.dh) 1. Samo cid loo galo.
Tus. “Cali, abaal buu ii galay”. 2. Xasuusta
wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay.
Tus. “Xasan, abaal baan u hayaa”.
abaalceli f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: abaal la isu
galay gudid.
abaalcelin m.f.dh eeg abaalceli. ld abaalcelis.
abaalcelis m.l ld abaalcelin.
abaaldaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan
abaal lahayn ahaansho (qof).
abaaldarnaan m.f.dh eeg abaaldaran. ld
abaaldarnaansho.
abaaldarnaansho m.l/dh ld abaaldarnaan.
abaaldarro m.dh Gudid ama aqoonsi la’aanta
abaal la isu galay. ld abaaldarnaan.
abaaldhac¹ m.l Samo la isu galay oo wixii uu
mudnaa aan lagu gudin. ld abaaldhicid.
abaaldhac² f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka a.:
samo la isu galay wixii uu mudnaa ku gudid
la’aan.
abaaldhicid m.f.dh eeg abaaldhac². ld
abaaldhac¹.
abaaldooris m.l Samafal la isu galay oo
xummaan lagu beddelo.
abaalgud¹ m.l (-dyo, m.dh) 1. Wax qiimo leh
oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay;
abaalmarin. 2. ld abaalgudid.
abaalgud² f.mg1 (-day, -dday) U a.: abaal la
isu galay mid la mid ah ku beddelid.
abaalgudid m.f.dh eeg abaalgud². ld abaalgud¹.
abaalhay f.mg2 (-yay, -ysay) U a.: cid, cid kale
oo samo u gashay u aqoonsanaan.
abaalhayn m.f.dh eeg abaalhay.
abaali m.dh (-iyaal, m.l/dh) A. ah: haan duug
ah oo biyaha sii daysa; boos.
abaalmari f.g2 (-iyay, -isay) Qof u abaalgudid.
abaalmarin m.dh eeg abaalmari. ld abaalmaris.
abaalmaris m.l ld abaalmarin.
abaar m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo
roob la’aani keentay.
abaarayn m.f.dh eeg abaaree. ld abaaraysiin.
abaaraysad m.l ld abaaraysasho.
abaaraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari
haleeshay ahaansho (dhul).
abaaraysasho m.f.dh eeg abaarayso. ld
abaaraysad, abaaraysi.
abaaraysi m.l ld abaaraysasho.
abaaraysii f.g2 (-iyay, -isay) ld abaaree.
abaaraysiin m.dh ld abaarayn.
abaaraysnaan m.f.dh eeg abaaraysan. ld
abaaraysnaansho.
abaaraysnaansho m.l/dh ld abaaraysnaan.
abaarayso f.mg3 (-stay, -satay) Wax abaari ku
dhacday noqosho (meel). ld abaarso.
abaaree f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax abaar ah
ka dhigid (meel). ld abaaraysii.
abaareysad m.l ld abaaraysasho.
abaarikeentay m.l/dh.u Dad aan dhulka ku
dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid.
abaaroobid m.f.dh eeg abaarow.
abaarow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax
abaari ku dhacday noqosho (meel).
abaarsad m.l ld abaarsasho.
abaarsasho m.dh ld abaarsad, abaaraysasho.
abaarso f.mg3 (-saday, -satay) ld abaarayso.
abaaseere m.l Qof madax ka ah goobta
booranaha ama mingiska lagu tumo. ld
abbaseere.
abab¹ m.l Ubad xoolaad oo daaq barad ah. ld
abaab¹, ababid.
abab² f.mg1 (-bay, -btay) 1. Ubad xoolaad
daaq barasho. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon,
dhaqan iwm ku barbaarin. ld abaab².
ababi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ubad xoolaad daaq
barid. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan
iwm barid. ld abaabi.
ababid m.f.dh eeg abab². ld abaab¹, abaabid,
abaabis, abab¹, ababis.
ababin m.f.dh eeg ababi. ld abaabin.
ababis m.l ld ababid.
abad m.l.fk Markii magacuyaal lahaansho lagu
lifaaqo wuxuu la micna yahay “weligii”. Tus.
“A.kii ma imaan” oo la mid ah “weligiis ma
imaan”. ld abadan, abid, abiid, ebed.
abbaayguddoy
7
abadan m.l.fk Eray lagu muujiyo diidmo adag.
ld abad.
abaddar m.l (-rro, m.dh) 1. Qof aan waxba
laga dhaadhicin karin; macangag. 2. Geesi
aan caqli lahayn.
abaddarnimo m.dh Abaddar ahaansho.
abakaar m.dh (-rro, m.l) Haweeney waxyaabo
yaryar ka ganacsata.
abakaarnimo m.dh Abakaar ahaansho.
abaqaal¹ m.l Tallaalidda laan geed laga soo
gooyay lagu tallaalo geed kale. ld abqaalid.
abaqaal² f.g1 (-aalay, -aashay) Laan geed laga
soo gooyey geed ku tallaalid.
abaqaalid m.f.dh eeg abaqaal². ld abqaal¹.
abasax¹ m.l ld abasaxi.
abasax² f.mg1 (-xay, -xday; -sixi) (Hal) wax
abaahin u baahan noqosho.
abasaxan f.mg4 (-naa, -nayd) ld abasaxsan.
abasaxi m.l 1. Baahida ay hal ama qaalin geel
ahi u qabto abaahi. 2. A. ah: hal ama qaalin
geel oo u baahan abaahi.
abasaxnaan m.dh ld abasaxsanaan.
abasaxnaansho m.l/dh ld abasaxsanaan.
abasaxsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax abaahin u
baahan ah ahaansho (hal).
abasaxsanaan m.f.dh eeg abasaxsan. ld
abasaxnaan, abasaxnaansho,
abasaxsanaansho.
abasaxsanaansho m.l/dh ld abasaxsanaan.
abashuqle m.l Guux iyo abur uu afka ka keeno
awr doobbo soo ridi waayey. ld aburshuqle.
abashuqlee f.mg2 (-leeyay, -leysay) Abashuqle
samayn (awr). ld aburshuqlee.
abashuqleyn m.f.dh eeg abashuqlee. ld
aburshuqlayn.
abasixid m.dh eeg abasax².
abataqan m.dh Meel aad uga fog qofka
hadlaaya.
abaydimi f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar abaydin
ka dhigid.
abaydimin m.f.dh eeg abaydimi.
abaydin m.l/dh.kh A. ah: ilmo yar oo naaska
hooyo aan nuugin.
abbaan m.l (-nno, m.dh) 1. Qof cid magan
geliyey. 2. Qof, cid magan u ah.
abbaanduul m.l Cilmiga barashada
hoggaaminta ciidamada xagga dagaalka. ld
ammaanduul.
abbaanduule m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof
taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliyexigeenka
gaas, guuto, qayb iwm ee
ciidamada. ld ammaanduule.
abbaannimo m.dh Abbaan ahaansho.
abbaansasho m.f.dh eeg abbaanso. ld abbaansi.
abbaansi m.l ld abbaansasho.
abbaanso f.mg3 (-saday, -satay) Cid abbaan u
noqosho (qof).
abbaanwarre m.l (-rrayaal, m.l/dh) Laba isu
dhaxday kan labka ah; say.
abbaar¹ m.l 1. Meel ku aadkeeda. 2. ld
abbaarid.
abbaar² m.dh Hadal, arrin iwm sida ku
habboon ee looga baahanyahay. Tus.
“Hadalka abbaartiisu sidaa ma ahayn.”
abbaar³ f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Si toos ah
oo aan leexleexasho lahayn wax u aadid.
2. (f.mg) Ku a.: wax kale ku toosin.
abbaaran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Ku
a.: wax waqti go’an meel ku aaddan
noqosho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan
noqosho.
abbaaran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Ku a.: wax
waqti go’an meel ku aaddan ahaansho. 2. Ku
a.: wax meel ku aaddan ahaansho.
abbaare m.l.fk Qiyaasta ugu dhow wax aan la
hubin oo la qiyaaso. Tus. “Waxaan ku
sugayaa abbaaraha lix saac”.
abbaarid m.f.dh eeg abbaar³. ld abbaar¹.
abbaarmid m.f.dh eeg abbaaran¹.
abbaarnaan m.f.dh eeg abbaaran². ld
abbaarnaansho.
abbaarnaansho m.l/dh ld abbaarnaan.
abbaarqaadasho m.f.dh eeg abbaarqaado.
abbaarqaado f.mg3 (-aatay, -aadatay) Ka a.:
meel jahadeeda meel kale uga tilmaan
qaadasho.
abbaarsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ama
wax kale ku aaddin.
abbaarsiin m.f.dh eeg abbaarsii.
abbaato m.dh.fk Hor iyo a.: fal la sameeyo inta
aan ujeeddo la lahaa lagu dhaqaaqin. Tus.
“Inta aynaan badda aadin hor iyo abbaato
aan shaah cabno”.
abbaay m.dh ld abbaaye.
abbaay abbaay m.dh Digri haweenka u gaar ah
oo la sameeyo marka haweeney ay
kuraysanayso ama markii caado ahaan loo
xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado
gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).
abbaaye m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Wax ay
gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la
dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo
gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is
jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u
tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld
abbaay, abbaayo.
abbaayguddoy m.dh (-ooyin, m.l) Cayayaan
jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax
ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay
abbaayo
8
labada hore dhaadheeryihiin. ld ayeeyolugdheer;
abooto-idabbadis.
abbaayo m.dh ld abbaaye.
abbaseere m.l (-rayaal, m.l/dh) ld abaaseere.
abboow m.l ld abboowe.
abboowe m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Waxa wiil u
yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey
“walaal” ka dhigan oo kuwa wada dhashay
ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan.
3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay
ee ka yaryar. ld abboow, boowe.
abbuul m.l ld cambuul¹.
abdo m.dh Qiimo; aayo; faa’ido; rajo.
abeer m.dh.u 1. A. ah: qaalin geel ama lo’aad
oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin
aan dhowr da’ood dhalin. 2. A. ah: neef
dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.
abeesabbadeed m.dh.u Nooc mallay badeedka
la mid ah oo abeesada u eg.
abeesajilfaaley m.dh Abeeso aad u weyn oo
bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda.
ld abeesojufaaley. abeesalugaley m.dh.u Berribiyood afar addin,
dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg,
kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
abeesaxambaar m.l A. ah: ilmo ku jira
marxaladdii gurguurashada.
abeeso m.dh (-ooyin, m.l) Nooc halaqa ka mid
ah, halis ah, gaabiya oo leh madax weyn,
barabaro iyo neef ay isku difaacdo oo hadba
ciidda ay ku nooshahay midabkeeda yeelato.
abeesojufaaley m.dh ld abeesajilfaaley.
abeesow m.l Cudur maqaarka dadka ku dhaca
oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.
abguri m.dh Abeeso aad u weyn oo waxaraha,
bakaylaha, sagaarada iwm. liqda.
abhi f.g2 (-iyay, -isay) Qof maaggan in uu cid
dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid.
ld ahbi.
abhin m.f.dh eeg abhi. ld abhis, ahbin, ahbis.
abhis m.l ld abhin.
abid m.l.fk ld abad.
abiid m.l.fk ld abad.
abitey m.dh (-eeyo, m.dh) Warqad qaab
shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro
caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
abjac m.l (-cyo, m.dh) A. ah: qof madax adag
oo garmaqaate ah.
abjacnimo m.dh Abjac ahaansho (qof).
abjad m.l (-dyo, m.dh) Heeryo cufan, culus oo
ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm,
oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo;
qobtol. ld abjed. abjed m.l ld abjad.
abkow m.l (-wyo, m.dh) 1. Awoowe.
2. Awoowe aabbihiis; abuullan.
abkownimo m.dh Abkow ahaansho.
abla’ablayn m.dh (-no, m.dh) Barashada
aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda
naflayda kuwii dabar go’ay iyo kuwa hadda
jooga.
ablaawe m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Qof aan
ciddii uu ka soo farcamay la aqoon. 2. Qof
aan meher ku dhalan; wacal; garac.
abley m.dh (-eeyo, m.dh) Billaawe weyn oo
dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir.
ld amley.
abnaq¹ m.l (-qyo, m.dh) (xis.) Tirada soo
baxda marka la isku dhufto dhammaan
abyooneyaasha togan ee ka yar ama le’eq
abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa
abyoone n oo loo qoro n! waa: (n – 1) (n – 2)
(n – 3) … 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.
abnaq² m.l Cilmiga abtiriska.
abnaq³ f.mg1 (-qay, -qday) U a.: cid u abtirin.
abnaqid m.f.dh eeg abnaq³.
ab’ogaa m.l.u Dad dalka gudihiisa weligii
degganaa; aan gadaal ka imaad ahayn.
aboobid m.f.dh eeg abow.
aboodi m.l (-iyo, m.dh) Nooc haadda ka mid
ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka
iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u
hoyda oo afka luguha iyo baalasha
dhinacyadooda guduudan.
aboor¹ m.dh Waxar ayadoon naaskii
hooyadeed ka go’in biyo-cabbid bilowday.
aboor² m.l Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix
lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega,
dundumooyinka sameeya.
aboornimo m.l Aboor ahaansho (waxar).
abootannimo m.dh Abooto ahaansho.
abooto m.dh (-ooyin, m.l) Hooyada
hooyadeed ama aabaha hooyadii; ayeeyo,
macooyo.
abooto-idabbadis m.dh Ayeeyo-lugdheer.
ab’orijinis m.l.u (-syo, m.dh) Dadka asal
ahaan u deggan amase degganaan jiray
gobol, gaar ahaanse waxaa lagu istimaalaa
dadkii Ustraliya degganaan jiray intii aan
caddaanku tegin; ab’ogaa.
abqaad m.l (-do, m.l) (baay.) Ka rujinta
geedka laga rujiyo meel ee la geeyo meel kale.
Tus. “Ka saaridda geed dheri lagu beeray ee
loo wareejiyo dhulka”.
abqo m.dh.u Miro dhuuban, galoolan, dhexda
iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu
cunaan; dhameel. ld aqbo, qabco.
abraar¹ m.l 1. Orod degegsiinyo leh oo hadba
dhan loo ordo. 2. abraarid. ld abraarid.
abwaan
9
abraar² f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel ciriiri
ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si
degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid.
abraarid m.f.dh eeg abraar². ld abraar¹ (2).
abraarsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ciriiri
ah xoog ku dhex marin.
abraarsiin m.f.dh eeg abraarsii.
abraarsiis m.dh ld abraarsiin.
abriil m.dh Bisha afraad ee sannadka
miilaadiga ah. ld abriile.
abriile m.dh ld abriil.
abris m.l (-syo, m.dh) Halaq madow oo
gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo
dabada wax ku qaniina inta badanna aan
suntiisa laga kicin.
absaxan m.l.u Waalid, isir, ab.
abshir m.dh 1. War wanaagsan oo farxad leh.
2. Dariiq toosan oo kheyr lagu gaaro. Tus.
“Abshirta Alle hana waafajiyo”.
absiisa m.l (xis.) Kulanka-x oo barbarro ahaan
loogu cabbiro dhidibka-x ee habdhiska
kulanka kaartis.
abti m.l (-iyo, m.dh /-iyaal, m.l/dh)
1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu
walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j.
wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan
abtiga u ahayey!
abtibadbaadeed m.l (-dyo, m.dh) Haweeney
carruurta ay dhashay waxa uu ina adeerkeed
u yahay.
abtinnimo m.dh Abti ahaansho.
abtiri f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof faraciisu
siday isu dhaleen sheegid.
abtirin m.f.dh eeg abtiri. ld abtiris.
abtiris m.l ld abtirin, abtirsiinyo.
abtirsad m.l ld abtirsasho.
abtirsasho m.f.dh eeg abtirso. ld abtirsad,
abtirsi.
abtirsi m.l ld abtirsasho, abtirsiinyo.
abtirsiimo m.dh ld abtirsiinyo.
abtirsiino m.dh ld abtirsiinyo.
abtirsiinyo m.dh Aqoonta ku saabsan
awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday
isu xigeen; abnaq. ld abtiris, abtirsi,
abtirsiimo, abtirsiino.
abtirso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Qof
abtirsiinyadiisa sheegasho. 2. Ku a.: awoowo
hore abtirsiinyo ku gelid.
abtisarow m.l Sarmooyinka dhabannada iyo
labada indhood dhexdooda carruurta uu ka
saro abtigood durugsan; sarow.
abtiyoobid m.f.dh eeg abtiyow².
abtiyow¹ m.l Soo bixidda gabar qaangaartay
naasku u soo baxo. Tus. “Naas abtiyow ayaa
u soo baxay”.
abtiyow² f.mg1 (-obay, -owday) Gabar
qaangaartay naas ka soo bixid.
abur m.l/dh Xumbo (siiba midda uu soo saaro
aworka qooqan). ld ubur.
aburi f.mg2 (-iyay, -isay) Abur yeelasho ama
soo saarid (siiba awrka qooqan). ld uburi.
aburin m.f.dh eeg aburi. ld uburin.
aburshuqlayn m.dh ld abashuqlayn.
aburshuqle m.l ld abashuqle.
aburshuqlee f.mg2 (-leeyay, -laysay) ld abashuqlee.
abuuddocan m.dh ld abuuddoocan.
abuuddoocan m.dh Timir yaryar, guduudan,
aad u macaan oo ka baxda degmada Doocan
ee Yaman. ld abuuddocan.
abuudiiq m.dh A. ah: badeeco diiq, astaan
ahaan dusha kaga sawiran.
abuullan m.l.u Awoowayaal hore oo cidi ka
soo farcantay.
abuumaqas m.l 1. Nafley bad ku nool ah oo
leh jir qolof adag ku dahaarantahay, toban
lugood oo labada hore u egyihiin maqas oo
la cuno; koombe. 2. Nooc ka mid ah
sigaarradii 40kii iyo 50kii Soomaaliya laga
cabbi jirey oo dusha maqas kaga sawirnaa.
abuur¹ m.l 1. (m.l.u) Miro loogu tala galay in
wax lagu beero. 2. ld abuurid.
abuur² m.dh Dabeecad ama muuqaal loo
dhashay; baxaalli. ld abuuris.
abuur³ f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax aan hore u
jirin uumis. 2. Wax beerid.
abuuran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la
abuuray noqosho.
abuuran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la
abuuray ahaansho.
abuurcas m.l/dh Nooc meseggada ka mid ah,
oo midab guduud iyo caddaan u dhexeeya
leh.
abuure m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Eebbe. 2. Qof
wax abuuraya ama wax beeraya.
abuurid m.f.dh eeg abuur³. ld abuur¹ (2),
abuuris, abuuritaan.
abuuris m.dh ld abuurid; abuur².
abuuritaan m.l ld abuurid.
abuurmid m.f.dh eeg abuuran¹.
abuurnaan m.f.dh eeg abuuran². ld
abuurnaansho.
abuurnaansho m.l ld abuurnaan.
abuutufaax m.l A. ah: macwiis tufaax astaan u
ahi ku sawiran yahay.
abwaan m.l (-nno, m.dh) 1. Buug ama buugag
taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku
uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur
suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon
abwaanad
10
iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh.
4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.
abwaanad m.dh (-do, m.l) 1. Haweeney curin
iyo hal-abuur suugaaneed leh. 2. A. ah:
haweeney garasho, aqoon iyo waayaaragnimo
dheeraad ah leh.
abwaannimo m.dh Abwaan ahaansho.
abxad m.dh (-do, m.l) Shandad weyn, maqaar
ka samaysan oo reer miyigu wax ku gurtaan.
abyamid m.f.dh eeg abyan². ld abyan¹ (2).
abyan¹ m.l 1. Garasho ama dareen, wax silloon
ama lala yaabo, ay dhaliyaan; amakaag;
ashqaraar. 2. ld abyamid.
abyan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ka a.:
wax aad ula yaabid.
abyanaha logaridam m.l (xis.) Qayb ka mid ah
logaridamka tiro ee ah abyoonaha ku yaalla
bidixda barta tabanlaha ee ku jirta
logaridamka.
abyane huban m.l (-nayaal …, m.l/dh) (xis.)
Jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal
doorsoome f(x), ee u dhexeeya laba qiime oo
magacaaban ee x: x, iyo x2.
abyin m.l (-nno, m.dh) (xis.) Habka lagu
raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn.
Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale
ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo
marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa
la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
abyineed aan hubnayn m.l (xis.) Abyanka aan
hubanayn ee fansaarka f(x) waa fansaar F(x)
oo diiranihiisu leegyahay f(x). Waxa kale oo
loo yaqaan lidka diirane; abyineed.
abyineed huban m.l eeg abyan huban.
abyin-jeexeed m.l (-dyo, m.dh) (xis.) Hab lagu
sammeeyo abyinaynta taranka laba fansaar
iyada oo la adeegsanaayo jidka: u (dv/dx)dx =
uv – v (du)dx, oo loo adeegsan karo
qiimeynta abyinka ee taran.
abyood f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: ficil isla
weyni iyo xadgudub leh cid kula kicid;
gardarreysi qof.
abyoone m.l (-nayaal, m.l/dh) (xis.) Urur ka
kooban tirooyinka idil ee togan iyo kuwa
taban; 0, 1, 2, 3, 4, … Abyooneyaasha togan
ee 1, 2, 3, 4,… waxa lagu magacaabaa
tirooyinka tirsiimo ama kuwa wax lagu
tirsado.
acuudu-billaahi e.d Eray Eebbe looga magan
galo wixii la sharaysto. ld cawdu-billaahi.
acuudu-billaysad m.l ld acuudu-billaysasho.
acuudu-billaysasho m.f.dh eeg acuudubilleyso.
ld acuudu-billeysad, acuudubilleysi,
cawdu-billeysad
acuudu-billeysi m.l ld acuudu-billeysasho.
acuudu-billeyso f.mg3 (-stay, -satay) Ka a.:
wax shartooda Ilaah ka magan gelid. ld
cawdu-billeyso.
acyuun m.dh 1. Jaadadka geela mid ka mid ah.
2. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto. ld
cayuun¹.
adaa mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka
kooban ‘adi’ iyo ‘aa 1’.
adaadax¹ m.l 1. Socodka lala dhacdhaco tabar
darro darteed. 2. Meesha ay iska galaan
dhulka iyo buurta.
adaadax² f.mg1 (-xay, -xday) Tabar darro
awgeed la dhicdhicid (qof).
adaadi m.l Lacag sanuud ah oo qiimaheedu
dhanyahay labaatan senti.
adaadixid m.f.dh eeg adaadax².
adaadumasho m.f.dh eeg adaadumo.
adaadumid m.f.dh eeg adaadun².
adaadumo f.g3 (-untay, -umatay) Wax
unkasho (hanti).
adaadun¹ m.l Unkidda xoolo, aqal iwm la
unko.
adaadun² f.g1 (-umay, -untay) Xoolo, aqal
iwm unkid.
adaahi m.dh Geed xooluhu ku dhacartaan oo
leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo
yaryar oo dhuudhuuban.
adaan mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka
kooban ‘adi’, ‘aa 1’ iyo ‘aan 1’.
adaarbiciid m.l Nagaar aan qodax lahayn oo ka
baxa balliyada iyo togagga, wuxuu leeyahay
miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa
ka mid. ld adarbiciid.
adab¹ m.l Suugaan.
adab² m.dh (-byo, m.l) 1. Qalab u gaar ah aqal
Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda,
xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan
harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku
gurtaan.
adable m.l Dhul carro cad iyo carro madow
isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo
beerashada ku wanaagsan.
adaddaah¹ m.l ld adaddaahid.
adaddaah² f.mg1 (-hay, -hday)
1. Madaxwareer yar. 2. Jirro muddo lala
jiifey si tartiib ah uga bogsasho.
adaddaahid m.f.dh eeg adaddaah². ld
adaddaah¹.
adag f.mg4 (adkaa, adkayd; ad’adag) 1. Wax
aan jilicsanayn ahaansho. 2. Wax xoog iyo
karti leh ahaansho.
adamaddoon m.l Qof ugaarsada dugaagga iyo
ugaarta intooda halista ah. ld adame.
adame m.l (-mayaal, m.l/dh) ld adamaddoon.
adami m.l Nafley ugaarsiga ku nool.
adi
11
adamiyeysasho m.f.dh eeg adamiyeyso. ld
adamiyeysi.
adamiyeysi m.l ld adamiyeysasho.
adamiyeyso f.mg3 (-stay, -satay) Nafley
ugaarsi ku noolaan.
adan m.dh 1. Libaaxa tan dheddig; gool.
2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka
ah. 3. Koox libaaxyo ah.
adar m.l 1. (-rro, m.dh) Dheri weyn.
2. Qoolley. 3. Geed ka mid ah dhirta aan
qodax lahayn.
adarbiciid m.l ld adaarbiciid.
adayg m.l ld adkaan.
addeec¹ m.l ld addeecid.
addeec² f.g1 (-cay, -cday) Cid amar la faray
qaadasho.
addeecid m.f.dh eeg addeec². ld addeec¹,
addeecis.
addeecis m.dh ld addeecid.
addeecsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax amar la
siiyey addeecay ahaansho (qof).
addeecsanaan m.f.dh eeg addeecsan. ld
addeecsanaansho.
addeecsanaansho m.l/dh ld addeecsanaan.
addimaad m.dh ld addimid.
addimid m.f.dh eeg addin². ld addimaad,
addin¹.
addin¹ m.l (-immo/-inno, m.dh) 1. Afarta
lugood ee xawayaanka middood. 2. ld
addimid.
addin² m.l (-imo, m.dh) 1. (xis.) Tirada
kulannada loo baahanyahay in baro lagu
muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke.
Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan
adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.)
Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.)
Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah
oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo
kale.
addin³ f.g1 (-imay, -intay; -imi) ld aadaan²
(1).
addinmaal m.l (-llo, m.dh) ld muruqmaal.
addoomoobid m.f.dh eeg addoomow.
addoomow f.mg1 (-oobay, -owday; oobi)
Addoon noqosho.
addoon¹ m.l (-oommo, m.dh) Nin aan xor
ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu
shaqaysto; cabiid; bidde.
addoon² m.dh (-oomo, m.dh) Naag aan xor
ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu
shaqaysto; biddad.
addoonnimo m.dh Addoon ahaansho.
addoonsad m.l ld addoonsasho.
addoonsasho m.f.dh eeg addoonso. ld
addoonsad, addoonsi.
addoonsi m.l ld addoonsasho.
addoonso f.g3 (-saday, -satay) Cid addoon ka
dhigasho.
adduun m.l 1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka
lagu noolyahay; duni. 2. Hanti badan. ld
adduunyo.
adduunweyne m.l Adduunka oo dhan. ld
adduun.
adduunyo m.dh ld adduun.
adeeg¹ m.l 1. Hadal aan qornayn oo cid loo
dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin.
2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo
xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah.
Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha
daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga
baahanyahay.
adeeg² f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Ka a.: xafiis, guri
makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho.
2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys
maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin.
adeegasho m.f.dh eeg adeego.
adeege m.l (-gayaal, m.l/dh) Qof dadka u
adeega.
adeegid m.dh eeg adeeg².
adeego f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Cunto
maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl
keligii qabsasho (qof).
adeegsad m.f.dh ld adeegsasho. adeegsasho m.f.dh eeg adeegso. ld adeegsad, adeegsi.
adeegsi m.l ld adeegsasho. adeegso f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid
adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax
samayntooda qalab ama wax kale u
isticmaalid. Tus. “Baaritaanka dhiigga
kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa”.
adeegto m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay shaqo
hoosaad ka qabata guryaha, xafiisyada iwm.
adeer m.l (-rro, m.dh) 1. Nin waxa uu u yahay
ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh
oo qof da’weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow!
4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!;
gabadha aan adeerka u ahayey!
adeernimo m.dh Adeer ahaansho.
adeeryo m.dh (-ooyin, m.l) Goodirka midkiisa
dheddig. ld aadeer.
adhaxle m.l.u (baay.) Faylam xayawaan oo leh
adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto
xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta
qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo
dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa
jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu
weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.
adi mu.eb ld adiga.
adiga
12
adiga mu.eb Magacuyaal tilmaamaya qofka
labaad ee kelida ah (lala hadlaha). ld adi.
adinayn m.dh (-no, m.dh) (baay.) Mid ka mid
ah kuwa ugu muhiimsan beysaska
nukliyootaydhada DNA iyo RNA.
adiyo mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka
kooban ‘adi’ iyo ‘iyo’.
adkaan m.f.dh eeg adag. ld adayg, adkaansho.
adkaansho m.f.dh eeg adkow. ld adkaan.
adkayn m.f.dh eeg adkee.
adkaysad m.l ld adkaysasho.
adkaysan¹ m.l ld adkaysi.
adkaysan² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la
adkeeyay ahaansho.
adkaysasho m.f.dh eeg adkayso. ld adkaysad,
adkaysi.
adkaysi¹ m.l 1. Dhibaato hawl, xanuun,
dhabar’adayg u lahaansho; dulqaad. 2. ld
adkaysasho.
adkaysi² m.l (daaw.) Awoodda difaaca jirka:
waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u
yeelan karo.
adkaysiinyo m.l Dulqaad loo yeesho dhibaato.
adkaysin m.l Karti dheeraad ah oo nafley u
yeelato dhibaato, mushkilad iwm.
adkayso f.g/mg3 (-stay, -satay) 1.(f.g) Gunti,
xarig iwm oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.:
hadal, fikrad, mowqif iwm iska beddelid
la’aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u
yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u
lahaansho; dulqaadasho.
adke m.l (-kayaal, m.l/dh) 1. (fiis.) Maatarka
saddexdiisa qaybood middood oo leh mug
iyo qaab go’an, iskana caabida xoogagga
qaabkeeda beddelaya. 2. (xis.) Shaxan
joomaterikaad oo saddex aaddimood leh.
3. (xis.) A. lix salaxaale: shaxan adke ah oo
leh lix weji oo barbarooleyaal ah. 4. (xis.) A.
uumiyoobe: wejigeddoonka adkuhu ku
noqdo neef isaga oo aan marka hore
dhalaalin.
adkee f.g2 (-keeyay, -kaysay) 1. Wax adag ka
dhigid (wax). 2. Gunti, xarig iwm si aad ah u
dhuujin.
adkow f.mg3 (-kaaday, -kaatay) 1. Wax adag
noqosho (wax). 2. Ka a.: wax ka lib helid.
adna mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka
kooban ‘adi’ iyo ‘na 2’.
adoo mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka
kooban ‘adi’ iyo ‘oo’.
adooga m.l Aabbe.
adse mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka
kooban ‘adi’ iyo ‘se’.
aduu mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka
kooban ‘adi’, ‘aa 1’ iyo ‘uu 1′.
adwaar m.dh.w eeg dǫor. adyad m.dh Cay iyo aflagaaddo cid aan
mutaysan lagu yiraahdo; aabi; faduul.
adyadee f.g2 (-deeyay, -deysay) Cid adyad ku
samayn.
adyadeyn m.f.dh eeg adyadee.
af¹ m.l (afaf, m.l) 1. Xubinta nafleydu ay wax
ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu
ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax
goyso. 3. Waddo, tog, xarig iwm dacalka ay
ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax
looga shubi ama gelin karo. 5. A. leh: sida
fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso.
af² m.l (afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u
adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd,
luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad
isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba
xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a.
qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax
la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira
qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka
adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka
afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a.
tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si
caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal
daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku
dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela
siiba hadalka suugaanta.
afaaf m.l (afaaf, m.dh) Meesha furan ee aqal,
xero iwm laga galo ama laga baxo; kadin;
irrid.
afacaayil m.dh.w eeg ficil.
afaggaal m.l/dh Toddobada xiddigood oo
roqaha ah tan ugu dambaysa, una dhexeysa
nuguushicad iyo naafcadde.
afar m.dh.t Tirada saddexda iyo shanta u
dhexayso; “4”.
afaraad m.l/dh.t.j Tirada jagaale, keeda u
dhigma afarta. ld afraad.
afardhegood m.l/dh 1. Sagaarada lab ee kolkaas
u soo baxeen geeso la arki karo oo kolkaa la
moodo in ay afar dhegood leedahay.
2. Fallaar dhegtiiba laba tarfaaq leedahay,
ama afar geesood oo geeskiiba dheg leeyahay.
3. Digir markaa soo baxday oo afar
caleemood leh.
afaree f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka
dhigid.
afareyn m.f.dh eeg afaree. ld afareys.
afareys m.l ld afareyn.
afareysad m.l ld afareysasho.
afareysasho m.f.dh eeg afareyso. ld afareysad,
afareysi.
afareysi m.l ld afareysasho.
afbixid
13
afareyso f.mg3 (-stay, -satay) Tiro afar ka
dhigasho.
afarfaallow m.l Qof aan faalka aad u aqoon.
afarfoolle m.l Ilmo yar oo ay u soo baxeen
afartii ilig oo ugu horreysay, oo ah afarta
fool.
afargees m.l (-syo, m.dh) Shaxan joometeri ah
oo afar dhinac oo isle’eg leh.
afariyotobnaad m.l Habeenka dayaxu ugu
iftiinka badanyahay oo bishu afar iyo
tobanka tahay.
afar-jiho m.dh (juqr.) Afarta geesood ee
muhiimka ah ee kambaska: woqooyi,
koonfuri, bari iyo galbeed.
afar-madaxle m.l (c.nafl.) Muruqyada ugu
waaweyn ee lugta fidiya midkood, wuxu ku
yaal bowdada.
afarqaad¹ m.l 1. Orod xawli ah oo addimada
hore iyo kuwa dambe kuwaba mar la
qaadayo. 2. Wax muggiisu qaado afar shay.
afarqaad² f.g1 (-day, -dday) Afar addinle orod
dheer oo si talantaalli ah labada addin oo
hore iyo labada dambe la qaadayo samayn.
afarqaadid m.f.dh eeg afarqaad². ld afarqaad¹
(1), afarqaadis, afarqaadlays, afarqaad
afarqaadis m.dh ld afarqaadid.
afarqaadlays m.l ld afarqaadid.
afarqaadle m.l (-layaal, m.l/dh) ld afarqaad¹.
afarqaadleyn m.dh ld afarqaadid.
afarran¹ m.l Nalfey wax dhashay iyo
saddexdeeda ilmood oo wadajira.
afarran² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax tiradoodu
afar gaartay ahaansho; afar ahaansho.
afarranaan m.f.dh eeg afarran². ld
afarranaansho.
afarranaansho m.l/dh ld afarranaan.
afarrey m.l (-yo, m.l) 1. Tix maanso ah oo
dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo
labada iska soo horjeedda ay yaallaan
dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo
maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).
afarsuulle m.l Muruq afar madax leh oo ku
yaal bowdada dhinaceeda sare.
afartamaad m.l/dh.t.j ld afartanaad.
afartambax¹ m.l ld afartanbixid.
afartambax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) ld afartanbax².
afartambixi f.g2 (-iyay, -isay) ld afartanbixi.
afartambixid m.dh ld afartanbixid.
afartambixin m.dh ld afartanbixin.
afartameeye m.l.t ld afartaneeye.
afartameeyo m.dh.t ld afartaneeye.
afartan m.l.t Tiro ka kooban afar meelood oo
min toban ah; “40”.
afartanaad m.l/dh 1. (t.j) Tirada heerka
afartanka ku abbaaran. 2. Xilli roob oo toban
beri ah oo ka billawda afartamaadka
dabshidka. ld afartamaad.
afartanbax¹ m.l ld afartanbixid.
afartanbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Naag
dhashay oo 40 maalmood u dhammaasho. ld
afartambax².
afartanbixi f.g2 (-iyay, isay) Naag dhashay
ummulnimo ka bixin. ld afartambixi.
afartanbixid m.f.dh eeg afartanbax². ld
afartambax¹, afartambixid, afartanbax¹.
afartanbixin m.f.dh eeg afartanbixi. ld
afartambixin.
afartaneeye m.l.t Tiro qiyaas ahaan afartan u
dhow. ld afartameeye, afartameeyo.
afayn m.f.dh eeg afee. ld afays.
afays m.l ld afayn.
afaysan¹ f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax af
leh noqosho.
afaysan² f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax af leh
ahaansho.
afaysasho m.f.dh eeg afayso.
afaysmid m.f.dh eeg afaysan¹.
afaysnaan m.f.dh eeg afaysan². ld
afaysnaansho.
afaysnaansho m.l/dh ld afaysnaan.
afayso f.g3 (-stay, -satay) Qalab wax lagu
gooyo, af u yeelasho.
afbadan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax afaysan
ahaansho (qalab wax lagu gooyo).
afbadnaan m.f.dh eeg afbadan. ld
afbadnaansho.
afbadnaansho m.l/dh ld afbadnaan.
afbar f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo yar sida loo hadlo
barid.
afbarad m.l (-dyo, m.dh) Ilmo yar oo ku jira
marxaladdii hadal barashada.
afbarasho m.f.dh eeg afbaro.
afbarid m.f.dh eeg afbar.
afbaro f.mg3 (-rtay, -ratay) Ilmo yar, sida loo
hadlo barasho.
afbax¹ m.l ld afbixid.
afbax² f.mg1 (-xay, xday; -bixi) U a.: qof wax
sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid.
afbeel¹ m.l ld afbeelid.
afbeel² f.mg1 (-eelay, -eeshay) Wax aan wax
goyn karin noqosho (qalab af leh).
afbeelid m.f.dh eeg afbeel². ld afbeel¹.
afbilaabasho m.f.dh eeg afbilaabo.
afbilaabo f.mg3 (-lawday, -laabatay) Qof
afbilaw cunid.
afbilaw m.l Cuntada ugu horreysa ee subaxdii
la cuno; quraac.
afbixid m.f.dh eeg afbax². ld afbax¹.
afbuur¹
14
afbuur¹ m.f.dh ld afbuurid.
afbuur² f.mg1 (-ray, -rtay) Caro ama isla
weyni la aamusid; afuur.
afbuurid m.f.dh eeg afbuur². ld afbuur¹.
afcaal m.dh.w eeg ficil².
afcaan m.l (afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda
caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo
dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku
hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo
uusan ahayn afka waddaniga ah. Af
Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan,
oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan
dunida nuskeed.
afcadde m.l Wan weyn oo jabsaday.
afceli f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: cid cid kale
oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof
xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu
warcelin; afnaq.
afcelin m.f.dh eeg afceli. ld afcelis.
afcelis m.l ld afcelin.
afceliso m.dh (-ooyin, m.l) 1. Naag
turjubaanad ah. 2. Naag dadka ku afnaqdo.
afceliye m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Nin turjubaan
ah. 2. Nin dadka ku afnaqo.
afcuug m.l/dh (-gyo, m.dh) Dhul beereed aan
weli si wacan loo geed qaadin.
afdabayl m.l (-lo, m.l) Buntuq aan booba
ahayn, dheer, oo kow iyo toban xabbadood
qaada.
afdaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan af
lahayn ahaansho (qalab wax gooya).
afdarnaan m.f.dh eeg afdaran. ld
afdarnaansho, afdarraan, afdarraansho,
afdarro.
afdarnaansho m.l/dh ld afdarnaan.
afdarraan m.dh ld afdarnaan.
afdarraansho m.l/dh ld afdarnaan.
afdarro m.f.dh ld afdarnaan.
afdhaaf f.g1 (-fay, -ftay) Is-afgaranwaa.
afdhaafid m.f.dh eeg afdhaaf.
afdhabaandhab¹ m.l 1. Baaq si aayar ah afka
gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo
aammusiiyo. 2. ld afdhabaandhabid.
afdhabaandhab² f.g1 (-bay, -btay) Si cid
hadlaysa loo aammusiiyo afka aayar gacanta
ugu garaacid.
afdhabaandhabid m.f.dh eeg afdhabaandhab².
ld afdhabaandhab¹, afdhabaandhaw.
afdhabaandhaw m.l ld afdhabaandhabid.
afdhalow m.l Cudur afka dadka iyo xoolaha ku
dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. ld
afgorofow.
afdheere m.l Nooc suuska aan duulin ka mid
ah, madow oo af dheer leh.
afdhuub m.l (-bab/-byo, m.l) Labada tiir ee
aqal irriddiisa ku mudan midkood.
afdhuubyaalayn m.f.dh eeg afdhubyaalee.
afdhuubyaale m.l Hab geela aarankiisu u ordo
isagoo luqunta hore u dhiibanaya gafuurkana
dhuubaya. ld afdhuubyaalayn.
afdhuubyaalee f.mg2 (-leeyay, -laysay)
Afdhuubyaale samayn.
afdoolin m.dh ld aftoolin.
afduub¹ m.l 1. Xoog iyo khasab cid lagu
kaxaysto si wax loogu madax furto ama dan
gaar ah loogu fushado. 2. Afsaab. 3. ld
afduubid.
afduub² f.g1 (-bay, -btay) 1. Xoog ama khasab
cid ku kaxaysasho si wax loogu madax furto
ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Af (dad
ama xoolo) wax ugu duubid.
afduuban f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la
afduubay ahaansho.
afduube m.l (-bayaal. m.l/dh) Qof afduub
sameeya.
afduubid m.f.dh eeg afduub². ld afduub¹ (2).
afduubnaan m.l eeg afduuban. ld
afduubnaansho.
afduubnaansho m.l/dh ld afduubnaan.
afee f.g2 (-feeyay, -faysay) Qalab wax lagu
gooyo af u yeelid.
afeef m.f.dh Hadal, kolka la doodayo la
hormarsado, og waxyaalo la oran doono
marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo
laga baqayo soo qaadkood lagu gudbo.
afeefad m.l ld afeefasho.
afeefasho m.f.dh eeg afeefo. ld afeefad.
afeefo f.g3 (-ftay, -fatay) Ka a.: cid arrin
khuseysa afeef ka yeelasho.
afeeftamid m.f.dh eeg afeeftan.
afeeftan f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ka a.:
arrin afeef ka samayn.
affur¹ m.l 1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu
dhacdo bisha soonqaad. 2. ld affurid.
affur² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Soonka jebin.
2. Cunnada affurka cunid.
affuran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Aan
soommanayn. ld afuran, afursan.
affuri f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dad ama qof
soomman affuro siin. 2. Soon ka jebin. ld
affursii.
affurid m.f.dh eeg affur². ld affur¹ (2), afur¹,
afurid.
affurin m.f.dh eeg affuri. ld affursiin.
affurnaan m.f.dh eeg affuran. ld affurnaansho,
afurnaan, afurnaansho,afursanaan, af
affurnaansho m.l/dh ld affurnaan.
affursii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld affuri.
affursiin m.dh ld affurin.
afkatoob
15
afgaab m.l Cudur dadka ku dhaca oo oogada
sida furuqa nabarro biyo leh u yeela.
afgammuur¹ m.l 1. Qalab af fiican oo wax
lagu mudo ama lagu gooyo leh laakiin af
beelay. 2. ld afgammuurid. afgammuur² f.g1 (-ray, -rtay) Wax af beelay
ka dhigid. ld afgammuux², afgamuur², afgamuux².
afgammuuran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax
af beelay noqosho (qalab af fiiqan). ld
afgammuuxan¹, afgamuuran¹,
afgamuuxan¹.
afgammuuran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax af
beelaay ahaansho (qalab af fiiqan). ld
afgammuuxan², afgamuuran²,
afgamuuxan².
afgammuurid m.f.dh eeg afgammuur². ld
afgammuur¹ (2), afgammuux¹,
afgammuuxid.
afgammuurmid m.f.dh eeg afgammuuran¹. ld
afgammuuxmid, afgamuurmid,
afgamuuxmid.
afgammuurnaan m.f.dh eeg afgammuuran². ld
afgammuurnaansho, afgammuuxnaan,
afgammuuxnaansho,
afgammuurnaansho m.l/dh ld
afgammuurnaan.
afgammuux¹ m.l ld afgammuurid. afgammuux² f.g1 (-xay, -xday) ld
afgammuur².
afgammuuxan¹ f.mg1 (-xmay, -xantay) ld afgammuuran¹.
afgammuuxan² f.mg4 (-xnaa, -xnayd) ld afgammuuran².
afgammuuxmid m.dh ld afgamuurmid.
afgammuuxnaan m.dh ld afgammuurnaan. afgammuuxnaansho m.l/dh ld afgammuurnaan.
afgamuuran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay) ld
afgammuuran¹.
afgamuuran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ld
afgammuuran².
afgamuurmid m.dh ld afgammuurmid. afgamuurnaan m.dh ld afgammuurnaan.
afgamuurnaansho m.l/dh ld afgammuurnaan.
afgamuuxan¹ f.mg1 (-xmay, -xantay) ld afgammuuran¹.
afgamuuxan² f.mg4 (-xnaa, -xnayd) ld
afgammuuran².
afgamuuxmid m.dh ld afgammuurmid.
afgamuuxnaan m.dh ld afgammuurnaan.
afgamuuxnaansho m.l/dh ld afgammuurnaan.
afgarad m.l ld afgarasho.
afgarasho m.f.dh eeg afgaro. ld afgarad.
afgaro f.g3 (-rtay, -ratay) Cid ujeeddadeeda
fahmid.
afgarooc m.l (-cyo, m.dh) Qof aan hadalka si
fiican u jeedin karin; aflaawe.
afgaroocnimo m.dh Afgarooc ahaansho.
afgembi¹ m.l 1. Hab aan sharci ahayn oo
dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab.
2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos
maro. 3. ld afgembiyid.
afgembi² f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku
beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin.
afgembin m.dh ld afgembiyid. afgembiyid m.f.dh eeg afgembi². ld afgembi¹
(3), afgembin.
afgobaadsad m.l ld afgobaadsasho. afgobaadsasho m.f.dh eeg afgobaadso. ld
afgobaadsad, afgobaadsi.
afgobaadsi m.l ld afgobaadsasho. afgobaadso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hadal
macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda
keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga
xogwarramid (qof).
afgorofow m.l ld afdhalow.
afgoys m.l/dh (-syo, m.l) A. ah: ceel muddo
dhow la qoday.
afguri m.l (-iyo, m.dh) Af gaar ah oo looga
hadlo degaan ka mid ah waddan, kana yara
duwan afkiisa rasmiga ahi; lahjad.
afhaye m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Turjubaan;
afceliye. 2. Qof ku hadla magaca koox, dad,
ummad iwm. ld afhayeen.
afhayeen m.l ld afhaye.
afjaaq¹ m.l Baaq.
afjaaq² f.mg1 (-qay, -qday) Cid u baaqid.
afjaaqid m.f.dh eeg afjaaq².
afjig f.g1 (-gay, -gtay) Qof hadlaya, iyadoo loo
diidayo inuu sheego sir ama wax aan
habboonayn hadal ka joojin.
afjigid m.f.dh eeg afjig.
afjuxuunsad m.l ld afjuxuunsasho.
afjuxuunsasho m.f.dh eeg afjuxuunso. ld
afjuxuunsad, afjuxuunsi.
afjuxuunsi m.l ld afjuxuunsasho.
afjuxuunso f.g3 (-saday, -satay) Xag
aqooneed, aftahannimo iwm cid dood kaga
badin.
afkaar m.dh.w eeg feker¹.
afkalahayn m.dh Yaab aad u badan; amakaag.
ld afkalahays.
afkalahays m.l ld afkalahayn.
afkalaqaad m.l ld afkalaqaadid.
afkalaqaadid m.dh 1. Afkalaqaad. 2. Afka oo la
kala qaado; hadlid.
afkatoob m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
afkulleeble
16
afkulleeble m.l A. ah: qof habaarkiisu kaco.
afkullibaaxle m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
afkuxaarre m.l (-rrayaal, m.l/dh) Qof cay
badan oo aan hadalka u miidaandeyin.
afkuxuuble m.l (-layaal, m.l/dh) Ilmo geel oo
isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku
dhashay.
afla’ m.dh 1. Ciyaarta jarta marka qof god
bannaan oo uu xoolihiisa u raro waayo.
2. Middi a.: midda aan wax goynayn.
afla’aan m.dh Afgaroocnimo. ld afla’aansho.
afla’aansho m.l/dh ld afla’aan.
aflaam m.dh.w eeg filin. ld.aflaan
aflaan m.dh.w eeg filin. ld. aflaam
aflaawe m.l (-wayaal, m.l/dh) Afgarooc.
aflaggaaddee f.g2 (-ddeeyay, -ddeysay) Hadal
aflaggaaddo ah cid u jeedin.
aflaggaaddeyn m.f.dh eeg aflaggaaddee.
aflaggaaddo m.dh (-ooyin, m.l) Hadal qadaf
ah oo cid lagu yiraahdo.
aflaw m.l (-wyo, m.dh) Qof ilkaha qaar ka
maqanyihiin.
aflax¹ m.l ld aflixid.
aflax² f.mg1 (-xay, -xday; -lixi) 1. Qalinjebin
(dugsi quraan). 2. Waxbarasho heer wacan
ka gaarid.
aflaxaad m.dh ld aflixid.
aflixi f.g2 (-iyay, -isay) Cid, wax barasho heer
wacan ka gaarsiin.
aflixid m.f.dh eeg aflax². ld aflax¹, aflaxaad.
aflixin m.f.dh eeg aflixi. ld aflixis.
aflixis m.l ld aflixin.
afmaal m.l (-llo, m.dh) 1. A. ah: maansayahan.
2. A. ah: qof codkar ah.
afmaalnimo m.l Afmaal ahaansho.
afmaldah m.l Hadal daboolan oo duluc ama
ujeeddo kale ku dhex qarsoontahay.
afmaldahid m.dh Af maldahan ku hadlid. ld
afmaldihid.
afmeer¹ m.l 1. (-rro, m.dh) Af wareegsan;
wareeg. 2. ld afmeerid.
afmeer² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Meel iyada oo wax
gaar ah laga baarayo aaggeeda hore ku
wareegid. 2. Wax afmeer u yeelid.
afmeeran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax afmeer
loo yeelay ahaansho (weel kolay ah).
afmeerid m.f.dh eeg afmeer². ld afmeer¹ (2).
afmeernaan m.f.dh eeg afmeeran. ld
afmeernaansho.
afmeernaansho m.l/dh ld afmeernaan.
afmiinshaar m.l (-rro, m.dh) Qof ku meel
mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti
dhagari ku jirto. ld afmiishaar.
afmiinshaarayn m.f.dh eeg afmiinsharee. ld
afmiishaarayn.
afmiinshaaree f.mg2 (-reeyay, -raysay) Qof
wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari
ku jirto ku meel marin. ld afmiishaaree.
afmiinshaarnimo m.dh Afmiinshaar ahaansho.
ld afmiishaarnimo.
afmiishaar m.l ld afmiinshaar.
afmiishaarayn m.dh ld afmiinshaarayn.
afmiishaaree f.mg2 (-reeyay, -raysay) ld
afmiinshaaree.
afmiishaarnimo m.dh ld afmiinshaarnimo.
afnaq¹ m.l ld afnaqid.
afnaq² f.mg1 (-qay, -qday) 1. Magac qof kale
ku hadlid; afhayn. 2. Ku a.: qof, qof kale
xurmad ka mudan si uusan jecleysan ugu
warcelin; afceli.
afnaqid m.f.dh eeg afnaq². ld afnaq¹.
afo m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay la qabo;
oori.
afqab f.mg1 (-bay, -btay) Aan weli waxba
cunin ahaansho (qof).
afqabid m.f.dh eeg afqab.
afqays m.dh Xiddigaha naafaha middooda
seddexaad. ld afqoys.
afqoys m.dh ld afqays.
afraad m.l/dh.t.j ld afaraad.
afrid m.l Mayrax, derin iwm oo daaha looga
dhigo aqal-Soomaaliga.
afrog¹ m.l ld afrogid. afrog² f.g1 (-gay, -gtay) 1. Weel afkiisa sare
hoos marin. 2. Weel waxa ku jira ka
wadaddaadin.
afrogan f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Weel la afrogay
ahaansho.
afrogid m.f.dh eeg afrog². ld afrog¹. afrognaan m.f.dh eeg afrogan. ld
afrognaansho.
afrognaansho m.l/dh ld afrognaan. afruug¹ m.l ld afuugid.
afruug² f.g1 (-gay, -gtay) ld afuug². afruugid m.dh ld afuugid. afruujin m.dh Burburinta beer carradeeda la
burburiyo lana carrageddiyo.
afsaar m.dh Oodda xerada ariga afka lagaga
oodo.
aftahan m.l (-nno/-ammo, m.dh) 1. Qof
fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro.
2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.
aftahannimo m.dh Aftahan ahaansho.
aftahmo m.dh 1. Awodda qof u leeyahay inuu
fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro.
2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.
aftax¹ m.l Fasax aan caadi ahayn oo ardayda
dugsiga quraanka la siiyo.
aftax² f.g1 (-xay, -xday; -tixi) Fasax aan caadi
ahayn siin (arday dugsi quraan).
afyar
17
afti m.dh (-iyo, m.l) Arrin ama qaynuun, in la
oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi
shacbigeeda u bandhigto.
aftin m.dh (-nno, m.dh) Meesha ay banka iyo
aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la
daaqin.
aftir¹ m.l (-rro, m.dh) Cad maro ah ama
warqad afka lagu tirto.
aftir² f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax af la’ ka
dhigid (qalab wax gooya). 2. (f.mg) Qof af u
tirid.
aftirasho m.f.dh eeg aftiro.
aftirid m.f.dh eeg aftir².
aftiro f.mg3 (-rtay, -ratay) Qof, wax sida
dufan, caano iwm oo afkiisa ku yaal iska
bi’in.
aftixid m.f.dh eeg aftax².
aftoolin m.dh Meel cabsi leh. ld afdoolin.
aftuur¹ m.l ld afxir¹.
aftuur² f.g1 (-ray, -rtay) ld afxir².
aftuurid m.dh ld afxirid.
afur¹ m.l ld affurid.
afur² f.mg1 (-ray,-rtay) ld affur².
afuran f.mg4 (-rnaa,-rnayd) ld affuran.
afuri f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof soomanaa afur
siin. 2. Qof soon ka jebin. ld afursii.
afurid m.f.dh ld affurid.
afurin m.f.dh eeg afuri. ld afursiin.
afurnaan m.f.dh ld affurnaan.
afurnaansho m.l/dh ld affurnaan.
afursan f.mg4 (-naa, -nayd) ld affuran.
afursanaan m.dh ld affurnaan.
afursanaansho m.l/dh ld affurnaan.
afursii f.g2 (-iyay, -isay) ld afuri.
afursiin m.f.dh eeg afursii. ld afurin.
afuuf¹ m.l 1. ld afuufid. 2. Soor a. ah: soor aan
iidaan lahayn. 3. Xirsi yar oo ummulaha iyo
carruurta loo xiro.
afuuf² f.g1 (-fay, -ftay) Neef afka ka soo
baxday wax ku sii deyn.
afuufan¹ f.mg1 (-fmay, -fantay; -fmi) Wax la
afuufay noqosho.
afuufan² f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la afuufay
ahaansho.
afuufid m.f.dh eeg afuuf². ld afuuf¹ (1).
afuufmid m.f.dh eeg afuufan¹.
afuufnaan m.f.dh eeg afuufan². ld
afuufnaansho.
afuufnaansho m.l/dh ld afuufnaan.
afuufo m.dh Neef afka, ama wax kale, laga sii
daayo.
afuug¹ m.l Caws ka jaridda beer la geed
qaaday. ld afuugid.
afuug² f.g1 (-gay, -gtay) Beer la geed qaaday
caws ka jarid. ld afruug².
afuugid m.f.dh eeg afuug². ld afruug¹, afruugid, afuug¹.
afuujin m.dh Burburinta beer carradeeda lagu
sameeyo si loo carrageddiyo.
afwaaji f.g2 (-iyay, -isay) Hadal qof laga filayo
in uu sheego, hadal kale oo buriya sheegid.
afwaajin m.f.dh eeg afwaaji.
afwebi m.l (–afwebi, m.l) (juqr.) Halka
webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo
saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla
markaasna ah halka biyaha webiga ee
macaan iyo biyaha baddu iskaga
darsoomaan.
afweyn m.dh Riciraha tunka tan ugu sareysa ee
madaxa ku fadhiyo.
afweyn-holac m.l (daaw.) Halaamacood lafta
afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda
oo saameeya gododka laftaas (air space)la
xiriiriya godka dhegta dhexe.
afxaar m.l (-rro, m.dh) Qof cay badan oo aan
xishoon.
afxir¹ m.l Asraar loo akhriyo xoolo lumay si
uusan dugaag u cunin. ld aftuur¹.
afxir² f.g1 (-ray, -rtay) Xoolo lumay quraan u
akhrin si aan dugaag u cunin. ld aftuur².
afxiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Qof soon
niyaystay ahaansho. 2. Dugaag si uusan
xoolo lumay u cunin wax la afxiray
ahaansho.
afxirasho m.f.dh eeg afxiro.
afxirid m.f.dh eeg afxir². ld aftuurid.
afxirnaan m.f.dh eeg afxiran. ld afxirnaansho.
afxirnaansho m.l/dh ld afxirnaan.
afxiro f.mg3 (-rtay, -ratay) Soon niyaysasho.
afxumaan m.f.dh eeg afxun. ld afxumaansho,
afxumi, afxumo.
afxumaansho m.l/dh eeg afxumow. ld
afxumaan.
afxumayn m.f.dh eeg afxumee.
afxumee f.g2 (-meeyay, -maysay) Qof hadallo
aan munasaab u ahayn ku dhihid.
afxumi m.dh ld afxumaan.
afxumo m.dh ld afxumaan.
afxumow f.mg3 (-maaday, -maatay) Wax
afxun noqosho (qof).
afxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Wax cay badan
ahaansho.
afyaal m.l 1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid
u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan.
4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha
tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.
afyaqaan m.l (-nno, m.dh) 1. Qof cilmiga
afafka aqoon u leh. 2. Qof codkar ah.
afyar m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
afyuub
18
afyuub m.l (-bab, m.l) Bayd faal, oo madaxa
iyo tan manjaha ka sarreysa min hal ka ah,
manjaha iyo tan madaxa ka hooseysana min
labo.
afyuun m.l Geed-ubax oo dhacaankiisa laga
sameeyo mukhaaddaraad.
ag m.dh (-go, m.l) Meel inta u dhow ama
hareerka kaga xeeran.
agaag m.l Fagaag. ld agag.
agaagse m.l ld agagse. agaalli m.dh Nuguushi (xiddigo).
agaasiman f.mg4 (-innaa, -innayd) Wax la
agaasimay ahaansho.
agaasime m.l (-mayaal, m.l) 1. Qof madax ka
ah waax wasaaradeed, wakaaladeed,
hay’adeed iwm. 2. A. guud: qof dhowr
agaasime madax u ah.
agaasimid m.f.dh eeg agaasin². ld agaasin¹ (2).
agaasin¹ m.l 1. Xafiis laga maamulo waax
wasaaradeed, wakaaladeed iwm. 2. ld
agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda
hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo
dhowr waaxood.
agaasin² f.g1 (-imay, -intay; -imi) Habeyn iyo
isku dubbaridid (hawl).
agaasinnaan m.f.dh eeg agaasiman. ld
agaasinnaansho.
agaasinnaansho m.l/dh ld agaasinnaan. agab¹ m.l 1. Faa’idada iyo waxtarka ay cidi
leedahay. 2. Ciirsi; miciin.
agab² m.dh.u Qalabka guri, makhaayad iwm
looga adeegto.
agabbar¹ m.l ld agabbarid.
agabbar² f.g1 (-ray, -rtay) Nafley leyliyid.
agabbarid m.f.dh eeg agabbar². ld agabbarid¹. agabsad m.l ld agabsasho.
agabsasho m.f.dh eeg agabso. ld agabsad. agabso f.g3 (-saday, -satay) Cid ciirsi ka
dhigasho.
agag m.l ld agaag.
agagaar m.l Wax meelaha ku dhow ee
hareeraha kaga xeeran. ld agaggaar.
agagas m.l Qof aan ka xishoon waxyaabo
bulshada uu la noolyahay ceeb ula muuqda.
agaggaar m.l ld agagaar.
agagse m.l 1. Waxa laga baxsho ama laga qasho
xoolo la soo dhaco inta aan la qeybsan.
2. Wax yar oo kororsiimo ahaan loo siiyo qof
xoola la soo dhacay oo la qaybsaday wax yar
ka helay. ld agaagse.
agagsi f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid agagse siin.
agagsiyid m.f.dh eeg agagsi.
agan m.l 1. Ceel biyo badan leh; naq badan.
2. A. ah: xoolo, ceel, dhul iwm oo aan
intifaac lahayn.
agas m.l Cunto la siiyo dadka aasaya qof
dhintay oo qabriga lagu dul cuno.
agjoog f.g1 (-gay, -gtay) Wax meel u dhow ku
sugnaan.
agjoogid m.f.dh eeg agjoog.
agjooji f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale oo
taagan meel u dhow istaajin.
agjoojin m.f.dh eeg agjooji.
agliil m.dh (-lo, m.dh) Cuntada la siiyo
arooska toddobada beri ee ugu horreysa.
aglool¹ m.l/dh 1. Xoolaynta weel gocaya la
xooleeyo. 2. Jaangooyada hore ee wax la
dhisayo ama la samaynayo. 3. ld agloolid. aglool² f.g1 (-oolay, -ooshay) 1. Weel gocaya
ah xoolayn. 2. Guri dhisid.
agloolan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la agloolay
ahaansho (aqal, weel, gocaya ah iwm).
agloolid m.f.dh eeg aglool². ld aglool¹ (3).
agloolnaan m.f.dh eeg agloolan. ld
agloolnaansho.
agloolnaansho m.l/dh ld agloolnaan.
agmar¹ m.l Shiifow.
agmar² f.g1 (-ray, -rtay) Wax, meel u dhow
socod ku dhaafid.
agmari f.lg2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale meel
u dhow socod ku dhaafin.
agmarid m.f.dh eeg agmar².
agmarin m.f.dh eeg agmari.
agool m.l Qolof cad oo madaxa yeesho marka
uu basaaso.
agoomayn m.f.dh eeg agoomee.
agoomee f.g2 (-meeyay, -maysay) Ilmo agoon
ka dhigid.
agoomoobid m.f.dh eeg agoomow. ld
agoonoobid, agoontoobid.
agoomow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Wax agoon ah noqosho (ilmo). ld
agoomow, agoontow.
agoon¹ m.l (agoon/-nno, m.dh) Wiil yar oo
aabihii dhintay.
agoon² m.dh (-omo, m.l) Gabar yar oo
aabbeheed dhintay. 2. (m.u) Carruur
aabbahood dhintay.
agoonnimo m.dh Agoon ahaansho.
agoonobid m.dh ld agoomoobid.
agoonow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) ld agoomow.
agoontoobid m.dh ld agoomoobid.
agoontow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) ld agoomow.
agoor m.dh Neef irmaan oo muddo badan la
maalayey; dhaqayo.
agoornimo m.dh Agoor ahaansho.
agoosto m.dh Bisha siddeedaad ee sannadka
miilaadiga ah.
ajo
19
agow e.d Hadday u yaraato; xataa. Tus. “Agow
ii ahaateenaa!”; “Agow roob di’i lahaayaa.”
agtag f.g1 (-gay, -gtay; -tegi) Wax meel jooga
u dhowaansho.
agtegid m.f.dh eeg agtag.
aguug¹ m.l ld aguugid.
aguug² f.g1 (-gay, -gtay) 1. Cid, ceel, god iwm
duugid. 2. Isku a.: dad yoobsan ahaansho.
aguugan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax
la aguugay noqosho.
aguugan² f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la
aguugay ahaansho.
aguugid m.f.dh eeg aguug². ld aguug¹. aguugmid m.f.dh eeg aguugan¹.
aguugnaan m.f.dh eeg aguugan². ld
aguugnaansho.
aguugnaansho m.l/dh ld aguugnaan.
ah¹ f.g4 (yahay, tahay; ahaa, ahayd) Wax
xalaad ku sugnaansho.
ah² e.d ld aah.
ahaan m.f.dh eeg ah. ld ahaansho.
ahaansho m.l/dh eeg ahow. ld ahaan.
ahaateenaa fk. “Ma wasiir baad noqotay?” “A.!
Fiicnaan lahaydaa!”.
ahal m.l ld ehel.
ahalo m.dh ld ehel.
ahalunnaar m.l ld ahlunaar.
ahamiyad m.dh ld ahmiyad.
ahaw f.mg3 (-aaday, -aatay) Wax xalaad ku
sugan noqosho. ld ohow.
ahaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax xalaad gaar ah
ku sugid.
ahaysiin m.f.dh eeg ahaysii.
ahbal m.l (-llo, m.dh) Nin aad u garasho yar;
doqon; dabbaal.
ahbalad m.dh Haweenay aad u garasho yar,
doqon; dabbaalad.
ahbalnimo m.dh Ahbal ahaansho.
ahbi f.g2 (-iyay, -isay) ld abhi.
ahbin m.dh ld abhin.
ahbis m.l ld abhin.
ahdaaf m.dh.w eeg hadaf.
ahlan e.d Nabaday!
ahlunaar m.l Qof cadaab mutaystay. ld
ahalunnaar, ehelunnaar.
ahmi m.l eeg ahmin.
ahmin m.l.u 1. Ariga intiisa shilis oo la suuq
geyn karo. 2. Orgida iyo wananka
dhufaanan ee beeca ama hilib loogu
talagalay. ld ahmi.
ahmiyad m.dh Ujeeddo; qasdi; muhiimmad.
ahraam¹ m.dh Dhisma soo yaal ah oo
Masaaridii hore dhistay oo leh shagli saddexgeesoole.

ahraam² m.dh (xis.) Adke salkiisu yahay
geesoole iyo dhammaan wejiyada kalena ay
yihiin saddex-xagallo wadaaga gees.
ajal¹ m.dh 1. ld ajalo. Dhammaadka nolosha
qof. 2. ld ajalid
ajal² f.g1 (-alay, -ashay) Cid dhimashadeeda
sabab u noqosho.
ajalid m.f.dh eeg ajal². ld ajal¹ (2).
ajalo m.dh Geeri. ld ajal¹ (1).
ajar¹ m.l 1. ld ajir, ajri. Abaalgud Eebbe siiyo
qof camal wanaagsan sameeyey. 2. ld ajarid.
ajar² m.dh (-ro, m.dh) Khayaano; qayaano.
ajar³ f.g1 (-ray, -rtay) Cid si qarsoodi ah u
dhibaatayn.
ajaran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay: -rmi) Cid, wax
ku qatalmid.
ajaran² f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax ku
qataltay ahaansho.
ajaraysasho m.dh ld ajarsasho.
ajarayso f.mg3 (-stay, -satay) ld ajarso. ajarid m.f.dh eeg ajar³. ld ajar¹ (2).
ajarmid m.f.dh eeg ajaran¹.
ajarnaan m.f.dh eeg ajaran². ld ajarnaansho.
ajarnaansho m.l/dh ld ajarnaan.
ajarro m.dh Cudur qanjirrada geela barariya.
ajarsad m.l ld ajarsasho.
ajarsasho m.f.dh eeg ajarso. ld ajaraysasho, ajarsad, ajarsi, ajirsad, ajirsasho.
ajarsi m.l ld ajarsasho.
ajarso f.mg3 (-saday, -satay) Ka a.: cid si ajar
looga kasbado wax ay u baahantahay siin. ld
ajarayso, ajirso.
ajee f.g2 (ajeeyay, ajaysay) Biyo ajo ka dhigid.
ajeendo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xusuusqor.
2. Arrin duluc gaar ah ka hadlaysa oo looga
doodo shir iwm.
ajeyn m.f.dh eeg ajee.
aji m.l.u (aji, m.dh) 1. Qof nasab wanaagsan ka
soo jeeda. 2. Soomaali.
ajiib¹ m.l 1. Aqbal. 2. ld ajiibid. ajiib² f.g1 (-bay, -btay) Cid wax ay rabto ka
aqbalid.
ajiibid m.f.dh eeg ajiib². ld ajiib¹ (2).
ajir m.l ld ajar¹ (1).
ajirsad m.l ld ajarsasho. ajirsasho m.dh ld ajarsasho.
ajirso f.mg3 (-saday, -satay) ld ajarso.
ajli m.l 1. Sabab; daraad. 2. A.gay, a.gaa iwm:
daraadday, daraaddaa.
ajnebi m.l Nin aan u dhalan dalka uu joogo;
shisheeye.
ajnebiyad m.dh Dumar aan u dhalan dalka ay
joogto.
ajo m.dh Biyo meel ku raagay oo midabkoodii,
dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddelay.
ajoo
20
ajoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ka a.: qof, wax
sharaftiisa wax u dhimi karo ka fogaan.
ajood m.f.l eeg ajoo.
ajri m.l ld ajar¹ (1).
ajuuro m.dh ld ijaar¹. akademiye m.l 1. Maamul ka kooban
aqoonyahanno oo loo xilsaaray kor u
qaadidda aqoonta, fanka iyo dhaqanka
bulshada. 2. Dugsi sare oo qaabilsan carbiska
ciidamada. ld akademiyo.
akademiyo m.dh ld akademiye.
akeekamid m.f.dh eeg akeekan². ld akeekan¹
(2).
akeekan¹ m.l 1. Muran hagag ku jiro; cilaaq.
2. ld akeekamid.
akeekan² f.g1 (-amay, -antay; -ami) Muran
hagag ku jiro samayn.
akhas e.d Erey la yiraahdo markii la arko ama
la maqlo wax xun. ld aqas.
akhdar m.l Cagaar. ld akhtar.
akhir f.mg1 (-ray, -rtay) Waqti la rabay dib
uga dhicid.
akhiran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax
waqti la rabay dib uga dhacay noqosho.
akhiran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax waqti la
rabay dib uga dhacay ahaansho.
akhiri f.g2 (-iyay, -isay) Wax waqtigiisa dib u
dhigid.
akhirid m.f.dh eeg akhir.
akhirin m.f.dh eeg akhiri.
akhirmid m.f.dh eeg akhiran¹.
akhirnaan m.f.dh eeg akhiran². ld
akhirnaansho.
akhirnaansho m.l/dh ld akhirnaan.
akhlaaq m.dh Dabeecad, dhaqan.
akhri f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Erayo
ama weedho qoran daalacasho ama kor ugu
dhawaaqid.
akhrin m.dh ld akhriyid.
akhris m.l ld akhriyid.
akhrisasho m.f.dh eeg akhriso².
akhriso¹ m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay
raadiyaha, telefiishinka iwm warka ka
sheegta.
akhriso² f.g3 (-stay, -satay) Wax qoran
daalacasho.
akhriye m.l (-yayaal, m.l/dh) Nin raadiyaha,
telefiishinka iwm war ka sii daaya.
akhriyid m.f.dh eeg akhri. ld akhrin, akhris.
akhtar m.l ld akhdar.
akhyaar m.l Nin wax garad ah. ld ikhyaar.
akid f.g1 (-day, -dday) 1. Cid ra’yigeeda ku
raacid. 2. War hore loo sheegay xogtiisa
sugid.
akidid m.f.dh eeg akid. ld akidis.
akidis m.l ld akidid.
akrobalus m.l (taar.) Qalcadihii ku yiil
magaalooyinkii Giriiggii ee waqtiyadii hore.
akson m.l (-no, m.dh) (c.nafl.) Qaybta dheer
ee miiqan ee unugga dareen wadka. Waxay
ka soo qaaddaa unugyo dareen wade, dareen
wadaha unugga jidhka, iyada oo u
gudbinaysa organka dhaqdhaqaaqa ama
maskaxda.
alaab m.dh.u 1. Qalabka guriga looga adeegto.
2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida
sanduuqa, dhar, miis, sariir iwm. ld alaabo.
alaab caydhiin m.dh.u (-bo …, m.l) 1. Walax
ama shay dabiici ah oo aan gelin weli
warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay
isticmaalaan warshaduhu si ay u
farsamotumaan uguna beddelaan alaab la
isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb
ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay
ka mid yihiin looxa jarjaran, burka
qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid
dheeraad ah. ld alaab ceyriin.
alaab ceyriin m.dh.u ld alaab caydhiin.
alaabayn m.f.dh eeg alaabee.
alaabee f.g2 (-beeyay, -baysay) Guri, xafiis
iwm alaabo dhigid.
alaabo m.dh.u ld alaab.
alaah m.l (-hyo, m.dh) Qof baryo badan oo
aan xishoon.
alaakood m.l Maaweelo iyo sasabidda carruur
lagu aamusiiyo.
alaakoodi f.g2 (-iyay, -isay) Alaakood sameyn.
alaakoodin m.f.dh eeg alaakoodi. ld
alaakoodis.
alaakoodis m.l ld alaakoodin.
alaal m.l Qof si sahlan ula qabsan karo dad iyo
dal uusan aqoon; qof galgal badan oo
dhiiran.
alaalabbaq¹ m.l 1. Baqdi aan aqoon ku
dhisnay; baqdin qalo keento. 2. ld
alaabbiqid.
alaalabbaq² f.mg1 (-qay, -qday; -biqi) Cabsi
kaddaray ah dareemid.
alaalabbiqid m.f.dh eeg alaalabbaq². ld
alaalabbaq¹ (2).
alaalax¹ m.l 1. Socod lala dhacdhacayo tabar
darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
alaalax² f.mg1 (-xay, -xday) Tabar darro
awgeed la dhacdhacid.
alaale m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhallinyar,
waayo aragnimo lahayn, oo isla weyn.
alaalennimo m.dh Alaale ahaansho.
alaalixid m.f.dh eeg alaalax².
alaalnimo m.dh Alaal ahaansho.
alfiyoole
21
alaalo m.dh Nooc caws ka mid ah oo
dhaadheer.
alab m.l Ged; caado; dabci.
alabbas¹ m.l 1. Orod aan caadi ahayn oo
baqdini ku jirto. 2. ld alabbasid.
alabbas² f.mg1 (-say, -stay) Orod aan caadi
ahayn oo baqdin ku jirto samayn.
alabbasid m.f.dh eeg alabbas². ld alabbas¹ (2).
alabbaslays m.l ld alabbasleyn.
alabbaslee f.mg2 (-leeyey, -laysay) Alabbas
sameyn (nafley).
alabbasleyn m.f.dh eeg alabbaslee. ld
alabbaslays, alabbasmays, alabbasmeyn.
alabbasmays m.l ld alabbasleyn.
alabbasmeyn m.f.dh ld alabbasleyn.
alal f.mg1 (-alay, -ashay) Xanuun la taahid.
alalaas¹ m.l 1. Mashxarad. 2. ld alalaasid.
alalaas² f.mg1 (-say, -stay) Mashxarad samayn.
alalaasid m.f.dh eeg alalaas². ld alalaas¹ (2).
alalad¹ m.l 1. Riyo; dhadhab. 2. Qaraw. 3. ld
alaladid.
alalad² f.mg1 (-day, -dday) Qarwid;
dhadhabid.
alaladi f.mg2 (-iyay, -isay) Ka a.: cid alal ka
keenid. ld alaladsii.
alaladid m.f.dh eeg alalad². ld alalad¹ (3).
alaladin m.f.dh eeg alaladi. ld alaladsii.
alaladsii f.mg2 (-iiyay, -iisay) ld alaladi.
alaladsiin m.f.dh ld alaladin.
alalaxi m.dh Nafley yar oo biyaha ku nool,
bocool ku dhex jirta oo kaadi-dhiigga
noolihiisa korisa.
alalid m.f.dh eeg alal.
alamsasho m.f.dh eeg alamso. ld alamsi.
alamsi m.l ld alamsasho.
alamso f.g3 (-saday, -satay) Si degdeg ah wax
u liqid.
alan¹ m.l (almo/-nno, m.dh) Xubnaha geedka
qasabka middood.
alan² m.l (almo/-nno, m.dh) (nax.) Erey
waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la
mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida
madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu
magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa
hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex
alanle (dib-ka-be), iwm; xusuusnaada in
shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal
cod (ii, aa iwm) sida shibanayaashan oo kale
– dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.
alawaad m.dh (-do, m.l) Meel wax lagu
karsado; jiko.
albaab¹ m.l (-bbo/-byo m.dh) Bir, loox iwm
oo hab gaar ah loo sameeyey oo guryaha
irdahooda lagu awdo.
albaab² f.g1 (-bay, -btay) 1. Irrid, albaab u
yeelid. 2. Albaab furan xirid.
albaaban f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la
albaabay noqosho (irrid).
albaabid m.f.dh eeg albaab².
albaabjooge m.l (-gayaal, m.l/dh) Qof guri
weyn, xafiis iwm ilaaliya oo iridda laga soo
galo jooga.
albaabnaan m.f.dh eeg albaaban. ld
albaabnaansho.
albaabnaansho m.l/dh ld albaabnaan.
alcood m.l (-dyo, m.dh) Noocyada shiraaca
doonyada kan ugu weyn.
aldhihaydh m.l (-dhyo, m.dh) (kiim.) Qayb ka
mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee
noocoodu yahay -C-H; halkaas oo R ay
tahay koox alkayl ama arayl ah.
aleeggad¹ m.l Luuq macaanoo haweenku hees
hawleedka ku qaadaan.
aleeggad² f.mg1 (-day, -dday) Hees hawleed
luuq macaan ku qaadid (haween).
aleeggadid m.f.dh eeg aleegad².
aleel m.dh.u (-lo, m.l) Bocol yaryar oo xeebaha
badaha laga helo oo weelasha lagu qurxiyo;
laji.
aleelaale m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc
dibqallooca ka mid ah oo aad u weyn oo
dabada midabbo kala duwan ku leh,
waabaayo halis ahna leh.
aleelatuur¹ m.l Nooc faalka ay haweenku
dhigaan ka mid ah oo ay aleesha ku
faaliyaan.
aleelatuur² f.g1 (-ray, -rtay) Aleel ku faalin
(haween).
aleelatuurid m.f.dh eeg aleelatuur².
aleelayn m.f.dh eeg aleelee.
aleelaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aleel loo
yeelay ahaansho.
aleelaysnaan m.f.dh eeg aleelaysan. ld
aleelaysnaansho.
aleelaysnaansho m.l/dh ld aleelaysnaan.
aleelee f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax aleel ku
qurxin.
aleemi f.g2 (-iyay, -isay) Aleen ka dhawaajin
(geel).
aleemin m.f.dh eeg aleemi. ld aleemis.
aleemis m.l ld aleemin.
aleen m.l/dh (-eemo, m.dh) Koor yar oo geela
loo xiro.
alfaan m.dh.w eeg alif (4).
alfiyoole m.l (-layaalyo, m.l/dh) (c.nafl.) Kiish
yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku
daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya
oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha
hunguriga oo neefsashada sambabadu ka
algoordan
22
dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu
leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha
ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa
lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
algoordan m.l (-amo, m.dh) (xis.) Urur
qaanuunno ah oo hagaag u qeexan, loona
adeegsado furfirista mas’alad iyada oo la
qaadayo tallaabooyin tiradoodu
koobantahay.
alhuumo m.dh Dhibaato weyn; belo.
alif m.l (-fyo, m.dh) 1. Xarafka ugu horreeya
farta Carabiga. 2. Alifba’. 3. Astaan alifka u
eg oo xoolaha lagu sunto. 4. (alfaan, m.dh)
Darajo la siiyo sarkaalxigeenka.
alifaatig m.l (-gyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis
orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn
iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah
badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad
furan, hasayeeshe qaarkood, sida
saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin
giraamo.
alifba’ m.dh Xuruuf af lagu qoro oo ka kooban
shaqallo iyo Shibbanayaal; alif. ld alif.
alifle m.l (-layaal, m.l/dh) Qof ciidanka
qalabka sida ka mid ah oo darajadiisu hal alif
tahay.
alifley m.dh.u 1. Carruur dugsi ku jirta oo
alifka dhigata. 2. Ciidamada inta alif sidata.
aliil m.l (-lo, m.dh) (baay.) Mid ka mid ah
muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side.
Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin
laba aliil oo midba hiddoside ka yimid
(midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira
koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil
badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo
yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan
astaamaha u gaarka ah noolahaas.
aliindi m.l Dhar gacanta lagu sameeyo, adag,
midabbo iyo noocyo badan leh, oo
Soomaaliya lagu sameeyo. ld iliindi.
aljebra m.l (xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo
lagu barto habdhisyada tirooyinka iyo
astamahooda guud ahaan. Waxa la
adeegsadaa xuruufo ama summado u taagan
xaddiyada, iyo astooyin u taagan iskuxiridda
xaddiyada ama tirooyinka.
alji m.l.u (-iyo, m.dh) (baay.) Qayb badan oo
ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee
cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku
samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo
dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu
noqon karaa hal unugley ama unugyo
badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan:
miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga
hadda looma aqoonsana koox ablaablayneed,
inkastaoo mararka qaarkood la
raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada
borotista. Inta badan haddaba, kooxaha
boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay
qaybaha abla-ablayneed.
alkaali m.l (-iyo, m.dh) (kiim.) Beys xooggan
oo biyaha ku milma. Ereygani wuxuu
tilmaamayaa haydarogsaydhada biraha alkali
(ururka I) oo keliya, hasayeeshee sida caamka
ah waxaa loo isticmaalaa beys kasta oo
milma.
alkahool m.l (-lo, m.dh) (kiim.) Iskudhis
orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka
badan oo haydaroogsayl (-OH).
Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo
dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay
sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H.
Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa
dabeecadda kaarboon atamka ay ku
dhegsanyihiin.
alkayn m.l (-no, m.dh) (kiim.) Koox ka tirsan
haydarokaarboonnada aan dheregsanayn;
loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan
naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
alkeyn m.dh (-no, m.dh) (kiim.) Nooc
haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee
C H . Alkeynadu waa iskudhisyo baahan.
alkiin m.l (-no, m.dh) (kiim.) Nooc
haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee
C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray
olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo
leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon
ah.
alkohooliisam m.l (daaw.) Xaalad bukaansho
ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka,
taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni
karta calaamado: sida gariir, xasilloonila’an,
halluujineeshinis iyo qalbi jab.
alkuman¹ f.mg1 (-unnay,-unnantay; -unni)
Wax la alkumay noqosho (gabar).
alkuman² f.mg4 (-unnaa, -unnayd) Wax la
alkumay ahaansho (gabar).
alkumasho m.f.dh eeg alkumo.
alkume m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Abuure ah,
wax uuma. 2. Iilaah.
alkumid m.f.dh eeg alkun³.
alkumo f.g3 (-untay, -umatay) Gabadh guur
laga doonayo reerkooda weyddiisasho.
alkun¹ m.l (-nno, m.dh) Nin ay gabadh u
doonantahay.
alkun² m.dh (-mo, m.l) Gabadh nin u
doonan.
alkun³ f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Wax aan
horee u jirin abuurid. 2. Ka a.: wax kale ka
soo saarid.
alwasho
23
alkunmid m.f.dh eeg alkuman¹.
alkunnaan m.f.dh eeg alkuman². ld
alkunnaansho.
alkunnaansho m.l/dh ld alkunnaan.
alla s. Kasta, walba. Mar alla markii: mar kasta.
ld allaale.
allaale s. ld alla.
allabbari¹ m.l 1. Alle wax ka bari; ducaysi.
2. Cunto ay samayso cid ducaysanaysa.
3. allabbariyid.
allabbari² f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi) 1. Rabbi
baryid; Ilaah wax ka tuugid. 2. Cunto lagu
ducaysanayo samayn.
allabbariyid m.f.dh eeg allabbari². ld allabbari¹
(3).
allacaabud m.l ld ilaahcaabud.
allacaabudid m.dh ld ilaahcaabudid.
alladiidnimo m.dh (taar.) Rumeyn in uusan
Ilaah jirin.
allaqabey m.l (-bayaal, m.l/dh; -bayo, m.dh)
Qof aan khayr badan lahayn.
alla-uxiir m.l Qof sidii loo dhalay aan timo u
soo bixin.
allaylee e.d ld allaylehe.
allaylehe e.d Erey la yiraahdo marka wax
dhacay ay sidii loo filayay noqdaan; akkidid
in wax dhacay ay sidaas noqonayaan. Wuxuu
ka koobanyahay “Alle”, “i” iyo “lehe”. ld
allaylee.
Alle m.l (dii.) Ka aan dhimman ee adduun,
aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh,
Eebbe, Ilaah, Waaq.
allebadane m.l (dii.) Rumeyn, ama caabudid
in ka badan hal ilaah; shirki.
alleyl m.l Habeen bar, saqdhexe.
allif¹ m.l ld allifid.
allif² f.g1 (-fay, -ftay) Maanso, muusiko,
figrad cilmiyeed iwm curin.
allifaad m.dh Awoodda qof u leeyahay wax
curinta. ld allifid.
allife m.l (-fayaal, m.l/dh) Qof maanso,
muusiko, figrad iwm curiya.
allifid m.f.dh eeg allif². ld allif¹, allifaad (2).
alluumiiniyam m.dh (kiim.) Bir firfircoon oo
jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka
(III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu
leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee
niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah
oo ku jira heertamarka ugu sarreeya.
Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno
badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku
jira oogada dhulka, waana ka saddexaad
xagga badnaanta.
alluumiiniyam ogsaydh m.l (-dhyo, m.dh)
(kiim.) Budo cad oo aan biyaha ku milmin.
Way la falgashaa asiidhada iyo alkaliyadaba
sababta oo ah waa laba-eefle.
alma-almay m.dh Cucub ama lucbad ay
ilmuhu ku cayaaraan oo qaab aroosad leh.
alma-almayn m.f.dh eeg alma-almee.
alma-almee f.mg2 (-meeyay, -maysay) Almaalmay
ciyaarid.
almaas m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga
ah. ld dheeman.
almadar m.dh.u Arday waxbarashada dugsiga
hoose ku jirta.
almi f.g2 (-iyay, -isay) Kuul, silis iwm qoor ku
xirid (qof).
almin m.f.dh eeg almi.
aloog f.g1 (-gay, -gtay) 1. Rabsho, dagaal iwm
abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.
aloogan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax
la aloogay noqosho (rabsho, dagaal iwm).
aloogan² f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la
aloogay ahaansho (rabsho, dagaal iwm).
aloogid m.f.dh eeg aloog.
aloogmid m.f.dh eeg aloogan¹.
aloognaan m.f.dh eeg aloogan². ld
aloognaansho.
aloognaansho m.l/dh ld aloognaan. aloogsasho m.f.dh eeg aloogso.
aloogso f.mg3 (-saday, -satay) Si didmo iyo
degganaan la’aan leh u kicid (nafley).
alool m.l (-llo, m.dh) Nooc dadabta aqalka ka
mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka
oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.
aloos f.g1 (-say, -stay) Rabsho, dagaal iwm
abuurid.
aloosan¹ f.mg1 (-smay, santay; -smi) Wax la
aloosay noqosho (rabsho, dagaal iwm).
aloosan² f.mg4 (-snaa, -snaday) Wax la
aloosay ahaansho (rabsho, dagaal iwm).
aloosid m.f.dh eeg aloos.
aloosmid m.f.dh eeg aloosan¹.
aloosnaan m.f.dh eeg aloosan². ld
aloosnaansho.
aloosnaansho m.l/dh ld aloosnaan.
alotarobi m.l (-iyo, m.dh) (kiim.) Qaababka
kala duwan ee curiye yeelan karo; kuwaas oo
ku kala geddisan astaamaha duleed; inkasto
ay sameeyaan iskudhisyo kiimikaad oo isku
mid ah. Tusaale ahaan, salfartu waxay
leedahay dhawr jinsi oo qaab ahaan kala
duwan.
alwaax m.l/dh.u Qoryo xalleefsan oo si gaar ah
loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha
sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska
iwm.
alwasho m.f.dh eeg alwo.
alwo
24
alwo f.mg3 (-waday, -watay) Kuleyl badan
dareemid (qof).
alxaman¹ f.mg1 (-anmay, -amantay; -anmi)
Wax alxan ku kaabmay noqosho. ld
alxanan¹.
alxaman² f.mg4 (-xannaa, -xannayd) Wax la
alxamay ahaansho. ld alxanan².
alxamdulillaysad m.l ld alxamdulillaysasho.
alxamdulillaysasho m.f.dh eeg alxamdulillayso.
ld alxamdulillaysad, alxamdulillaysi.
alxamdulillaysi m.l ld alxamdulillaysasho.
alxamdulillayso f.mg3 (-stay, -satay) Ilaah u
mahadnaqid.
alxame m.l (-mayaal, m.l/dh) Qof wax alxama.
alxamid m.f.dh eeg alxan². ld alxan¹ (2).
alxan¹ m.l 1. Macdan si sahlan dabku u
dhalaaliyo oo wax lagu kabi karo. 2. ld
alxamid.
alxan² f.g1 (-amay, -antay; -ami) Bir iwm
alxan ku kabid.
alxanan¹ f.mg1 (-amay, -antay) ld alxaman¹.
alxanan² f.mg4 (-nnaa, -nnayd) ld alxaman².
alxanmid m.f.dh eeg alxaman¹.
alxannaan m.f.dh eeg alxaman². ld
alxannaansho.
alxannaansho m.l/dh ld alxannaan.
ama xi. Erey kala xiriirfura laba magac ama
laba weerood. Tus. “Baasto ama bariis ii
keen”, “Ama tag ama joog”. ld amba²,
amma.
amaa fk. ld armaa.
amaag f.g1 (-gay, gtay) ld ammaag.
amaagan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay) ld
ammaagan.
amaagan² f.mg4 (-naa, -nayd) ld ammaagan².
amaagid m.dh ld ammaagid.
amaagnaan m.dh ld ammaagnaan. amaagnaansho m.l/dh ld ammaagnaan.
amaah m.dh (-hyo, m.l) Xoolo qof laga qaato
oo mar lagu heshiiyay loo soo celiyo.
amaahasho m.f.dh eeg amaaho.
amaahbax¹ m.l Deynbax.
amaahbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Qof
amaah lagu lahaa iska bixin.
amaahi f.g2 (-iyay, -isay) Qof amaah siin.
amaahin m.f.dh eeg amaahi. ld amaahis.
amaahis m.l ld amaahin.
amaahiye m.l (-yayaal, m.l/dh) Cid amaah
bixisa.
amaaho f.g3 (-hday, -hatay) Amaah qaadasho.
amaamud¹ m.l 1. Alkun; abuur. 2. A. ah:
hanti, aqal iwm oo aan badnayn oo la soo
ururiyey. 3. amaamudid.
amaamud² f.g1 (-day, -dday) Hanti, aqal iwm
unkiddeeda bilaabid; alkumid; unkid.
amaamudan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la
amaamuday ahaansho (hanti, aqal iwm);
unkaman; alkuman.
amaamude m.l Qof amaamud sameeya;
abuure, uume (Ilaah).
amaamudid m.f.dh eeg amaamud². ld
amaamud¹ (3).
amaamudnaan m.f.dh eeg amaamudan. ld
amaamudnaansho.
amaamudnaansho m.l/dh ld amaamudnaan.
amad m.dh Dalagga ka soo go’a beeraha; fasal.
amag m.l 1. A. ah: qof indhaha la’ oo aan
waxba arkeyn. 2. ld hamag. amakaag¹ m.l 1. Yaab weyn; ashqaraar.
2. amakaagid.
amakaag² f.mg1 (-gay, -gtay) Si aad ah u
yaabid. ld amankaag².
amakaagid m.f.dh eeg amakaag². ld amakaag¹
(2), amankaag¹, amankaagid.
amakaagsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax
amankaag hayo ahaansho. ld amankaagsan.
amakaagsanaan m.dh ld amakaagsanaansho, amankaagsanaan, amankaagsanaansh
amakaagsanaansho m.l/dh ld amakaagsanaan.
amankaag¹ m.l ld amakaagid. amankaag² f.mg1 (-gay, -gtay) ld amakaag². amankaagid m.f.dh ld amakaagid.
amankaagsan f.mg4 ld amakaagsan. amankaagsanaan m.f.dh ld amakagsanaan.
amankaagsanaansho m.l/dh ld
amakaagsanaan.
amar¹ m.l (-rro/awaamiir, m.dh) 1. Erey ama
weer cid lagu farayo inay hawl fuliso.
2. Dhibaato weyn. 3. Kibir iyo qab weyni
wadajira. 4. A. Alle: maqaadir Alle.
amar² f.g1 (-mray, -martay; -mri) Qof hawl
inuu fuliyo farid.
amarbixin m.dh Amar farid; idmid; amarsiin.
amardiiddo m.dh U hogaansanaan la’aanta
amar la is faray. ld amardiidmo.
amardiidmo m.dh ld amardiiddo.
amarkutaaglayn m.f.dh eeg amarkutaagle.
amarkutaagle m.l Awood maammul oo si aan
sharci ahayn loo adeegsado. ld
amarkutaagleeye.
amarkutaaglee f.g2 (-leeyay, -laysay)
Amarkutaagle samayn.
amarkutaagleeye m.l ld amarkutaagle.
amarti m.dh Isla weyni iyo kibir wadajira.
amarweynaan m.dh Kibir iyo isla weeyni
badan. ld amarweyni.
amarweyni m.dh ld amarweynaan.
amayn m.dh (kiim.) Iskudhisyo orgaanig ah oo
sameysma marka hal ama in ka badan oo
ammaagnaansho
25
atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu
beddelo koox orgaanig ah.
amba¹ mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo
ka kooban “ani” iyo “ba”.
amba² xi. ld ama.
ambaal m.l Raro awrka dushiisa la saaro si
rarku aanan wax u yeelin awrka.
ambabbax¹ m.l 1. ld ambabbixid. Billowga
socdaalka. 2. Lacag jidmar ah. 3. A. ah: qof
markaa socdaal bilaabaya.
ambabbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Qof
socdaal billaabid.
ambabbaxsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax
ambabbaxay ahaansho (cid).
ambabbaxsanaan m.f.dh eeg ambabbaxsan. ld
ambabbaxsanaansho.
ambabbaxsanaansho m.l/dh ld
ambabbaxsanaan.
ambabbixi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof socdaal
gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid
safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya
agaasimid.
ambabbixid m.f.dh eeg ambabbax². ld
ambabbax¹ (1).
ambabbixin m.f.dh eeg ambabbixi. ld
ambabbixis.
ambabbixis m.l ld ambabbixin.
ambad m.l ld ambasho.
ambalaas m.l (-syo, m.dh) Baabuur gaar ah oo
loogu tala galay in si degdeg ah cid aad u
jirran ama dhaawac ah loogu gaarsiiyo
isbitaal.
ambaqaad¹ m.l Billowga arrin ama dood
taagan; meel ka qaadid, ka bilaabid. ld
ambaqaadid.
ambaqaad² f.mg1 (-day, -dday) Ka a.: arrin
ama dood taagneyd meel bilaabid; ka wadid.
ambaqaadid m.f.dh eeg ambaqaad². ld
ambaqaad¹.
ambasho m.f.dh eeg ambo². ld ambad.
ambi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid jahada toosan
ka lumin. 2. Nafley meel fog oo aanay si
sahlan uga soo noqon karin geyn.
ambiiro m.dh ld bambiiro.
ambin m.f.dh eeg ambi.
ambiyeer m.l (-ro, m.dh) (fiis.) Summad A.
Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee
qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa
xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba
gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro,
iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka
dhex dhaliya xoog le’eg 2×10 (N/Nm).
Niyuutan halkii mitir ee dhererka
gudbiyaha.
ambiyeer-beege m.l (-gayaal, m.l/dh) (fiis.)
Qalab lagu cabbiro xaddiga qulqulka
danabka ee mareeg danab. Ambiyeer beegga
waxa mareegta loogu xidhaa si taxane ah.
ambo¹ m.dh (-ooyin, m.l) Meel, jaho.
ambo² f.mg3 (-baday, -batay) Cid waddada
habboon ka lumid.
ambuul m.l ld cambuul¹.
ameer m.dh.u ld abeer.
amiiba m.dh (-booyin, m.l) (baay.) Duul ka
tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo
baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno
addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u
isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo
keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku
beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu
waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada,
dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka
quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale
ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin
ah.
amiino m.dh (-ooyin, m.l) (kiim.) Koox
iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma,
lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo
amiino (-NH) oo ku dheggan kaarboonka
alfa.
amiino asiidh m.l (-dhyo, m.dh) (baay.) Koox
ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee
biyaha ku milma ee wada leh koox
kaarboogsayl (-COOH) iyo amino (-NH2)
oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta
iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan
ayaa amino asiidhyada ka samayn kara
iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn,
laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku
filan oo quudkooda ah.
amiir m.l 1. Waxaruhu marka ay ka go’aan
naaska hooyadood oo ay gooni u daaqaan;
aaran. 2. ld ammiir.
amiirnimo m.dh ld ammiirnimo.
amley m.dh ld abley.
amma xi. ld ama.
ammaa fk. Mindhaa.
ammaag f.g1 (-gay, -gtay) Ciid ku aasid (god,
dab iwm). ld amaag.
ammaagan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay) Wax la
ammaagay noqosho (god, dab iwm). ld
amaagan¹.
ammaagan² f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la
ammaagay ahaansho. ld amaagan².
ammaagid m.f.dh eeg ammaag². ld amaagid.
ammaagnaan m.f.dh eeg ammaagan². ld
amaagnaan, amaagnaansho,
ammaagnaansho.
ammaagnaansho m.l/dh ld ammaagnaan.
ammaan¹
26
ammaan¹ m.l 1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo
ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa
iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya
rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara
kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga
cuno.
ammaan² m.dh Wax wanaagsan oo cid laga
sheego. 2. Xoolo hadiyad ahaan loo siiyo
madaxda ama boqorrada.
ammaan³ f.g1 (-nay, -ntay) Wax wanaagsan
cid ka sheegid.
ammaana-allah e.d Nabadgelyo.
ammaanan f.mg4 (-aannaa, -aannayd) Wax la
ammaanay ahaansho.
ammaanayn m.f.dh eeg ammaanee. ammaanaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la
ammaanaystay ahaansho.
ammaanaysasho m.f.dh eeg ammaanayso.
ammaanaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof
ammaano u dhiibid.
ammaanaysnaan m.f.dh eeg aammaanaysan. ld
ammannaysnaansho.
ammaanaysnaansho m.l/dh ld
ammaanaysnaan.
ammaanayso f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka a.:
wax ammaano ahaan cid uga qaadasho.
2. Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
ammaanduul m.l (-llo, m.dh) ld abbaanduul.
ammaanduule m.l ld abbaanduule.
ammaanee f.g2 (-neeyay, -naysay) Qof ama
shay ammaan siin; nabadgelyo siin.
ammaangeli f.g2 (-iyay, -isay) Wax
nabadgelyo siin.
ammaangelin m.f.dh eeg ammaangeli.
ammaanid m.f.dh eeg ammaan³.
ammaannaan m.f.dh eeg ammaanan. ld
ammaannaansho.
ammaannaansho m.l/dh ld ammaannaan.
ammaano m.dh 1. Wax cid loo dhiibto si ay u
xafiddo. 2. Kalsooni cid lagu qabo;
aamminaad.
ammaansasho m.f.dh eeg ammaanso. ld
ammaansi.
ammaansi m.l ld ammaansasho.
ammaanso f.mg3 (-saday, -satay) Ku a.: cid
ammaano u dhiibasho.
ammiir m.l (-rro, m.dh) Taliye; madax qoon;
suldaan. ld amiir² (2).
ammiirnimo m.dh Ammiir ahaansho. ld
amiirnimo.
ammin¹ m.l/dh Goor; waqti. ld immin.
ammin² m.l/dh (nax.) Qaab faleedyo gaar ah
oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo
sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo
laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo
hawraarta.
amminka m.dh.fk Hadda; eegga. ld imminka.
amminla’ m.dh 1. Xilliga xagaaga dabadiisa.
2. Roobka ugu horreeya dayrta.
ammooniya m.dh (-mo, m.dh) (kiim.) Neef
midab laawe ah oo ur sindhiidha leh.
Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa
biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada
ah waxa ku jira 36.9 % oo ammoniya ah
markuu heerkulku yahay 0° C.): milanbiyoodka
ammoniya waa beys waxaana ku
jira saami ammooniya ah oo
madaxbannaano.
ammuur¹ m.l Nooc xamaaratada ka mid ah oo
muluca u eg kase weyn oo leh midab bunni
ah. ld amuur.
ammuur² m.dh (-ro, m.l) 1. Arrin; mushkilo.
2. Allabari. ld ummuur.
ammuurayn m.f.dh eeg ammuuree.
ammuuraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax
mushkilo hayso ahaansho.
ammuuraysnaan f.mg4 ld ammuraysnaansho.
ammuuraysnaansho m.l/dh ld
ammuuraysnaan.
ammuuree f.mg2 (-reeyay, -raysay) Wax
mushkilo hayso ahaansho.
amnac m.l A. ah: waqti aad u kulul oo baadka
iyo biyuhuba yaryihiin; abaar xun.
amni m.l Nabad, nabadgelyo.
amran f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax amar la
siiyay ahaansho (cid). 2. La khaliifay
ahaansho (qof).
amranaan m.f.dh eeg amran. ld amranaansho.
amranaansho m.l/dh ld amranaan.
amrid m.f.dh eeg amar².
amuur m.l ld ammuur¹.
an qr.diid ld aan².
ana qr. Hadday u yaraato; haddaan wax kale
jirin; agow; xataa. Tus. “Ana ii ahaateenaa!”;
“Ana roob di’i lahaayaa!” ld anaa².
anaa¹ mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo
ka kooban ‘ani’ iyo ‘aa 1’.
anaa² qr. ld ana.
anaakici m.dh Koox ciidan ah oo si gaar ah u
tababbaran oo cadow lala dagaallamayo
dhulkiisa loo diro si uu u fadqalalleeyo.
anaani m.l (-yiin, m.dh) Qof naftiisa keliya
wax la raba.
anaaninnimo m.dh Anaani ahaansho;
nafjeclaysi. ld anaaniyad, anaaniyo.
anaaniyad m.dh ld anaaninnimo.
anaaniyo m.dh Wax la jeclaysiga qof naftiisa
keliya wax la rabo. ld anaaninnimo.
anaanuf¹ m.l ld unuunuf¹.
anoo
27
anaanuf² f.mg1 (-fay, -ftay) ld unuunuf².
anaanufid m.dh ld unuunufid.
anafee f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid anafo u
geysasho.
anafeyn m.f.dh eeg anafee.
anafo m.dh Dhibaato af iyo addin lagu geysto.
anafoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: arrin ku
eedoobid (cid).
anafood m.f.l eeg anafoo.
anatomi m.l (-iyo, m.dh) (baay.) Barashada
dhismaha noolayaasha, gaar ahaan
xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo
jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
andaco m.dh Waxaan la hubin
sheegashadooda ama ku doodiddooda.
andacoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: war
aan xaqiiqadiisa la hubin ku doodid (cid).
andacood m.f.l eeg andacoo.
andaqaad¹ m.l Dammiin; eedqaad. ld
andaqaadid.
andaqaad² f.g1 (-day, -dday) Wax
dammiinasho.
andaqaadid m.f.dh eeg andaqaad². ld
andaqaad¹.
aneexo m.dh.u (bot.) Geed nagaar faalala oo leh
caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro
kulkulucsan oo la cuno. ld uneexo.
anemoomitir m.l (-rro, m.dh) ld animoomitir.
anfac¹ m.l 1. Waxtarka cuntadu jirka u
leedahay; dheef; nafaqo. 2. Anfaco: cunto.
3. ld anficid.
anfac² f.g1 (-cay, -cday; -fici) Cid faa’iido u
yeelasho (wax).
anfaco m.dh.w eeg anfac (2).
anfariir¹ m.l 1. Dareen kulminaya yaab weyn
iyo cabsi; argaggax. 2. ld anfariirid.
anfariir² f.mg1 (-ray, -rtay) Yaab weyn iyo
cabsi dareemid.
anfariiri f.g2 (-iyay, -isay) Cid anfariir ku
ridid.
anfariirid m.f.dh eeg anfariir². ld anfariir¹.
anfariirin m.f.dh eeg anfariiri.
anfariirsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax anfariir
hayo ahaansho. ld hanfariirsan.
anfariirsanaan m.f.dh eeg anfariirsan. ld
anfariirsanaansho.
anfariirsanaansho m.l/dh ld anfariirsanaan.
anficid m.f.dh eeg anfac². ld anfac¹ (3).
angar¹ m.l ld angarid.
angar² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof meel cidla ah
uga tegid. 2. Qof dhibaato ku dhaafid.
angaran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la
angaray noqosho.
angaran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la
angaray ahaansho.
angarid m.f.dh eeg angar². ld angar¹.
angarmid m.f.dh eeg angar¹.
angarnaan m.f.dh eeg angaran². ld
angarnaansho.
angarnaansho m.l/dh ld angarnaan. anguubyo m.dh ld anguugyo.
anguugyo m.dh Dareen murugo gocosho ku
dheehan tahay leh. ld anguubyo. anhaydaraydh m.l (-dhyo, m.dh) (kiim.)
Iskudhiska sameysma marka biyo laga saaro
mid kale. Ogsaydho bir-ma-ahayaal ah oo
badan ayaa ah asiidho anhaydaraydh ah:
tusaale ahaan CO waa anhaydaraydhka H
CO ; SO waa anhaydaraydhka H SO.
ani mu.eb ld aniga.
aniga mu.eb Magacuyaal tilmaamaya qofka
kowaad ee kelida ah oo ebyoon ah (hadlaha
ama qoraha). ld ani.
animoomitir m.l (-rro, m.dh) (fiis.) Qalab lagu
cabbiro xawaaraha iyo jihada dabaysha iyada
oo halbeeggu yahay intaas oo mayl
saacaddiiba ama intaas oo mitir ilbiriqsigiiba.
aniyo mu.eb Macacuyaalka qofka kowaad oo
ka kooban ‘ani’ iyo ‘iyo’.
anjiina-bektores m.l (daaw.) Xanuun naaska
bidix hoostiisa oo ku fida garabka, gacanta
bidix iyo surka. Badanaa wuxuu ka yimaadaa
shaqo badan oo jirku sameeyo, nasashadana
waa lagu nafisaa.
anna¹ mu.eb Magacuyaal qofka kowaad oo ka
kooban ‘ani’ iyo ‘na’.
anna² mu.eb ld annaga. annaaniyad m.dh (-do, m.dh) (c.naf.)
Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad
adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad
aaminsantahay in aad ka muhimsantahay
dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan
gaar ahna aad is siisid.
annaga mu.eb magacuyaal tilmaamaya qofka
kowaad ee wadarta ah oo ka baxsan kuwa
lala hadlayo ama wax loo qorayo. ld anna².
annilliida m.l (-ooyin, m.l) (baay.) Faylam ka
mid ah laf dhabarla’da oo ka kooban
goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi
dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh
jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka
muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad
uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u
taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca
gudaha maraar kasta waxa tan kale u
dhexeeya xuub iyo xaad dag.
anoo mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka
kooban ‘ani’ iyo ‘oo’.
anoofeles
28
anoofeles m.l (-syo, m.dh) (baay.) Kaneecada
dheddig oo qaadda noolaha duumada keena,
dadkuna qaniinyadeeda ayaa duumada u
keena.
anqaas m.dh Hoore madow oo ka samaysan
dhuxul, xabag, caano ama biyo isku riiqan
oo ardada dugsiga quraanka wax ku qortaan.
ld inqaas.
anqalyo m.dh Nafaqada laga helo caanaha
naasleyda.
anqari f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo markaa dhashay
caano ama biyo siin. ld canqari.
anqarin m.f.dh eeg anqari. ld anqaris,
canqarin.
anqaris m.l ld anqarin.
anqarsasho m.f.dh eeg anqarso. ld
canqarsasho.
anqarso f.mg3 (-saday, -satay) Ilmo markaa
dhashay caano ama biyo qaadasho. ld
canqarso.
anqaw m.l ld canqow.
ansaar m.dh.u Muslinkii hore oo reer Madiina
oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii
soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.
ansaarax¹ m.l ld insaarax¹.
ansaarax² f.mg1 (-xay, -xday) ld banaaxi²,
insaarax².
ansaarixid m.f.dh ld banaaxiyid, insaarixid.
ansaarixin m.dh ld banaaxiyid, insaarixin.
ansaleel m.l.kh A. ah: barax biyuhu ku
badanyihiin. ld ansareer.
ansaleeli f.g2 (-iyay, -isay) Caano ansaleel ka
dhigid. ld ansareeri.
ansaleelin m.f.dh eeg ansaleeli. ld ansareerin.
ansareer m.l ld ansaleel.
ansareeri f.g2 (-iyay, -isay) ld ansaleeli.
ansareerin m.dh ld ansaleelin.
ansax¹ m.l 1. A. ah.: wax diinta ama sharciga
waafaqsan. 2. ld ansixid.
ansax² f.mg1 (-xay, -xday; -sixi) Wax diinta
iyo sharciga waafaqsan noqosho.
ansaxin m.dh (qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah
ama dukumenti oo la siinayo caddeyn
saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
anse mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka
kooban ‘ani’ iyo ‘se’.
anshax m.l (-xo, m.l) (etno.)Habka iyo
hanaanka qof bulshada uu la noolyahay la
dhaqmo; asluub.
anshaxdaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan
anshax wacan lahayn ahaansho.
anshaxdarnaan m.f.dh eeg anshaxdaran. ld
anshaxdarnaansho, anshaxdarro.
anshaxdarnaansho m.l/dh ld anshaxdarnaan.
anshaxdarro m.dh Hab xun oo bulshada loola
dhaqmo. ld anshaxdarnaan.
anshaxdarroo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.:
cid anshaxdarro kula kicid.
anshaxdarrood m.f.l eeg anshaxdarroo.
anshaxdarrow f.mg1 (-ooday, -ootay) ld anshaxdarroo.
anshax-xumaan m.f.dh eeg anshax-xun. ld
anshax-xumaansho, anshaax-xumi,
anshax-xumo.
anshax-xumaansho m.l/dh eeg anshax-xumow.
ld anshax-xumaan.
anshax-xumi m.dh ld anshax-xumaan.
anshax-xumo m.dh 1. Hab xun oo bulshada
loola dhaqmo. 2. ld ansax-xumaan.
anshax-xumow f.mg3 (-maaday, -maatay)
Qof anshax-xun noqosho.
anshax-xun f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof aan
anshax wacan lahayn ahaansho.
anshi m.l Anshax; asluub.
ansixi f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid.
ansixid m.f.dh eeg ansax². ld ansax¹ (2).
ansixin m.f.dh eeg ansixi. ld ansixis.
ansixis m.l ld ansixin.
antaradhaaf¹ m.l 1. Wax xadkoodi caadiga
ahaa ka batay. 2. ld antaradhaafid.
antaradhaaf² f.mg1 (-fay, -ftay) Wax
xadkoodi caadiga ahaa dhaafid.
antaradhaafi f.g2 (-iyay, -isay) Wax xadkoodi
caadiga ahaa ka badin.
antaradhaafid m.f.dh eeg antaradhaaf². ld
antaradhaaf¹ (2).
antaradhaafin m.f.dh eeg antaradhaafi.
antarasayt m.l (-yo, m.dh) (jool.) Dhuxuldhagaxeed
adag oo madow oo dhalaala oo ah
dhuxusha ugu heerka sarraysa oo ay ku jiraan
qiyaasta ugu yar ee biyo iyo maatarka aan
xasilloonayn, iyo heerka xaddidan ee u
sarreeya ee urkaarboonka.
antaro m.dh (-ooyin, m.l) Xad; seere; sohdin.
antaweeri f.g2 (-iyay, -isay) Cid si danteeda
loo dhaafiyo in muddo ah warwareejin.
antaweerin m.f.dh eeg antaweeri. ld
antaweeris.
antaweeris m.l ld antaweerin.
anuu mu.eb Magcuyaalka qofka kowaad oo ka
kooban ‘ani’, ‘aa 1’ iyo ‘uu 1’.
anuug m.dh Wax alla wixii sarreeya (cir).
anuun mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo
ka kooban ‘ani’ iyo ‘uun 3′.
anyakow m.l Ciyaar dhaqameed si gaar ah
looga yaqaan degmada Jilib.
aq m.dh A. ah: qof biyo iyo cunto la’aan
darteed u liita. ld caq.
aqab m.l (aqab, m.dh) Qurac.
aqoonsasho
29
aqal m.l (-llo, m.dh) Dhis dadku dhexdiisa
dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.
aqalgal¹ m.l Marka ugu horraysa ee laba qof oo
isguursaday oo si rasmi ah guri u wada
degay. ld aqalgelid. aqalgal² f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Laba qof
oo isguursaday markii ugu horraysay si rasmi
ah guri u wada gelid. ld aroosgal². aqalgeli f.g2 (-iyay, -isay) ld aroosi.
aqalgelid m.f.dh eeg aqalgal². ld aqalgal¹, aroosgal¹, aroosgelid.
aqalgelin m.dh ld aroosin.
aqalsoomaali m.l Aqal gembis ah, rarma, oo ka
kooban raro, dhigo udbo, saamo iyo xargo
oo miyiga Soomaaliya laga dhisto.
aqas e.d ld akhas.
aqasho m.f.dh eeg aqo. ld caqasho.
aqbal¹ m.l Oggolaanshaha cidi yeesho wax la
weyddiistay. ld aqbalid.
aqbal² f.g1 (-alay, -ashay) Cid wax la
weyddiistay yeelid.
aqbalid m.f.dh eeg aqbaal². ld aqbal¹.
aqbalsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid inay wax
oggolaato ku khasbid.
aqbalsiin m.f.dh eeg aqbalsii.
aqbo m.dh ld abqo.
aqi f.g2 (-iyay, -isay) Nafley gaajo iyo harraad
badan badid. ld caqi.
aqin m.f.dh eeg aqi. ld caqin.
aqlabiyad m.dh Tirada dadka ee ka badan
nuskooda.
aqli m.l ld caqli.
aqo f.mg3 (-qday, -qatay) Nafley cunto iyo
biyo la’aan dartood u wax yeelloobid. ld
caqo.
aqoo f.g3 (yaqaan, taqaan; yiqiin,
tiqiin/aqooday, aqootay) Wax hore loo
kasayey muddo dambe dib u garasho. Tus.
“Hashi iga luntay ayaan geel ka aqooday”.
aqood m.f.dh eeg aqoo. ld aqoonsho.
aqool¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Waqtiga
hawlmaalmeedka la dhammeeyo ee guryaha
loo noqdo. 2. Sida cuntada loo qaybiyo.
aqool² m.dh 1. (-lo, m.dh) Gooraha wax la
cuno middood. 2. ld aqoolid.
aqool³ f.g/mg1 (-oolay, -ooshay) 1.(f.g) Dad
badan cunto u qaybin. 2.(f.g) Wax dad
badan ka dhexeeya maamulid. 3. (f.mg)
Iyadoo hawl maalmeed la soo dhammeeyay
guri u soo noqosho.
aqoolan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la aqoolay
ahaansho.
aqoolid m.f.dh eeg aqool³. ld aqool² (2).
aqoolnaan m.f.dh eeg aqoolan. ld
aqoolnaansho.
aqoolnaansho m.l/dh ld aqoolnaan.
aqoolxumaan m.f.dh eeg aqoolxun. ld
aqoolxumaansho.
aqoolxumaansho m.l/dh ld aqoolxumaan.
aqoolxumi m.dh ld aqoolxumo.
aqoolxumo m.dh Hab aan wanaagsanayn oo
wax loo qaybiyo. ld aqoolxumi. aqoolxun4 f.mg4 (-umaa, -umayd) Wax aan
aqool wanaagsan lahayn ahaansho.
aqoon m.dh 1. Cilmi. 2. Garasho dheerad ah
oo wax loo leeyahay. Tus. “Jaamac Xamar
aqoon buu u leeyahay”.
aqoon farsamo m.dh 1. (qaan.) Ficil ama
xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday
ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad
wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan
dhinaca cilmiga ama farsamada.
aqoonbaaris m.dh Cilmibaaris.
aqoon-beereed m.dh (c.beer.) Sayniska
beeridda dalagyada oo ay ka mid yihiin
mashaakilka dalagyada soo go’a, ka hortagga
cudurrada, horumarinta noocyo dalag oo
kala duwan iyo maamulka, xanaanaynta, iyo
bacrinta carrada.
aqoondaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan
aqoon lahayn ahaansho.
aqoondarnaan m.dh 1. Xaaladda qof aan cilmi
barani ku suganyahay. 2. Xaaladda uu ku
suganyahay qof aan wax qori karin waxna
akhriyi karin; jaahilnimo; aqoon la’ahaansho.
3. eeg aqoondaran. ld aqoondarnaansho,
aqoondarri, aqoondarro.
aqoondarnaansho m.l/dh ld aqoondarnaan.
aqoondarri m.dh ld aqoondarnaan.
aqoondarro m.dh ld aqoondarnaan.
aqoondhaaf m.l Qof aqoon badan.
aqoon-isweydaarsi m.l (-iyo, m.dh) 1. Dood
dad badani ka qaybqaataan si xal loogu helo
arrin taagan. 2. Tababbar gaabanoo loo furo
dad gaar ah, si aqoontada kor loogu qaado.
aqoonla’aan m.dh Xaaladda qof aan cilmi
barani ku suganyahay. ld aqoonli’i.
aqoonli’i m.dh ld aqoonla’aan.
aqoonni m.l/dh Qof aqoon loo leeyahay; la
yaqaan; indhagarad. ld aqoonnin.
aqoonnin m.l/dh ld aqoonni.
aqoonsad m.l ld aqoonsasho.
aqoonsan f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax kale u
citiraaftay ahaansho.
aqoonsanaan m.f.dh eeg aqoonsan. ld
aqoonsanaansho.
aqoonsanaansho m.l/dh ld aqoonsanaan.
aqoonsasho m.f.dh eeg aqoonso. ld aqoonsad,
aqoonsi.
aqoonsi
30
aqoonsi m.l 1. Warqadda a.ga: dokumenti
rasmi ah oo ay ku yaalliin magac dhan,sawir
iyo wixii kale oo caddaynaya qof sugiddiisa.
2. Warqadda citiraafka. 3. ld aqoonsasho.
aqoonsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid wax si dhab
ah uga dhaadhacsiin.
aqoonsiin m.f.dh eeg aqoonsii.
aqoonso f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax
citiraafid. 2. Wax hore loo kasayey muddo
dambe dib u garasho.
aqoonta cudurrada m.dh eeg baatoloji.
aqoonta kansarka m.l (daaw.) eeg onkooloji.
aqoonta ummulinta m.dh (daaw.) Qayb ka
mid ah cilmi takhtareedka oo ku saabsan
xanaaneynta dumarka inta ay uurka
leeyihiin, marka ay dhalayaan iyo lix
toddobaad oo ku xigta xilliga dhalmada
marka xubnaha taranku ay dhibaato
baxayaan.
aqoonxumaan m.f.dh eeg aqoonxun. ld
aqoonxumaansho, aqoonxumi,
aqoonxumo.
aqoonxumaansho m.l/dh ld aqoonxumaan.
aqoonxumi m.dh ld aqoonxumaan.
aqoonxumo m.dh ld aqoonxumaan.
aqoonxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof aan
cilmi badan lahayn ahaansho.
aqoonyahan m.l (-nno, m.dh) Qof aqoontiisa
cilmiyeed sarraysa.
aqoonyahannimo m.dh Aqoonyahan
ahaansho.
aqsayn m.f.dh eeg aqsee. ld asqayn.
aqsaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld asqaysan.
aqsaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld asqaysii.
aqsaysiin m.f.dh ld asqaysiin.
aqsaysnaan m.f.dh ld asqaysnaan.
aqsaysnaansho m.l/dh ld aqsaysnaan.
aqsee f.g2 (-seeyay, -saysay) ld asqee.
aqso m.dh ld asqo.
aqsoo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld asqoo.
aqsoobid m.dh ld asqood.
aqsood m.l ld asqood.
aqsow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) ld asqoo.
aqyaar¹ m.l ld ikhyaar¹.
aqyaar² m.dh ld ikhyaar².
aqyaarayn m.dh ld ikhyaarayn.
aqyaaree f.mg2 (-reeyay, -reysay) ld
ikhyaaree.
aqyaarnimo m.dh ld ikhyaarnimo.
ar u.j ld waryaa.
araaji m.dh.w eeg arji.
araanjo m.dh (-ooyin, m.l) Liimo-xaali.
araarayn m.f.dh eeg araaree.
araare m.l 1. Kala joojinta iyo maslixidda dad
dagaalamaya. ld araari.
araaree f.g2 (-reeyay, -raysay) Dad
dagaalamaya kala joojin.
araari m.dh Wadiiqo yar oo u dhexeysa laba
dhisme, laba beerood, ama laba xero iwm.
araasi¹ m.l Orod iyo ci’ uu sameeyo sac dhalay
marka uu u soo socdo dhashiisa. ld
insaarax¹.
araasi² f.mg2 (-iyay, -isay) Sac markaa dhalay
meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo
orod iyo ci’ sameynaya. ld insaarax².
araasiyid m.dh eeg araasi². ld insaarixid.
arabbikhi m.dh Galley.
arad¹ m.l Dhul; arlo.
arad² m.dh Haweenay la qabo; naag; afo.
arag¹ m.l 1. Hawsha indhuhu jirka u qabtaan
ee ugu tebiyaan walxaha ka hor imaanayaa
waxa ay yihiin. 2. Muuqaal.
arag² f.g1 (-rkay, -ragtay; -rki) 1. Indho
muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si
gaar ah cid ula muuqasho.
aragbeel¹ m.l ld indhabbeelid.
aragbeel² f.mg1 (-eelay, -eeshay) ld
indhabbeel².
aragbeelid m.f.dh ld indhabbeelid.
arag-dhowaadka m.l (-rgo …, m.l) (daaw.)
Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku
dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga
(reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si
fiican looma arko, isha oo la khasbana
laguma sixi karo. Waa in la qaato
murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.
arag-qumin m.dh (daaw.) Awoodda ishu ay ku
qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda,
ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo
yaala fogaanno kala duwan.
aragti m.dh (-iyo, m.l) 1. Sida arrin cid ugu
muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka.
3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka
dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda’ iwm oo cidi
rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo
qawaaniin gaar ah.
aragtida Darwin m.dh (-iyaha …, m.l) (baay.)
Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada
oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo
ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay
sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada
abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda
xulashada dabeeciga.
aragtida kuwaantam m.dh (-iyada …, m.dh)
(fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks
Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha
walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef
ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo
arbucuunaansho
31
kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku
dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan,
tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar
oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo
birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho
yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo
ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano
kuwaantaam ama footoon.
aragtida Leewis m.dh (-iyada …, m.dh)
(kiim.) eeg asiidha Lewis.
aragti-haraa m.dh (-iyo …, m.dh) (xis.)
Aragtida loo tibaaxo isle’egta f(x) = (xa)gx+f(a)
taas oo micnaheedu yahay haddii
tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (xa),
oo a ay tahay madoorsoome; tibixda
haraaga waxa ay le’eg tahay qiimaha
tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) =
2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.
aragtiinka asaasiga ah ee aljebra m.l (xis.)
Isle’eq tibxaale kasta oo leh sansaanka a z +
a,z + a z … +a z + a =o, taas oo a , a , a ,…
iwm ay yihiin tirooyin murakab ah oo leh
ugu yaraan hal xidid oo murakab ah.
aragtiinka asaasiga ee kalkulaska abynan m.l
(xis.) Aragtiin tibaaxaysa xiriirka ka dhexeeya
abyan iyo xigsinayn, taas oo ah, haddii
abyanka f(x)dx uu jiro, iyo urliba fansaarka
f(x) uu jiro f'(x) = f(x) marka a x b; marka
f(x)dx = F(b) – F(a).
aragti-isir m.dh (-iyo …, m.dh) (xis.) Xaaladda
ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x)
ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya
f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 =
0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa
daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3).
Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida
haraaga.
aragxumaan m.f.dh eeg aragxun. ld
aragxumaansho, aragxumi, aragxumo.
aragxumaansho m.l/dh ld aragxumaan.
aragxumi m.dh ld aragxumaan.
aragxumo m.dh ld aragxumaan.
aragxun f.mg4 (-umaa, -umayd) 1. Nafley ay
jirro, macluul iwm ka muuqdaan ahaansho.
2. Nafley aan indhaha si fiican wax uga
arkeyn ahaansho.
arah¹ m.l 1. A. ah: tiro dad ah oo u safray in ay
soo gurtaan miro, xabag, caws iwm. 2. ld
arahid. ld arahid.
arah² f.mg1 (-rhay, -rahday; -rhi) Dad in ay
soo gurtaan qaraab miro, xabag, caws iwm u
safrid; arahdoon. ld arahdoon².
arahdoon¹ m.l 1. A. ah: ld arah¹. 2. ld
arahdoonid. ld arahdoonid.
arahdoon² f.mg1 (-nay, -ntay) ld arah².
arahdoonad m.l ld arahdoonasho.
arahdoonasho m.f.dh eeg arahdoono. ld
arahdoonad.
arahdoonid m.dh ld arhid.
arahdoono f.mg3 (-ntay, -natay) Dad miro,
xabag, caws, iwm. raadsasho.
aram m.dh Diirdiir yar oo caleenta digirta
cunta.
arammi m.l/dh Xanuun ka dhasha nabar hore
oo aan si dhab ah u biskoon; doog(ta).
aranjaato m.dh Cabbitaan laga sameeyo
liinxaali, biyo iyo sonkor oo midab hurdi ah
leh.
arar m.dh 1. Dhulka u dhow ee ku heeran ceel
ama degaan. 2. Gogoldhigga loo sameeyo
hadal ama qoraal. 3. Daaqidda ay xoolo la
waraabshey soo daaqaan inta ayan rakaadan.
ararad m.l ld ararasho.
ararasho m.f.dh eeg araro. ld ararad.
arari f.g2 (-iyay, -iday, -isay) Xoolo cabbay oo
la rabo in la rakaadiyo caws geyn.
ararin m.f.dh eeg arari.
araro f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal ama qoraal
gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in
ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola
la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq
tegid.
arax m.dh (-raxyo /-rxaan, m.l) 1. Xiriirta
lafdhabarta qaybteeda sare oo ay feeraha ishaystaan.
2. Xubin hilib ah oo ka kooban
dhowr ricirood iyo cadkooda. 3. Sac, saddex
da’ood ama ka badan dhalay.
araxdaaco m.dh Deri.
araxnimo m.dh Arax ahaansho (sac).
araye m.l Maroodiga lab oo raxanta
hoggaamiya; arbe.
arayl m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Koox orgaanig ah
samaysanta marka atam haydarojiin ah laga
saaro haydarokaarboon aroomaatig ah ama
mid ka farcamay.
arbaco m.dh Maalinta afraad ee toddobaadka,
una dhexeysa talaadada iyo khamiista.
arbe m.l (-bayaal m.l/dh) 1. Araye.
2. Shabeelka lab.
arbucuun¹ m.l Quraan ama duco loo akhriyo
xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga
badbaadiyo.
arbucuun² f.g1 (-nay, -ntay) Xoolo lumay si
Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo quraan
ama duco u akhrin.
arbucuunaan m.f.dh eeg arbucuunan. ld
arbucuunaansho.
arbucuunaansho m.l/dh ld arbucuunaan.
arbucuunan
32
arbucuunan f.mg4 (-anaa, -anayd) Wax
arbucuun loo akhriyey ahaansho (xoolo
lumay).
arbucuunid m.f.dh eeg arbucuun². ld
arbucuunis
arbucuunis m.dh ld arbucuunid.
arbush¹ m.l 1. Xaalad xasillooni la’aaneed ee
cidi ku sugantahay; qas; lab; rabsho. 2. ld
arbushid.
arbush² f.g1 (-shay, -shtay) Cid xasillooni
la’aan badid.
arbushaad m.dh ld arbushid.
arbushan¹ f.mg1 (-shmay, -shantay; -shmi)
Wax la arbushay noqosho.
arbushan² f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la
arbushay ahaansho.
arbushid m.f.dh eeg arbush². ld arbush¹ (2),
arbushaad.
arbushmid m.f.dh eeg arbushan¹.
arbushnaan m.f.dh eeg arbushan². ld
arbushnaansho.
arbushnaansho m.l/dh ld arbushnaan.
ardaa m.l (-aayo, m.dh) Duggaal kor ka furan,
ood ka samaysan, aqallada hortooda laga
dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la
seexdo.
ardaadhig¹ m.l ld ardaaggal¹.
ardaadhig² f.mg1 (-gay; -gtay) ld ardaaggal². ardaadhigid m.dh ld ardaaggelid.
ardaaggal¹ m.l 1. Marti u noqoshada reer
gabar laga doonayo. 2. A. ah: nin reer uu
gabar ka doonayo darteed marti ugu ah. ld
ardaadhig¹.
ardaaggal² f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) U a.:
nin reer uu gabar ka doonaayo darteed marti
ugu noqosho. ld ardaadhig².
ardaaggelid m.f.dh eeg ardaaggal². ld
ardaadhigid.
ardaal m.l (-llo, m.dh) Qof aan ceebta ka
xishoon.
ardaalnimo m.dh Ardaal ahaansho.
arday m.l (arday/ardo, m.dh) 1. Qof tacliin
nidaamsan oo sanado go’an iyo heerar kala
duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi
quraan dhigata.
ardayad m.dh 1. Gabar tacliin nidaamsan oo
sanado go’an iyo heerar kala duwan leh ku
hawlan. 2. Gabar dugsi quraan dhigata.
ardiyad m.dh 1. Cashuur ay dawladdu ka
qaaddo qof leh dhul bannaan ama dhismo.
2. Caddaynta lahaanshaha
guryaha;mulkiyad.
ardooyin m.l.w Duulal la rumaysan yahay in
ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo
udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.
areebo m.dh (-ooyin, m.l) Naag karti xun oo
aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm;
basari; baali; arraajo.
areerin m.l.kh A. ah: hilib jiir ah oo daliigo
dhaadheer oo dhuudhuuban laga dhigay.
argag¹ m.l ld irkig¹.
argag² f.mg1 (-gmay, -gantay) ld irkig². argaggax¹ m.l 1. Naxdin iyo cabsi weyn o
qofka degganaanta ka lumisa. 2. ld
argaggixid.
argaggax² f.mg1 (-xay, -xday; -gixi) Naxdin
iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka
lumiya la kulmid (qof).
argaggaxsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax
argaggaxay ahaansho (qof).
argaggaxsanaan m.f.dh eeg argaggaxsan. ld
argaggaxsanaansho.
argaggaxsanaansho m.l/dh ld argaggaxsanaan.
argaggixi f.g2 (-iyay, -isay) Qof argaggax ku
ridid.
argaggixid m.f.dh eeg argaggax². ld argaggax¹
(2).
argaggixin m.f.dh eeg argaggixi. ld argaggixis.
argaggixis m.l ld argaggixin.
argaggixisannimo m.dh Isticmaalid rabash, dil,
afduub iyo dhac si loo gaaro ujeeddo
siyaasadeed ama si loogu qasbo dawlad in
xukunkeedu wax ka beddesho.
argaggixiso m.dh.u 1. Dad hubaysan oo
argaggax dadka ku rida ama dila. 2. Naxdin
iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka
lumisa.
argagid m.dh ld irkigid.
argagsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld irkigsan.
argagsanaan m.dh ld irkigsanaan. argagsanaansho m.l/dh ld irkigsanaan.
argeeg m.l/dh Geed nagaar aan qodax lahayn,
oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar
iyo xididdo dhaadheer oo weelbiyoodka laga
tolo.
arhasho m.f.dh eeg arho.
arhid m.f.dh eeg arah². ld arah¹ (2),
arahdoonid (2).
arho f.mg3 (-haday, -hatay) Arah aadid.
ari m.l Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo,
ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool
xaaska oo ka kooban riyo iyo ido. ld eri¹ (1).
aricad m.l.u Riyo.
arifadh m.dh (-dho, m.l) Mindi yar oo ariga
lagu qasho.
arijir m.l/dh A. ah: qof mehereddiisu tahay ari
raacid.
aritmatig m.l (xis.) Barashada xirfadaha la
xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo
tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala
aroorsan
33
goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale
oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha
habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro
sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale,
sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle,
boqolley oo loo beddelo jajab.
arjantam m.l (-mmo, m.dh) (kiim.) Bir ka
tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri
kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS)
iyo kolorayd (AgCl) ahaanba.
Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna
(b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180
C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5,
tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.
arji m.l (araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro
dawlad, shirkad, hay’ad iwm oo wax lagu
weyddiisanayo ama lagaga cabanayo.
arjibilaago m.dh (-ooyin, m.l) (juqr.) Koox
jasiirado ah.
arjiqore m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof araaji qora.
arjumid m.f.dh eeg arjun.
arjun f.g1 (-umay, -untay; -umi) Qof dhagax
ku dilid.
arkaan m.dh.w A.ta islaamka: shanta tiir ee
diinta islaanka ku taagan tahay. ld arkaanuislaan.
arkaanu-islaan m.l ld arkaan.
arkaniida m.l (baay.) Dir ka tirsan
artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban
ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin
caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka.
Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa
qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley
iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.
arkid m.f.dh eeg arag².
arkiifiyo m.l (-iyaal, m.l) Ururin ama keydin
macluumaad, qoraal, dukumentooyin,
sawirro, iwm. Kaasoo xambaarsan
macluumaad ku saabsan waddan taariikhdiis,
meel, urur, qaab sawir, iwm.
arkijireddoon m.l Qof dano gaar ah oo uu
hore u heli jiray darteed aan isbeddel cusub
oggolayn.
arkoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid wax ay
daneyneyso la kulmid; doorasho.
arkood m.f.l eeg arkoo.
arkoon f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la arkooday
ahaansho.
arkoonaan m.f.dh eeg arkoon. ld
arkoonaansho.
arkoonaansho m.l/dh ld arkonaan.
arlaa’i m.l ld arlo.
arli m.l ld arlo.
arlo m.dh 1. Dhul ballaaran. 2. Dal; waddan.
ld arlaa’i, arli.
armaa fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo
in ay dhacayaan; ma laga yaabaa in, billaa.
Tus. “Armuu Cali ii imaan doonaa”. ld
amaa.
armaadyo m.dh ld armaajo.
armaajo m.dh (-ooyin, m.l) Qalab qori ama
bir ka samaysan oo guryaha iyo xafiisyada la
dhigto, leh qaabab kala duwan iyo khaanado
dharka, dukumentiga, maacuunta iwm lagu
rito. ld armaadyo.
armac m.l A. ah: dhagxaanta nooca ugu adag,
dhalaala, midabbo kala duwan leh oo aan
burburin.
aroomaatig m.l (-gyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis
orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay
giraamo bensiin ah.
arǫor m.dh Waqtiga u dhexeeya marka waagu
dillaaco ilaa marka qorraxdu soo baxdo. ld
arooryo.
aroor¹ m.l 1. ld aroorid. Doonashada nafley
oommani ay meel biyo ka doonato. 2.(-rro
mdh.) Dhudhub yar oo biyo dhulka ka
jeexeen. 3. Sheexo. 4. A. ah: xoolo ooman oo
biya doonad ah.
aroor² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Nafley biyo
doonasho. 2. Nafley meel sare ka soo degid.
aroore m.l (-rayaal, m.l/dh) (baay.) Dhuun
dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.
aroore-holac m.l (-cyo, m.dh) (daaw.)
Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha
(aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha
wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo
laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun
badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya
maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa
waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa
xididdada ayaa inta badan sameysmata.
aroore-qaade m.l (-dayaal, m.l/dh)
(daaw.)Aroore kasta oo dhiig ka soo qaada
tintaafyo dhiig oo wada shaqeeya oo toos
ugu soo gudbiya tintaafyo kale oo wada
shaqeeya una yaalla qayb kale oo jidhka ka
mid ah, isaga oo aan ku celinayn wadnaha.
arǫorhoraad m.dh (-ddo, m.dh) ld
arǫoryohoraad.
aroori f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo oomman
meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid.
3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin.
4. Wax wax kale ku libdhin.
aroorid m.f.dh eeg aroor². ld aroor¹ (1).
aroorin m.f.dh eeg aroori. ld arooris.
arooris m.l ld aroorin.
aroornimo m.dh Waqti aroor ah.
aroorsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, meel aad
ugu libdhay ahaansho.
aroorsanaan
34
aroorsanaan m.f.dh eeg aroorsan. ld
aroorsanaansho.
aroorsanaansho m.l/dh ld aroorsanaan.
arǫoryo m.dh ld aroo(ø)r.
arooryohoraad m.dh (-ddo, m.dh) Marka
oogga waaberi dilaaco. ld aroorhoraad.
aroos¹ m.l (-syo, m.dh) 1. ld aroosid. Ciyaaro
iyo damaashaad loo sameeyo laba qof oo
isguursaday. 2. Toddabada beri ee ugu
horreysa aqal-galka. 3. A. ah: qof ku jira
toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkiisa.
aroos² f.g/mg1 (-say, -stay) 1. (f.g) Laba qof oo
isguursaday xaflad iyo damaashaad samayn.
2. (f.mg) Nin, naag guursasho.
aroosad m.dh Haweenay ku jirta toddobaadkii
ugu horreeyey aqalgalkeeda. ld caruusad.
aroosgal¹ m.l ld aqalgelid.
aroosgal² f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) ld aqalgal².
aroosgeli f.g2 (-iyay. -isay ld aroosi.
aroosgelid m.dh ld aqalgelid. aroosgelin m.f.dh ld aroosin.
aroosi f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof guurkiisa
tabaabusheyn. ld aqalgeli, aroosgeli. aroosid m.f.dh eeg aroos². ld aroos¹ (1),
aroosgal¹, aroosgelid.
aroosin m.f.dh eeg aroosi. ld aqalgelin,
aroosgelin.
arraajo m.dh (-ooyin, m.l) Areebo; basari.
arrad¹ m.l 1. Xaaladda uu ku suganyahay qof
dharkiisu duugoobay ama jeexjeexmay. 2. ld
arradid.
arrad² f.mg1 (-day, -dday) Qof, xaalad dharki
uu xirnaa duugoobay ama jeexjeexmay ku
sugnaan.
arradan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax arrad
hayo ahaansho.
arradbax¹ m.l 1. Helidda dhar arrad looga
baxo. 2. ld arradbixid. Dhar arradka looga
baxo.
arradbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Dhar
arradka looga baxo helid.
arradbaxsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax
arradbaxay ahaansho (qof).
arradbaxsanaan m.f.dh eeg arradbaxsan. ld
arradbaxsanaansho.
arradbaxsanaansho m.l/dh ld arradbaxsanaan.
arradbixi f.g2 (-iyay, -isay) Qof arradbax siin.
arradbixid m.f.dh eeg arradbax². ld arradbax¹
(2).
arradbixin m.f.dh eeg arradbixi.
arradi f.g2 (-iyay, -isay) Qof arrad badid.
arradid m.f.dh eeg arrad². ld arrad¹ (2).
arradin m.f.dh eeg arradi.
arradnaan m.f.dh eeg arradan. ld
arradnaansho.
arradnaansho m.l/dh ld arradnaan.
arradsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax arrad hayo
ahaansho.
arradsanaan m.f.dh eeg arradsan. ld
arradsanaansho.
arradsnaansho m.l/dh ld arradsanaan.
arrad-tir¹ m.l ld arratir¹, arratirid.
arrad-tir² f.mg1 (-ray, -rtay) ld arratir².
arrad-tiran f.mg4 (-naa,-nayd) ld arratiran.
arrad-tirasho m.dh ld arratirasho.
arrad-tirid m.dh ld arratirid.
arrad-tirnaan m.dh ld arratirnaan.
arrad-tirnaansho m.l/dh ld arratirnaan.
arrad-tiro f.mg3 (-rtay, -ratay) ld arratiro.
arrafo m.dh Bilaha sannadka soomaaliga ee
dayaxa tan ugu dambeysa oo xajka la guto. ld
carrafo.
arratir¹ m.l 1. Dhar arradka looga baxo. 2. ld
arratirid. ld arrad-tir¹.
arratir² f.mg1 (-ray, -rtay) U a.: qof arradan
arratirsiin. ld arrad-tir².
arratiran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la
arratiray ahaansho (qof). ld arrad-tiran.
arratirasho m.f.dh eeg arratiro. ld arradtirasho.
arratirid m.f.dh eeg arratir². ld arrad-tir¹,
arrad-tirid, arratir¹ (2).
arratirnaan m.f.dh eeg arratiran. ld arradtirnaan,
arrad-tirnaansho, arratirnaan-sho.
arratirnaansho m.l/dh ld arratirnaan.
arratiro f.mg3 (-rtay, -ratay) Arratir iibsasho
(qof). ld arrad-tiro.
arrimi f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: arrin, talo
ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.
arrimin m.f.dh eeg arrimi. ld arrimis.
arrimis m.l ld arrimin.
arrin m.l/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax
laga qabto u baahan; xaajo.
arrinsad m.l ld arrinsasho.
arrinsasho m.f.dh eeg arrinso. ld arrinsad,
arrinsi.
arrinsi m.l ld arrinsasho.
arrinso f.mg3 (-saday, -satay) Ka a.: arrin, xal
u raadsasho; arrin ka talabixid.
arruman f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax la
arrumay ahaansho (geel).
arrumasho m.f.dh eeg arrumo. arrumid m.f.dh eeg arrun².
arrumnaan m.f.dh eeg arruman. ld
arrumnaansho, arrunnaan, arrunnaansho.
arrumnaansho m.l/dh ld arrumnaan.
asaasnaansho
35
arrumo f.mg3 (-untay, -umatay) Neef geel ah
oo taagan fariisisasho.
arrun¹ m.l Fariisisinta neef geel ah oo taagan la
fariisiyo. ld arrumid.
arrun² f.g1 (-umay, -untay; -umi) Neef geel
ah oo taagan fariisin.
arrunnaan m.f.dh ld arrumnaan.
arrunnansho m.l/dh ld arrumnaan.
arruug m.l Ubad labaraafle oo lix bilood jira.
arruugnimo m.l Arruug ahaansho.
arsaaq¹ m.dh ld irsaaq¹.
arsaaq² f.g1 (-qay, -qday) ld irsaaq².
arsaaqad m.dh ld irsaaqad.
artaraboodha m.l (-ooyin, m.l) (baay.) Faylam
ka tirsan xayawaanka laf dhabarla’da oo ka
kooban in ka badan hal milyan oo sinji. Waa
faylamka ugu ballaadhan ee boqortooyada
xayawaanka. Artaraboodhuhu waxay ku
noolyihiin biyaha macaan, badaha iyo
dhulalka kala duwan. Astaan ahaan
artaraboodhuhu waxay leeyihiin dub sare oo
loo yaqaanno toxob, kaas oo dabool adag u
ah qalfoof duleedka. Koritaankooduna waxa
uu suurtaggal yahay oo keliya xilliga xuub
siibashada.
aruundi m.l Geed nagaar leh qodax, caleen
yaryar iyo miro casuura ah oo anqaasta laga
samaysto.
aruur¹ m.l Caano a. ah: caano yar oo dhigaal
ah oo hadba in lagu daro si ay u bataan.
aruur² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax kala firirsan
meel isugu tegid. ld urur³, uruur.
aruuri f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax kala firirsan
meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee
ugu geli karo ku libdhin. ld ururi, uruuri.
aruurid m.f.dh eeg aruur. ld ururid, uruurid.
aruurin¹ m.f.dh eeg aruuri. ld aruuris, ururi,
uruuri.
aruurin² m.dh Maanso, shekooyin dhaqan,
taariikh nololeed iwm oo dad kala duwan
laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.
aruuris m.dh ld aruurin.
aruursan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax kala
firirsanaa oo meel isugu yimid ahaansho.
2. Ku a.: wax, wax kale ee uu geli karo ku
libirsan ahaansho. ld urursan.
aruursanaan m.f.dh eeg aruursan. ld
aruursanaansho, urursanaan,
urursanaansho, uruursa
aruursanaansho m.l/dh ld aruursanaan.
aruursasho m.f.dh eeg aruurso. ld urursasho,
uruursasho.
aruurso f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax kala
firisan meel isugu geysasho. 2. Wax meel yaal
wada qaadasho. ld ururso, uruurso.
arwaax¹ m.l Farax.
arwaax² m.dh.w Ruux.
arwaax³ f.mg1 (-xay, -xday) Farax dareemid.
arwaaxi f.g2 (-iyay, -isay) Cid ka farxin.
arwaaxid m.f.dh eeg arwaax³.
arwaaxin m.f.dh eeg arwaaxi.
arwaaxsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax arwaaxay
ahaansho (qof).
arwaaxsanaan m.f.dh eeg arwaaxsan. ld
arwaaxsanaansho.
arwaaxsanaansho m.l/dh ld arwaxsanaan.
arxaan m.l.w eeg arax.
arxamid m.f.dh eeg arxan¹.
arxan¹ m.l/dh ld arax (1).
arxan² m.l 1. Waxtar weyn oo cid dhibaateysan
loo geysto.2. Dad xigtanimo ka dhexeysa;
ehel.
arxan³ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) U a.: cid
dhibaateysan waxtar weyn u gelid.
aryaa u.j (aryaadha) ld waryaa.
aryaadha u.j.w eeg aryaa.
asaabboon f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan
dembi ama xumaan samayn ahaansho (qof).
asaabboonaan m.f.dh eeg asaabboon. ld
asaabboonaansho.
asaabboonaansho m.l/dh ld asaabboonaan.
asaag m.l.u Dadka inta isku da’da ah ama isku
darajada ah; fac.
asaagsad m.l ld asaagsasho.
asaagsasho m.f.dh eeg asaagso. ld asaagsad,
asaagsi.
asaagsi m.l ld asaagsasho.
asaagso f.g3 (-saday, -satay) Qof, qof kale oo
ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid.
asaas¹ m.l (-syo, m.dh) 1. Bilowga wax la
samaynayo ama la dhisayo; sal. 2. Marka
dhagaxa, ama bulkeetiga, iyo wixi la mid ah
dhulka lagu aaso si ay u xajiyaan ama u
taageeraan dhismaha derbiga. 3. Wax
walxaha taageera ama xejiya ama mid ay ku
aasaasmeen.
asaas² f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo la
sameynayo bilaabid. ld aasaas².
asaasan¹ f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax
asaasan noqosho. Tus. “Dhismihii dugsiga
cusub weli ma asaasmin”. ld aasaasan¹.
asaasan² f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la asaasay
ahaansho. ld aasaasan².
asaasi m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah;
wax saldhig ah. ld aasaasi.
asaasid m.f.dh eeg asaas². ld aasaasid.
asaasmid m.f.dh eeg asaasan¹. ld aasaasmid.
asaasnaan m.f.dh eeg asaasan². ld aasaansnaan,
aasaasnaansho, asaasnaansho.
asaasnaansho m.l/dh ld asaasnaan.
asaay
36
asaay m.dh Dhar midab cad ama madow leh
oo afadu qaadato marka ninkeedu dhinto;
weer. ld asay.
asaaye m.l Ciqaab ka dhasha waxyeello horey la
isu gaarsiiyey; godob. ld asaayo.
asaayo m.l ld asaaye.
asaaysaar¹ m.l Afo ninkeedii dhintay oo asaay
loo saaro.
asaaysaar² f.g1 (-ray, -rtay) Afo ninkeedu
dhintay asaay u saarid.
asaaysaarid m.f.dh eeg asaaysaar².
asaddah¹ m.l 1. Wax kala-garanwaa uu kibir
keeno. 2. ld asaddihid.
asaddah² f.mg1 (-dahay, -dahday; -dihi)
Kibir awgii wax la kala-garanwaayid.
asaddihi f.mg2 (-iyay, -isay) Cid asaddah ku
ridid.
asaddihid m.f.dh eeg asaddah². ld asaddah¹
(2).
asaddihin m.f.dh eeg asaddihi.
asal¹ m.l 1. Halka ay wax ka soo unkamaan;
isir. 2. ld asali.
asal² m.l/dh Qolofta ama xididdada dhirta
qaarkood oo dhacaankeeda wax lagu
magdeeyo ama lagu xooleeyo.
asal³ f.g1 (-slay, -sashay; -sli) Wax midab u
yeelid.
asali m.l (-iyo, m.dh) Wax, wixii hore ka jooga
oo aan la dhalan rogin. ld asiili (1), asli (1).
asalmadoorshe m.l (-shayaal, m.l/dh) (xis.)
Kutirsane urur oo marka lagu xiro ku tirsane
kale ee kasta ee ku jira ururka aan isbeddelin.
Asalmadoorshaha waxa uu ku xiranyahay
kutirsaneyaasha ururka iyo xisaabfalka la
adeegsado. Tusaale ahaan, eber waa
asalmadoorshaha isugeynta: 0+3=3+0. Hal
waa asalmadoorshaha iskudhufashada:
1×3=3×1.
asaraar¹ m.l 1. Muran wax jira lagu diidayo.
2. ld araarid.
asaraar² f.g1 (-ray, -rtay) Muran runta lagu
diidayo samayn.
asaraarid m.f.dh eeg asaraar². ld asaraar¹.
asaraartamid m.f.dh eeg asaraartan². ld
asaraartan¹ (2).
asaraartan¹ m.l 1. Asaraar dhexmara laba qof
ama ka badan. 2. ld asaartamid.
asaraartan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La a.:
cid, cid kale oo muran wadda asaraar kala
hortagid.
asaruur¹ m.l ld asaruurid.
asaruur² f.g1 (-ray, -rtay) Ceel, god iwm ciid
ku xabaalid; aasid; duugid.
asaruuran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ceel,
god iwm wax la xabaalmid.
asaruuran² f.mg4 (-rnaa, rnayd) Ceel, god
iwm wax la xabaalay ahaansho.
asaruurid m.f.dh eeg asaruur². ld asaruur¹.
asaruurmid m.f.dh eeg asaruuran¹.
asaruurnaan m.f.dh eeg asaruuran². ld
asaruurnaansho.
asaruurnaansho m.l/dh ld asaruurnaan. asaw m.l (-ooyin, m.l) (baay.) Dhammaan
dhaqdhaqaaqyada muuqan kara ee ay
sameeyaan xayawaanku iyaga oo u jawaabayo
degaankooda gudaha iyo dibadda.
asay m.dh ld asaay.
asbaab m.dh.w eeg sabab¹.
asbax¹ m.l A. ah: qof aan nasiib wacan lahayn.
asbax² f.mg1 (-xay, xday; -bixi) Ku a.: cid
dhibaato kula kallihid.
asbiriin m.l (daaw.) Dawo aad loo isticmaalo
oo xanuunka, halaamacoodka iyo qandhada
bi’isa.
asbixi f.g2 (-iyay, -isay) Ku a.: cid meel, ama
wax ku kallihin.
asbixid m.f.dh eeg asbax².
asbixin m.f.dh eeg asbixi.
ascaar m.dh.w eeg sicir.
asduurad m.dh ld usduuro.
aseeb f.g1 (-bay, -btay) ld asiib.
aseebe m.l Nooc kalluunka ka mid ah oo jurmi
weyn iyo xoog badan.
aseebid m.dh ld asiibid.
aseendo m.dh (-ooyin, m.l) Beer weyn oo geed
mirood ku abuuranyahay; awno.
ash fk. A. ma aha: ma fiicna.
ashaamid m.l Busta madowga badan ee
sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana
madowga ka dhigta.
ashahaadasho m.f.dh eeg ashahaado².
ashahaado¹ m.dh Qiritaanka in Ilaah mooye,
Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.)
nebigii uu soo direy yahay.
ashahaado² f.mg3 (-aatay, -aadatay) In Ilaah
mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna
(n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.
ash-ash¹ m.l Yaqyaqsi.
ash-ash² f.mg1 (-shay, -shtay) Ka a.: wax
dhadhankooda, urtooda ama muuqaalkooda
ka yaqyaqsasho.
asha-shid m.f.dh eeg ash-ash².
asheer f.mg1 (-rtay, -ratay) Ka a.: roob da’aya
meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. ld
asheero.
asheerasho m.dh ld asheerid.
asheeri f.g2 (-iyay, -isay) Roob da’aya, wax,
meel dedan oo aan darooreyn ka gelin.
asheerid m.f.dh eeg asheer. ld asheerasho.
asheerin m.f.dh eeg asheeri.
askari
37
asheero f.mg3 (-rtay, -ratay) ld asheer.
ashkatayn m.dh ld ashtakayn.
ashkatee f.g2 (-keeyay, -kaysay) ld ashtakee.
ashkato m.dh ld ashtako.
ashkatoo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld ashtakoo.
ashkatood m.l ld ashtakood.
ashkir m.l Midab fardood ka kooban caddaan
iyo casaan khafiif ah.
ashqaraar¹ m.l 1. Yaab weyn; amakaag. 2. ld
ashqaraarid.
ashqaraar² f.mg1 (-ray, -rtay) Yaab weyn iyo
fajac la kulmid.
ashqaraari f.g2 (-iyay, -isay) Cid ashqaraar ku
ridid.
ashqaraarid m.f.dh eeg ashqaraar². ld
ashqaraar¹ (2).
ashqaraarin m.f.dh eeg ashqaraari.
ashtakayn m.f.dh eeg ashtakee. ld ashkatayn,
astakayn.
ashtakee f.g2 (-keeyay, -kaysay) Cid dacwo ku
oogid. ld ashkatee, astakee.
ashtako m.dh (-ooyin, m.l) Eedsheegad af ama
qoraal ah oo qof ku ooga cid, geeyana
maxkamad ama cid kale oo wax ka qaban
karto arrintaas; dacwo. ld ashkato, astako.
ashtakoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ashtako ama
dacwo oogid. ld ashkatoo, astakoo.
ashtakood m.f.l eeg ashtakoo. ld ashkatood,
astakood.
ashuun m.l (-uumo, m.dh) ld aashuun.
asii xi. (nax.) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer
aan xor ahayn; “oo”. Tus. “Haddaan lacag
siiyo asii diido, maxaan sameynayaa?” 2. Erey
lagu xiriiriyo laba weer xor ah; “-na”. Tus.
“Lagac baan siiyay asuu diiday”.
asiib f.g1 (-bay, -btay) 1. Dhibaato weyn cid
ku dhicid. “Inkaar baa asiibtay Cali”.
2. Arrin xalkeeda dhabta helid. Tus.
“Ardaygii jawaabtii waa asiibay”. ld aseeb.
asiibid m.f.dh eeg asiib. ld aseebid.
asiidh m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) 1. Nooc
iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna
kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan
oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowriboronistidh
ee asiidhada iyo beysyada
(1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay,
in asiidhu tahay borotoo.
asiidha yuurig m.dh (baay.) Maxsuulka
burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha,
xammaaratada berriga iyo cayayaanka.
Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas
badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka
yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa
loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta
biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah.
Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato
waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka
leh taas oo ay ku keento xanuun.
asiidh-bu’eed m.dh (-dyo …, m.dh) (baay.)
Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah,
kana kooban silsilado nukliyootaydho ah,
waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo
qaadda wararka hiddo sidaha.
asiidh-cabirid m.dh (kiim.) Saafid-mugeed
ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan
caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan
ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys
tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa
roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
asiidh-dufaneed m.l (-dyo …, m.dh) (baay.)
Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad
haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox
kaarboogsayl.
asiidh-laagtika m.dh (-dyo …, m.dh) (baay.)
Asiidh dhanaan oo dhis naanays
molikiyuulkeedu yahay
CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig
waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka
muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna
xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah
beerku u saaro una beddelo gulukows.
Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in
ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo
keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay
asiidhka laaktig ka qayb qaadataa
khamiirinta caanaha, iwm.
asiidh-ooman m.l (-dyo …, m.dh) (kiim.)
Iskudhisyada la falgala biyaha soona saara
asiidh. Tusaale ahaan, karboon laba ogsaydh
waxa uu lafalgalaa biyaha waxaana samaysma
kaarboonig asiidh: CO2(g) + H2O(aq) =
H2CO3(aq).
asiili m.l 1. ld asali. 2. Dugsiga caruurta yaryar
aadaabta iyo farta lagu baro inta aanay
waxbarashada rasmiga ah bilaabin.
asitayl m.l (kiim.) Kooxda orgaanigga ah ee
CH3CO (kooxda itanoyl).
asjab m.l ld asyab.
askaaris m.l.u (-syo, m.dh) (baay.) Ablaablaynta
qaarkeed waxay ka tirsanyihiin
duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia),
waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.
askaax m.dh ld askax.
askar m.dh.u ld askari.
askarayn m.f.dh eeg askaree. ld caskarayn.
askaree f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g)
Askari ka dhigid (qof). 2. (f.mg) Askari iska
dhigid.
askari m.l (askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof
ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan
askarinnimo
38
xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable.
2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba
ha lahaado). ld askar, caskari.
askarinnimo m.dh ld askarnimo.
askarmaroodi m.l 1. Qof aan ahayn shaqaale
rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka
yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof
askari ahaan loo adeegsan jiray mararka
qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
askarnimo m.dh Askari ahaansho. ld
askarinnimo, caskarinnimo, caskarnimo.
askax m.dh 1. Geed dhirta yaryar ka mid ah oo
mirihiisa ceeriinka lagu cuno. 2. Miraha
geedka askaxa. 3. A. ka dhig: gumaadid. ld
askaax.
askoorbik-asiidh m.l (kiim.) Fitamiin biyaha
ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta
soohyada iyo isku haynta unugyada,
sameynta kollaanjikana waa ka qayb
qaadataa.
askumid m.f.dh eeg askun². ld askun¹.
askun¹ m.l ld askumid.
askun² f.g/mg1 (-umay, -untay; -umi) 1. (f.g)
Bilaabmid; dhalasho. 2. (f.mg) Ka soo a.: ka
billaabmid; ka dhalasho.
aslaax¹ m.dh 1. Beer lagu dhaqmo. 2. ld
aslaaxid.
aslaax² f.g/mg1 (-xay, -xday) 1. (f.g) Hagaajin;
dhul in wax lagu beero u diyaarin. 2. (f.mg)
Nabad ka a.: nabad dhax dhigid.
aslaaxi f.g2 (-iyay, -isay) Nabad ka a.:
heshiisiin.
aslaaxid m.f.dh eeg aslaax². ld aslaax¹ (2).
aslaaxin m.f.dh eeg aslaaxi.
aslaaxsan f.mg4 (-naa, -nayd) Islaax ahaansho.
aslaaxsanaan m.f.dh eeg aslaaxsan. ld
aslaaxsanaansho.
aslaaxsanaansho m.l/dh ld aslaaxsanaan.
aslan¹ fk. Erey lagu adkeeyo diidmo. Tus.
“Aslanba ha iga qaadin buugga”.
aslan² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la aslay
ahaansho.
aslanaan m.f.dh eeg aslan². ld aslanaansho.
aslanaansho m.l/dh ld aslanaan.
aslasho m.f.dh eeg aslo.
asli m.l 1. ld asali. 2. (-iyo, m.dh) Kuul cambar
ah.
aslid m.f.dh eeg asal³.
aslo f.g3 (-laday, -latay) Asal marsasho.
asluub m.dh Dhaqanwanaag; anshax.
asluubee f.g2 (-beeyay, -beysay) Asluub u
yeelid.
asluubeyn m.f.dh eeg asluubee.
asluubeysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Asluub
lahaansho; edebeysan.
asluubeysnaan m.f.dh eeg asluubeysan. ld
asluubeysnaansho.
asluubeysnaansho m.l/dh ld asluubeysnaan.
asmayn m.f.dh eeg asmee. asmaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax asma
lagu gamay ahaansho.
asmaysnaan m.f.dh eeg asmaysan. ld
asmaysnaansho.
asmaysnaansho m.l/dh ld asmaysnaan.
asmee f.g2 (-meeyay, -maysay) Asmo ku
akhriyid; ku ganid.
asmo m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax
lagu habaaro.
asool¹ m.l 1. ld oslid. Baahida neef ida ah oo
dheddig u qabo kudmo. 2. A. ah: neef
dheddig oo ida ah oo kudmo u baahan.
asool² f.mg1 (-oolay, -ooshay) Neef dheddig
oo ida ah kudmo u baahasho. ld osol².
asoolid m.dh ld oslid.
asoollan f.mg4 (-naa, -nayd) Wan u taga u
baahan (lax).
asoollanaan m.f.dh eeg asoollan. ld
asoollanansho.
asoollanaansho m.l/dh ld asoollanaan.
asoolli f.g1 (-iyay, -iday) Wan, lax kudid.
asoolliyid m.f.dh eeg asoolli.
asqayn m.dh eeg asqee. ld aqsayn.
asqaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Nafley
jahawareersan ahaansho. 2. Qof aqso hayso
ahaansho. ld aqsaysan.
asqaysii f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax
aqsaysan ka dhigid. 2. Cid hadal ku
wareerin. ld aqsaysii.
asqaysiin m.dh eeg asqaysii. ld aqsaysiin.
asqaysnaan m.f.dh eeg asqaysan. ld
aqsaysnaan, aqsaysnaansho,
asqaysnaansho.
asqaysnaansho m.l/dh ld asqaysnaan.
asqee f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Cid aqso
badid. 2. Qof jahawareeri. ld aqsee.
asqo m.dh 1. Dayow; dhama’. 2. Biyawaa;
harraad. ld aqso.
asqoo f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Wax harraad
dareensan ahaansho. 2. Nafley dayow ku
dhaca ahaansho. ld aqsoo, aqsow, asqow.
asqoobid m.dh ld asqood.
asqood m.f.l eeg asqoo. ld aqsoobid, aqsood,
asqoobid.
asqow f.mg1 (-oobay, -ooday; -oobi) ld asqoo.
asraar m.dh 1. Cilmi kutubta sixirka laga helo
oo loo adeegsado in dadka lagu waxyeeleeyo.
2. eeg sir.
asraarrey m.dh Naag cilmiga asraarta taqaan.
aw-batiiqow
39
asraarrow m.l (-wyo, m.dh) Nin cilmiga
asraarta yaqaan.
astaad m.l ld ustaad.
astaajir m.l.u (-rro, m.dh) Awr badan oo isku
xiriirsan oo xamuul sida.
astaamayn¹ m.f.dh eeg astaamee. ld astayn.
astaamayn² m.dh (nax.) Astaamo lagu kala
qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi,
kolmo, bilo, laba dhibcood iwm.
astaamaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax
astaan loo yeelay ahaansho. ld astaysan.
astaamaysnaan m.f.dh ld astaamaysnaansho,
astaysnaan, astaysnaansho.
astaamaysnaansho m.l/dh ld astaamaysnaan.
astaamee f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax astaan
u yeelid. ld astee.
astaan¹ m.dh (-aamo, m.l) Summad. ld asto.
astaan² m.dh (-aamo, m.l) (nax.) Curiye
muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee
hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa
xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka
ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A.
kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo
koobo, badanaana waxaa la qaataa erey
waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tus. “sh. =
shilin, U.N. = United Nations”.
astaan³ m.dh (-aamo, m.l) (daaw.) Tilmaan
cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo
jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.
astaaqfurow m.l ld istaaqfurow.
astakayn m.dh ld ashtakayn.
astakee f.g2 (-keeyay, -kaysay) ld ashtakee.
astako m.dh (-ooyin, m.l) ld ashkato.
astakoo f.mg3 (-day, -tay) ld ashtakoo.
astakood m.l ld ashtakood.
astayn m.dh ld astaamayn.
astaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) ld astaamaysan.
astaysnaan m.f.dh ld astaamaysnaan.
astaysnaansho m.l/dh ld astaamaysnaan.
astee f.g2 (-teeyey, -taysey) ld astaamee.
asto m.dh ld astaan¹, astaan².
astur¹ m.l 1. Qarinta ceeb ama iin cidi
leedahay. 2. ld asturid.
astur² f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid ceebteeda qarin.
2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid.
asturan¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax la
asturay noqosho.
asturan² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la asturay
ahaansho.
asturid m.f.dh eeg astur². ld astur¹ (2).
asturmid m.f.dh eeg asturan¹.
asturnaan m.f.dh eeg asturan². ld
asturnaansho.
asturnaansho m.l/dh ld asturnaan.
asuul m.l Xeer aan qorneyn oo dad meel wada
deggani leeyihiin.
asxantu e.d Mahadsanid! ld axsantu.
asyab m.l 1. Dabaylo ka yimaada waqooyi-bari
oo doonyuhu uga dhoofaan koonfurgalbeed.
2. Xilliga dabeylaha asyabku
dhacaan. ld asjab.
atam m.l (-myo, m.dh) (fiis.) Saxarka ugu yar
ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara
falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay
bu’ iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu’du
waxa ay siddaa saldanab togane ah,
elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab
tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa
dhexdhexaad. ld atom.
atlas m.l (-syo, m.dh) (juqr.) Khariidado la isu
soo ururiyay oo loo sameeyay qaab buug.
atom m.l (-myo, m.dh) ld atam.
atool m.l (-lo, m.dh) (juqr.) Shacaabi taxan oo
leh muuqaalka garanta ama muuqaalka
kabta faraska oo ku wareegsan barkad (haro
xeebeed).
atoor m.l (-rro, m.dh) Sagaarada midkeeda lab.
ATP m.dh (kiim.) Iskudhis orgaanika ah oo ka
kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood
oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa
niyukliyotaydh. Waxaanay mas’uul ka tahay
inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso
intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka
samaysantay ADP lagu daray foosfeyt
saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta
marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef
samayneed.
aw m.l 1. Nin cibaadeysta oo aan diinta
Islaanka wax badan ka aqoon.
2. Awoowyaashii hore. 3. ld aawo, awo¹.
awaaji¹ m.l (-iyo, m.dh) Ogeysiinta akhbaar
dad badan la ogeysiiyo.
awaaji² f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Dad badan,
akhbaar ogeysiin.
awaajiyid m.f.dh eeg awaaji².
awaal¹ m.l 1. Saad; male. 2. awaalid.
awaal² f.mg1 (-aalay, -aashay) ld aawil².
awaalid m.dh ld aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
awaamir m.dh eeg amar¹.
awaarayn m.f.dh eeg awaare. awaare m.l Ciid buda ah oo cagta, dabaysha
iwm. si sahlan u kicin karaan.
awaaree f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax soconaya
habaas kicin.
awal m.l.fk Marka hore; waa hore; koowaad.
awasho m.f.dh eeg awo².
away e.we ld aaway.
aw-batiiqow m.l Ciyaar dhaqameed si gaar ah
looga yaqaan degaanka Janaale.
awd¹
40
awd¹ m.l ld awdid.
awd² f.g1 (-day, -dday) Meel bannaan ama
daloosha buuxin; daboolid.
aw-daare m.l Ciyaar leh sida mingiska,
rooxaan dadka ku soo degta; degaanka
webiyada ayaana laga yaqaanaa;
mokhoddon; gunjis.
awdan¹ f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax
buuxsamay ama daboolmay noqosho (meel
bannaan ama daloosha).
awdan² f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax
buuxsamay ama daboolmay ahaansho.
awday e.we ld aaway.
awdid m.f.dh eeg awd². ld awd¹.
awdmid halbowle wadne m.l (daaw.) Marka
xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha
dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo
waraabinta wadnaha.
awdmid¹ m.f.dh ld awdan¹.
awdmid² m.l (daaw.) Xubin daloosha ee jirka
ka mid ah oo wada xiranta ama qaarkeed
awdmo; sida xiidmaha, halbowlayaasha iwm.
awdnaan m.f.dh eeg awdan². ld awdnaansho.
awdnaansho m.l/dh ld awdnaan.
aweyti¹ m.dh Habaar, cid Eebbe looga baryo
in uu dhaqso u dhinto.
aweyti² f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid inay
dhaqso u dhimato Eebbe uga baryid.
aweytiyid m.f.dh eeg aweyti.
awlaad m.dh 1. eeg weled. 2. Carruur.
awlaadsasho m.f.dh eeg awlaadso. ld awlaadsi.
awlaadsi m.l ld awlaadsasho.
awlaadso f.mg3 (-saday, -satay) Duco Eebbe
iyo werdi samayn.
awlal m.l (-llo, m.dh) 1. Feeraha iyo hilibka
saaran. 2. Iskujirka malabka iyo xabagbta
shinnida.
awlax m.l (-xyo, m.dh) 1. Mindi aad u weyn o
geela lagu qalo. 2. Jaad warmaha ka mid ah.
awlee f.mg2 (-leeyay, -leysay) Geel badan si
wadajir ah u ololid.
awleyn m.f.dh eeg awlee.
awliyo m.dh.w eeg weli¹.
awno m.dh (-ooyin, m.l) Aseendo; beer weyn.
awo¹ m.dh.fk ld aw.
awo² f.g3 (-wday, -watay) Qof si
marakudhegnimo u baryid.
awood¹ m.dh (-do, m.l) 1. Kartida ay cidi u
leedahay inay arrin meel mariso. 2. Xoogga
muruqa.
awood² m.dh (fiis.) Summad P. Dhakhsaha
hawl lagu qabtay ama ay tamari ku
geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku
qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu
cabbiraa Waat (Juul halkii seken).
awood³ f.g/mg1 (-day, -dday) (f.g) A./(f.mg) u
a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u
yeelasho.
awood-danabeed m.dh (fiis.) Awoodda danab
ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku
geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah.
Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat,
summadduna waa P. Tamar danab QV ItV
VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah
waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo
qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).
awooddaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax
awood yar ahaansho.
awooddarnaan m.f.dh eeg awooddaran. ld
awooddarnaansho, awooddarri,
awooddarro.
awooddarnaansho m.l/dh ld awooddarnaan.
awooddarri m.dh ld awooddarnaan.
awooddarro m.dh ld awooddarnaan.
awoode m.l (dii.) Haddii aad dhinca Illaah
fiiriso, waxaad ula jeeddaa, in uu wax kasta
ka awood badanyahay.
awoodid m.f.dh eeg awood².
awoodla’aan m.dh Wax aan awood lahayn;
tabardarro; karti la’aan. ld awoodla’aansho,
awoodli’i.
awoodla’aansho m.l/dh ld awoodla’aan.
awoodli’i m.dh ld awoodla’aan.
awoodsii f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid karti ay wax
ku qabato u yeelid.
awoodsiin m.f.dh eeg awoodsii. ld awoodsiis.
awoodsiis m.l ld awoodsiin. awoowe m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Aabbaha
aabbihiis ama hooyada aabbaheed. 2. u.j:
awoowow! 3. u.j: wiilka aan awoowaha u
ahayow!; gabadha aan awoowaha u ahayey!
ld awow. awow m.l ld awoowe. awqoosi m.l Gacan yaraha hargaantiga, marka
uu herinta la joogo.
awr m.l (awr, m.dh) 1. Geela kiisa lab; rati.
2. A. cirka: urur xiddiga ah oo qaab rati leh.
awradhale m.l ld awrdhal.
awradhaye m.l Nagaar xooluhu daaqaan oo
dhirta daawada leh ka mid ah.
awrdhal m.l (-llo, m.dh) 1. Awrka markastaba
hasha qurbac ka dhalo. 2. Hal da’ kasta
qurbac dhasha. ld awradhale.
awrdhaw¹ m.l 1. Rimmay gacmeeda lagu
sameeyo geedaha aan labeebka ahayn sida
timirta; faxlid. 2. ld awrdhebid.
awrdhaw² f.g1 (-dhabay, -dhabday; -dhabi)
Geedaha aan labeebka ahayn sida timirta
iwm rimay gacmeed ku samayn; faxlid.
ayaanli’i
41
awrdhebid m.f.dh eeg awrdhaw². ld awdhaw¹
(2).
awrqaad m.l ld uurqaad.
awtaamid m.f.dh eeg awtaan.
awtaan f.g1 (-aamay, -aantay) Cid aan laga
aarsan karin habaarid.
awtomaatig m.l Qalab isawada oo iskiis u
shaqeeya. ld awtomaatiko, otomaatig. awtomaatiko m.dh ld awtomaatig. ax e.d Cod lagu muujiyo xannuunka ama
xaqiraad.
axaaddiis m.dh.w eeg xaddiis.
axad¹ m.l Qof; ruux.
axad² m.dh Maalmaha toddobaadka mid ka
mid ah oo u dhexeeysa sabtida iyo isniinta.
axadeysasho m.f.dh eeg axadeyso.
axadeysi m.l Durraamo yar oo ay haweenku
sameeyaan.
axadeyso f.mg3 (-stay, -satay) Haween
axadeysi sameyn.
axadh¹ m.l 1. Cuntada dhadhankeeda la
jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii
dhadhansado.
axadh² f.mg1 (-xdhay, -xadhay) Arrin si aad
ah u lafagurid.
axadhid m.f.dh eeg axadh².
axal¹ m.l Xilliyada dayrta mid ka ah oo u
dhexeysa ximirka iyo xayska.
axal² m.dh (-llo, m.l) Hoore adag oo is-haysta
oo sida badan ka yimaadda mindhicirrada
marka ay jirradaan ama xubnaha taranka
waqtiga dhalmada.
axan¹ m.l Xoolo la qalo ama cunto kale oo
loogu duceeyo qof markaa dhintay.
axan² f.g1 (-xmay, -xantay; -xmi) Xoolo la
qalo ama cunto kale cid markaa dhimatay
raacin.
axar f.g1 (-xray, -xartay) 1. Timir iwm lafo ka
saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid.
axaran f.mg4 (-naa, -nayd) Arrin iwm wax la
axaray ahaansho. ld axran.
axarid m.f.dh eeg axar.
axarnaan m.f.dh eeg axaran. ld axarnaansho,
axranaan, axranaansho.
axarnaansho m.l/dh ld axarnaan.
axdi m.l (-iyo, m.dh) Ballan adag oo lagu
heshiiyo. ld cahdi.
axgab¹ m.l 1. A. ah: tabarbeelidda nafley tabar
beeshay; jirro, gabow, daal iwm awgeed. 2. ld
axgabid.
axgab² f.mg1 (-bay, -btay) Nafley jirro,
gabow, daal iwm la tabarbeelid.
axgabid m.f.dh eeg axgab². ld axgab¹ (2).
axkaan m.dh 1. (dii.) Sharciga Islaanka wax ku
xukumo. 2. (dii.) Sharciga u degsan dadka
Islaanka ah ee ay ku dhaqmaan.
axmaq m.l (-qiin /-qyo, m.dh) Qof aan caqli
badan lahayn; nacas, dabbaal.
axmaqnimo m.dh Axmaq ahaansho.
axmid m.f.dh eeg axan².
axran f.mg4 (-naa, -nayd) ld axaran.
axranaan m.f.dh ld axaranaan.
axranaansho m.l/dh ld axarnaan.
axrid m.f.dh eeg axar.
axsaab m.dh.w eeg xisbi.
axsaan m.l Samo cidi u gasho cid kale.
axsantu e.d ld asxantu.
axwaal m.dh.w eeg xaal¹.
ay¹ m.dh 1. Meel geedo badan leh; hawd.
2. Meel cidla ah oo aan la degganayn.
ay² m.dh (bot.) Eray badanaa lagu isticmaalo
dalalka Ustaraaliya, Niyuusilaand iyo
Maraykanka oo lagu isticmaalo gobol ay
daboosho jidhi; amase, waxaa lagu
isticmaalaa gobol dhiraysan oo aan loo
bannayn qodaal. Waxaa kaloo si dabacsan
loogu isticmaalaa gobol kasta oo dugag ah oo
aan loogu talaggelin qodaal.
ay³ f.mg1 (aayay, ayday) U a.: wax hore loo
sameeyey waqti dambe ka faa’ideysasho.
ay4 mu.dhm.y Magacuyaal yeele oo matala
“iyada” ama “iyaga”. Tus. “Maryan Wiil ay
tiqiin ayay maanta suuqa ku aragtay”,
“Wiilashu guri ay degganaayeen ayay
aadeen”.
ayaa qr.dd ld baa.
ayaamo m.dh.w 1. Duulal la rumaysanyahay in
ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo
ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².
ayaan¹ m.l Awood qarsoon oo qofka la socota
dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u
noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo;
nasiib; hoodo.
ayaan² m.dh (-aamo, m.l) Dharaar iyo
habeenkeed; maalin.
ayaandaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan
nasiib wanaagsan lahayn ahaansho.
ayaandarnaan m.f.dh eeg ayaandaran. ld
ayaandarnaansho, ayaandarri, ayaandarro.
ayaandarnaansho m.l/dh ld ayaandarnaan.
ayaandarri m.dh ld ayaandarnaan.
ayaandarro m.dh ld ayaandarnaan.
ayaanla’aan m.dh Xaaladda uu ku suganyahay
qof aan naasiib wanaagsan lahayn. ld
ayaanla’aansho, ayaanli’i.
ayaanlaawe m.l Nin aan nasiib wacan lahayn.
ayaanle m.l Nin nasiib wacan leh.
ayaanli’i m.dh ld ayaanla’aan.
ayaansasho
42
ayaansasho m.f.dh eeg ayaanso.
ayaanso f.mg3 (-saday, -satay) Qof, ayaan
yeelasho.
ayaantirin m.dh Maalin wakhti gaar ah lagu
magacaabay. Tus. “Maalin gaar ah”, “Sannad
gaar ah”.
ayaanwanaag m.l Nasiib wanaag.
ayaanxumaan m.f.dh eeg ayaanxun. ld
ayaanxumaansho, ayaanxumi,
ayaanxumo.
ayaanxumaansho m.l/dh ld ayaanxumaan.
ayaanxumi m.dh ld ayaanxumaan.
ayaanxumo m.dh ld ayaanxumaan.
ayaanxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof aan
nasiib wacan lahayn ahaansho.
ayax m.l.u (c.nafl.) Cayayaan yaryar, oo baalal
iyo lix lugood oo labada dambe ka
dhaadheeryihiin kana xoog badanyihiin
kuwa kale leh, koox koox aad u badan isu
raaca oo dhirta iyo dalaggaba waxyeeleeya.
aydin mu.dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka
labaad ee wadarta ah (lala hadlayaasha ama
wax loo qorayaasha). ld aa², aad.
aydiyaalism m.l (fals.) Hab fikradeed oo ku
saabsan in ra’yigu uu yahay waxa keliya ee la
rumaysanyahay, oo lagu ogaan karo wax
kasta.
aydiyolooji m.l (fals.) Mabaadii habeysan oo
ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi
ah. ld aydiyooloojiyo.
aydiyooloojiyo m.dh ld aydiyolooji.
ayeeyo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hooyadaa
hooyadeed ama aabbaha hooyadiis. 2. u.j:
ayeeyooy! 3. U.j: wiilka aan ayeeyada u
ahayow!; gabadha aan ayeeyada u ahayey!
ayeeyolugadheer m.dh.u ld ayeeyolugdheer.
ayeeyolugdheer m.dh.u (c.nafl.) Cayayaan leh
jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada
hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku
duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. ld
ayeeyolugadheer.
aygarad m.l Qof caqli badan oo aan la dagi
karin.
aygaradnimo m.dh Aygarad ahaansho (qof).
ayid f.g1 (-day, -dday) Arrin, figrad iyo go’aan
taageerid.
ayidid m.f.dh eeg ayid.
ayidsan f.g4 (-naa, -nayd) Qof, wax ayiday
ahaansho.
ayidsanaan m.f.dh eeg ayidsan. ld
ayidsanaansho.
ayidsanaansho m.l/dh ld ayidsanaan.
ayiman f.mg1 (-amay, -antay) Badar
karsamaya wax la budo lagu daray.
ayimid m.f.dh eeg ayin². ld ayin¹.
ayimnaan m.f.dh eeg ayiman. ld ayimnaansho.
ayimnaansho m.l/dh ld ayimnaan.
ayin¹ m.l Ku daridda badar karsamayo budada
lagu daro. ld ayimid.
ayin² f.g1 (-yimay, -yintay) Badar karsamaya
budo ku darid.
aynab¹ m.l Laynta dad badan hal mar la wada
laayo.
aynab² f.g1 (-bay, -btay) Dad badan hal mar
wada layn.
aynabid m.f.dh eeg aynab².
aynfaad¹ m.l 1. Dhibaato aad u ballaaran. 2. ld
aynfaadid.
aynfaad² f.mg1 (-day, -dday) Dhibaato aad u
ballaaran la kulmid.
aynfaadid m.f.dh eeg aynfaad². ld aynfaad¹
(2).
ayni m.l (-iyo, m.dh) 1. Tayada ay wax
leeyihiin. 2. Da’.
aynnu mu.dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka
koowaad ee wadarta ah oo ku jira kuwa lala
hadlayo ama wax loo qorayaa; innagu. Tus.
“Guriga aynnu aadno”.
aynshaad¹ m.l Codka lagu qaado qasaa’idka
diiniga ah.
aynshaad² f.mg1 (-day, -dday) Qasaa’id diini
ah ku luuqeyn.
aynshaadid m.f.dh eeg aynshaad².
ayo e.we 1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa
a.?: waa kuma?, yaa waaye?
ayodhiin m.l (daaw.) Maaddo kiimikaad oo
jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro
koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn
waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta
badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee
taayroodka.
ayoon m.dh (-nno, m.dh) (kiim.) Atam ama
koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka
badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan
saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama
in ka badan oo elektaroonno ah si ay u
yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba
eeg aayoonayn.
ayoonisfeer m.l (fiis.) Gibilka saddexaad ee
xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km.
Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo
neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi
waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo
baahinta wararka.
ayoon-taban m.l (-nno …, m.dh) (kiim.)
Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma
marka atamyada ama molikiyuulada lagu
daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la
sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita
qotinka togan.

43
ayoon-togan m.l (-nno …, m.dh) (kiim.)
Ayoon saldanab togan oo ka dhashay
atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey
elektaroonno. Marka danabsoociddu
dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita
qotinka taban.
ayro m.dh.u Hal adkaysi badan oo cad iyo
caano dheeraad ah leh.
aysootoonik m.l (-kyo, m.dh) (baay.) Waxa
lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku
mid ah. Tus. “Milan”, .01m oo sonkor ah
iyo milan .01m oo gulukows ahi waa
milanno cadaadis isku mid ah leh”.

45
B
b (ba’) m.dh Xarafka labaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane.
ba (-ba) qr. 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo
diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)
Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u
qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.)
Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan
oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa
aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba
qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba
galabtii buuiska tegay”.
ba’¹ m.l 1. Hoog iyo dhibaato aad u badan.
2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid
gaarsiiya; baabba’.
ba’² f.mg1 (-‘ay, -‘day; -bi’i) 1. Hoog iyo
dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.:
xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
baa qr.dd (nax.) Qurub tilmaama halka weerta
ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u
diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma
Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld
aa¹, ayaa, yaa³.
baab m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo
buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah.
3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tus. “Dad aan
isku baab ahayn ayaad casuntay”.
baabaha masiixiga m.l (dii.) Waa ninka ugu
sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;
boobka.
baabasiir m.l (daaw.) Jirro ku dhacda
malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan
dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir.
baabba’¹ m.l 1. Dhibaato weyn oo wax
ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo
karti yar. 3. ld baabbi’id.
baabba’² f.mg1 (-‘ay, -‘day; -bbi’i) 1. Wax
ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm.
oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad
dhibaato leh ku sugnaan.
baabbaca-caleen m.dh (-eemo, m.l) (baay.)
Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan
kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka
mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.
yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan
footoosintasiska iyo biyo saariddu.
baabbacayn m.f.dh eeg baabbacee. ld
baabbacays, baabbaco (2).
baabbacays m.l ld baabbacayn.
baabbacee f.mg2 (-ceeyay, -caysay) Orod
gaaban oo laba addin ee hore iyo kuwa
dambe midba mar la qaadayo sameyn (neef
geel).
baabbaco m.dh 1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab.
2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu
labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba
mar qaado.
baabbah m.dh 1. Noqoshada wax uu eber
noqdo. 2. B. ah: weel aan waxba ku jirin.
3. B. ah: meel aan waxba oollin.
baabba’san f.mg4 (-naa, -nayd) Baabba’ ku
dhacay ahaansho.
baabba’sanaan m.f.dh eeg baabba’san. ld
baabba’sanaansho.
baabba’sanaansho m.l/dh ld baabba’sanaan.
baabbe m.l (-ayaal, m.l/dh) Aabbe.
baabbi’i f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax ciribtirid.
2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal
tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda
ku qornaa baabbi’iyay”. 3. Sharci burin.
4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay
waxyeeleyn.
baabbi’id m.f.dh eeg baabba’². ld baabba’¹ (3).
baabbi’in m.f.dh eeg baabbi’i. ld baabbi’is.
baabbi’is m.l ld baabbi’in.
baabbul m.dh (-lo, m.l) 1. Dhogor cufan,
dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa;
shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu
la haro.
baabee f.g2 (-beeyay, -beysay) Weel caanood
deebin.
baabeyn m.f.dh eeg baabee.
baabila
46
baabila m.dh (-ooyin, m.l) (baay.) Soobaxyo
uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub
duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo
kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba
nudood.
baabillooma m.dh (daaw.) Soobax ku yaalla
maqaarka ama xuub malaaska, sida
ilmosidaha dhexdiisa.
baabsad m.l ld baabsasho.
baabsasho m.f.dh eeg baabso. ld baabsad,
baabsi.
baabsi m.l ld baabsasho.
baabso f.g3 (-saday, -satay) 1. Dareen iyo
feejignaan qof leeyahay soo jiidasho. 2. Qof,
hanti uusan lahayn u qiil dayasho.
baabusiir m.l ld bawaasiir.
baabuur m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed
matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
baabuurraac m.l Lacag yar oo lagu bixiyo in
gaadiid lagu raaco.
baac m.l (-cyo, m.dh) 1. Cabbir dhererka u
dhaxeeya labada gacmood marka la kala
fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u
dhexaysa.
baaci f.g/mg2 (iyay, -isay) 1. (f.g)Wax baac ku
cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo
gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska
jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo
cid lagu cabsi gelinayo u taagid.
baacin m.f.dh eeg baaci.
baacsad m.l ld baacsasho.
baacsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax baac lagu
cabbirey ahaansho.
baacsanaan m.f.dh eeg baacsan. ld
baacsanaansho.
baacsanaansho m.l/dh ld baacsanaan.
baacsasho m.f.dh eeg baacso. ld baacsad,
baacsi.
baacsi m.l ld baacsasho.
baacso f.g3 (-saday, -satay) Wax cararaya
ceyrsasho.
baacug m.l (-gyo, m.dh) 1. Caloosha dhasha
xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la
adkeyey oo lagu daray wax dhanaan;
farmaajo.
baad¹ m.dh 1. Hanti qof ama dadkii laga
adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof
madax ah.
bąad¹ m.l 1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay
xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid
ka mid ah labada garab ee haadda ama
dayuurad; baal.
baad² f.g1 (-day, -dday) Qof laga adag yahay
hanti khasab uga qaadid.
bąad² f.mg1 (-day, -dday) Hooy ka dhixid
(qof ama xoolo).
baadari m.l (-iyaal, m.l/dh) (dii.) Wadaad
fidiya diinta masiixiga. ld baaderi.
baaddad m.dh ld baatad.
baaddil m.l Wax aan xaq ahayn.
baaddilnimo m.dh Baaddil ahaansho.
baaddiye m.l Berriga intaa aan magaalo ama
tuulo ahayn.
baaderi m.l ld baadari.
baadi m.dh 1. (m.u) Wax lumay sida xoolo,
lacag iwm. 2. Qof ka weecday waddada
toosan.
baadibixiye m.l Qof baadida uu arko
dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.
baadibooliye m.l Qof baadida xalaaleysta.
baadicarar m.l Neef baadi ah oo reerihii uu la
joogay ka carara.
baadid m.f.dh eeg baad².
bąadid m.f.dh eeg bąad².
baadiddon¹ m.l 1. B. ah: cid baadi luntay
raadinaysa. 2. ld baadiddoonid.
baadiddoon² f.g1 (-nay, -ntay) 1. Raadin wax
lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld
baadiggoob².
baadiddoonid m.f.dh eeg baadiddoon². ld
baadiddoon¹ (2), baadiddoonis,
baadiggoob¹, baad
baadiddoonis m.dh ld baadiddoonid.
baadifad m.l Hanti la siiyo qof baadi sheega
ama keena. ld baadifur.
baadifur m.l ld baadifad.
baadiggef¹ m.l Waayidda la waayo baadi la
raadiyey. ld baadiggefid. baadiggef² f.mg1 (-fay, -ftay) Baadi la raadiyey
waayid.
baadiggefid m.f.dh eeg baadiggef². ld
baadiggef¹.
baadiggoob¹ m.l ld baadiddoonid.
baadiggoob² f.g1 (-bay, -btay) ld baadiddoon².
baadiggoobid m.dh ld baadiddoonid.
baadiggoobis m.dh ld baadiddoonid.
baadinnimo m.dh Baadi ahaansho.
baadiqaris m.dh Dad baadida soo gasha haysta
oo aan sheegin.
baadisooc¹ m.l Sumad u gaar ah qof oo
xoolihiisa ku astaysto.
baadisooc² f.mg1 (-cay, -cday) Ka b.: qof,
baadi xoolo ku jirta ka aqoonsasho.
baadisoocid m.f.dh eeg baadisooc².
baadiyayn m.f.dh eeg baadiyee.
baadiyaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la
baadiyeeyey ahaansho (xoolo). 2. Wax
dariiqa toosan ka leexday ahaansho (qof).
baaldhiig
47
baadiyaysnaan m.f.dh eeg baadiyaysan. ld
baadiyaysnaansho.
baadiyaysnaansho m.l/dh ld baadiyaysnaan.
baadiyee f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Dad ama
xoolo baadi ka dhigid.
baadiyoobid m.f.dh eeg baadiyow.
baadiyow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Baadi noqosho.
baaf m.l (-faf, m.l) Weel weyn oo bir ah una
sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
baafi f.g2 (-iyay, -isay) Baadi, dad badan
weyddiin.
baafin m.f.dh eeg baafi. ld baafis.
baafis m.l ld baafin.
baah¹ m.l ld baahid.
baah² f.mg1 (-hay, -hday) War, cudur, daad
iwm aad u faafid.
baahan f.mg4 (-hnaa, -hnayd) 1. Wax baahi
hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u
mucurtaysan ahaansho.
baahasho m.f.dh eeg baaho².
baahawadaag m.dh.kh B. ah: dad iskaashi iyo
wax wadaqabsi ka dhaxeeya.
baahayn m.f.dh eeg baahee.
baahee f.g2 (-heeyay, -heysay) U b.: qof ama
dad dhibaateysan hanti u uruurin.
bąahi f.g2 (-iyay, -isay) U b.: war dad badan u
sheegid.
baahi¹ m.dh 1. Dareen nafleyda ku dhaca
marka ay muddo cunto moogaato; gaajo.
2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda.
3. Dhibaato ay keento wax la’aantooda. Tus.
“Biixi lacag buu baahi u qabaa”.
baahi² f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid in ay wax u
baahato badid.
baahid m.f.dh eeg baah². ld baah¹.
baahillaawe m.l Qofka aan cidna u baahnayn;
Alle.
baahin m.f.dh eeg baahi². ld baahis.
bąahin m.f.dh eeg bąahi. ld bąahis.
baahirsaaf m.l ld baxarsaaf.
baahis m.l ld baahin
bąahis m.l ld bąahin.
baahitir¹ m.l ld baahitirid.
baahitir² f.g1 (-ray, -rtay) Cid baahi ka bi’in.
baahitirid m.f.dh eeg baahitir². ld baahitir¹.
baahnaan m.f.dh eeg baahan. ld baahnaansho.
baahnaansho m.l/dh eeg baahnow. ld
baahnaan.
baahnow f.mg3 (-naaday, -naatay) U b.: qof
baahan noqosho. Tus. “Ebedkiisa lacag ha u
baahnaado, kolba anigu wax u diri maayo”.
baaho¹ m.dh Iskaashi iyo wax wadaqabsi dad
gaar ah ka dhaxeeya.
baaho² f.mg3 (-hday, -hatay) 1. Baahi
dareemid (nafley). 2. U b.: wax la’aantiis u
mucurteysnaan.
bąahsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la baahiyay
ahaansho (war).
bąahsanaan m.f.dh eeg bąahsan. ld
bąahsanaansho.
bąahsanaansho m.l/dh ld bąahsanaan.
baaji f.g2 (-iyay, -isay) Wax la sameyn lahaa
dib u dhigid ama iska deyn.
baajin m.f.dh eeg baaji. ld baajis. baajis m.l ld baajin.
baakad m.l/dh (-dyo, m.l/-do, m.dh) Warqad
adag oo qaab sanduuq leh oo badeecooyinka
lagu rido. ld baako.
baako m.dh ld baakad.
baal¹ m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama
daayuuradaha ay ku duulaan midkood.
2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan,
cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld
baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka
nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada.
5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar
gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha
naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo
qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca
geela oo qoorta qalloociya.
baal² m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tus.
“Baasha midigta ee albaabka istaag”.
baalal m.l 1. Dad daawanaya cayaarta
xayaadka. 2. (w) eeg baal¹.
baalalley m.dh.u Xasharaad yaryar oo baalal leh
sida badan waqtiga roobka la arko.
baalash¹ m.l 1. Rinji midabbo badan leh oo
gasacado yaryar ku jira oo kabaha la mariyo,
luujito. 2. Burush.
baalash² f.g1 (-shay, -shtay) Kabo luujito
marin. ld baalashee.
baalashee f.g2 (-sheeyey, -sheysey) ld
baalash².
baalasheyn m.dh ld baalashid.
baalashid m.f.dh eeg baalash². ld baalasheyn.
baalbaal m.l Macmacaan ka samaysan bur,
sonkor iyo ukun oo sida baalka oo kale loo
googooyay oo saliid lagu dubay.
baalcad¹ m.dh Waxaro abab ah.
baalcad² m.l 1. Qaloon loogu talagalay in alla
bari lagu samaysto; salool. 2. ld baalcas.
baalcas m.l Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase
weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku
dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).
baaldacar m.l (-rro, m.dh) Usha dheer ee
dhexda kaga taal geedka dacarta.
baaldhiig m.l Cudur digaagga ku dhaca oo
baalasha salkooda dhiig u yeela.
baaldi
48
baaldi m.l (-iyo, m.dh) 1. Weel caag ama bir
ka samaysan oo af ballaaran iyo siddo la
qabsado leh oo biyaha lagu shubto ama lagu
qaato. 2. Weel macdan ka samaysan, abbur
iyo siddo la qabsado leh oo caanaha lagu
shubto; jeeg.
baaldillaacsad m.l ld baaldillaacsasho.
baaldillaacsasho m.f.dh eeg baaldillaacso. ld
baaldillaacsad, baaldillaacsi.
baaldillaacsi m.l ld baaldillaacsasho.
baaldillaacso f.mg3 (-saday, -satay) Heerkii ay
ku duuli lahayd gaarid (shinbir).
baalentoloji m.l (taar.) Barashada noolayaashii
dabar go’ay, dhismahooda, degaankooda,
tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay
muujnayaan hadhaaga raadkoodu.
baalfallaar m.dh Shinbir dhabarka ka cad,
calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo
dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg
kuwa fallaarta leh.
baalgorayo m.dh Marka meseggada ama
gallaydu sabuul yeelan rabto.
baalgub m.l (-bo, m.dh) Calaamad uu ku
reebo dabku neef geel ah oo baal laga
daaweeyey.
baali m.dh (-iyo, m.l) Qof dumar ah oo aan
daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda,
aqalkeeda iwm; areebo.
bąali¹ m.dh Wax duug noqday muddo dheer
dabadeed (dhar iwm).
bąali² f.g2 (-iyay, -isay) Koofiyad, gammuun
iwm. baal u yeelid.
bąalid¹ m.l B. ah: wax muddo dheer jiray oo
aad u gaboobay.
bąalid² f.mg1 (-day, -dday) Wax muddo
dheer jiray, aad u gaboobid.
bąalidid m.f.dh eeg bąalid².
bąalin m.f.dh eeg bąali². ld bąalis.
bąalis m.l ld bąalin.
baaliyoobid m.f.dh eeg baaliyow.
bąaliyoobid m.f.dh eeg bąaliyow.
baaliyow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Baali
noqosho (naag).
bąaliyow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax
duug ah noqosho.
baallacad m.dh (-ddo, m.l) Nooc warmaha
yaryar ka mid ah oo aan caarad dhuuban
lahayn, lehna af ballaaran iyo tiir weyn.
baallayn m.f.dh eeg baallee.
baallee f.mg2 (-leeyay, -laysay) Ka b.: wax
ama meel doc ka jarid.
baalley m.dh Ciyaar dhaqameed jaan iyo
jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo
(degaanka Ceergaabo).
baalleybarro m.dh Cayayaan afar baal oo
waaweyn, xardhan oo qurxoon leh;
balanbaalis.
baalquraanle m.l Nooc ka mid ah ayaxa oo
baalal guduudan oo xardhan leh.
baaltaag¹ m.l ld baaltaagid.
baaltaag² f.g1 (-gay, -gtay) Gorayo, cantalaay
iwm baal fidin.
baaltaagid m.f.dh eeg baaltaag². ld baaltaag¹.
baaluq¹ m.l (-qyo, m.dh) B. ah: qof da’di
qaangaarnimada gaarey.
baaluq² f.mg1 (-qay, -qday) Da’dii
qaangaarnimada gaarid.
baaluqad m.dh (-do, m.l) B. ah: gabar
qaangaar ah.
baaluqid m.f.dh eeg baaluq².
baaluqnimo m.dh Baaluq ahaansho.
baaluqo m.dh Qof da’dii baaluqnimada gaarey.
baalxaaf m.l (-fyo, m.dh) Nooc ka mid ah
warmaha waaweyn oo caarad dhuuban oo
dheer leh.
baambow m.l/dh (-wyo, m.dh) Cantallaa.
baamiye m.l Qudaar dhuudhuuban oo yare
xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo
dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
ba’an f.mg4 (-‘naa, -‘nayd) 1. Wax aad u
dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad
iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.:
wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus.
“Warfaa sigaarkuu ku ba’anyahay”. 4. Ku b.:
wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus.
“Jaamac xisaabtuu ku ba’anyahay”.
baan¹ m.l (-nan, m.l) Koox ciidamada ka
tirsan oo tunta muusikada gaardiska.
baan² m.dh Cunno nafaqo leh oo lagu
dheefiyo qof buka ama dhaawac ah.
baan³ f.mg1 (-nay, -ntay) Hadal dhaar, faan
iyo handadaad isugu jira dhihid.
baanasho m.f.dh eeg baano.
baandhayn m.f.dh eeg baandhee. ld baandhays
(2), baandho.
baandhays m.l 1. Dhar ay askartu kubabka ku
duuban jirtay. 2. ld baandhayn.
baandhee f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Turub,
baandho ku samayn.
baandho m.dh Isku qasidda ranka iyo biigga
turubka. ld baandhayn.
baane m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Codkar; nin
yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad
isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. ld
baanise.
baangad m.dh (-do, m.l) Qalab gadaal ku leh
daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer,
xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa
oo geed nugulka iwm lagu jaro.
baaraabuf
49
baani f.g2 (-iyay, -isay) Qof buka ama
dhaawac ah baan siin.
baanid m.f.dh eeg baan³. ld baanis.
baanin m.f.dh eeg baani.
baanis m.dh ld baanid.
baanise m.l 1. ld baaniso. Hadal ama dood
qoran ama aan qornayn oo meel madal ah
laga yiraahdo; khudbo. 2. ld baane.
baaniso m.dh ld baanise (1).
baaniyaal m.l (-llo, m.dh) 1. Hindi ganacsade
ah. 2. Qof diinta Hinduuga haysta.
baanji¹ m.l Baaris aan xasillooni iyo nidaam
lahayn. ld baanjiyid. baanji² f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Si aan xasilooni
iyo nidaam lahayn wax u baarid.
baanjiyid m.f.dh eeg baanji². ld baanji¹. baankariis m.l (c.nafl.) Qanjidh laga helo
lafdhabarleyda oo ku yaalla laba-iyotobanlaha
iyo beeryarada dhexdhooda.
Wuxuu soo daaya insaymyo dheefshiid oo u
badan tiribsinoojin, amaylase libays kuna
shuba laba-iyo-tobanlaha iyaga oo sii maraya
marinka baankariyeed.
baano f.g/mg3 (-ntay, -natay) 1. (f.g) Qof
buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg)
Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho.
baansad m.l ld baansasho.
baansasho m.f.dh eeg baanso. ld baansad,
baansi.
baansi m.l ld baansasho.
baansiin m.l Saliidda shidaalka ee cayriin
marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa
middood oo aan midab lahayn dabkana
qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan;
batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino,
bansiin, bensiin.
baansiino m.dh ld baansiin.
baanso¹ m.dh Geed leh laamo dhaadheer oo
xubno leh oo sida dhuumihii dhexda ka
daloola, waxaana loo isticmaalaa dhismaha,
samaynta dambiilaha qaarkood, iwm;
qaysaraan.
baanso² f.mg3 (-saday, -satay) Qof buka ama
dhaawac ah baan siisasho.
baantiisimaada m.dh (dii.) Fikrad diineed,
taasoo Illaahay in uu yahay wax kasta,
dabeecada iyo caalamka dhexdiisa.
baantookh f.mg1 (-khay, -khday) Cid
ammaan badan oo ay lahayn sheegasho.
baantookhid m.f.dh eeg baantookh.
baantow m.l.kh B. ah: dibi dad dil ah oo cidlajoognimo
ku abaaday muddo. ld baantoy.
baantoy m.l.kh ld baantow.
baaq¹ m.l (-qyo, m.dh) 1. Cod dheer oo ay
isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u
socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama
calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto.
3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid
wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.
baaq² m.l (-qyo, m.dh) (taar.) War cad oo
rasmi ah.
baaq³ f.mg1 (-qay, -qday) Baaq samayn.
baaqad m.l ld baaqasho.
baaqasho m.f.dh eeg baaqo. ld baaqad.
baaqbaaq f.g1 (-qay, -qday) Limid;
carraggeddin; falid.
baaqbaaqid m.f.dh eeg baaqbaaq.
baaqe m.l (-qayaal, m.l/dh) 1. Nooc kalluunka
ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof
(ama wax) wax baaqaya.
baaqi m.l Tiro go’an inta ka baxday mooyee
inta kale ee ka soo harta; haraa.
baaqid m.f.dh eeg baaq³. ld baaq¹ (4).
baaqimo m.dh (-ooyin, m.l) Neef caana yar;
gabno; badho. ld baaqin.
baaqin¹ m.l ld baaqimo.
baaqin² m.dh Summad alif ah oo idaha
shanshada ama tagoogta loogu dhigo.
baaqo f.mg3 (-qday, -qatay) 1. Meel
tegiddeeda ka maqnaan. 2. Ka b.: wax
waqtigii loogu talaggalay dib uga dhicid.
Tus. “Shirkii wuu baaqday”.
baaqsad m.l ld baaqsasho.
baaqsasho m.f.dh eeg baaqso. ld baaqsad,
baaqsi.
baaqsi m.l ld baaqsasho.
baaqso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Roob, fasal,
rimay iwm waqti la filayay in ay dhacaan
suurtaggal noqon waayid. 2. Ka b.: wax la
samayn lahaa ama meel la aadi lahaa ka
talabixid.
baaquli m.l (-iyo, m.dh) Weel maacuunta ka
mid ah, dabool leh sidde lahayn oo wax lagu
shubto.
baar¹ m.l 1. Fiidda sare ee geed ama timo iwm.
2. Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda
kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-kaeriga,
hal mar oo turubka la qeybiyo laguna
ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel
lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud.
baar² m.dh (baar, m.dh) 1. Geedka cawdu ka
baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin
timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka
baxa meelaha kulul ee biyaha leh. 2. Nagaar
dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan.
baar³ f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax qarsoon raadin.
2. Wax la qaadan waayay noqosho
(badeeco). Tus. “Hilibkii wuu baarey”.
baaraabuf m.dh (-fyo, m.dh) ld baaraabuq.
baaraabuq
50
baaraabuq m.dh (-qyo, m.dh) Nooc fangaha
ka mid ah oo aan la cunin. ld baaraabuf.
baaraan m.l ld baarid².
baaraandeg¹ m.l 1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg.
2. ld baaraandegid. baaraandeg² f.mg1 (-gay, -gtay) Ka b.: arrin,
fikrad iwm aad u hubin.
baaraandegid m.f.dh eeg baraandeg². ld
baaraandeg¹ (2).
baarad m.l ld baarasho.
bąarad m.l ld bąarasho.
baaranooya m.dh (daaw.) Jahawareer
dhimireed lagu yaqaan isbeddel
shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan
astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
baarasho m.f.dh eeg baaro. ld baarad.
bąarasho m.f.dh eeg bąaro. ld bąarad.
baarashuud m.l (-dyo, m.dh) Dallad weyn,
maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo
boodo.
baarax m.l 1. Meel bannaan oo nabad lagu
deggan yahay. 2. Ka baxsan, banka ka jooga.
baarbitureyt m.l (-tyo, m.dh) (daaw.) Mid
kastoo ka mid ah koox dawooyin ah oo laga
sameeyey barbituurig aasidh taaso hoos u
dhigta shaqada maskaxda.
baare m.l (-rayaal m.l/dh) Qof baara arrin la
xiriirta aqoon ama sir dad.
baarfuran m.l (-nno, m.dh) Awr aan weligii la
raran.
baari¹ m.l 1. Culays, culaab. 2. ld baariyid.
baari² f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Xoog
ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid.
2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la
naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya
gaara ka iibin.
baarid¹ m.l.kh B. ah: Wax aad u qabow.
baarid² m.f.dh eeg baar². ld baaraan, baaris³,
baaritaan.
baarin¹ m.f.dh ld baariyid.
baarin² m.dh Meesha gacatada laga qoto.
baaris¹ m.l Neef irmaan oo candhadiisa ayan
caano ka muuqan.
baaris² m.l ld baariyid.
baaris³ m.dh ld baarid².
baaritaan m.l 1. Raadinta wax qarsoon.
2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo
bandhigay. ld baarid².
baariyam-salfeyt m.dh (kiim.) Adke cad oo
ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah.
B. s. kuma milanto biyaha.
baariyid m.f.dh eeg baari². ld baari¹ (2),
baarin, baaris², baaryid.
baarlammaan m.l (-nno, m.dh) ld barlammaan.
bąaro f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Xoolo naftu ka
baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama
baabbi’in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku
baartay”.
baaro¹ m.dh Wasakh midab cad leh oo ka
dhalata marka aan la nadiifin xubnaha
taraanka dadka aan la gudin.
baaro² f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qarsoon,
raadin.
baarqab m.l (-byo, m.dh) Awrka geela loogu
daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa
qaba.
baarramid m.f.dh eeg baarran². ld baarran¹.
baarran¹ m.l (-ammo/-anno, m.dh)
1. Dhawaaq afka ka soo baxa firkad gaar ah
lagu cabbirayo; hadal; afeef. 2. ld baarramid.
baarran² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La b.:
cid hadal la yeelasho.
baarri m.l (-iyo, m.dh) 1. Qof waalidkii iyo
Eebbaha u dhegannugul. 2. Qof dabeecad
wanaagsan.
baarrimasho m.f.dh eeg baarrimo.
baarrimo f.mg3 (-intay, -imatay) Afeefasho.
baarrinnimo m.dh Baarri ahaansho.
baarrog m.l Hab geelu u ordo oo uu hadba
addin iyo lug is xiga isku mar qaada.
baarroho m.l/dh (-ooyin, m.l) Dhiil yar oo
loogu talaggalay in lagu shubo caanaha
dhayda ah ee la rabo in ay fadhi noqdaan.
baarug f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Badar, bariis
iwm oo la kariyay tarmid. 2. Badeeco iwm
baarid.
baarugid m.f.dh eeg baarug.
baaruud m.dh (-do, m.l) Budo maaddo
qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo
gumuca ridda.
baaryid m.dh ld baariyid.
baaryoomid m.f.dh eeg baaryoon.
baaryoon f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi)
Markab ama doon dekad ka furasho, ka
goosasho.
baas¹ m.l (-sas, m.l) 1. Dhibaato aad u weyn;
belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel
gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha
iwm. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.
baas² f.g1 (-say, -stay) Imtixaan gudbid. Tus.
“Cali, imtixaankii wuu baasay”.
baasaboor m.l (-rro, m.dh) Dokumeenti
sharciyeysan oo dalalka adduunka loogu kala
gudbo; dalkumar. ld baasaboorto.
baasaboorto m.dh ld baasaboor.
baasarac m.l ld baasarce.
baasarce m.l Nooc ka mid ah bariiska oo leh
dhuux guduudan oo macaan. ld baasarac.
baasaysad m.l ld baasaysasho.
baayac²
51
baasaysasho m.f.dh eeg baasayso. ld baasaysad,
baasaysi.
baasaysi m.l ld baasaysasho.
baasayso f.mg3 (-stay, -satay) Wax inay shar
leeyihiin aaminid.
baash m.l ld baashi.
baashaal¹ m.l 1. Sheeko, ciyaar iwm oo waqti
isku dhaafin. 2. ld baashaalid.
baashaal² f.mg1 (-aalay, -aashay) Sheeko,
ciyaar iwm. waqti ku dhaafin.
baashaali f.g2 (-iyay, -isay) Qof kale sheeko,
ciyaar iyo waqti ku dhaafin.
baashaalid m.f.dh eeg baashaal². ld baashaal¹
(2).
baashaalin m.f.dh eeg baashaali.
baashaar m.l (-rro, m.dh) Kuul baro yaryar leh
oo haweenku ku xarragoodaan.
baashad m.f.l eeg baasho.
baashee f.g2 (-eeyay, -eeysay) Dhunko.
baasheyn m.f.dh eeg baashee.
baashi m.l (-iyo, m.dh) Waraaqaha turubka
midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku
sawiranyahay. ld baash.
baashir f.g1 (-ray, -rtay) Si wanaagsan oo
farxad iyo reyn-reyn leh qof u qaabilid.
baashirid m.f.dh eeg baashir.
baasho¹ m.dh Dhunkashada dhabanka ama
dibnaha la iska shumiyo.
baasho² f.mg3 (-shtay, -shatay) Baal goray
iwm iyadoo libin lagu muujinayo
madaxsurasho. 2. Gammuun, baal ku
dhegsasho.
baasid m.f.dh eeg baas².
baasiin m.l ld baansiin.
baasiino m.dh ld baasiin.
baasilas m.l (baay.) Bakteeriya kasta oo qaab
uleed leh ama u dhuuban sida usha.
baaskiil m.l (-llo, m.dh) Gaadiid laba lugoodle
ah, aan matoor lahayn oo lagu socodsiiyo
lugaha.
baasto m.dh Cunto ka samaysan bur la
qallajijey oo qaabab kala duwan leh oo la
cuno.
baastoolad m.dh ld bastoolad.
baatad m.dh Marka labada dhan ee iska soo
horjeeda ay dhibco isla ‘eg qabtaan (cayaar
turub); doroo. ld baaddad.
baati m.l (-iyo, m.dh) Dhar cudbi ah, adag oo
midabo leh.
baatir m.dh (-rro, m.dh) Qaalin geel ah oo aan
rimin waqtigii ay rimi lahayd.
baatooloji m.l (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga
daawada oo ku shuqul leh cudurrada,
waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay
gaadhsiiyaan jidhka.
baatul¹ m.l ld baatulid.
baatul² f.g1 (-ulay, -ushay) Hanti si tashiil
la’aan ah u isticmaalid. Tus. “Wiilkii
dukaankii buu baatulay”.
baatulan¹ f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la
baatulay noqosho (hanti).
baatulan² f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la
baatulay ahaansho (hanti).
baatulid m.f.dh eeg baatul². ld baatul¹.
baatulmid m.f.dh eeg baatulan¹.
baatulnaan m.f.dh eeg baatulan². ld
baatulnaansho.
baatulnaansho m.l/dh ld baatulnaan.
baawasiir m.l ld bawaasiir.
baawee f.g2 (-weeyay, -weysay) War qarsodi
ku haboon faafin. Tus. “Cali ayaa dadkii
nagu baaweeyey”.
baaweyn m.f.dh eeg baawee.
baaxaaddeg¹ m.l ld baaxaadeg¹. baaxaaddeg² f.mg1 (-gay, -gtay) ld
baaxaadeg².
baaxaaddegan f.mg4 (-gnaa, -gnayd) ld baaxaadegan.
baaxaaddegid m.f.dh ld baaxaadegid. baaxaaddegnaan m.dh ld baaxaadegnaan. baaxaaddegnaansho m.l/dh ld
baaxaadegnaan.
baaxaadeg¹ m.l Degganaan la’aan joogto ah. ld
baaxaaddeg¹.
baaxaadeg² f.mg1 (-gay, -gtay) Degganaan
la’aan joogto ah la kulmid. ld baaxaaddeg². baaxaadegan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la
kulmay degganaan la’aan joogto ah
ahaansho. ld baaxaaddegan. baaxaadegid m.f.dh eeg baaxaadeg². ld
baaxaaddegid.
baaxaadegnaan m.f.dh eeg baaxaadegan. ld
baaxaaddegnaan, baaxaaddegnaansho,
baaxaadegnaansh
baaxaadegnaansho m.l/dh ld baaxaadegnaan. baaxad m.dh Ballac.
baaxadsoore m.l (-rayaal m.l/dh) Meesha
baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo
ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.
baaxeer m.l (-rro, m.dh) Qof bashaash ah.
baay m.dh (xis.) Saamiga uu meeriska goobo
kasta la sameeyo dhexroorka goobada.
Seebid ahaan waxay le’egtahay 3.14159…
waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda
dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la
cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.
baayac¹ m.l ld baayacid.
baayac² f.g1 (-cay, -cday; -yici) Wax ganacsi u
yaal qiimahooda weyddin; gorgorin.
baayacad
52
baayacad m.l Weyddiinta qiimaha wax ganacsi
u yaal. ld baayacasho.
baayacasho m.f.dh eeg baayoco. ld baayacad.
baayacmushtar¹ m.l ld Biicmushtarid;
biicmushtari.
baayacmushtar² f.mg1 (-ray, -rtay) ld
biicmushtar².
baayacmushtari m.l ld biicmushtari.
baayacmushtarid m.f.dh ld biicmushtarid.
baayaco f.g3 (-cday, -atay) ld baayoco.
baayactamid m.f.dh eeg baayactan². ld
baayactan¹.
baayactan¹ m.l ld baayactamid.
baayactan² f.mg1 (-amay, -antay) Wax iib u
yaal qiimahooda ka doodid.
baaybal m.l (dii.) Kitaabka diimeed oo
muqaddaska u ah yahuudda iyo
kirishtaanka.
baayicid m.f.dh eeg baayac². ld baayac¹.
baayir¹ m.l.kh (-rro, m.dh) B. ah: qof aad u
been badan; beenlow; beenaale.
baayir² f.mg1 (-ray, -rtay) Cayilid, wax
buuran noqosho.
baayirid m.f.dh eeg baayir².
baayirnimo m.dh Baayir ahaansho.
baayoco f.mg3 (-yacday, -yacatay) Badeeco
qiimaheeda weyddiisasho; gorgori. ld
baayaco.
babac¹ m.l/dh (-cyo, m.l) 1. Daaddagga buurta
ama taagga; hoobad. 2. Si aan toos ahayn ee
wax loo dhigo. 3. ld babcid.
babac² f.g/mg1 (-bcay, -bacday; -bci) 1. (f.g)
Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.:
wax jaho uu ku toosnaa ka weecin.
babacdhig¹ m.l ld babacdhigid.
babacdhig² f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: cid, wax
dhibaato leh oo ku soo aaddan difaacid.
babacdhigid m.f.dh eeg babacdhig². ld
babacdhig¹.
babactamid m.f.dh eeg babactan². ld
babactan¹.
babactan¹ m.l ld babactamid.
babactan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami)
Ciyaaro fudud sida legdin, orod iwm ku
tartamid.
babbaay m.l Geed-mirood dheer, lugtool ah oo
baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo
miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha
u eg; mafafaay.
babbad m.l 1. B. ah: meel aan gabbaad lahayn
oo dabayl badan. 2. ld babbasho.
babban m.l (-nno, m.dh) ld bamban.
babbasho m.f.dh eeg babbo. ld babbad.
babbi f.g2 (-iyay, -isay) Si dab loo ololiyo ama
wax kulul loo qaboojiyo, hawada ku xeeran
babbis ku dhaqdhaqaajin.
babbin m.f.dh eeg babbi. ld babbis (2).
babbis m.l (-yo, m.dh) 1. Qalab sida badan
caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo. 2. ld
babbin.
babbisjinni m.l Balanbaalis
babbo f.mg3 (-baday, -batay) Wax dabayl
xooggan oo dhacaysa awgeed aad u ruxasho.
babcan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax gudub ama
babbac loo dhigay ahaansho.
babcanaan m.f.dh eeg babcan. ld
babcanaansho.
babcanaansho m.l/dh ld babcanaan.
babcid m.f.dh eeg babac². ld babac¹ (3).
bac m.dh (-cyo, m.l) 1. Maaddo balaastiig ka
samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto,
dambiilo wax lagu ritana laga sameysto.
2. Dharbaaxo; jaawin.
bacaac m.dh 1. Qalaad. 2. B. ah: qof nacas ah.
bacaad m.l Ciid badan, jilicsan, boor lahayn oo
aan lagu socon karin.
bacaadcelin m.dh Ka hortagga bacaad fidaaya
iyadoo geedo lagu beeraayo.
bacaad-qaab-bileed m.l (juqr.) Carro meel ku
ururtay oo leh qaabka bisha taas oo
samaysanta marka jihada dabayshu si yar
isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha
xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu
sahlanyahay; dhanka dabaysha ka
horjeeddana golxo ayey leedahay,
janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos
bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii
dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho.
Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.
bacad m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Dhul bacaad
buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab
caddaan ah oo mid kale oo yari ku
dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul
oo qorraxda hayso.
bacadle m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Ganacsade
meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku
iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku
gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.
bacaraar m.l (-rro, m.dh) 1. Sanka qeybtiisa
sare ee dhuuban. 2. Sanka intiisa hore oo aan
lafta lahayn.
bacaroor m.dh Geed nagaar leh buruq sun ah
iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo;
balalo.
bacaw¹ m.l/dh (-wyo, m.dh) Qof la baaseeysto
oo la aaminsanyahay in uu nasiibdarro wato.
badbaadso
53
bacaw² m.dh Nooc quraanyada ka mid ah,
midab cas leh, kooxkooxna u socota, aad u
qurmoon oo yacayda cunta.
bacayr m.dh (-ro, m.l) Jaad ugaarta ka mid ah
sagaarada ka weyn deeradana ka yar, midab
dambas ah iyo dhego balballaaran leh, kuna
nool meelaha biyaha badan; dhusaas.
bacdad m.dh Fara badan.
bacdamaa xi. Eray lagu xiriiriyo weer sababley
ah. ld maadaama.
bacdi m.dh.fk Ka bacdi: kaddib; dabadeed.
bacle m.l Geed nagaar aan qodax lahayn oo
dhirta daawada ka mid ah.
bacleel f.g1 (-eelay, -eeshay) Si gudub ah wax
u eegid.
bacleelid m.f.dh eeg baacleel.
bacood m.dh Meel taag ah oo aan geedo
lahayn.
bacramid m.f.dh eeg bacran¹.
bacran¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax
dildilaac yeeshay noqosho (muraayad, laf,
derbi iwm).
bacran² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dildilaac
yeeshay ahaansho (muraayad, laf, derbi
iwm).
bacranaan m.f.dh eeg bacran². ld
bacranaansho.
bacranaansho m.l/dh ld bacranaan.
bacrimane saygot m.l (-ooyin …, m.l) (baay.)
Gaamayt dheddig oo bacrinsan: waa
maxsuulka is kudarsanka bu’da ugxanta iyo
xawada ama boodh faxalka.
bacrimayn m.f.dh eeg bacrimee. ld bacrimays,
bacrimin, bacrimis.
bacrimays m.l ld bacrimayn.
bacrimee f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Unug
tarmineed lab, unug tarmineed dheddig
dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo
digo ama walax kiimika ah ku shubid. ld
bacrimi.
bacrimi f.g2 (-iyay, -isay) ld bacrimee.
bacrimin¹ m.dh ld bacrimayn.
bacrimin² m.dh Habka isku darsanka
unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si
ay u sameeyaan bacrimane.
bacrimis m.l ld bacrimayn.
bacrimiye m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Daawo digo
iwm oo dhul lagu shubo si bacrin looga
dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu
dhex galo unug tarmineedka dheddig.
bacrin m.dh Dhul carrasan oo wax ka soo bixi
ogyihiin; ugbaad.
bacrin-la’an m.dh (daaw.) Awood la’aan in
naagtu uur qaaddo ama ninku wax rimin
kari waayo.
bacsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Dharbaaxo ku
dhufasho (qof).
bacsiin m.f.dh eeg bacsii.
bąd m.l ld bed³.
bad¹ m.dh (-do, m.l) 1. Biyo badan, dhanaan
oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo.
2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da
gabayga: baabka gabayga.
bad² f.g/lg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid wax
dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku
jirrabid. 2. (f.lg) ld bid.
badad m.dh (-dyo, m.dh) (fiis.) Dululaatiga
laga dareemi karo xoog; xooggaasi oo uu
sababay jiritaanka walax taalla bar ka mid ah
dululaatiga. Noocyada b.da waxa ka mid ah:
a) b.birlabeed, b) b. danabeed c) badad
cufisjiidad.
badad-birlabeed m.dh (-dyo, m.dh) (fiis.)
Badad xoog oo ka jira weegaarka birlab ama
gudbiye qulqul danab wada.
badalli m.l Rati aan weli rarka loo layliyin.
badan¹ m.l B.keenna, b.kiina iwm: inteenna
badan, intiinna badan iwm.
badan² f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax aan
tiradoodu yarayn ahaansho.
badanaa fk. Inta badan, marar badan, aalaa.
Tus. “Birtu badanaa way mirirtaa”.
badan-midab-ileys m.dh (-syo, m.dh) (fiis.)
Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo
kala duwan, lagumana soo koobi karo
kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midabileys.

badar m.l Nooc ka mid ah dalagga la beerto oo
leh iniino la cuno, lana keydin karo, sida:
galleyda, masaggada, iwm.
badasho m.f.dh eeg bado.
badbaadayn m.dh ld badbaadin.
badbaadaysasho m.dh ld badbaadsasho.
badbaadayso f.g3 (-stay, -satay) ld
badbaadso.
badbaadee f.g2 (-deeyay, -deysay) ld badbaadi.
badbaadi f.g2 (-iyay, -isay) Wax khatar ka
nabadgelin. ld badbaadee.
badbaadin m.f.dh eeg badbaadi. ld
badbaadayn, badbaadis.
badbaadis m.l ld badbaadin.
badbaado m.dh Xaalad aan khatar lahayn oo
ay wax ku sugnaadaan.
badbaadsasho m.f.dh eeg badbaadso. ld
badbaadaysasho.
badbaadso f.mg3 (-saday, -satay) Ka b.: qof,
wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. ld
badbaadayso.
badbad
54
badbad f.mg1 (-day, -dday) Wax karsamaya
takhid.
badbadi f.mg2 (-iyay, -isay) Ka b.: wax,
xadkooda dhaafin.
badbadid m.f.dh eeg badbad.
badbadin m.f.dh eeg badbadi.
badbax¹ m.l Guuridda reero xagga badda u
guuraan si ay uga samatabbaxaan dhibaatada
dhuugga, baalka iwm.
badbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Ka b.:
halis ka samatabbixid. 2. Ka b.: si looga
samatabbaxo dhibaatada dhuugga, baalka
iwm xagga badda u guurid (reero).
badbeed f.g1 (-day, -dday) Si toos ah wax uga
hortagid.
badbeedid m.f.dh eeg badbeed.
badbixid m.f.dh eeg badbax.
baddal¹ m.l ld beddelid.
baddal² f.g1 (-alay, -ashay) ld beddel².
baddalaad m.dh ld beddelid.
baddalan¹ f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) ld beddelan¹.
baddalan² f.mg4 (-lnaa, -lnayd) ld beddelan².
baddalasho m.f.dh ld beddelasho.
baddalid m.dh ld beddelid.
baddalmid m.dh ld beddelmid.
baddalnaan m.dh ld beddelnaan.
baddalnaansho m.l/dh ld beddelnaan.
baddalo f.g/f.mg3 (-ashay, -alatay) ld beddelo.
bad-dhac m.l/dh 1. Qof ku nool khayraadka
badda oo kaliya. 2. Qof ku xildheer arrimaha
badda.
badeecad m.dh (-do, m.l) 1. ld badeeco. Alaab
loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad
dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca
ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee
ku jirta saxanka afkeeda daboola.
badeeco m.dh (-ooyin, m.l) ld badeecad (1).
badeel m.l ld badiil.
badfur m.l (juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa
gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay.
Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay
dhacayso dabaysha mansuunta ee ka
immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas
oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta
dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda
gobolkaas. ld badfuran.
badfuran m.l ld badfur.
badhan m.l (-amo, m.dh) Shey yar oo caag, bir
iwm ka samaysan, wareegsan xalleefsan
daloollo leh oo dharka la gashado meelo gaar
ah looga tolo si uu dacalladooda isugu qabto;
galuus.
badhax m.l (-xyo, m.dh) (baay.) Tafiirta ay
waalidkood ugu yaraan hal astaan ku kala
duwanyihiin.
badhaysi m.l Wax tiradooda aad u badantahay
qiimahooduna yaryahay.
badhe m.l (-dhayaal, m.l/dh) (juqr.) Goobo la
mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif
dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas
sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi
isla markaas waa bartamaha dhulka, waa
goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu
dheer ee dhulka; dhulbar.
badhi¹ m.l ld bari¹.
badhi² m.dh (-iyaal, m.l/dh) (bot.) Xubin
(dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo
u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa
xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel
ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan
leh. Tus. “Basal”.
badhiwale m.l (-ayaal, m.l/dh) Qof shaqo
hoosaadka xafiiska qabta; adeege.
badho m.dh 1. Neef caano yar; baaqimo;
gabno. 2. Dhex, kalabar, bartame.
badi¹ m.dh 1. Wax tirsama intooda badan.
2. (fk) Alaaba, sida qaliibka ah, inta badan,
badanaa, guud ahaan.
badi² f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. (f.g)
Wax in go’an ahaa, in kale oo la nooc ah ku
darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan.
3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka
rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka
badan ku darid. Tus. “Shaahii sonkor buu ka
badiyey”.
badid m.dh eeg bad². ld bidid.
badidhace¹ m.l (xis.) Walaxda ama qiimaha
leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
badidhace² m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu
sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga
gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo
wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka
mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo
geftin wadaag ah.
badiil m.l (-llo, m.dh) Qalab loo adeegsado
carro qaadidda oo ka kooban bir yar
ballaaran, godan iyo daab la qabsado. ld
badeel.
badin m.f.dh ld badiyid.
badis m.l ld badiyid.
badiyid m.f.dh eeg badi². ld badin, badis.
badmaax m.l (-xyo, m.dh) Nin ka mid ah
shaqaalaha maraakiibta ka shaqeeya.
badmar m.l (-rro, m.dh) Qof safarro badeed
oo badan ka qeybgalay. ld badmareen.
badmareen m.l ld badmar.
bagal
55
badmarid m.dh Safarka biyaha dushooda ama
hawada dhexdeeda.
badnaan m.f.dh 1. ld badnaansho, badni. eeg
badan². 2. (fk) Ugu b.: ugu weyn, ugu
sarraysa.
badnaansho m.l/dh eeg badnow. ld badnaan
(1).
badni m.dh ld badnaan (1).
badnow f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax badan
noqosho.
bado f.mg3 (-atay, -adatay) Wax tiradooda
kordhid.
badow m.l (badow /-wyo, m.dh) 1. Qof
degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh.
2. Qof aan ilbax ahayn.
badownimo m.dh Badow ahaansho.
badraan m.l/dh (-nno, m.dh) Qof isla weyni
iyo kibir badan.
badraannimo m.dh Batraan ahaansho.
badrad m.dh (-do, m.l) 1. Kibir iyo aabi
badan. 2. Saxan dheer oo bir ka samaysan oo
rootiga lagu safo marka la dubayo.
badsad m.l ld badsasho.
badsasho m.f.dh eeg badso. ld badsad, badsi.
badsi m.l ld badsasho.
badso f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax la haystay
in kale oo la nooc ah ku darsasho. 2. Qof,
qeybtiisii in ka badan qaadasho.
baduug f.g1 (-gay, -gtay) Alaab aad u
burburin. ld baduuji, baduuq.
baduugan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi)
Wax la baduuqay noqosho. ld baduuqan¹.
baduugan² f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax ka
baduuqay ahaansho. ld baduuqan².
baduugid m.f.dh eeg baduug. ld baduugis,
baduujin, baduujis, baduuqid, baduuqis.
baduugis m.dh ld baduugid baduugmid m.f.dh eeg baduugan¹. ld
baduuqmid.
baduugnaan m.f.dh eeg baduugan². ld
baduugnaansho, baduuqnaan,
baduuqnaansho.
baduugnaansho m.l/dh ld baduugnaan. baduuji f.g2 (-iyay, -isay) ld baduug.
baduujin m.dh ld baduugid.
baduujis m.l ld baduugid. baduuq f.g1 (-qay, -qtay) ld baduug. baduuqan¹ f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) ld
baduugan¹.
baduuqan² f.mg4 (-qnaa, -qnayd) ld baduugan².
baduuqid m.dh ld baduugid. baduuqis m.dh ld baduugid. baduuqmid m.dh ld baduugmid. baduuqnaan m.dh ld baduugnaan.
baduuqnaansho m.l/dh ld baduugnaan. badweyn¹ m.dh 1. Biyo badeed badan, dhul
aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u
kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga,
Hindiya iwm. 2. Meel badda dhexdeeda ah
oo xeebta ka fog.
badweyn² m.dh (-nno, m.dh) (juqr.) Gogol
biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul
weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah
waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo
waaweyn, dhammaantood waxay
dabboolaan 71% ee dusha dunida.
badwi m.l (badwi/-iyo, m.dh) ld badow.
badwiyad m.dh (-do, m.dh) Haweeney, aan
reer magaal ahayn, aan wax aqoonin.
badxidhan m.dh (juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa
gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda
Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan
dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa
marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka
immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka
dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka
dhacayso oo aan suurtaggelinayn
badmaaxidda gobolkaas. ld badxir,
badxiran.
badxir m.l Xilliga baddu kacsantahay oo ayan
dhoofi karin doonyaha shiraaca lihi. ld
badxidhan.
badxiran m.l ld badxidhan.
badyaro m.dh (-ooyin, m.l) Bad yar oo
badweynta ka so dillaacday oo berri fadhida;
gacan.
baf m.dh.sh.r B. dheh: cod lagu muujiyo wax si
kedo ah lagu jebiyo.
bafto m.dh (-ooyin, m.l) Dhar cudbi ka
samaysan, aad u cad, fudud, quruxsan oo
go’yo shaarar iwm laga tosho.
baga e.d Waa ku fiican tahay! Istaahil!
bagaago m.dh (-ooyin, m.l) Dhako.
bagaf m.l 1. Weel aan weyneyn, in yar godan
oo aan wax badan qaadin. 2. Nooc warmaha
ka mid ah oo af ballaaran oo badeelka u eg
leh.
bagafsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax bagaf ah
ahaansho.
bagafsanaan m.f.dh eeg bagafsan. ld
bagafsanaansho.
bagafsanaansho m.f.dh ld bagafsanaan. bagagax m.dh.sh.r ld baf.
bagagi m.dh.kh B. ah: basari; baali, areebo.
bagal m.l Khudrad cagaar ah oo leh caleemo
balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer oo
la cuno. ld baqal¹ (2), begel.
bah
56
bah m.dh (-ho, m.l) 1. Naago nin qabo
middood iyo carruurteeda. 2. Isku b. ah:
carruur hooyo keli ahi wada dhashay.
bąh m.dh (-ho, m.l) Xiddigo dayaxu maro oo
u dhexeeya xoor iyo faruuryo. ld baho.
bahaahin m.l 1. (u) Xoolo la dhaqdo. 2. Qof
aan caqli badan lahayn. ld bahaa’in,
bahaayin.
bahaa’in m.l ld bahaahin.
bahaayin m.l ld bahaahin.
bahal¹ m.l (-llo /-lo, m.dh) 1. Nafleyda inta
dadka iyo duunyada wax yeeleysa ama
qaabkoodu cabsi geliya ee aan cayayaanka
ahayn. 2. Wax. 3. B. ah: qof dilaa ah.
bahal² m.dh 1. Wax dad dhiba. 2. Haweenwy
naxriisdaran.
bahaldile m.l (-layaal, m.dh) 1. Nin qolo ama
col wada oo ugu horreeya xagga
geesinnimada iyo dagaalka. 2. Nin beel
madax u ah. ld bahaldileen.
bahaldileen m.l (-nno, m.dh) ld bahaldile.
bahalhiglo m.dh (bahalahiglo, m.l) Bahal
cagaardaaq ah oo koox koox u socda oo
yeyda u eg aadse uga yar.
bahalhoosaad m.l.u Xamaaratada iyo
cayayaanka intooda sunta leh ama
qaabkooda laga cabsado ee habeenkii socda.
ld bahalhoose.
bahalhoose m.l.u ld bahalhoosaad.
bahalnimo m.dh Bahal ahaansho.
bahaloobid m.f.dh eeg bahalow. ld bahalow¹.
bahalow¹ m.l ld bahaloobid.
bahalow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid.
bahardaac¹ m.l Fadhi kala daadsanaan leh oo
aan la rabin in dhaqso meel looga kaco.
bahardaac² f.mg1 (-cay, -cday) Si kala
daadsanaan leh muddo badan meel u
fariisasho.
bahardaaci f.g2 (-iyay, -isay) Is b.: si kala
daadsanaan leh muddo badan meel u
fariisasho.
bahardaacid m.f.dh eeg bahardaac².
bahardaacin m.f.dh eeg bahardaaci. ld
bahardaacis.
bahardaacis m.dh ld bahardaacin.
bahardaadi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Is b.: is
ballaarin. 2. Is b.: is weyneysiin;
isqaadqaadid.
bahardaadin m.f.dh eeg bahardaadi.
bahaysad m.l ld bahaysasho.
bahaysasho m.f.dh eeg bahayso. ld bahaysad,
bahaysi.
bahaysi m.l ld bahaysasho.
bahayso f.g3 (-stay, -satay) 1. Cid
qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la
yeelasho.
bah-cadceed m.dh (-ho …, m.l) (c.fal) Koox
walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda,
meereyaasha, oo ku dul meeraysta,
meereyareyaasha (plannetoid or asteroid),
seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha
iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta
meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu
meeraysto.
bahgaatama m.dh Dugaagga intooda
gaadmada wax ku dila oo ay ka mid yihiin
libaaxa, shabeelka, haramcaska iyo
guduudanaha.
bahgulufto m.dh Dugaagga intiisa aan
gaatamin oo orodka wax ku dila.
bahnimo m.dh Bah ahaansho.
baho m.l (c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo
u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. ld bąh.
bahoobid m.f.dh eeg bahow². ld bahow¹.
bahow¹ m.l ld bahoobid.
bahow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) La b.:
cid, gaashaanbuur la noqosho.
bahwadaag m.dh.u 1. Walaalo isku hooyo ah
aan isku aabbo ahayn. 2. Dad, ummad, iwm
oo isgaashaanbuursi ka dhexeeyo.
ba’id m.dh ld bi’id
baji f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid cabsi gelin.
2. Wax sida ukun iwm. jebin. 3. Bujin.
bąji f.mg2 (-iyay, -isay) ld boji. bąjiino m.dh ld bojiino.
bajin m.f.dh eeg baji.
bąjin m.dh ld bojin. bajis m.l 1. Jid cusub oo dhowaan dhalad ah.
2. ld bajin².
bakaal m.l (-llo, m.dh) 1. Cudur isha ku dhaca
oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo
qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka
iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir.
3. Qof lixaad weyn.
bakaar m.dh (-ro, ml.) 1. Godka badarka lagu
kaydiyo. 2. Badar muddo god ku jirey. ld
bukaar.
bakaaroobid m.f.dh eeg bakaarow.
bakaarow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Badar, wax duug ah noqosho.
bakad m.dh (-dyo, m.dh) Dhul bannaan oo
aan dhir la dugsado lahayn.
bakade m.l Nooc jaadadka cawska ka mid ah.
bakayle m.l (-layaal, m.l/dh) Naasley yar,
dhirxagatada ka mid ah, leh dhego
dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo
bushin kore oo faruuran, oo habeenkii
mirato.
balaasma
57
bake m.l (-kayaal, m.l/dh) Qare aan weli
bislaan; bicir.
bakeeri m.l (-iyo, m.dh) Weel dhalo ka
samaysan oo sida badan shaah lagu cabbo oo
aan dhego lahayn. ld bekeeri.
bakhaar m.l (-rro, m.dh) Maqaasiin.
bakhaarhaye m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof
bakhaar ka shaqeeya oo furihiisa haya.
bakhayl¹ m.l (-llo, m.dh) Nin aan hantidiisa
dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal.
ld bakhiil¹.
bakhayl² f.mg1 (-aylay, -ayshay) ku b.: hanti
bixinteeda ku gacan adkansho. ld bakhiil².
bakhaylad m.dh (-do, m.l) Naag hantida wax
aad u yar ka bixisa.
bakhaylid m.f.dh eeg bakhayl². ld bakhiilid.
bakhaylnimo m.dh Bakhayl ahaansho. ld
bakhiilnimo.
bakhiil¹ m.l ld bakhayl¹.
bakhiil² f.mg1 (-iilay, -iishay) ld bakhayl².
bakhiilid m.f.dh ld bakhaylid.
bakhiilnimo m.dh ld bakhaylnimo.
bakhti¹ m.l ld baqti¹.
bakhti² f.mg2 (-iyay, -isay) ld baqti².
bakhti-afuuf¹ m.l ld baqti-afuuf¹
bakhti-afuuf² f.g1 (-fay, -ftay) ld baqtiafuuf².
bakhti-afuufid m.dh ld baqti-afuufid.
bakhtifuul m.l ld baqtifuul.
bakhtiggowrac¹ m.l ld baqtiggowrac¹. bakhtiggowrac² f.g1 (-cay, -cday) ld baqtiggowrac².
bakhtiggowracid m.dh ld baqtiggowracid. bakhtii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld baqtii.
bakhtiiji f.g2 (-iyay, -isay) ld baqtii.
bakhtiijin m.dh ld baqtiin.
bakhtiijis m.dh ld baqtiin.
bakhtiin m.dh ld baqtiin.
bakhtiis m.l ld baqtiin.
bakhtijiid¹ m.l ld baqtijiid¹. bakhtijiid² f.g1 (-day, -dday) ld baqtijiid².
bakhtijiidid m.dh ld baqtijiidid.
bakhtijiidis m.dh ld baqtijiidid. bakhti-ku-baxe m.l (-xayaal, m.l/dh) (baay.)
Geed ama noole kasta oo ili-ma-aragtay ah
ee quuta maatarka orgaanikada bakhtiga ah.
Bakhti-ku-baxayaasha badankoodu waa
bakteeriyo iyo fungi.
bakhtiquf¹ m.l ld baqtiquf¹.
bakhtiquf² f.g1 (-fay, -ftay) ld baqtiquf².
bakhtiqufid m.dh ld baqtiqufid.
bakhtiwareemid m.dh ld baqtiwareemid.
bakhtiwareen¹ m.l ld baqtiwareen¹.
bakhtiwareen² f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi)
ld baqtiwareen².
bakhtiyaanasiib m.l (-byo, m.dh) ld baqtiyaanasiib.
bakhtiyid m.dh ld baqtiyid.
bakool m.l 1. ld bakaal. 2. Dhul carradiisu
dibir ama dhooddi tahay; dhul carrocad ah.
bakoolin m.dh Daruuro yaryar oo kala
googo’an oo wada socda middood.
bakoorad m.dh (-ddo, m.dh) Ul toosan,
madax godan oo lagu xarragoodo. ld
bakooro (3).
bakooro m.dh 1. ld bokooro. Cudur indhaha
ku dhaca oo baqbaq u yeela. 2. ld bokooro.
Cudur isha birteeda ku dhaca oo caddeeya.
3. ld baqoorad.
bakteeriafayj m.l (baai.) Fayras ku dhex nool
bakteeriyada. Mid kastaana waxa uu gaar u
yahay hal nooc oo bakteeriya ah. Waxa uu si
dhaqso ah ugu koraa una baabi’iya unugyada
soorihiisa ah.
bakteeriya m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baay.) Noole
ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka
kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn
xuub bu’eed u gaar ah, hase yeeshee leh
gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da
badanaaba waxa lagu kala soocaa habka
khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin
ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka
muuqaalkooda.
bakteeriya-ciijiye m.l (-yayaal, m.l/dh) (baay.)
Fiirus jajabiya bakteeriyada.
bal¹ m.l.u Geedka galleyda ama meseggada oo
aan miro lahayn.
bal² e.d 1. Qurub la isticmaalo inta badan
kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama
layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tus. “B.
inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii b.
inay fog tahay”; ama cagajiid lagu jeedo, sida
“B. hoo”, “B. ina keen”.
balaambal¹ m.l ld balaambalid.
balaambal² f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Cid rafaad
iyo dhibaato la kulmid. 2. U b.: qof rafaad
iyo dhibaato la kulmid u ooyid. ld
balambal².
balaambalid m.f.dh eeg balaambal. ld
balaambal¹, balambal¹, balambalid.
balaanktoon m.l (c.nafl.) Kan ugu yar dhiska
sabbeeya ee geed iyo xayawaan,inta badan
laguma arko isha qaawan, oo deggan biyaha
badweynada iyo badaha yaryar, oo cunto u
ah kalluunka badda iyo abuur kale.
balaaqo m.dh Hadal murti badan huwan oo
sida uu u yaal macne ka duwan leh.
balaasma m.dh (c.nafl.) Qaybta dareeraha ee
dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga.
Waxay u badantahay biyo ay walxo badani
balaasmoodiya
58
ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin
borotiinno, cusbooyin gaar ahaan
(soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo
bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows
(amiino asiidhyo, dux), hormoono,
faytamiino iyo walxo qashin ah.
balaasmoodiya m.l (-ayaal, m.l/dh) (baay.)
Qayb ka mid ah borotosowa oo ku dul nool
unugyada cascas ee dhiigga iyo unugyada
beerka ee dadka.
balaasmoodiyam m.l (-yo, m.l/dh) (baay.)
Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu
isbeddelo oo leh bu’o badan oo ay ku
wareegsanyihiin xuub balaasma.
balaatihelmantis m.l.u (baay.) Faylam ka
tirsan lafdhabarla’da, oo ka kooban gooryaan
suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh
ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis
dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu
u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen
sahlan oo af mooye aan futo lahayn.
Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin
isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo
faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.
balaayo m.dh ld belaayo.
balac¹ m.l (-cyo, m.dh) 1. Daymo, milicsi.
2. B. ka sii/b. ku sii: bal fiiri!
balac² m.dh (-cyo, m.dh) Dugaagad ballaaran,
xardhan oo macdan ka samaysanoo
haweenka ku xarragoodaan.
balacsad m.l ld balacsasho.
balacsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax shilis oo
hilib isla’eg leh ahaansho (nafley).
balacsanaan m.l/dh eeg balacsan. ld
balacsanaansho.
balacsanaansho m.l/dh ld balacsanaan.
balacsasho m.f.dh eeg balacso. ld balacsad,
balacsi.
balacsi m.l ld balacsasho.
balacso f.g3 (-saday, -salay) Daymoo; dhugo;
milicso; ilkuxad.
balaf m.dh War aan la hubin oo cidda sheegtay
aan la aqoon.
bąlaf¹ m.l Neef xoolo ah oo biyo diido;
biyodiid.
bąlaf² f.g1 (-lfay, -laftay) ld bąlfi.
balafbalafsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Faruuryaha ka
b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.
balafbalafsiin m.f.dh eeg balafbalafsii.
balag¹ m.l (-gyo, m.dh) 1. Sixir meel la dhigo
si qof meel dheer jiraa uu u yimaado barta
sixirku yaallo. 2. Miraha yicibta, lebiga iwm
oo curdan ah.
balag² m.dh Buuryo; beejo.
balalo m.dh 1. Bacaroor. 2. Cudur xoolaha ku
dhaca markay daaqaan geedka balalada.
3. Xoolo ceel la keenay oo yeel la’aan awgeed
baryo lagu waraabshey.
balaloo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku b.:
yalaalugo dareemid.
balalood m.f.l eeg balaloo.
balambaallis m.dh Cayayaan afar baal oo
waaweyn, xardhan oo qurxoon leh;
baalleybaro.
balambal¹ m.l 1. (balambal, m.dh) Geed gaab
dhirta daawada leh ka mid ah oo leh caleemo
balballaaran, miro yaryar oo kuuskuusan iyo
laamo jilicsan oo jabi og; geed-jinni. 2. ld
balaambalid.
balambal² f.mg1 (-alay, -ashay) ld balaambal².
balambalid m.f.dh ld balaambalid.
balambam m.l (kiim.) Summad: Pb. Curiye
cufan oo bir jilicsan ah, midabkiisuna yahay
boor furan. Waa curiyaha shanaad ee ururka
IV ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa uu
ku jiraa macdan kala duwan, hasayeeshee,
waxyar ayaa dhaqaale ahaan waxtar leh.
Kuwa ugu muhumsani wa a galiina (Pbs),
angalisayt (Pbso), litaraj (Pbo), iyo siirusayt
(PbCO ).
balanbalo m.dh ld balbalo.
balanqo m.dh (-ooyin, m.l) Goodir dheddig.
balaq¹ m.l (-qyo, m.dh) 1. Cad yar oo hilib ah
oo aan waxtar lahayn. 2. Cad hilib ah oo
meel ka lusha. 3. Afka b. ha igu siin: ha ila
hadlin!
balaq² f.mg1 (-qay, -qday) Balaq noqosho
(qof).
balaqid m.f.dh eeg balaq².
balaqoobid m.f.dh eeg balaqow.
balaqow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax
balaq ah noqosho (hilib).
balaqsad m.l ld balaqsasho.
balaqsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax balaq ah
ahaansho.
balaqsanaan m.f.dh eeg balaqsan. ld
balaqsanaansho.
balaqsanaansho m.l/dh ld balaqsanaan.
balaqsasho m.f.dh eeg balaqso. ld balaqso,
balaqsi.
balaqsi m.l ld balaqsasho.
balaqso f.g3 (-saday, -satay) Carrabka wax ku
cabbid (eyga iwm).
balashi m.dh Diyaafad ama martiqaad weyn oo
marti sharaf loo sameeyo.
balaslayn m.f.dh eeg balaslee.
balaslee f.mg2 (-leeyay, -laysay) Si aan
degganeyn u socosho (haween).
ballanqaad¹
59
balbal f.mg1 (-alay, -ashay) Cabsi la gariirid.
balbalayn m.f.dh eeg balbalee.
balbalee f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax, balbalo u
yeelid.
balbalid m.f.dh eeg balbal.
balbalo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Meel dhisan oo
kor ka dadan, dhinacyadana ka furan oo wax
lagu iibsado. 2. Dhismo yar oo la harsado oo
guriga hortiisa lagu dhiso. ld balanbalo.
baldaaq m.l Xilliga beeraha laga goosto miraha
oo ku beegan dhammaadka guga ama
dayrta, oo xoolaha lagu daayo balka.
baldhoole m.l.u Caws dhaadheer, caleemo
adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga
sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka
leh.
balfi f.g2 (-iyay, -isay) Ul ama waran iwm oo
la soo riday ama tumaati ah iska weecin.
bąlfi f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo, biyo iwm diidid
(xoolo). ld bąlaf².
balfid m.dh ld bąlfin.
balfin m.f.dh eeg balfi. ld balfis.
bąlfin m.f.dh eeg bąlfi. ld balfid, bąlfis.
balfis m.l ld balfin.
bąlfis m.l ld bąlfin.
balki fk. Halqabsi ahaan, tusaale ahaan,
bilmesel.
ballaa m.l Indha la’.
ballaar m.l ld ballac.
ballaarad m.l ld ballaarasho.
ballaaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax ballac
weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah
ahaansho (dhul, weel iwm).
ballaarasho m.f.dh eeg ballaaro. ld ballaarnaan.
ballaari f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax ballac
leh ka dhigid. 2. Wax, wax waasac ah ka
dhigid.
ballaarin m.dh (xis.) Isqaad joometiriyeed ee
soo saara humaag ka weyn (ka yar haddii
iskeelka la qaatay uu ka yaryahay 1).
Haseyeeshe u eg, qaabka asalka ah (eeg
isqaad). Sida kale waa weynayn iyo yareyn
shaxan joometari.
ballaarin m.f.dh eeg ballaari.
ballaarnaan m.f.dh eeg ballaaran. ld
ballaarnaansho.
ballaarnaansho m.l/dh ld ballaarnaan.
ballaaro f.mg3 (-rtay, -ratay) Wax ballaaran
noqosho.
ballaarsad m.l ld ballaarsasho.
ballaarsasho m.f.dh eeg ballaarso. ld ballaarsad,
ballaarsi.
ballaarsi m.l ld ballaarsasho.
ballaarso f.g3 (-saday, -satay) 1. Dhul iwm
cabbirkooda kordhisasho. 2. Wax ballaciisa
weyneysasho.
ballaas m.l (-syo, m.dh) Nooc ka mid ah
noocyada ashuumada waaweyn.
ballac m.l (-cyo, m.dh) Wax jir leh saddexdiisa
cabbir (dherer, ballac, qoddo) midkood. ld
ballaar.
ballad m.dh Hees hawleed la qaado marka
xargaha iyo shabaagta la samaynayo.
ballami f.g2 (-iyay, -isay) Cid, ballan u dhigid.
ballamid m.f.dh eeg ballan². ld ballan¹.
ballamin m.f.dh eeg ballami.
ballan¹ m.l (-ammo, m.dh) 1. Arrin laba qof
ama ka badan meel marinteeda ku heshiyaan
in ay meel mariyaan. 2. Nooc bariidka
waaweyn ka mid ah, oo macaan. 3. Neef
indhaha beelay.
ballan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Arrin laba
qof ama ka badan meel marinteeda ku
heshiin.
ballanbaaji f.mg2 (-iyay, -isay) Cid, ballan ay
dhigtay ka maqnaan.
ballanbaajin m.f.dh eeg ballanbaaji. ld
ballanbaajis.
ballanbaajis m.l ld baallanbaajin. ballandaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan
ballan lahayn ahaansho (qof).
ballandarnaan m.f.dh eeg ballandaran. ld
ballandarnaansho, ballandarri,
ballandarro.
ballandarnaansho m.l/dh ld ballandarnaan.
ballandarri m.dh ld ballandarnaan.
ballandarro m.dh ld ballandarnaan.
ballandhigad m.l ld ballandhigasho.
ballandhigasho m.f.dh eeg ballandhigo. ld
ballandhigad.
ballandhigo f.mg3 (-gtay, -gatay) Qof ballan
la dhigasho, la yeelasho.
ballanfur¹ m.l Ka bixidda ballan horey loo
dhigtay. ld ballanfurid.
ballanfur² f.mg1 (-ray, -rtay) Ballan horey loo
dhigtay ka bixid.
ballanfurid m.f.dh eeg ballanfur². ld
ballanfur¹, ballabfuryo.
ballanfuryo m.dh ld ballanfurid.
ballangal¹ m.l ld ballanqaad¹.
ballangal² f.mg1 (-alay, -ashay) ld ballanqaad².
ballangelid m.f.dh ld ballanqaadid.
ballanqaad¹ m.l (-dyo, m.dh) 1. Caddeynta
cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan
meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi
ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la
soo dalbaday. ld ballangaal¹.
ballanqaad²
60
ballanqaad² f.g1 (-day, -dday) Wax lagu
heshiiyay ama lays faray ballanteeda qaadid.
ld ballangal².
ballanqaadid m.f.dh eeg ballanqaad². ld
ballangelid, ballanqaadis.
ballanqaadis m.dh ld ballanqaadid.
ballansan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ballan loo
dhigay ahaansho.
ballansanaan m.f.dh eeg ballansan. ld
ballansanaansho.
ballansanaansho m.l/dh ld ballansanaan.
ballaq¹ m.l ld balliqid.
ballaq² f.g1 (-qay, -qday; -liqi) 1. Albaab,
dariishad iwm wada furid. 2. Arrin wax ka
qabashadeeda cid u dhigid. Tus. “Maxamed
arrinti wuxuu u ballaqay maxkamadda”.
ballaqan¹ f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) Wax
wada furan noqosho (albaab, dariishad iwm).
ballaqan² f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax wada
furan ahaansho (albaab, dariishad iwm).
ballaqid m.f.dh ld balliqid.
ballaqmid m.f.dh eeg ballaqan¹.
ballaqnaan m.f.dh eeg ballaqan². ld
ballaqnaansho.
ballaqnaansho m.l/dh ld ballaqnaan.
ballayn m.f.dh eeg ballee. ld ballaysimo,
ballaysin, billayn, billaysimo, billay
ballaysimo m.dh ld ballayn.
ballaysin m.l ld ballayn.
ballee f.g2 (-leeyay, -laysay) Ilmo markaa
dhashay booqashadiisa ugu horrayn
(dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas
dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas
hore). ld billee.
balli m.l (balli /-iyo, m.dh) Biyo fariisin
dabiici ah, yara godan oo roobku biyeeyo.
balliqid m.f.dh eeg ballaq². ld ballaq¹,
ballaqid.
balool m.l Dhul xaaluf ah oo aad loo degay.
balooley m.dh Jaad ka mid ah ciyaaraha saarka.
baloolley m.dh 1. Gabar yar oo markaas
timihii loo reebay oo aan weli inan noqon.
2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha
laga liso marna diiddo.
balow m.dh.sh.r B. dheh: baw dheh.
bąlow¹ m.l 1. Cod dheer oo lo’da, geela, dadka
iwm sameeyaan marka ay la kulmaan dareen
ay dhibsanayaan. 2. ld balwid.
bąlow² m.l Geed mirood biyo ka batay awgeed
aad u weynaaday oo aan miro dhalin.
bąlow³ f.mg1 (-lway, -lowday; -lwi) Cabsi
ama xanuun dartiis la qaylin.
balqami f.g2 (-iyay, -isay) Nafley, balqan ka
keenid.
balqamin m.f.dh eeg balqami. ld balqamis.
balqamis m.l ld balqamin.
balqan m.l Xab jiidma oo laabta ka soo go’a oo
afka ka yimaada marka la cadayo.
balqan-keene m.l (-nayaal, m.l/dh) (daaw.)
Dawo badinaysa sii deynta calyada ee
neefmareennada taaso sahleysa qufaca.
Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca;
waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta
dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.
balqasho m.f.dh eeg balqo.
balqi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hoore weel ka
buuxa in yar ka daadin. 2. Is b.: wax suuxsan
iska dhigid.
balqin m.f.dh eeg balqi.
balqo f.mg3 (-qaday, -qatay) Hoore weel ka
buuxa in yar ka daadasho.
balwad m.dh (-do, m.l) 1. Caado xun,
waxyeello leh oo aan si sahlan lagu dhaafi
karin. 2. Balwo.
balwee f.mg2 (-eeyay, -eysay) Balwo ku
luuqeyn.
balweyn m.f.dh eeg balwee.
balwid m.f.dh eeg bąlow³. ld bąlow¹ (2).
balwo m.dh 1. Heeso hore oo lagu tumi jirey
kaban, daf iyo foori. ld balwad (2), belwo.
balxad m.l ld balxasho.
balxasho m.f.dh eeg balxo. ld balxad.
balxo f.mg3 (-xaday, -xatay) Cabbitaan laga
dhergey ku noqnoqosho (dad); biyo badan,
had iyo goor cabbid (xoolo); biyo
durdurasho.
bambaani f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid si naxariis
iyo xushmad leh u kaalmeyn. 2. Iska b.: cid,
wax ay dhibsaneyso is ka ilaalin.
bambaanin m.f.dh eeg bambaani.
bambaano m.dh (-ooyin, m.l) Nooc hubka ka
mid ah, qaabab kala duwan leh oo wax lagu
qarxiyo marka la tuuro. ld bambo, banaano,
bombo, bumbo.
bamban m.l (-nno, m.dh) Nooc hubka ka mid
ah oo leh lugo loo fidsho, xabbaduhuna ay
darandoori uga dhacaan. ld babban.
bambas m.l (-syo, m.dh) ld dambas.
bambasayn m.dh ld dambasayn.
bambasee f.g2 (-seeyay, -seysay) ld dambasee.
bambasoobid m.dh ld dambasoobid.
bambasow f.mg1 (-ooway, -oowday) ld
dambasow
bambax¹ m.l 1. Isugu imaanshaha ay dad
badan oo ujeeddo gaar ah lihi isugu
yimaadaan meel fagaare ah. 2. ld bambixid.
ld bannaambax¹.
bambax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Fagaaro
isugu imaansho si ujeeddo loo fuliyo (dad
badan). ld bannaambax².
banji-bishiish
61
bambiiro m.dh 1. Shey jilicsan, ramal ka
sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala
duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko
dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka
samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka
laga gashado. ld ambiiro.
bambixid m.f.dh eeg bambax². ld bambax¹,
bannaambax¹, bannaambixid.
bambo m.dh ld bambaano.
bamgaree f.g2 (-reeyay, -reysay) Meel bumbo
la dhicid. ld bangaree, bongaree, bungaree.
bamgareyn m.f.dh eeg bamgaree. ld
bangareyn, bongareyn, bungareyn.
ban¹ m.l (-nan, m.l) Dhul bannaan oo aan
dhir la hargalo lahayn.
ban² m.dh Saxarro jilicsan; shuban.
banaadiiq m.dh.w eeg buntuq. ld banaatiiq.
banaag m.l Dabaqad; nooc; koox ka kooban
dad ama waxyaabo kale oo ay wadaagaan
astaamo u gaar ah.
ba’naan m.f.dh eeg ba’an. ld ba’naansho.
banaanadi f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Qof
nafley kale legdid. Tus. “Cali baa Xasan dibir
ku banaanadiyey”. 2. (f.mg) Leegleegsasho.
banaanadin m.f.dh eeg banaanadi. ld
banaanadis.
banaanadis m.l ld banaanadin.
ba’naansho m.l/dh ld ba’naan.
banaatiiq m.dh.u eeg buntuq. ld banaadiiq.
banaaxi¹ m.l ld banaaxiyid.
banaaxi² f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Lo’
barwaaqo joogto ciyid. ld bunaaxi²,
bunnaahi².
banaaxin m.dh ld banaaxiyid.
banaaxiyid m.f.dh eeg banaaxi². ld banaaxi¹,
banaaxin, bunaaxi¹, bunaaxin, bunaaxis
banaaxo m.dh Cida ay lo’du sameyso kolkay
barwaaqo joogto. ld bunaaxo, bunnaaho.
banbaano m.dh (-ooyin, m.l) ld bambaano.
bandar m.l ld bender.
bandhig¹ m.l 1. Keenidda meel fagaare ah
wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed
iwm si loo daawado. 2. ld bandhigid, bandhig² f.g1 (-gay, -gtay) Alaab ganacsi ama
faneed iwm meel fagaar ah dadweynaha ugu
dhigid.
bandhigan f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax la
bandhigay ahaansho (alaab).
bandhigid m.f.dh eeg bandhig². ld bandhig¹
(2).
bandhignaan m.f.dh eeg bandhigan. ld
bandhignaansho.
bandhignaansho m.l/dh ld bandhignaan. bandiirad m.dh (-do, m.l) Cad maro ah oo
midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan
u ah qarannimada ummadeed; calan. ld
bandiiro.
bandiiro m.dh ld bandiirad.
bandoo m.l ld bandow.
bandow m.l Amar dowladeed oo ku
xukumayo dad magaalo deggan inaanay isu
socon waqti go’an nabadgalyo awgeed. ld
bandoo.
banduul m.l Meel doonyaha dhexdooda ku
taal oo loo sameeyo inay biyuhu ku soo
uruuraan si looga dhuro.
banfadhi m.l.kh (-iyo, m.dh) ld danfadhi.
banfariisad m.l ld danfariisasho.
banfariisasho m.l/dh ld danfariisasho.
banfariisi¹ m.l ld danfariisi¹.
banfariisi² f.g2 (-iyay, -isay) ld danfariisi².
banfariiso f.mg3 (-stay, -satay) ld danfariiso.
bangalo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Guri dhul weyn
ku fadhiya, si qurux badan u dhisan,
baabuurta dhex geli karto oo dhiri ku
tallaalantahay. 2. Dhismo hareeraha ka guran
oo guryaha hortooda ama dushooda lagu
dhiso oo lagu leersado.
bangaree f.g2 (-reeyay, -reysay) ld bamgaree.
bangareyn m.dh ld bamgareyn. bangeeriyaad m.l (-dyo, m.dh) Shuban ka
yimaadda qofku marka uu dhimanayo.
bangi m.l (-iyo, m.dh) ld banki.
banii-aadan m.l.u Dadka Eebehay dunida
guudkeeda ku abuuray oo dhan. ld baniiaadmi,
benii-aadan, benii-aadmi, biniiaadan

banii-aadannimo m.dh Banii-aadan ahaansho.
ld benii-aadannimo, binii-aadannimo.
banii-aadmi m.l.u ld banii-aadan.
banji m.l Geedgaab iniinahiisa lagu sakhraamo
oo leh caleemo balballaaran iyo miro
kulkulucsan, waaweyn oo dusha qodxo
jiljilicsan ku leh.
banji-bicaddaan m.l (-nno, m.dh) Dhagax
dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac ka
cad, dhinaca kalena ku leh shan dhibcood. ld
caddaan-bibiish.
banji-bidooh m.l (-hyo, m.dh) Dhagax
dubnadeed oo wejiga lagu cayaaro dhinac
labo dhibcood ku leh, dhinaca kalena ku leh
shan dhibcood. ld dooh-bibanji. banji-bijoohaar m.l (-rro, m.dh) Dhagax
dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac
afar dhibic ku leh, dhinaca kalena shan
dhibic. ld joohaar-bibanji.
banji-bisaliim m.l ld saliim-bibanji. banji-bishiish m.l (-shyo, m.dh) Dhagax
dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac
shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld
banji-biyeeg
62
biish-bishiish, shiish-bibanji, shiishbibiish.
banji-biyeeg m.l (-gyo, m.dh) Dhagax
dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro hal dhibic
ku leh, dhinaca kalena shan ku leh. ld yeeg- bibiish.
banjiyad m.dh (-do, m.dh) Dhagax dubnadeed
oo labada wejiba ku leh, shan dhibcood. ld
biishad.
banjoog m.dh.u Xayawaanka intiisa nacfiga leh
ee aan dadka la noolayn; duurjoog.
banjoogoobid m.f.dh eeg banjoogow.
banjoogow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Banjoog noqosho (xayawaan).
bankad m.dh (-yo, m.l/dh) Nooc
marwaxadaha gacanta lagu socodisiiyo ka
mid ah oo tumaaluhu dabka ku huriyo.
bankarroor¹ m.l.kh 1. B. ah: qof fulannimo
dheeraad ah ku sifoobay. 2. B. ah: cabsi
badan oo cidi dareento.
bankarroor² f.mg1 (-ray, -rtay) Cabsi badan
dareemid.
bankarroori f.g2 (-iyay, -isay) Cabsi badan cid
ku abuurid.
bankarroorid m.f.dh eeg bankarroor².
bankarroorin m.f.dh eeg bankarroori.
bankarroorsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax
bankarroor ku dhacay ahaansho.
bankarroorsanaan m.dh eeg bankarroorsan. ld
bankarroorsanaansho.
bankarroorsanaansho m.l/dh ld bankarroorsanaan.
banki m.l (-iyo/bunuug, m.dh) Maamul
xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama
layska amaahiyo, fuliyana adeegyo
maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad,
xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda
ictimadyada. ld bangi.
banmar¹ m.l 1. Cudur caaliriya candho neef
markaa dhalay oo ka yimaadda
nadaafaddarro. 2. ld banmarid.
banmar² f.mg1 (-ray, -rtay) Candho neef
markaa dhalay nadaafaddarro awgeed
caalirid.
banmari f.g2 (-iyay, -isay) Neef markaa
dhalay banmar ku ridid.
banmarid m.f.dh eeg banmar². ld banmar¹ (2).
banmarin m.f.dh eeg banmari. ld banmaris.
banmaris m.dh ld banmarin.
bannaambax¹ m.l ld bambax¹.
bannaambax² f.mg1 (-xay, -xday) ld
bambax².
bannaambixid m.dh ld bambixid.
bannaan¹ m.l 1. Dhul siman oo aan geedo iyo
buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka
dibadda ka ah.
bannaan² f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Meel siman
oo aan geedo lahayn ahaansho; meel aan wax
oollin ahaansho. 2. Wax sharciga waafaqsan
ahaansho.
bannaanaan m.f.dh eeg bannaan². ld
bannaanaansho.
bannaanaansho m.l/dh eeg bannaanow. ld
bannaan.
bannaanayn m.f.dh ld bannayn.
bannaanee f.g2 (-neeyay, -neysay) ld bannee.
bannaan-fatah m.l (jool.) Dhul siman oo webi
saaran oo ka samaysmay tuullimaadyada
xaabka webigu uu sido.
bannaanow f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Meel
aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul
siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo
midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah
noqosho.
bannayn m.f.dh eeg bannee. ld bannaanayn.
bannee f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax meel
sida waddo, irrid iwm ku gudban ka
wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka
saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka
dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan
(sharci).
bano m.dh 1. Dhaxan badan. 2. B. ah: meel
dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn.
banoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Candho neef
markaa dhalay nadaafaddarro awgeed
caalirid.
banood m.f.l eeg banoo.
banqay m.l ld banqi.
banqi m.l (-iyo, m.dh) Ceel biyo badan. ld
banqay.
bansiin m.l ld baansiin.
bantar¹ m.l.kh 1. B. ah: fal aan qiimo lahayn,
kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib
aad caato u ah oo aan la cuni karin.
bantar² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Fal aan qiimo
lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad
u caatoobid.
bantarid m.f.dh eeg bantar².
baq¹ m.l 1. Caano xumaaday oo aan la
dhammi karin. 2. ld biqid.
baq² f.mg1 (-qay, -qday; -biqi) 1. Wax
xumaaday oo aan la dhami karin noqosho
(caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.:
sharci, qawaaniin iwm wax khilaafsan
faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado
ciqaabta ay jebintiisu leedahay.
baqaal m.l (-llo, m.dh) Doonyaha safarrada
dhaadheer gala tan ugu weyn oo qaadi karta
baqtii
63
kun jawaan iyo ka badan. ld baqaalad,
baqlad.
baqaalad m.dh ld baqaal.
baqabbeenlayn m.f.dh baqabbeenlee. ld
baqabeen, baqabeenle, baqabbeeno.
baqabbeenle m.l Baqe xeeldagaal ah oo cadow
lagu dago. ld baqabbeenlayn.
baqabbeenlee f.mg2 (-leeyay, -laysay)
Baqabbeenle sameyn.
baqabbeeno m.dh ld baqabbeenlayn.
baqacarar¹ m.l Orod dheer oo ay nafleydu
sameeyso baqdin awgeed. ld baqacararid.
baqacarar² f.mg1 (-ray, -rtay) Cararid baqdin
awgeed.
baqacararid m.f.dh eeg baqacarar². ld
baqacarar¹.
baqal¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Gammaan lab oo ay
dameer iyo geenyo iska dhaleen. 2. ld bagal.
baqal² m.dh (-qlo, m.l) Gammaan dheddig oo
ay geenyo iyo dameer iska dhaleen.
baqalye m.l.u Jaad ka mid ah haadda
hilibcunka ah oo galleyrka u eg, lehna midab
ciira ah lugahana u cas. ld baqalyo, baqaye.
baqalyo m.dh.u ld baqalye.
baqas m.l Barwaaqo badan; baraare.
baqasho m.f.dh eeg baqo². ld baqe, baqo¹.
baqay m.l Dibi dhufaan ah oo shilis.
baqaye m.l.u ld baqalye.
baqaynimo m.dh Baqay ahaansho.
baqbaq m.l 1. Xabag aan saafi ahayn oo jilif,
duux iwm ku dhafanyihiin. 2. Dhegdhegga
indhaha buka ama aan nadiifka ahayn
yeeshaan; fiish, dhalxan. 3. Dalool yar oo ku
yaal albaab, dariishad iwm.
baqbeeno m.dh Subag iyo caano isku jira oo
aan weli la kala miirin.
baqdhoos m.l (-syo, m.dh) Qof aan karti
lahayn.
baqdin m.dh Dareen geesinnimo la’aaneed oo
xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha
nafleyda marka ay dareento inay nafteeda
halis ku jirto; cabsi.
baqe m.l Ka tegidda dad meel ay ku
sugnaayeen baqdin awgeed. ld baqasho.
baqid m.dh ld biqid.
baqlad m.dh (-do, m.l) ld baqaal.
baqo¹ m.l ld baqasho.
baqo² f.mg3 (-qday, -qatay) Ka b.: baqdin
awgeed meel lagu sugnaa ka tegid; wax ka
cabsasho.
baqool¹ m.l Safar duhurkii la socdo;
dhalandhool. ld baqoolid.
baqool² f.mg1 (-oolay, -ooshay) Duhur,
socod gelid. ld boqool².
baqoole m.l Socodka duhurkii la socdo. ld
baqoolid.
baqooli f.g2 (-iyay, -isay) Nafley, duhur
socodsiin. ld baqoolsii, boqooli, boqoolsii.
baqoolid m.f.dh eeg baqool². ld baqool¹,
baqoole, boqool¹, boqoole, boqoolid.
baqoolin m.f.dh eeg baqooli. ld baqoolis,
baqoolsiin, baqoolsiin, boqoolin, boqool
baqoolis m.dh ld baqoolin.
baqoolsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld baqooli.
baqoolsiin m.l ld baqoolin.
baqoolsiis m.l ld baqoolin.
baqshad m.dh (-do, m.l) Kiish yar oo xaashi
ah, xabag lagu xiro afka ku leh, qaabab kala
duwan leh oo warqadaha lagu xiro. ld
boqshad, buqshad.
baqshadayn m.f.dh eeg baqshadee.
baqshadee f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax
baqshad dhex gelin (waraaq).
baqshiish¹ m.l Hanti yar oo qof adeegay farxin
ahaan loo siiyo.
baqshiish² f.mg1 (-shay, -shtay) Qof adeegay,
farxin ahaan hanti yar siin.
baqshiishid m.f.dh eeg baqshiish².
baqti¹ m.l (-iyo, m.dh) 1. Nafley iyadoon la
birayn nafbaxday. 2. Nafley nafbaxday oo
quruntay. ld bakhti¹.
baqti² f.mg1 (-iyay, -iday, -iyi) Nafley,
iyadoon la gawracin nafbixid. ld bakhti².
baqti-afuuf¹ m.l 1. Diqsi waaweynoo aan laga
waayin meesha baqti yaal. 2. B. ah: qof wax
aan qiimo lahayn bunbuuniya. ld bakhtiafuuf¹.
baqti-afuuf² f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan
qiimo lahaayn buunbuunin. 2. Nafley aad u
liidata taakulo dheerad ah siin si ay u
noolato. ld bakhti-afuuf².
baqti-afuufid m.dh eeg baqti-afuuf². ld bakhtiafuufid.
baqtifuul m.l Duqsi waaweyn, leh midab
qurxoon oo buluug ama cagaar ah oo laga
helo meelaha waxa qurmay yaaliin. ld
bakhtifuul.
baqtiggowrac¹ m.l Colaad aad u xumaata oo
inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga
gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la
foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn
iwm); baqtiwareen. ld bakhtiggowrac¹.
baqtiggowrac² f.mg1 (-cay, -cday; -rici)
Baqtigowrac ku kicid. ld bakhtiggowrac².
baqtiggowracid m.f.dh eeg baqtiggowrac².
baqtii f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Nafley, nafta ka
goyn. 2. Nal, raadiye, dab iwm damin.
3. Nafley xannaano darreyn. 4. Xoolo, ugaar
baqtiiji
64
iwm oo nafbaxaya gawrici waayid. ld
bakhtii, bakhtiiji, baqtiiji.
baqtiiji f.g2 (-iiyay, -iisay) ld baqtii.
baqtiijin m.dh ld baqtiin.
baqtiijis m.dh ld baqtiin.
baqtiin m.f.dh eeg baqtii. ld bakhtiijiin,
bakhtiin, baqtiijiin, baqtiijis.
baqtiis m.l ld baqtiin.
baqtijiid¹ m.l Qof saqajaan ah oo aan waxba
ka xishoon. ld bakhtijiid¹. baqtijiid² f.g1 (-day, -dday) Qof si dhaqanka
iyo anshaxa ka baxsan u dilid. ld bakhtijiid². baqtijiidid m.f.dh eeg baqtijiid². ld
bakhtijiidid, bakhtijiidis, baqtijiidis.
baqtijiidis m.dh ld bakhtijiidis. baqtiquf¹ m.l B. ah: qof aan ka xishoon in uu
sheego waxyaabaha xun. ld bakhtiquf¹.
baqtiquf² f.g1 (-fay, -ftay) Qof waxyaabo xun
oo laga xishoodo sheegid. ld bakhtiquf².
baqtiqufid m.f.dh eeg baqtiquf². ld
bakhtiqufid.
baqtiwareemid m.f.dh eeg baqtiwareen². ld
bakhtiwareemid, baqtiwareen¹.
baqtiwareen¹ m.l ld baqtiwareeid.
baqtiwareen² f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi)
Baqtigowracid. ld bakhtiwareen².
baqtiyaanasiib m.l (-byo, m.dh) Ciyaar dadka
ka qeyb gala intooda nasiibka leh wax ka
helaan. ld bakhtiyaanasiib.
baqtiyid m.f.dh eeg baqti². ld bakhtiyid.
bar¹ m.l Wax laba meelood oo is le’eg loo
qaybshay, meeshood; nus. Tus. “Lacagta bar
i sii”.
bar² m.dh (-ro, m.l) 1. Goobaabin yar oo
meesha ku taal midab ka duwan leh. 2. B.
xoolaad: xoolo yar.
bar³ m.l (daaw.) Bar lagu dhasho oo meel
xaddidan ee maqaarka ah ku taal.
bar4 f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid, cilmi iyo wax
uusan aqoon aqoonsi. 2. Wax laba meelood
oo isla ‘eg u qaybin. 3. Is b.: caadaysasho.
baraacuud m.l Baro badan oo isugu jira
midabbo kala duwan.
baraag m.dh ld berked.
baraakad m.dh ld baraako.
baraakin m.dh.w Nooc ka mid ah ruuxaanta
dadka ku dhacdo.
baraako m.dh (-ooyin, m.l) Guri ka sameysan
alwaax dushana jiingad kaga dedan tahay. ld
baraakad.
baraale m.l B. leh: wax baro leh.
baraaley m.dh (-leeyo, m.l) B. leh: wax baro
leh (dheddig).
baraamitir m.l (-yo, m.dh) (fiis.)
Madoorsoome ama doorsoome kala saaraya
xaalado gaar ahaaneed ee tibaax guud ee
xisaabeed.
baraaq m.l (-qyo, m.dh) Fadhi caajisnimo ku
jirto oo in muddo ah si macnala’aan ah meel
loo fadhiyo.
baraar¹ m.l (-rro, m.dh) 1. Naylo waaweyn oo
aan dhibaato mudanayn haddii naaska
hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka
loogu xiro borosinka.
baraar² m.dh Neef lo’ ah oo leh geeso labada
dhinac u kala rogan; sheexo.
baraar³ f.mg1 (-ray, -rtay) Barwaaqo,
caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan.
baraaraysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax
baraare ku jira ahaansho.
baraaraysnaan m.f.dh eeg baraaraysan. ld
baraaraysnaansho.
baraaraysnaansho m.l/dh ld baraaraysnaan.
baraare m.l Nolol barwaaqo, caafimaad iyo
nabadgalyo leh. ld baraaro.
baraari f.g2 (-iyay, -isay) Cid baraare siin
(Eebbe).
baraarid m.f.dh eeg baraar4.
baraarin m.f.dh eeg baraari. ld baraaris.
baraaris m.dh ld baraarin.
baraarnimo m.dh Baraar ahaansho (ido).
baraaro m.dh ld baraare.
baraarshishi¹ m.l 1. Sabeen asooshay iyadoo
aan gaarin da’dii ay ku rimi lahayd. 2. ld
baraarshishiyid
baraarshishi² f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Sabeen
iyadoo aan gaarin da’dii ay ku rimi lahayd
asoolid.
baraarshishiyid m.f.dh eeg baraarshishi². ld
baraarshishi¹.
baraarug¹ m.l 1. Dareen iyo feejignaan
dheeraad ah oo arrin loo yeesho. 2. Si aan
caadi ahayn oo dhaqsi leh oo hurdo looga
koco. ld baraarugid.
baraarug² m.dh (-go, m.l) Dugaagad bir ama
maar ah oo carruurta gacanta ama lugta
loogu xiro si ayan hurdada uga soo sasin.
baraarug³ f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Qof iskiis
hurdo uga kicid. 2. Si aan caadi ahayn oo
dhaqsi leh hurdo ugu kicid. 3. Dareen iyo
feejignaan dheeraad ah arrin u yeelasho.
baraarugid m.f.dh eeg baraarug³. ld baraarug¹.
baraarugsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax
baraarugay ahaansho.
baraarugsanaan m.f.dh eeg baraarugsan. ld
baraarugsanaansho.
baraarugsanaansho m.l/dh ld baraarugsanaan. baraaruji f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid hurdo ka
toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin.
baraarujin m.f.dh eeg baraaruji. ld baraarujis.
barakicid
65
baraarujin-caafimaad m.l (daaw.) Habab
qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay
ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya
caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka
loo haysto in ay caafimaadka wax u
dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.
baraarujis m.l ld baraarujin. baraarujsanaan m.dh (taar.) Fikrado kasta,
afkaar, dareen, rajooyin, ujeeddooyin, xusuus
uu qofka ama dadka u leeyahay.
baraas m.l (-ooyin, m.l) (kiim.) Nooc kasta oo
ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa
50% tahay sink. Marka xaddiga sink la
kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu
iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda
dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed.
Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si
wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.
baraashirix m.l Midab ka kooban baro yaryar
badan, midabbo kala duwan ah oo riyuhu
yeeshaan.
barabbax (dareere) m.l (fiis.) Xaddiga
dareeraha ah ee barabaxay marka walax
idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere.
barabbax (Socod) m.l (fiis.) Isbedelka meeleed.
Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay
taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu
falayo.
barabbax¹ m.l ld barabbixid.
barabbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Barada
lagu koray ka bixid; barakac.
barabbixid m.f.dh eeg barabbax². ld barabbax¹.
barad m.l 1. Qof wax uusan aqoon
barashadooda ku jira. 2. ld barasho.
baradhacsasho m.f.dh eeg baradhacso. ld
baradhacsi.
baradhacsi m.l ld baradhacsasho.
baradhacso f.mg3 (-saday, -satay) Si kala
daadsanaan ah u fariisasho (qof).
baradho m.dh ld bataato.
baradii-ku-noole m.l (-layaal, m.l/dh) (baay.)
Waxa lagu sharxaa noolaha dabeeco ahaan
meel ku nool, ee aan la keenin meesha.
baraf m.l (-fyo, m.dh) 1. Biyo, qabow awgiis
adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u
qabow.
barafasoor m.l ld barfasoor.
barafayn m.f.dh (jool.) Daboolidda uu meel
daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf
goglan, ama barafweyne.
baraf-dhagax m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.)
Kubbado yaryar oo baraf adag ah,
dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in
ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha
kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda
duufaan wadata roob culus oo onkod iyo
hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay
leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu
uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli
kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in
miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan.
Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo
qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda;
dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
baraf-dhalaal m.l (jool.) Dariiqadda qaadidda
ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala
amase uu ku dhaco uumibax amase
barafburbur.
baraf-durduro m.l (juqr.) Cuf baraf ah oo si
tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi
dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha
sare ee barafku ku samaysmay una socda
xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga
cufisjiidadka.
barafoobid m.f.dh eeg barafow.
barafow f.mg1 (-oobay, -owday) Baraf
noqosho, aad u qaboobid.
barafuumayn m.f.dh eeg barafuumee.
barafuumaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax
barafuun marsan yahay ahaansho.
barafuumaysnaan m.f.dh eeg barafuumaysan.
ld barafuumaysnaansho.
barafuumaysnaansho m.l/dh ld barafuumaysnaan.
barafuumee f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax
barafuun marin.
barafuun m.l (-nno, m.dh) Hoore alkolo ku
jirto; carfoon, ubax iwm ka samaysan oo la
isku udgiyo.
barahaman m.l (-nno, m.dh) (dii.) Waxay ka
mid yihiin wadaaddada ugu sareeya
Hinduuga.
barakac¹ m.l ld barakicid.
barakac² f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Colaad,
faqrinnimo iwm awgeed meel uga guurid.
barakayn m.f.dh eeg barakee.
barakaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax barako
leh ahaansho.
barakaysasho m.f.dh eeg barakayso.
barakaysnaan m.f.dh eeg barakaysan. ld
barakaysnaansho.
barakaysnaansho m.l/dh ld barakaysnaan.
barakayso f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Hanti
yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar
tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka
doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid.
barakee f.g2 (-keeyay, -kaysay) 1. Wax barako
u yeelid (Eebbe). 2. Cunno wax yar ka
cunid. 3. Hanti yar tashiilid.
barakicid m.f.dh eeg barakac². ld barakac¹.
barako
66
barako m.dh 1. Wanaag loo aayo oo laga helo
wax Eebbe ku siiyey sida carruurta, xoolaha
iwm; karaamo. 2. Badasho, taran.
barakoobid m.f.dh eeg barakow.
barakow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
1. Wax barako yeelasho. 2. Wax tarmid.
baraley m.dh Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu
naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo
kala duwan leh.
barambaro m.dh Cayayaan midab bunni ah,
geeso dhaadheer iyo lababaal oo khafiif ah oo
qolof adag ku hoos jira leh oo ku nool
musqulaha iyo meelaha qashinku yaallo. ld
baranbaro.
barambarqo m.dh (-ooyin, m.l) Libaax
dheddig; gool.
baramboorri m.dh Neef geel ama lo’ ah da’
yar, oo buuran.
baran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax weel
ku jira, bar noqosho.
baran² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax weel ku
jira, bar ahaansho.
barandi m.l.u Cayaari ama khaafiyad weyn,
doonta xaggeeda dambe ku taal oo xarigga
shiraaca lagu duubo.
barannimo m.dh Bare ahaansho.
baranugul m.l ld baraqnugeyl.
baraq m.l Duub ulo jilicsan ah oo dhigaha
aqal-Soomaaliga lagu xoojiyo.
baraqnugeyl m.l ld baraqnuglaan.
baraqnuglaan m.f.dh eeg baraqnugul. ld
baraqnugeyl, baraqnuglaansho.
baraqnuglaansho m.l/dh eeg baraqnuglow. ld
baraqnuglaan.
baraqnuglow f.mg3 (-laaday, -laatay)
Baraqnugul noqosho.
baraqnugul f.mg4 (-glaa, glayd) Qof fulay ah
ama biiq ah ahaansho.
barar¹ m.l Buurashada meel jirka ka mid ah
caalir awgeed la buurato.
barar² f.mg1 (-ray, -rtay) Meel jirka ka mid ah
caalir awgeed la buurasho.
bararan f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Meel jirka ka
mid ah, wax bararay ahaansho.
barari f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barar u yeelid (meel
jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa
fadhi ah ku darid.
bararid m.f.dh eeg barar².
bararin m.f.dh eeg barari.
bararis m.l Ciir in caano dhay ah lagu daray.
barariso m.dh Cudur ku dhaca meel jirka ka
mid ah oo barariya oo aan af lahayn.
bararnaan m.f.dh eeg bararan. ld
bararnaansho.
bararnaansho m.l/dh ld bararnaan.
bararsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barar leh
ahaansho (meel jirka ka mid ah).
bararsanaan m.f.dh eeg bararsan. ld
bararsanaansho.
bararsanaansho m.l/dh ld bararsanaan,
bararsanaansho
bararshe m.l Cudur dadka ku dhaca oo wejiga
iyo oogadu la barbararto oo dab lagu
daaweeyo.
baras m.l Cudur cuncun leh, oogada dadka ku
dhaca oo caddeeya. ld barras.
barasaab m.l (-byo, m.dh) Qof dawlad u
wakiilatay in uu gobol xukumo.
barashada baali-nololeed m.dh (taar.) Cilmiga
ku saabsan nolosha dhulka dushiisa waqtigii
hore, taasoo aan ku ogaanayno barashada
lafihii hore.
barashada badweynada m.dh (juqr.) Dersidda
badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda
biyaha oo la barto dhaqaaqooda,
heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto,
dhirta iyo xayawaanka, iwm.
barashada cilmiyadii hore m.dh (taar.)
Barashada su’aalaha caamka ah, laga bilaabo
far qoriddii hore, iyo barashada
Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub
qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.
barashada foosillada m.dh (taar.) Sayniska ku
taxalluqa noolaha ciribgo’ay, asalkiisa ha
ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo
haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha.
barashada gabowga m.l (daaw.) Barashada
aqoonta ku saabsan isbeddellada ka dhaca
jirka iyo maskaxda oo la socda gabowga iyo
dhibaatooyinka la xiriira.
barashada lakabyada dhulka m.dh (ama
jiyoolojiyada da’ dhagaxeedka) (juqr.) Qayb
juqraafiga ka mid ah oo wax ka sheegta siday
isugu xigtay da’dii dhadhaabuhu
sameysmeen.
barashada unugga m.dh (baay.) Barashada
dhismaha iyo shaqada unugyada.
barasho m.f.dh eeg baro². ld barad (2).
barashuud m.l Dallaayad.
baratami f.g2 (-iyay, -isay) ld bedertami.
baratamid m.dh ld bedertamid.
baratamin m.dh ld bedertamin.
baratan¹ m.l ld bedertan¹.
baratan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld bedertan².
baratansii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld bedertami.
baratansiin m.dh ld bedertamin.
baratansiis m.l ld bedertamin.
bardiil
67
barax¹ m.l 1. B. ah: caano biyo ka yar lagu
daray. 2. Bardooddanka ay sameeyaan
xooluhu.
barax² f.g1 (-rxay, -raxday; -rxi) 1. Caano
biyo ka yar ku darid. 2. Xoolo, bardooddan
samayn.
baraxume m.l (-mayaal, m.l/dh) Nooc
libaaxbadeed ka mid ah oo xilliyada
qaarkood u soo erya kalluunka badda xeebta.
ld barixume.
barbaar¹ m.l (-rro, m.dh) Nin dhallinyaro ah
oo aan weli guursan.
barbaar² m.dh.u Dhallinyaro rag iyo naago leh
oo aan weli guursan.
barbaar³ f.mg1 (-ray, -rtay) Barbaar noqosho;
korid.
barbaari f.g2 (-iyay, -isay) 1. Barbaar ka
dhigid. 2. Jir, garaad, anshax iwm ee ubad,
dhisid; korin; tababbarid.
barbaarid m.f.dh eeg barbaar³. ld barbaaris.
barbaarin m.f.dh eeg barbaari.
barbaaris m.dh ld barbaarid.
barbaariye m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof aqoon u
leh barbaarinta dhallaanka.
barbaarnimo m.dh Barbaar ahaansho.
barbar¹ m.l (-rro, m.dh) Dhinac. ld berber¹.
barbar² f.g1 ld dardar³.
barbarafow m.l (-ro …, m.l) (fiis.) Heerkulka
hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo
isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis
beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya
hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.
barbaran f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ld dardaran².
barbarda’¹ m.l.u Daruur biyeysan oo cirka
badi ahaan qarisa.
barbarda’² f.mg1 (-‘ay, -‘day; -di’i) Roob si
aad ah u da’id.
barbardhac¹ m.l 1. ld barbartan 1. B. ah: labo
qof, koox ka badan oo tartan ku kala badin
waayey. 2. ld barbardhicid.
barbardhac² f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Labo
qof, koox ama ka badan tartan ku kala badin
waayid. ld barbarradhac².
barbardhicid m.dh eeg barbardhac². ld
barbardhac¹, barbarkadhac,
barbarkadhicid, barbar
barbardhig f.lg1 (-gay, -gtay) Labo shey ama
ka badan qiimahood, tayadooda iwm isu
eegid. ld isbarbardhig². barbardhigid m.f.dh eeg barbardhig. ld
isbarbardhigid.
barbardi’id m.f.dh eeg barbarda’².
barbarid m.dh ld dardarid.
barbarkadhac m.l ld barbardhicid.
barbarkadhicid m.dh ld barbardhicid.
barbarnaan m.dh ld dardarnaan.
barbarnaansho m.l/dh ld dardarnaan.
barbarradhac¹ m.l ld barbardhicid.
barbarradhac² f.g1 (-cay, -cday) ld barbardhac².
barbarradhicid m.dh ld barbardhicid.
barbarrayn m.f.dh eeg barbarree.
barbarree f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Dood, run
ka sheegiddeeda ka warwareegid. 2. Cid
tartan kula sinmid.
barbarro m.dh Barbarkadhac; barbardhac;
kalagurad; garbadhac.
barbartamid m.f.dh eeg barbartan².
barbartan¹ m.l ld barbardhac¹.
barbartan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Isku
barbar dhicid; kalaggurasho; kala badin
waayid.
barbax¹ m.l 1. Xilli kulul oo biyo iyo baadba
ciriiri yihiin. 2. Wax looga baxo dhibaatada
xilli kulul sida baad, raashin, biyo. 3. ld
barbixid.
barbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Ku b.:
xilli kulul oo biyo iyo baadba ciriiri yihiin
meel ku sugnaan. 2. Ka b.: dhibaato xilli
kulul ka samatabixid (nafley).
barbixi f.g2 (-yay, -say) Nafley, dhibaato xilli
kulul ka samatabixin.
barbixid m.f.dh eeg barbax². ld barbax¹ (3).
barbixin m.f.dh eeg barbixi. ld barbixis.
barbixis m.dh ld barbixin.
bardad¹ m.l Cabsi iyo naxdin weyn oo qofka
ka lumisa is hanashada. ld barkad¹, barkag¹,
berded¹, berkeg¹ (2).
bardad² f.mg1 (-day, -dday) Cabsi kediso ah
la wareerid; argaggexid. ld barkad², barkag²,
berded², berkeg².
bardadid m.f.dh eeg bardad². ld barkadid,
barkagid, berdedid, berkegid.
bardadsan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax
bardaday ahaansho. ld barkadsan,
barkagsan, berdedsan, berkegsan.
bardadsanaan m.f.dh eeg bardadsan. ld
bardadsanaansho, barkadsanaan,
barkadsanaansho, ba
bardadsanaansho m.l/dh ld bardadsanaan.
bardaq m.l Qof buuran oo jir jilicsan leh.
bardaqsan f.mg4 (-naa, -nayd) Bardaq
ahaansho (qof).
bardaqsanaan m.f.dh eeg bardaqsan. ld
bardaqsanaansho.
bardaqsanaansho m.l/dh ld bardaqsanaan.
barde m.l ld berde.
bardiil m.dh Hanti la siiyo qof awood maamul
leh si weji looga helo.
bardooddamid
68
bardooddamid m.f.dh eeg bardooddan². ld
bardooddan¹, bardootamid, bardootan¹.
bardooddan¹ m.l 1. bardootan 1. Ciyaar
farakacayaar, legdiniyo is ceyrsi leh oo
waqtiga la isaga lumiyo. 2. ld
bardooddamid.
bardooddan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami)
Ciyaar farakacayaar legdin iyo is ceyrsi leh ku
maararroobid. ld bardootan².
bardootamid m.dh ld bardooddamid.
bardootan¹ m.l ld bardoodan¹.
bardootan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld bardooddan².
bare m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof aqoon u leh
habka dadka wax loo baro, kuna shaqeeya;
macallin.
bareeg m.l Fariin.
bareer¹ m.l 1. Fal ulakac ah oo aan qarsoodi
ahayn; caddaan; kas. 2. ld bareerid. ld
bareero.
bareer² f.mg1 (-ray, -rtay) 1. U b.: fal ulakac
ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.:
si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama
shay u wajahid.
bareerid m.f.dh eeg bareer². ld bareer¹,
bareero.
bareero m.l ld bareer1 (2). bareerid.
barfasoor m.l (-rro, m.dh) 1. Qof aqoon sare
oo cilmiyeed leh. 2. Bare sare oo
jaammacadeed. ld barafasoor.
bargarasho m.f.dh eeg bargaro.
bargaro f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Nafley
muuqaalkeed garasho. 2. Fal eex iyo
qabyaalad ka muuqato cid wax ugu samayn.
bari¹ m.l Jahada ay qoraxda ka soo baxdo.
bari² m.dh 1. Cadka baruurta ah oo ka baxa
dibka idaha. 2. (-iyo, m.l) Salka dadku ku
fariisto. 3. (-iyo, m.l) Buruq.
bari³ f.g/mg1 (-ryay, -riday; -ryi) 1. (f.g) Cid
wax ay leedahay ama ka mas’uul tahay si
debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen
meel u hoyasho.
baricadde m.l Nooc ka mid ah quraanyada
waaweyn oo daba cad leh.
barid m.f.dh eeg bar³. ld baris, baritan.
baridhawr m.l (-rro, m.dh) Barkin xalleefsan
oo koore, kursi iwm layska xajiyo.
bariggo’an m.l Daruur weyn, biyo lahayn oo
aan daruur kale ka hooseyn.
bariggoo f.mg2 (-ooyay, -oysay) U b.: qof
dhaawac ah neef ida ah oo lagu baaniyo u
qalid.
bariggooyo m.dh B. ah: 1. Neef ida ah oo qof
dhaawac ah in lagu baaniyo loo qalo.
2. Hanti la siiyo qof la dhaawacay
qaansimidda ka hor.
bariggoyn m.f.dh eeg bariggoo.
barii f.g2 (-iiyay, -iisay) Habeen meel ku
nabad gelin (nafley). ld bariisii.
bariid m.l ld bariis.
bariidi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid, subax bariido
ugu tegid. 2. Cid, salaan ugu tegid.
bariidin m.f.dh eeg bariidi. ld bariidis, bariido.
bariidis m.l ld bariidin.
bariido m.dh 1. Casho baartay oo maalintii
xigtay gaartay. 2. Salaanta kolka waagu
beryo. 3. Hanti laga bixiyo gabar guur laga
doonayo oo la siiyo soddohda. 4. ld bariidin.
bariin m.f.dh eeg barii. ld bariisiin.
bariiq m.l Qolofta ku dahaaran iniinyaha
bariiska intaan la tumin.
bariir m.dh ld biriir.
bariis m.l Geed cawseed dalagga la beerto ka
mid ah dhala iniinyo yaryar oo kuwa
sarreenka ka yar oo la cuno marka la karsho.
ld bariid.
bariisasho m.f.dh eeg bariiso.
bariisii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld barii.
bariisiin m.f.dh ld bariin.
bariiso¹ m.dh 1. Waqtiga u dhexeeya qoraxsoobaxa
ilaa ay qoraxdu diirimaad dhaxanta
kiciya ka yeelato. 2. Roob da’a arooryada
hore.
bariiso² f.mg3 (-stay, -satay) Meel lagu
hoyaday ilaa diirimaadka qorraxdu dhaxanta
kiciyo ku sugnaan.
barijab m.l Meesha barida iyo bowdadu iska
galaan.
barijugle m.l Dhicidda qof barida si xoog leh
dhulka ugu dhufto. ld barijugleyn.
barijuglee f.mg2 (-leeyay, -leysay) Barida si
xoog leh dhulka ugu dhufasho.
barijugley m.dh.u Nooc cayayaanka lix
lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku
dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh
iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan;
dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.
barijugleyn m.f.dh eeg barijuglee. ld barijugle.
barimarsi m.l Dhulka ku xiga deked badeedda,
kaasoo wixi dibadda loo dhoofinayo oo
dekeddaas maraya ay ka yimaadaan, wixii
dibadda looga soo dhoofiyana ay dekeddaas
u soo maraan.
baris m.dh ld barid.
baritaar¹ m.l Xoogga lagu taakuleeyo, qof meel
sare oo aan sallaan lahayn fuulaya.
baritaar² f.g1 (-ray, -rtay) Qof si uu u fuulo
meel sare aan sallaan lahayn xoog taakuleeya
siin.
baro²
69
baritan m.l ld barid.
bariweyne m.l (-nayaal, m.l/dh) Bayd faal, oo
manjaha, iyo tan ka sarraysa min laba ka ah,
madaxa iyo tan ka hoosaysana min hal.
barixume m.l ld baraxume.
barjaho m.dh (-ooyin, m.l) Afarta jaho oo
asaasiga ah middood.
barjayn m.f.dh eeg barjee.
barje m.l (-jayaal, m.l/dh) Jabto.
barjee f.g/mg2 (-jeeyay, -jaysay) 1. (f.g)
Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo
barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.
barjimasho m.f.dh eeg barjimo.
barjimo f.mg3 (-ooday, -oofay) Ari subax xero
ku daahid.
barjo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa hore oo
kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo;
fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu
raaxeysto leh lagu qayilo.
barjooqo m.dh (-ooyin, m.l) Caanaha neef
guraya ibihiisa ku hara.
barkad¹ m.l ld barkasho.
barkad² m.dh ld bardad¹.
barkad³ f.g1 (-day, -dday) ld bardad².
barkadhac¹ m.l Muruq dadka luqunta ka gala
marka barkinta si xun u barkadaan. ld
barkindhac¹.
barkadhac² f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Barkin
si xun ugu seexasho. ld barkindhac².
barkadhicid m.f.dh eeg barkadhac². ld
barkindhicid.
barkadid m.dh ld bardadid.
barkadley m.dh ld kabarray.
barkadsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld bardadsan.
barkadsanaan m.dh ld bardadsanaan.
barkadsanaansho m.l/dh ld bardadsanaan.
barkag¹ m.l ld bardad¹.
barkag² f.mg1 (-gay, -gday) ld bardad².
barkagid m.dh ld bardadid.
barkagsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld bardadsan.
barkagsanaan m.dh ld bardadsanaan.
barkagsanaansho m.l/dh ld bardadsanaan.
barkarkareed m.dh (-dyo, m.dh) (fiis.)
Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku
le’egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo
uumibaxu ka muuqdo hoorka
dhammaantiis.
barkasho m.dh eeg barko. ld barkad¹.
barkhad m.dh Kheyr badan oo Eebbe laga
helo.
barkhadayn m.f.dh eeg barkhadee.
barkhadee f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid
barkhad siin (Eebbe).
barkhadle m.l Qasiido haweenka u gaar ah oo
la tiriyo munaasabadaha aroosyada.
barki f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid barkin
dhabanka u dhigid.
barkimo m.dh ld barkin².
barkin¹ m.l (-nno, m.dh) Qori si wanaagsan
loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la
barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah
iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto.
ld barshin.
barkin² m.dh (-imo, m.dh) Kiish maro ah oo
cudbi, isbuunyo iwm laga buuxiyo oo la
barkado. ld barkimo.
barkin³ m.f.dh eeg barki.
barkindhac¹ m.l ld barkadhac¹.
barkindhac² f.mg1 (-cay, -cday) ld barkadhac².
barkindhicid m.f.dh ld barkadhicid.
barkinwaraabe m.l Nooc jaadadka likaha ka
mid ah oo la cuno. ld barshinwaraabe.
barko f.g3 (-kaday, -katay) Wax barkin ka
dhigasho.
barlamaan m.l ld barlammaan.
barlammaan m.l 1. Urur dawladaha
dimoqraadiga ahi leeyihiin xubnahiisana
dadka ay soo doortaan, oo goo’aannada iyo
sharciyada ansixiya. 2. Xarunta ay xubanaha
baarlammaanka ku kulmaan. ld baarlamaan,
baarlammaan, barlamaan.
barmaguur m.dh (-ro …, m.l) (fiis.) Baro ku
muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna
tilmaansado astaamo walax leedahay oo la
yaqaanno. Labada baro maguur ee
muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo
barta uumiga (100 ° C).
barmid m.f.dh eeg baran¹.
barmiil m.l ld birmiil.
barnaamij m.l (-jyo, m.dh) Qoraal
tusmeynayaa hawl la qabanayo nidaamkay u
fulayso.
barnaan m.f.dh eeg baran². ld barnaansho.
barnaansho m.l/dh ld barnaan.
barni m.dh Nooc ka mid ah jaadadka timirta,
midab bunni ah leh oo faradda u eg kase
waaweyn.
barnoqod m.l (xis.) Barta ugu sarreysa ama ugu
hooseysa ee ku taalla xood, taas oo ah, bar
halka uu kulanka iska beddelo min kordhid
ilaa dhimid, ama min dhinmid ilaa kordhid,
iyo weliba taabtuhuna waa uu jiifaa. Haddii
isbeddelku yahay kordhid ilaa dhinmid waa
barta ugu sarreysa.
baro¹ m.dh 1. Degaan lagu dhasho ama lagu
dhaqmo; guri. 2. Goobta lagu cayaaro
ciyaarta xayaadka.
baro² f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Aqoon
kororsasho. 2. U b.: wax caado ka yeelasho.
barood¹
70
Tus. “Cali in uu subax walba canjeero cuno
ayuu u bartay”.
barood¹ m.l 1. ld baroodid. Baabbacada uu
geela sameeyo marka uu barwaaqeysanyahay.
2. B. ah: neef sii dhimanaya jirro awgeed.
barood² f.mg1 (-day, -dday) 1. Geel
barwaaqeysan baabbaco sameyn. 2. Neef wax
naftu markaa ka baxayso noqosho.
baroodid m.f.dh eeg barood². ld barood¹ (1),
karood¹, karoodid.
baroole m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid
ah.
barooq m.dh Mayrax la feeray oo aan weli wax
lagu samayn.
baroor¹ m.l Midab caddaan boor leh ah oo ay
farduhu yeeshaan.
baroor² m.dh 1. Qaylo dheer cataw iyo ilmo
leh oo ay haweenku sameeyaan marka ay
dhibaato la kulmaan. 2. Meseggo aan bislaan
oo sabuul ku taal.
baroor³ f.mg1 (-ray, -rtay) Oohin iyo cataw
kor ugu dhawaaqid.
baroorad m.l ld baroorasho.
baroorasho m.f.dh eeg barooro. ld baroorad.
baroordiiq¹ m.l/dh 1. Hadallo debecsan oo
waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof
dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld
baroordiiqid.
baroordiiq² f.mg1 (-qay, -qday) U b.: hadallo
debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof
dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu
tegid.
baroordiiqid m.f.dh eeg baroordiiq². ld
baroordiiq¹ (1).
baroori f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka b.: qof
baroor ka keenid. 2. Meseggo aan geedkii ku
bislaan goyn. ld baroorsii.
baroorin m.f.dh eeg baroori. ld baroorsiin.
barooro¹ m.dh 1. Quwaaxa masaggada marka
uu curdanka yahay ee aan la cuni karin.
2. Meseggo aan sabuulkeedii ku bislaan.
barooro² f.mg3 (-rtay, -ratay) Haweeney
dhibaato ay la kulantay awgeed, qaylo dheer
oo cataw iyo ilmo leh samayn.
baroorsasho m.f.dh eeg baroorso. ld baroorsi.
baroorsi m.l ld baroorsasho.
baroorsii f.mg2 (-iiyay, -iisay) ld baroori.
baroorsiin m.dh ld baroorin.
baroorso f.g3 (-saday, -satay) Meseggo aan
bislaan gurasho.
barqaceli f.g2 (-iyay, -isay) Waqti barqo ah
xoolo si loo maalo guriga dib u keenid.
barqacelin m.f.dh eeg barqaceli. ld barqacelis.
barqacelis m.l ld barqacelin.
barqagibin m.dh Saacadaha ugu horreeya
barqada.
barqalibaaxi f.mg2 (-iyay, -isay) Goor barqo
ah seexasho (nafley).
barqalibaaxin m.f.dh eeg barqalibaaxi.
barqammaal¹ m.l 1. ld barqammaalid.
Maalidda xoolaha baraqdii la maalo.
2. Waqti barqo ah oo xoolaha la maalo. 3. B.
ah: caano waqtigaa barqada ah la lisay.
barqammaal² f.g1 (-aalay, -aashay) Waqti
barqo ah, xoolo lisid.
barqammaalid m.f.dh eeg barqammaal². ld
barqammaal¹ (1).
barqanoqo f.mg3 (-qday, -qotay) Nafley
fooftay, goor barqo ah, hoygeeda dib u tegid.
barqanoqod m.l ld barqanoqosho.
barqanoqosho m.f.dh eeg barqanoqo. ld
barqanoqod
barqaqabow m.l Toddobada subaxnimo ilaa
sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu
ayan kululaan.
barqi f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo inta aan la
maalin subaxii daajin.
barqiirqiir m.dh (-ro …, m.l) (fiis.) Xaaladda
dareeraha ee wejiyada hoorka iyo neeftu ay
isku cufnaanyihiin. Markaa, dareeraha
heerkulkiisa, cadaadiskiisa iyo muggiisuba
waxa ay taaganyihiin xaalad qiirqiir.
barqimo m.dh ld barqo.
barqin¹ m.l ld barqo.
barqin² m.f.dh eeg barqi.
barqo m.dh Waqtiga u dhaxeeya subaxda iyo
harka. ld barqimo, barqin¹.
barqo-kulul m.dh Waqtiga duhurka ka
horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
barqorraxeed m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Bar
qorraxda dusheeda ah, marmarka
qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab
daruureed khafiif ah ama muraayad madow
isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay,
laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka
koobanyahay neefo ku meersan gibilka
qorraxda.
barraah¹ m.l Caws dhuudhuuban ee uu soo
saaro roobka ugu horreeya ee da’a.
barraah² f.mg1 (-hay, -hday) Dhul roobkii
ugu horreeyey ku da’ay caws dhuudhuuban
ka soo bixid.
barraahid m.f.dh eeg barraah².
barraahsad m.l ld barraahsasho.
barraahsasho m.f.dh eeg barraahso. ld
barraahsad, barraahsi, barraaqsad,
barraaqsasho, b
barraahsi m.l ld barraahsasho.
baryadilad
71
barraahso f.mg3 (-saday, -satay) In muddo ah
si caajisnimo ku jirto oo macno la’aan ah
meel u fadhiisasho. ld barraaqso.
barraaji f.g2 (-iyay, -isay) Kala b.: wax laba
qeybood oo isla’eg u kala dhambalmid.
barraajin m.f.dh eeg barraaji.
barraajis m.dh 1. Geed caleemo balballaaran
iyo miro la cuno leh oo dhulka ku faafa.
2. Geed dhulka ku faafa,leh laamo
dhaadheer oo jilicsan, caleemo balballaaran
oo khudrad ahaan loo cuno.
barraaq f.mg1 (-qay, -qday) In muddo ah si
macna la’aan meel u fadhiyid (qof).
barraaqdo m.dh Cudur bushimaha ku dhaca
oo caddeeya; biijo.
barraaqid m.f.dh eeg barraaq.
barraaqsad m.l ld barraahsasho.
barraaqsasho m.dh ld barraahsasho.
barraaqsi m.l ld barraahsasho.
barraaqso f.mg3 (-saday, -satay) ld barraahso.
barrad m.dh 1. Xarig ka mid ah xargaha
waaweyn ee doonyaha. 2. Dakhalka meesha
ugu sarreysa ee uu farmaanku ugu
xiranyahay.
barras m.l ld baras.
barriiji f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xawli ku
ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin.
2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin.
barriijin m.f.dh eeg barriiji. ld barriijis. barriijis m.dh ld barriijin.
barriin m.l Dhar ama lacag gabar guur laga
doonayo la siiyo.
barriiqasho m.f.dh eeg barriiqo².
barriiqo¹ m.dh (-ooyin, m.l) Raadka uu wax
sabiibixday dhulka ku reebo.
barriiqo² f.mg3 (-qday, -qatay) Ku b.: wax
meel sibiibix ah ku sidbasho.
barroosi m.l ld barroosin.
barroosin m.l Bir culus, afar ganood oo dib u
laaban iyo dabo daloosha oo silsilad lagu xiro
leh, oo maraakibta iyo doonyaha badda
loogu rido kolka la joojinaayo. ld barroosi.
barsad m.dh ld bersed.
barsakhan m.l/dh Barwaaqo.
barshin m.l/dh ld barkin¹.
barshinwaraabe m.l ld barkinwaraabe.
barsho m.dh Nooc ka mid ah xanjo oo laga
dhaliyo xabagbarsho.
barso m.dh ld bersed.
bartame m.l (-mayaal, m.l/dh) Bar wax labo
qeybood oo isla’eg u kala qeybisa. ld bartan.
bartan m.l ld bartame.
bartilmaameed m.l (-dyo, m.dh) 1. Calaamad
la isla wada yaqaan ama wax lagu aqoonsado.
2. Meel la isla wada yaqaan.
bartiree f.mg2 (-reeyay, -reysay) Ciyaar turub
iyadoo la hayo ka hor degid.
bartireyn m.f.dh eeg bartiree.
bartiyaqaan m.l (-nno, m.dh) Qof hantidiisa
ama camalkiisa ku dheggan oo aan sida ku
habboon uga faa’idaysan.
bartiyaqaannimo m.dh Bartiyaqaan ahaansho.
baruur m.dh Hilib intiisa aan ahayn oo
dufanka leh.
barwaaqasooran m.l Isbahaysi dhaqan
dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo
dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.
barwaaqayn m.f.dh eeg barwaaqee.
barwaaqaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax
barwaaqo ku jira ahaansho (meel ama wax).
barwaaqaysasho m.f.dh eeg barwaaqayso.
barwaaqaysnaan m.f.dh eeg barwaaqaysan. ld
barwaaqaysnaansho.
barwaaqaysnaansho m.l/dh ld barwaaqaysnaan.
barwaaqayso f.mg3 (-stay, -satay) 1. Meel
barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid.
barwaaqee f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax
barwaaqo ka dhigid.
barwaaqo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Nolol aan
cudur, gaajo iwm lahayn. 2. (w) Waqti
roobeed oo uu dhulku doogganyahay.
barwaaqoobid m.f.dh eeg barwaqow.
barwaaqow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Barwaaqo noqosho (dhul).
barxad¹ m.l ld barxasho.
barxad² m.dh (-do, m.l) 1. Goob bannaan oo
dhismayaal hareeraha ka jiraan. 2. Cad
dhulka ah, yar oo bannaan.
barxamid m.f.dh eeg barxan¹.
barxan¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax,
wax aan la nooc ahayn ku dheehmid.
barxan² f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la barxay
ahaansho (caano). 2. Wax, wax aan la nooc
ahayn ku dheehmay ahaansho.
barxanaan m.f.dh eeg barxan². ld
barxanaansho.
barxanaansho m.l/dh ld barxanaan.
barxasho m.f.dh eeg barxo. ld barxad¹.
barxid m.f.dh eeg barax².
barxo f.g3 (-xaday, -xatay) Caano, barax ka
dhigasho.
baryaddilad m.l ld baryadilasho.
baryaddilasho m.dh ld baryadilasho.
baryaddilo f.mg3 (-ishay, -ilatay) ld baryadilo.
baryaddoon m.l (-nno, m.dh) Qof sabool ah
oo kaalmo raadsasho ku jiro.
baryadilad m.l ld baryadilasho.
baryadilasho
72
baryadilasho m.f.dh eeg baryadilo. ld
baryaddilad, baryaddilasho, baryadilad.
baryadilo f.mg3 (-ishay, -ilatay) Xoolo,
calanaqsi samayn. ld baryaddilo.
baryaqaad¹ m.l Dib u raamsashada ay
sameeyaan xoolaha calanaqsada. ld
baryaqaadid.
baryaqaad² f.g1 (-day, -dday) Dib u
raamsasho sameyn (xoolo).
baryaqaadid m.f.dh eeg baryaqaad². ld
baryaqaad¹.
baryaysad m.l ld baryaysasho.
baryaysasho m.f.dh eeg baryayso. ld baryaysad,
baryaysi.
baryaysi m.l ld baryaysasho.
baryayso f.g3 (-stay, -satay) Baryo ama tuugsi
u bixid.
baryid m.f.dh eeg bari³.
baryo m.dh Si debacsan oo cid waxay leedahay
ama mas’uul ka tahay loo weyddiisto;
tuugmo
baryood m.l 1. Cunto bariday. 2. Ciir aad u
dhannaan oo aan la cabbi karin.
baryootamid m.f.dh eeg baryootan². ld
baryootan¹ (2).
baryootan¹ m.l 1. Baryo badan. 2. ld
baryootamid.
baryootan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Si
aad ah cid u baryid.
bas¹ m.l 1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof
tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo
dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas
leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku
dhammaaday oo dambas noqday.
bas² f.mg1 (-say, -stay) 1. Wax shidan dambas
noqosho. 2. Ood iwm duugnimo awgeed la
baabi’id.
basaas¹ m.dh (-siin/-syo, m.dh) 1. Qof, sir cidi
leedahay raadiya, una gudbiya cid kale oo ay
dan u tahay. 2. Qof, sir dawladeed raadiya,
una gudbiya dawlad kale; sirdoon.
basaas² m.dh Qallaylka, googgo’a iyo midab
doorsoonka ku dhaca timaha marka aan
muddo dufan la marin.
basaas³ f.g/mg1 (-say, -stay) 1. (f.g) Cid
sirteeda, cid kale oo ay dan u tahay u gudbin.
2. (f.mg) Timo aan muddo dufan la marin
qallayl, googgo’ iyo midab doorsoon la
kulmid.
basaasan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax basaasay
ahaansho (timo).
basaasid m.f.dh eeg basaas³.
basaasnaan m.f.dh eeg basaasan. ld
basaasnaansho.
basaasnaansho m.l/dh ld basaasnaan.
basaasnimo m.dh Basaas ahaansho.
basaay m.l Toogasho meel fog ah.
basal m.dh.u Khudrad ur silloon oo dhadhan
kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer
iyo buruq kuusan leh oo la cuno.
basalt m.dh (jool.) Dhadhaabo midabkeedu
madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin,
ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda
burkaanta oo qabowday ee adkaatay.
ba’san f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la bi’iyay
ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo
foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus.
“Darbiga dhiigaa ku ba’san”.
ba’sanaan m.f.dh eeg ba’san. ld ba’sanaansho.
ba’sanaansho m.l/dh ld ba’sanaan.
basanbaas¹ m.l Rafaad waxyeello weyn leh;
hoog; ba’.
basanbaas² f.mg1 (-say, -stay) Rafaad
waxyeello weyn leh la kulmid.
basanbaasi f.g2 (-iyay, -isay) Cid, basanbaas
dhaxalsiin.
basanbaasid m.f.dh eeg basanbaas².
basanbaasin m.f.dh eeg basanbaasi.
basar¹ m.l 1. Hab iyo hannaan qof bulsho uu
la noolyahay ula dhaqmo. 2. Tab iyo xeelad
qof adeegsado si uu arrin ugu xalliyo. 3. ld
basrid.
basar² f.g1 (-sray, -sartay; -sri) Wax si tab iyo
xeelad leh u xallin.
basari¹ m.dh Baali; areebo; arraajo.
basari² f.g2 (-iyay, -isay) Qof si tab iyo xeelad
leh u qancin.
basarikibir m.dh Qab iyo isla weynaan ka
muuqda haweeney baali ah.
basarin m.f.dh eeg basari².
basarlow m.l (-wyo, m.dh) Qof caqli badan oo
arrimaha si tab iyo xeelad ku jirto u xalliya.
basarxumaan m.f.dh eeg basarxun. ld
basarxumaansho, basarxumi, basarxumo.
basarxumaansho m.l/dh eeg basarxumow. ld
basarxumaan.
basarxumi m.dh ld basarxumaan.
basarxumo m.dh Hab xun oo bulshada loola
dhaqmo. ld basarxumaan.
basarxumow f.mg3 (-maaday, -maatay) Qof
aan basar wacan lahayn ahaansho.
basarxun f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof aan
basar wacan lahayn ahaansho.
basbaas m.l Geed-nagaar la beerto oo dhala
miro dhuudhuuban oo kulul oo cuntada
lagu darsado. ld bisbaas.
bash¹ m.l Guddi ka kooban shan oday oo hoos
yimaada dawladda ingiriiska.
batrool
73
bash² m.dh.sh.r 1. Biyo b. ka sii: biyo ku
firdhin. 2. Dharbaaxo b. ka sii: si kedis ah
dharbaaxo qof ugu dhufasho.
bashaash m.l (-shyo, m.dh) B. ah: nin bulshey
ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
bashaashad m.dh (-do, m.l) B. ah: qof haween
ah, bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab
furan.
bashaashnimo m.dh Bashaash ahaansho.
bashaqle m.l (-layaal, m.l/dh) (bot.) Nooc
dhirta ka mid ah, oo jirriddooda,
caleemahooda iyo jidhahoodaba dheecaan ka
buuxo. B.uhu waa dhir aad u jilicsan.
bashbash m.dh Barwaaqo badan.
bashiic m.l Meel xirnayd oo in yar la furo si
hawo ama iftiin uga soo galo. ld bishiic.
bashiican f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax
la bashiiciyey noqosho. ld bishiican.
bashiici f.g2 (-iyay, -isay) Meel xirnayd in yar
furid (albaab iwm). ld bishiici.
bashiicin m.f.dh eeg bashiici. ld bishiicin.
bashiicmid m.f.dh eeg bashiican. ld
bishiicmid.
bashiicsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la
bashiiciyey ahaansho (albaab iwm). ld
bishiicsan.
bashiicsanaan m.f.dh eeg bashiicsan. ld
bashiicsanaansho, bishiicsanaan,
bishiicsanaansho.
bashiicsanaansho m.l/dh ld bashiicsanaan.
bashiishad m.l 1. Neef la rabay in la ogaado
kolkuu dhalayo, oo cidla ku dhala. 2. Arrin
aan sidii la rabay noqon oo aan lagu
liibaanin. 3. ld bashiishasho.
bashiishasho m.f.dh eeg bashiisho. ld
bashiishad (3).
bashiishirad m.l ld bashiishirasho.
bashiishirasho m.f.dh eeg bashiishiro. ld
bashiishirad.
bashiishiro f.mg3 (-day, -tay) Si sahlan u
dhalid (nafley).
bashiisho f.mg3 (-shaday, -shatay) 1. Si
lamafilaan ah ugu dhalid meel aan la rabin
(neef). 2. Arrin sidii loo qorsheeyey si ka
duwan u dhicid.
basho m.dh (-ooyin, m.l) Mukulaal; dummad;
yaanyuuro.
bashuuqsad m.l ld bashuuqsasho.
bashuuqsasho m.f.dh eeg bashuuqso. ld
bashuuqsad, bashuuqsi.
bashuuqsi m.l ld bashuuqsasho.
bashuuqso f.g3 (-saday, -satay) Wax jilicsan
oo afka laga buuxsaday calalin.
basid m.f.dh eeg bas².
baslayn m.f.dh eeg baslee. ld basle (3).
basle m.l 1. Baadiddoon aan raad iyo baytin
midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan.
2. Wax hab la’aan lagu doono oo aan
jaangooyo hore loo dhigan. 3. ld basleyn.
baslee f.g2 (-leeyay, -laysay) Basle samayn.
baso m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa dadka
meesha ugu korraysa, dhalo, dhako.
2. Bidaar.
basoole m.l (-layaal m.l/dh) Nin madaxa
bidaar ku leh.
basowti m.l (basowti/-iyo, m.dh) Nafley
buuran oo aan tabar lahayn.
basowtinnimo m.dh Basowti ahaansho.
basrid m.f.dh eeg basar². ld basar¹.
bastoolad m.dh (-do, m.l) Hubka fudud nooc
ka mid ah, xabbado ka dhacaan, jeebka lagu
qaadan karo oo gacanta laga rido. ld
baastoolad.
bastooreyn m.dh (daaw.) Kululeynta caano
ilaa kulku gaaro 65°C oo lagu hayo soddon
daqiiqadood (30′), ama kulka la gaarsiiyo ila
72°C laguna hayo shan iyo toban
daqiiqadood (15′), si loo dilo baktiiriyada ay
ka mid yihiin kan qaaxada iyo kan tiifowga.
bataato m.dh Geed qudaarta la beerto ka mid
ah oo leh bari macaan oo la cuno marka la
karsho. ld baradho.
bataax m.l (-xyo, m.dh) Ciid aad u jilicsan oo
aan boor lahayn. ld batuux.
batac m.l ld butuc (1).
batacsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld butucsan.
batacsanaan m.dh ld butucsanaan.
batacsanaansho m.l/dh ld butucsanaan
batal m.l/dh (-llo, m.dh) Meel bannaan oo aan
dhir sare lahayn.
batar m.l Nooc ciyaaraha hiddaha iyo
dhaqanka ka mid ah jiib iyo sacab leh oo ay
ragga iyo dumarku wada dheelaan.
batiikh m.l Geed sida qaraha u faalala oo
yeesha miro waaweyn oo cillaan ah oo la
cunno. ld batiiq.
batiikhoobid m.f.dh eeg batiikhow.
batiikhow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Sida batiikha u bislaasho (gabar).
batiiq m.l ld batiikh.
batoojin m.l (daaw.) eeg noole jirro dhaliye.
batraamid m.f.dh eeg batraan².
batraan¹ m.l (-nno, m.dh) Kibir badan;
islaweyni.
batraan² f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami)
Kibraan noqosho.
batraannimo m.dh Kibir.
batrool m.l 1. Baansiin. 2. Saliid qaali ah, laga
qodo dhulka, loo adeegsado shidaalka
batuux
74
matoorrada oo marka la sifeeyo laga helo
nafto, baansiin, gaas iwm.
batuux m.dh ld bataax.
bawaasiir m.dh (-rro, m.dh) (daaw.)
Ballaarashada xididdada badan ee dhiiggu ka
buuxo oo ku yaal futada qarkeeda. Badanaa
waxa keena calool joogsi muddo dheer
socday ama shuban. ld baabasiir, baabusiir,
baawasiir.
bawhaar m.l Qaylo dheer.
bawis¹ m.l ld bawisid.
bawis² f.g2 (-say, -stay) Wax sida turub
shaandheyn.
bawisid m.f.dh eeg bawis². ld bawis¹.
bawlad m.dh (-do, m.l) Lacag sarrif ah oo waa
hore la isticmaali jiray oo qiimaheedu u
dhigmo rubbiyad afar meel loo dhigay
meesheed. ld bawlo.
bawlo m.dh ld bawlad.
bawne m.l Nafley bakaylaha u eg, kase yar,
qararka buuraha ku nool oo orod
bootimaaleyn ah leh; dabariyaadle.
bax f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Meel ka
tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid,
shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm).
5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm).
6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid
(ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka
b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.:
qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel
ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar).
13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku
b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid.
16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano).
17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
baxaalli m.l Hab la dhaqanka dad ee qof
leeyahay.
baxaar m.l (-rro, m.dh) Nin saaxir ah oo ku
nool hilada webiyada oo loo aqoonsanyahay
in uu xukumo yaxaasyada.
baxar m.l 1. Bad. 2. Dhibaato weyn. 3. Kuul
yaryar cadcad oo haweenku qoorta ku
xirtaan.
baxarsaaf m.l (bot.) Geed weyn, laamo
dhaadheer iyo caleemo dhuudhuuban oo
midab casuur ah leh oo meesha uu ku yaal
aysan kaneecadu imaan. ld baahirsaaf.
baxdow m.l Faras aad u dheereya oo aan
fardaha la mid ahayn ee ka baxsan. ld
baxdoy.
baxdownnimo m.dh Baxdow ahaansho (faras).
ld baxdoynnimo.
baxdoy m.l ld baxdow.
baxdoynnimo m.dh ld baxdownnimo.
baxnaan m.dh Dabeecad.
baxnaani f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax sida ay ku
dambeynayaan ka dhursugid. 2. Ilaalin (qof
bukan, xoolo, xaalad iwm).
baxnaanin m.f.dh eeg baxnaani. ld baxnaanis,
baxnaano.
baxnaanis m.l ld baxnaanin.
baxnaano m.dh Ka dhursugidda wax sida ay
ku dambeeyaan. ld baxnaanin.
baxnin m.l Shuban.
baxri m.dh 1. Dad doonyada ka shaqeeya oo
tabta iyo xeeladaha badda yaqaan. 2. Dabayl
dhanka badda ka timaadda.
baxsad m.l 1. B. ah: qof meel lagu ogaa si
sharcidarro ah uga fakaday meeshi lagu ogaa.
2. B. ah: neef xoolo ah oo ka fakaday meeshi
lagu ogaa. 3. ld baxsasho.
baxsan f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax kulansaday
qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho
(qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro,
fikir dheer iwm ay ka lumisay ahaansho
(qof). 3. Kala b.: derin iwm wax fidsan
ahaansho.
baxsanaan¹ m.f.dh eeg baxsan. ld
baxsanaansho.
baxsanaan² m.dh (daaw.) Xaalad maskaxeed
lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo
firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u
kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro
dhawaansho.
baxsanaansho m.l/dh ld baxsanaan.
baxsasho m.f.dh eeg baxso. ld baxsad (3),
baxsi.
baxshuush m.dh Bacaw.
baxshuushsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax
baxshuush hayo ahaansho.
baxshuushsanaan m.f.dh eeg baxshuushsan. ld
baxshuushsanaansho.
baxshuushsanaansho m.l/dh ld baxshuushsanaan.
baxsi m.l ld baxsasho.
baxsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld bixi.
baxsiin m.dh ld bixin.
baxsiis m.l (-yo, m.dh) 1. Ceel cusub oo
markaas la qoday. 2. Biyaha ceel cusub oo
markaas la qoday. 3. Wax kasta oo wax kale
laga soo dhex saaro. 4. ld bixin.
baxso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax meel ku
jirey kala bixid. 2. Nafley wax halis u ah ka
cararid. 3. Ka b.: nafley halis ka badbaadid.
bayaad m.l (-do, m.l) Baaxadda awrka.
bayaan m.l 1. B. ah: muuqaal si wanaagsan u
muuqda ama u qeexan. 2. War qeexan oo
aan macnihiisa shaki ku jirin; qaraar; baaq.
bayaani f.g2 (-iyay, -isay) Wax bayaan ka
dhigid.
bayrbayriyid
75
bayaanin m.f.dh eeg bayaani.
bayaxaw m.dh 1. Xiddigta u dhexeysa garbo
iyo gudban. 2. Meel bannaan oo aan dhir
lahayn. 3. Qof ama xoolo falxad ah.
bayb m.l (-byo, m.dh) Qalab ka kooban
dhuun dhuuban iyo madax kuusan oo
dhexda ka dalaloola oo tubaakada lagu
dhuuqo. ld beeb, biibbo.
baybayle m.l (-layaal, m.l/dh) ld bayrabayre.
baybaysasho m.f.dh eeg baybayso. ld baybaysi.
baybaysi m.l ld baybaysasho.
baybayso f.g3 (-saday, -satay) Waalid
sasabasho (carruur).
bayd m.dh (-do, m.l) 1. Xarig ama suun
xoolaha la rarayo ama heensaynayo
gardaadka looga xiro si uu rarka ama
koorahu gadaal ugu dhicin. 2. Gardaad.
baydaan m.l Geed weyn oo aan qodax lahayn
oo caleemo balballaaran iyo miro
kuuskuusan oo la cuno leh.
baydacar m.l Bey midab dacar ah ku
dhafanyahay.
baydad¹ m.l 1. ld beygag 1. Cabsi kedis ah oo
wax cabsi lahayn ka didda. 2. ld baydadid.
baydad² f.mg1 (-day, -dday) Cabsi badan
awgeed cararid. ld beygag².
baydadi f.g2 (-iyay, -isay) Nafley baydad ku
ridid. ld beygagi. baydadid m.f.dh eeg baydad². ld beydad¹,
beygag¹,beygagid.
baydadin m.f.dh eeg baydadi. ld beygagin. baydari m.l (-iyo, m.dh) Nin nishaabta aad u
yaqaan; hargaanti.
bayddi m.dh Barwaaqo badan.
baydi f.g2 (-iyay, -isay) Neef la rarayo bayd ku
xirid.
baydin m.f.dh eeg baydi.
baydwalaal m.l Laba bayd faal ama ka badan
oo tirada hogaha iskala eg, dhigiddana ku
kala duwan.
bayhoof¹ m.l B. ah: qof busaaradi hayso oo
baahidiisa meel uu la aado aan garanayn.
bayhoof² f.mg1 (-fay, -ftay) Qurbe dhibaato
kala kulmid; qof busaarad, rafaad iyo
dhibaato dhaqaale la kulmid.
bayhoofid m.f.dh eeg bayhoof.
bayhoofsan f.mg4 (-naa, -nayd) Cid
bayhooftay ahaansho.
bayhoofsanaan m.f.dh eeg bayhoofsan. ld
bayhoofsanaansho.
bayhoofsanaansho m.l/dh ld bayhoofsanaan.
bayid f.g1 (-day, -dday) Wax qurxin.
bayidid m.f.dh eeg bayid.
bayl¹ m.l 1. Suun ballaaran, cad oo dun ama
maqaar ka samaysan oo ay ciidamadu
qaataan. 2. B. ah: biyo aad loo karkariyay.
3. B. ah: midab aad u cad.
bayl² f.mg1 (-ylay, -yshay) Biyo aad u
karkarid.
baylah m.dh 1. Meel cidla ah oo cabsi leh.
2. B. ah: hanti aan cid ilaalisa la joogin.
baylahayn m.dh ld baylihin.
baylehee f.g2 (-leeyay, -leysay) ld baylihi.
bayli f.g2 (-iyay, -isay) Biyo aad u karkarin.
baylid m.f.dh eeg bayl².
baylihi f.g2 (-iyay, -isay) Hanti baylah ka
dhigid. ld baylehee.
baylihin m.f.dh eeg baylihi. ld baylahayn.
baylin m.f.dh eeg bayli. ld baylis.
baylis m.l ld baylin.
baylohoobid m.f.dh eeg baylohow.
baylohow f.mg1 (-oobay, -owday, -oobi)
Wax baylah ah noqosho (hanti).
baynibax¹ m.l Kibir badan.
baynibax² f.mg1 (-xay, -xday) Aad u kibrid
((qof).
baynibixi f.g2 (-iyay, -isay) Qof aad u kibirin.
baynibixid m.f.dh eeg baynibax².
baynibixin m.f.dh eeg baynibixi. ld baynibixis.
baynibixis m.l ld baynibixin.
bayoolajiga moolikiyuullada m.l (baay.)
Barashada dhismaha iyo shaqada
moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar
ahan borotiinnada iyo asiidh bu’eedyada
RNA iyo NA.
bayooloji m.l Barashada noolaha, kaas oo ay ka
mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo
dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo
tadawurkooda, abla’ablayntooda, xidhiidhka
iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
bayr¹ m.l 1. Nuxurka hadal, dood iwm ku
saleysanyahay. 2. ld bayrid.
bayr² m.dh Iin maanka iyo muruqyada
nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido
ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf;
biinan.
bayr³ f.mg1 (-ray, -rtay) Wax toos u socda
dhan u weecasho.
bayrabayre m.l Qaruhu marka uusan biseyl
gaarin dubayana ka tago; lafaweyne. ld
baybayle.
bayrac m.dh (c.nafl.) Ugaar deerada la bah ah
oo dhega balballaaran iyo midab ciiro ah leh
oo dhulka dullada ah ku nool.
bayraq m.l Calan; bandiirad.
bayrbayr¹ m.l ld bayrbayrid.
bayrbayr² f.mg1 (-ray, -rtay) Socod aan
toosnay samayn.
bayrbayriyid m.f.dh eeg bayrbayr². ld
bayrbayr¹.
bayri
76
bayri f.g2 (-iyay, -isay) Wax toos u socday,
dhinac u weecin.
bayrid m.f.dh eeg bayr³. ld bayr¹ (2).
bayrin m.f.dh eeg bayri.
baysadhabad m.l ld baysadhabasho.
baysadhabasho m.f.dh eeg baysadhabo. ld
baysadhabad.
baysadhabo f.mg3 (-btay, -batay) Socod cabsi
ku jirto socosho.
baysaqasho m.f.dh eeg baysaqo.
baysaqo f.mg3 (-qday, -qatay) Durduro iyo
bardoodan sameyn (geel).
baytammaal¹ m.l ld beytummaal¹.
baytammaal² f.g1 (-aalay, -aashay) ld
beytummaal².
baytammaalid m.dh ld beytummaalid.
bayti f.g2 (-iyay, -isay) 1. Baadi maqan
xogteeda sheegid. 2. Baadi maqan xogteeda
cid weyddiin.
baytimmaal¹ m.l ld beytimmaal¹.
baytimmaal² f.g1 (-aalay, -aashay) ld beytimmaal².
baytimmaali f.g2 (-iyay, -isay) ld
beytimmaali.
baytimmaalid m.dh ld beytimmaalid.
baytimmaalin m.dh ld beytimmaalin.
baytimmaalis m.l ld beytimmaalin.
baytin m.f.dh eeg bayti. ld baytis.
baytis m.l ld baytin.
bayuur m.dh Ceeb aad u weyn; jiciir.
bayuurayn m.f.dh eeg bayuuree.
bayuuree f.g2 (-reeyay, -raysay) Cid ceeb
weyn gaarsiin.
beb f.g1 (-bay, -btay) Ciyaar lagu tartamay,
foorooyinkood iska soo gudid.
bebid m.f.dh eeg beb.
bebsiin m.l (kiim.) Insaymyo ay dhiiqaan
unugyada ku yaalla gudaha caloosha
lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.
bed¹ m.l (-dad, m.l) Masaaxa dhul ku
fadhiiyo.
bed² m.l (-dad, m.l) (xis.) Summad A.
Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay
noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan.
Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir
labajibbaaran (m2).
bed³ m.l/dh (-do, m.l) 1. Caafimaad; ladnaan.
2. Badbaado. ld bąd.
beddel¹ m.l 1. ld beddelid. Dhaafsashada wax
wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid.
Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga
wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B.
ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo
iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii
halka uga si wato.
beddel² f.g1 (-elay, -eshay) Wax la beddelay
ka dhigid; wax wax kale ku doorin. ld
baddal².
beddelaad m.dh ld beddelid.
beddelan¹ f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax
la beddelay noqosho. ld baddalan¹.
beddelan² f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax beddel
ku dhacay ahaansho. ld baddalan².
beddelasho m.f.dh eeg beddelo. ld baddalasho.
beddelid m.f.dh eeg beddel². ld baddal¹,
baddalaad, baddalid, beddel¹ (1,2), bed
beddelmid m.f.dh eeg beddelan¹. ld
baddalmid.
beddelnaan m.f.dh eeg beddelan². ld
baddalnaan, baddalnaansho,
beddelnaansho.
beddelnaansho m.l/dh ld beddelnaan.
beddelo f.g/mg. 3 (-eshay, -elatay) 1. (f.g)
Wax, wax kale dhaafsasho. 2. (f.mg) Ka b.:
qof meel hawl ka hayey meel kale oo uu
hawshiisii ka si wato aadid.
beden m.l (-emmo /-enno, m.dh) 1. Gaadiid
badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo
lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.
beder¹ m.l ld bedrid.
beder² f.g1 (-dray, -dertay; -dri) Wax sida
faras iwm orodkooda tijaabin.
bedertami f.g2 (-iyay, -isay) Wax orod ku
tartansiin. ld baratami, baratansii,
bedertansii, beretami.
bedertamid m.f.dh eeg bedertan². ld
baratamid, beretamid.
bedertamin m.f.dh eeg bedertami. ld
baratamin, baratansiin, baratansiis,
bedertansiin,
bedertan¹ m.l Tartansiinta wax orod lagu
tartansiiyo. ld baratan¹, beretan¹.
bedertan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax
orod ku tartamid. ld baratan², beretan².
bedertansii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld bedertami.
bedertansiin m.dh ld bedertamin.
bedertansiis m.l ld bedertamin.
bedqab f.mg1 (-bay, -btay) 1. Nafley, nabad,
caafimaad iwm ku sugnaansho. 2. Wax guri
ka ahaansho.
bedqabid m.f.dh eeg bedqab. ld bedqabis.
bedqabis m.dh ld bedqabid.
bedrid m.f.dh eeg beder². ld beder¹.
beeb m.l ld bayb.
beeba m.l Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan
degaanka webiyada, gaar ahaan magaaloxeebeedyada
koonfureed (Xamar, Marka iyo
Kismaayo).
beec m.l ld biic (1).
beeci f.g2 (-iyay, -isay) ld biici.
beel³
77
beecin m.dh ld biicin.
beecis m.l ld biicin.
beecmushtar¹ m.l 1. ld biicmushtari. 2. ld
biicmushtarid.
beecmushtar² f.mg1 (-ray, -rtay) ld biicmushtar².
beecmushtari m.l ld biicmushtari.
beecmushtarid m.dh ld biicmushtarid.
beecsad m.l ld biicsasho.
beecsasho m.dh ld biicsasho.
beecsi m.l ld biicsasho.
beecso f.g3 (-saday, -satay) ld biicso.
beed m.l.u Ukun.
beedal¹ m.l ld beeddal¹.
beedal² f.mg1 (-alay, -ashay) ld beeddal².
beedalan f.mg4 (-naa, -nayd) ld beeddalan.
beedalid m.dh ld beeddalid.
beedalnaan m.dh ld beeddalnaan.
beedalnaansho m.l/dh ld beeddalnaan.
beeddal¹ m.l B. ah: Geenyo kudaal u baahan.
ld beedal¹.
beeddal² f.mg1 (-alay, -ashay) Kudaal u
baahasho (geenyo). ld beedal².
beeddalan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax kudmo
rabo ahaansho (geenyo). ld beedalan.
beeddalid m.f.dh eeg beeddal². ld beedalid.
beeddalnaan m.f.dh eeg beeddalan. ld
beedalnaan, beedalnaansho,
beeddalnaasho.
beeddalnaansho m.l/dh ld beeddalnaan.
beeg¹ m.l 1. ld beegmo. Raashinka la cuno,
sida badarka, sonkorta, timirta iwm
cabbirkooda. 2. ld beegid.
beeg² f.g1 (-gay, -gtay) 1. Suus, madaal, shood
iwm wax ku miisid. 2. Ku b.: wax, wax kale
ku toosi.
beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.) m.l (fiis.)
(B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska
oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo
cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal
ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee
xaddiyada isla beddela heerkulka iyo
cadaadiska, marka la is barbar dhigayo
astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka
heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo
cadaadis (760 mm Meerkuri ah).
beegan¹ f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax
la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale
ku toosan noqosho.
beegan² f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la
beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay
ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu
aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku
aadan ahaansho.
beegasho m.f.dh eeg beego.
beegid m.f.dh eeg beeg². ld beeg¹ (2). beegmid m.f.dh eeg beegan¹.
beegmo m.dh 1. Isla simid; iswaafaqid. 2. ld
beeg1 (1).
beegnaan m.f.dh eeg beegan². ld beegnaansho. beegnaansho m.l/dh ld beegnaan.
beego f.g3 (-gtay, -gatay) Suus, madaal, shood
iwm raashin ku miisasho.
beegsad m.l ld beegsasho.
beegsasho m.f.dh eeg beegso. ld beegsad, beegsi.
beegsi m.l ld beegsasho.
beegso f.g3 (-saday, -satay) Qof qiimo ama
dhaqaale dheeraad ah leh isla simid.
beejaggoys m.dh Xasharaad yaryar oo midab
madow leh oo sida badan buuryada ka
qaniinta wiilasha yaryar. ld buuryaggoys, buuryo-goys.
beejaqab m.l ld buuryaaqab.
beeji f.g2 (-iyay, -isay) Wax quruxdooda
muujin.
beejin m.f.dh eeg beeji.
beejo m.dh ld buuryo.
beekhaami f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax tashiilid.
2. Wax la miisayo wax yar ku kordhin.
beekhaamid m.f.dh eeg beekhaan². ld
beekhaan¹.
beekhaamin m.f.dh eeg beekhaami.
beekhaan¹ m.l 1. Badashada ay badato cunno
la karinayo. 2. Wax yar oo lagu suubiyo wax
la miisay. 3. Tashiilidda wax la tashiilo.4.ld
beekhaamid.
beekhaan² f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami)
Cunto la karinayo sida bariis iwm. tarmid;
wax badasho.
beekhaansad m.l ld beekhaansasho.
beekhaansan f.mg1 (-amay, -antay) Wax
beekhaan yeeshay ahaansho.
beekhaansanaan m.f.dh eeg beekhaansan
. ld beekhaansanaansho.
beekhaansanaansho m.l/dh ld beekhaansanaan.
beekhaansasho m.f.dh eeg beekhaanso. ld
beekhaansad, beekhaansi.
beekhaansi m.l ld beekhaansasho.
beekhaanso f.mg3 (-saday, -satay) 1. Wax
tashiilasho. 2. Wax la miisayo wax ku
kordhisasho.
beel¹ m.dh (-lo, m.l) Cid ama reero badan oo
meel wada deggan; duddo; qeyro.
beel² m.dh.u Koox dabeeci ahaan sabo ku
wada uuman, oo isugu jira sinjiyo dhir iyo
xayawaanba leh.
beel³ f.g1 (-eelay, -eeshay) Hanti ama wax
kale oo hore loo lahaa tirmid; waayid.
beelaysan
78
beelaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la
beeleeyey ahaansho.
beelaysasho m.f.dh eeg beelayso. ld beelaysi.
beelaysi m.l ld beelaysasho.
beelaysnaan m.f.dh eeg beelaysan. ld
beelaysnaansho.
beelaysnaansho m.l/dh ld beelaysnaan.
beelayso f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Qolo
kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho;
gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si
ay isu kaashadaan meel wada degsasho.
beeldaaje m.l (-jayaal, m.l/dh) Nin beel madax
u ah; ugaas; garaad; malaaq.
beelid m.f.dh eeg beel³.
beeloobid m.f.dh eeg beelow.
beelow f.g1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Cid
beel noqosho. 2. Ku b.: cid, cid kale oo ka
dhaqan duwan ku darmid.
beelyo m.dh Haadda waaweyn nooc ka mid
ah, dafadana la bah ah, midab madaw leh oo
buuraleyda ku nool.
beembeen m.dh Been waaweyn.
beembeeni f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof been ku
maaweelin. 2. Is b.: sirmid.
beembeenin m.f.dh eeg beembeeni.
been m.dh War aan run ahayn.
beenaale m.l (-layaal, m.l/dh) Nin been badan,
beenlow.
beenaaley m.dh Dheddig been badan (qof);
beenley.
beenawaas m.l ld beenhawaas.
beenayn m.f.dh eeg beenee. ld beenin.
beendabaad m.l Beenlow; beenley. ld
beendadaab.
beendadaab m.l ld beendabaad.
beendhure m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof been
badan fidiya.
beenee f.g2 (-neeyay, -naysay) Hadal la
sheegay, inuu beenyahay caddayn. ld beeni.
beenguur¹ m.l Guuridda loo guuro god aan kii
tooska ahaa ahayn si qofka kale loo
khiyaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iwm).
beenguur² f.g1 (-ray, -rtay) God aan kii
tooska ahaa ahayn u guurid si qofka kale loo
khayaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iwm).
beenguurid m.f.dh eeg beenguur². ld
beenguuris.
beenguuris m.dh ld beenguurid.
beenhawaas m.l (beenhawaas/-yo, m.dh) Nin
beenlow ah oo aad u sheeko macaan. ld
beenawaas.
beenhawaasad m.dh (-do, m.l) Haweeney
beenley ah oo aad u sheeko macaan.
beeni f.g2 (-iyay, -isay) ld beenee.
beenii-aadmi m.l ld baanii-aadan.
beenin m.f.dh eeg beeni. ld beenayn.
beenley m.dh (-leeyo, m.dh) Haweeney been
badan.
beenlow m.l (-wyo, m.dh) Nin been badan.
beenoobid m.f.dh eeg beenow.
beenow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Been
noqosho (war).
beensheeg m.l 1. B. ah: beenlow. 2. ld
beenshegid.
beensheegid m.dh Ku hadlidda qof hadal been
ah ku hadlo. ld beensheeg (2).
beeqbaaq¹ m.l Hanka qof qabo marka uu cid
hanti ka sugayo.
beeqbaaq² f.g1 (-qay, -qday) Hanti cid ka
sugid.
beeqbaaqid m.f.dh eeg beeqbaaq².
beer holac m.l (daaw.) Halaamacoodka beerka
oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo
aan cadi ahayn.
beer¹ m.l (-rar, m.l) 1. Xubin uurkujirta ah
lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu
madow guduud ku dheehanyahay ah oo
samaysa xammeetida, dhiiggana wixii
sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee
miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu
geedku ka dhasho.
beer² m.dh (-ro, m.l) Dhul la falay oo dhir,
miro, badar iwm lagu abuuri karo.
beer³ f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhul miro ku
abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku abuurid
(qof).
beer-abuur m.l (-rro, m.dh) Bilowga xiliiyada
guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu
ridayo. ld beerabuurid, beerabuuris.
beerabuurid m.dh ld beerabuur.
beerabuuris m.dh ld beerabuur.
beeraley m.dh.u Dad beeraha tacbada, kuna
nool. ld beerrey (2).
beeran¹ f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro
geedo iwm wax baxay noqosho. 2. Ku b.:
qof, dareen gaar ah ku abuurmid.
beeran² f.mg4 (-rnaa, rnayd) Miro, geedo
iwm wax dhul lagu beeray ahaansho.
beer-aqoon¹ m.l (-nno, m.dh) Qof cilmiga
beeraha aqoon u leh.
beer-aqoon² m.dh Aqoonta cilmiga beeraha.
beer-aqoonnimo m.dh Beeraqoon ahaansho.
beerasho m.f.dh eeg beero.
beercaddaad m.l 1. Daal iyo dhibaato ay
ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. ld
beercaddaansho.
beercaddaansho m.f.dh eeg beercaddow. ld
beercaddaad (2).
beercaddow f.mg3 (-daaday, -daatay) Oohin
badan, daal iyo dhibaato ka mudasho (ilmo).
beeryaro²
79
beerdulacsad m.l ld beerdulucsasho.
beerdulacsasho m.dh ld beerdulucsasho.
beerdulacsi m.l ld beerdulucsasho.
beerdulacso f.g3 (-saday, -satay) ld beerdulucso.
beerdulucsasho m.f.dh eeg beerdulucso. ld
beerdulacsad, beerdulacsasho, beerdulacsi,
beerdul
beerdulucsi m.l ld beerdulucsasho.
beerdulucso f.g3 (-saday, -satay) Qof wax laga
rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo
jiidanayo u jeedin. ld beerdulacso.
beerfal m.l ld beerfalid.
beerfalasho m.dh Hawsha beerta laga qabto si
dalag looga helo.
beerfalid m.dh Xilli haramada laga jaro beerta.
ld beerfal, beerfalis, beerfalow (2).
beerfalis m.dh ld beerfalid.
beerfalow m.l 1. Wax ka beeridda dhulka
dushiisa si looga soo saaro dalagyo. 2. ld
beerfalid.
beerfarriije m.l (-jayaal, m.l/dh) Geesi dilaa ah.
beerfuur m.l ld beergooyo.
beergooye m.l ld beergooyo. beergooyo m.dh Siinta qof ku soo biiray dad
beeralay ah oo meel wada deggan la siiyo
dhul ku meel gaar ah oo uu sii beeryo. ld
beerfuur, beergooye.
beergoys m.l Xilliga dalagga beeraha la gooyo
oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda
(jiilaal).
beeri f.g2 (-iyay, -isay) Miro sida lawska
yicibta iwm. qubka sare ka qaadid.
beerid m.f.dh eeg beer³. ld beeris.
beerin m.f.dh eeg beeri.
beeris m.dh ld beerid.
beerjilcan f.mg4 (-naa, -nayd) Qof raxmad
badan ahaansho.
beerjilcanaan m.f.dh eeg beerjilcan. ld
beerjilcanaansho, beerjileec (2).
beerjilcanaansho m.l/dh ld beerjilcanaan.
beerjileec m.l 1. Raxmad iyo debecsanaan loo
yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld
beerjilcanaan.
beerkurus m.l Cudur beerka geela ku dhaca oo
baruur u yeela.
beerkutaal m.dh 1. Galka yar ee ay xameetida
ku jirta oo beerka ku taal. 2. ld uurkutaallo.
ld beerkutaallo.
beerkutaallo m.dh ld beerkutaal.
beerlaag m.l (-gyo, m.dh) (baay.) Mid ka mid
ah labada dir ama labada dir hoosaad ee
dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda
oo hal beer leh.
beerlamaane m.l (-nayaal, m.l/dh) (baay.) Mid
ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad
ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa
iniintooda oo laba beer leh.
beerlaxawsad m.l ld beerlaxawsasho.
beerlaxawsasho m.f.dh eeg beerlaxawso. ld
beerlaxawsad, beerlaxawsi.
beerlaxawsi m.l ld beerlaxawsasho.
beerlaxawso f.g3 (-saday, -satay) Qof wax laga
rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo
jiidanayo u jeedin.
beermid m.f.dh eeg beeran¹.
beernaan m.f.dh eeg beeran². ld beernaansho.
beernaansho m.l/dh ld beernaan.
beernugeyl m.l 1. Raxmad iyo debacsanaan loo
yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld
beernuglaan.
beernuglaan m.dh eeg beernugul. ld
beernugeyl (2).
beernuglanaansho m.l/dh eeg beernuglow. ld
beernuglaan.
beernuglow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Qof raxmad badan noqosho.
beernugul f.mg4 (-glaa, -glayd) Qof raxmad
badan ahaansho.
beero f.g3 (-rtay, -ratay) Beer ka dhigasaho.
beerqaad¹ m.l ld beerqaadid.
beerqaad² f.g1 (-day, -dday) Wax si aad ah
uga helid.
beerqaadid m.f.dh eeg beerqaad². ld beerqaad¹.
beerrey m.dh 1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo
dhaqanka soomaaliyeed ka mid ah, oo leh
jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo
ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. ld
beeraley.
beersaar¹ m.l ld beersaarid.
beersaar² f.g1 (-ray, -rtay) Faras leedda ah
fuulid.
beersaarid m.f.dh eeg beersaar². ld beersaar¹,
beersaaro.
beersaaro m.dh Fuulid degdeg ah oo faras aan
koora lahayn la fuulo. ld beersaarid.
beertacab m.l Beer falow.
beerxaw m.dh Cudur caloosha ku dhaca oo
shuban xad-dhaaf ah leh.
beeryaro¹ m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin
uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo
dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur
beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro² m.l (c.daaw.) Xubin ay leeyihiin
lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha
dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan
nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa
ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo
baabi’inta walxaha qalaad. Waxay u
beesad
80
dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas,
waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro
ahaaneed.
beesad m.dh (-do, m.l) Lacag bir ah oo ka mid
ah sarrifka rubbiyadda oo u dhiganta toban
senti.
beeso m.dh.u Lacag.
beestayn m.l (-nno, m.dh) Lacag bir ah oo ka
mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal
santi, dhuruuruq. ld beesteen.
beesteen m.l ld beestayn.
beexaamid m.f.dh eeg beexaan².
beexaan¹ m.l 1. Dhammaad; idlaad. 2. Kibir.
beexaan² f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami)
1. Wax dhammaansho. 2. Qof kibrid.
beeyo m.dh Xabag udgoon, lagu uunsado oo
ka baxda geedaha meyddiga moxorka,
guraha iwm.
begel m.l ld bagal. beji f.mg2 (-iyay, -isay) ld boji.
bejiino m.dh ld bojin. bejin m.dh ld bojin. bejis m.l ld bojin.
bejiye m.dh ld bejiyo. bejiyo m.dh Digir la shiiday basbaas, toon iyo
basal lagu daray oo la dubay. ld bejiye.
bekeeri m.l ld bakeeri.
bekel m.l B. ah: qof fuley ah oo cabsi badan.
bekelnimo m.dh Bekel ahaansho.
belaayo m.dh Belo dhibaato weyn oo
xambaarsan murugo iyo tiiraanyo. ld
balaayo, belo.
belbel¹ m.l 1. Holac weyn oo dabka ka baxo
marka la shido. 2. ld belbelid. ld belel¹.
belbel² f.mg1 (-elay, -eshay) 1. Meel jirka ka
mid ah oo dhaawac ah xanfaafid. 2. Dab
holac weyn bixin. ld belel².
belbeli f.g2 (-iyay, -isay) Dab si aad ah u
holcin. ld beleli.
belbelid m.f.dh eeg belbel². ld belbel¹ (2),
belel¹, belelid.
belbelin m.f.dh eeg belbeli. ld belbelis, belelin,
belelis.
belbelis m.l ld belbelin.
beldaan m.dh.w eeg beled.
beled m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo
badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo,
waddooyin dhaadheer iwm; magaalo.
beledee f.g2 (-deeyay, -deysay) Meel beled ka
dhigid.
beledeyn m.f.dh eeg beledee.
beledeysasho m.f.dh eeg beledeyso. ld
beledeysi.
beledeysi m.l ld beledeysasho.
beledeyso f.mg3 (-stay, -satay) Qof, beled
aadid si uu ugu soo nasto.
belediyad m.dh Dawladda hoose.
belee f.g2 (-leeyay, -leysay) Wax belo ku ridid.
belel¹ m.l ld belbelid.
belel² f.g1 (-elay, -eshay) ld belbel².
beleli f.g2 (-iyay, -isay) ld belbeli.
belelid m.dh ld belbelid.
belelin m.dh ld belbelin.
belelis m.l ld belbelin.
beleyn m.f.dh eeg belee.
beleysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax beloobay
ahaansho.
beleysnaan m.f.dh eeg beleysan. ld
beleysnaansho.
beleysnaansho m.l/dh ld beleysnaan.
bellaagra m.l (daaw.) Cudur nafaqoxumo ama
nafaqodarro oo ay keento la’aanta ama
kayaraanta jirka fitamiinka la yiraahdo PP oo
ka sameysan “nikotiinika asidh”. Astaamaha:
maqaarka inta muuqda oo galdhaca, shuban
iyo qalbixumo ama qulub.
belo m.dh ld belaayo.
beloobid m.f.dh eeg below.
below f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax
belo la kulmay noqosho.
belwo m.dh ld balwo.
bender m.l (-rro, m.dh) 1. Magaalo meel xeeb
ah ku taal. 2. Beled marso leh. 3. Yoolka
ciyaarta imbiliga. ld bandar.
bengali m.l Sonkor buda ah oo laga keeni jirey
Bengaladeesh.
beni m.l (-iyo, m.dh) 1. Deyd dhagax ka
samaysan oo beeraha timirta lagu kala
qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo
qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah
lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo
tobankii beni u dhiganta hal shilin.
benii-aadan m.l.u ld banii-aadan.
benii-aadannimo m.dh ld banii-aadannimo.
benii-aadmi m.l.u ld banii-aadan.
benisiliin m.dh (daaw.) Daawo ka sameysanta
jeermiga loo yaqan “penicillum – notatum”
loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay
keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.
benned f.g1 (-day, -dday) Hawl ama ciyaar
socotay joojin.
bennedan¹ f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi)
Hawl, ciyaar iwm wax la benneday noqosho.
bennedan² f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Hawl ama
ciyaar socotay oo la joojiyey ahaansho.
bennedid m.f.dh eeg benned.
bennednaan m.f.dh eeg bennedan. ld
bennednaansho.
bennednaansho m.l/dh ld bennednaan.
bey’ad
81
bensiin¹ m.l ld baansiin.
bensiin² m.l (kiim.) Haydarokaarboon hoor ah
oo midablaawe ah, ur gaar ahna leh. B.tu
waa iskudhis sun ah; uumigeeduna wuxuu
keena waxyeello haddii isdabajoog loo neef
qaato. ld baansiin.
berber¹ m.l ld barbar¹.
berber² f.g1 (-ray, -rtay) ld dardar³.
berberan¹ f.mg1 (-ray, -rtay) ld dardaran¹.
berberan² f.mg4 (-rnaa, -rnayd) ld dardaran².
berberid m.dh ld dardarid.
berbermid m.dh ld dardarmid.
berbernaan m.dh ld dardarnaan.
berbernaansho m.l/dh ld dardarnaan.
berded¹ m.l ld bardad¹.
berded² f.mg1 (-day, -dday) ld bardad².
berdedid m.dh ld bardadid.
berdedsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld bardadsan.
berdedsanaan m.dh ld bardadsanaan.
berdedsanaansho m.l/dh ld bardadsanaan.
beretami f.g2 (-iyay, -isay) ld bedertami.
beretamid m.dh ld bedertamid.
beretamin m.dh ld bedertamin.
beretan¹ m.l ld bedertan¹.
beretan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) ld bedertan².
beretansii f.g2 (-yay, -say) ld bedertami.
beretansiin m.dh ld bedertamin.
beretansiis m.l ld bedertamin.
beri¹ m.l 1. Waqti aan xaddidnayn ee la soo
dhaafay; waa; jeer; seben. 2.(-iyo m.dh)
Dharaar iyo habeenkeeda. 3. B.ga: maanta.
beri² f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Maalin
bilaabasho, waagii baa bariyay.
beriberi m.l (daaw.) Cudur ka yimaada
cunnoxumo gaar ahaan fiitamiin B1 la’aan.
Waxuu ku badanyahay dadka badsada
cunidda badarka ama bariiska la tumay.
Kaasoo xuubka laga qaaday, xuubka waxa ku
badan fiitamiin B1.
beridhax m.l Baryidda habeen meel la baryo. ld
beridhaxmo (2).
beridhaxmo m.dh 1. Sahay ku filan hal beri oo
safar ah. 2. ld beridhax.
berisabool m.l Xilli ay dhibaato badan jirto.
berisamaad m.l (-dyo, m.dh) Waqti barwaaqo
badan oo aan dhibaato jirin.
beritalsis m.l (daaw.) Dhaqdhaqaaq mawjadda
oo kale ah oo ku socda xubnaha qaarkood ee
jirka kuma xirna rabista qofka, wuxuuna
caan ku yahay xubnaha ka sameysan muruq
wareegsan iyo muruq dherer u dhigan – sida:
xiidmaha.
beriyid m.f.dh eeg beri².
berkad m.dh ld berked.
berked m.dh (-do, m.l) Meel loo dhisay in ay
biyo galaan oo lagu kaydsado.².
berkeg¹ m.l ld bardad¹.
berkeg² f.mg1 (-gay, -gtay) ld bardad².
berkegid m.dh ld bardadid.
berkegsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld bardadsan.
berkegsanaan m.dh ld bardadsanaan.
berkegsanaansho m.l/dh ld bardadsanaan.
berri¹ m.l ld birri.
berri² m.dh.fk 1. ld berrito. Maalinta maanta
iyo saaddambe u dhexeysa. 2. B. dambe:
maalinta b. xigta, saaddambe.
berribiyood m.l.u (-yo, m.dh) Dir ka mid ah
lafdhabarleyda sida raha. Berribiyoodka waxa
lagu tiriyaa inay yihiin xayawaankii ugu
horreeyey ee lafdhabarleyda ahaa ee dhulka
ku noolaa, qaar badan oo astaamahooda ka
mid ahina waxay muujinayaan inay
qabatimeen nolosha berriga.
berridambe m.dh Maalinta markaas la joogo
ayaanteeda saddexaad oo soo socota;
saaddambe.
berrin m.l (-nno, m.dh) Meel bannaan, dhir
ku hareereysan oo degaan ku habboon, ruun.
berrito fk. ld berri² (1).
berriyeed m.l.u (-dyo, m.dh) (baay.)
Noolayaasha ku nool dhulka.
bersad m.dh ld bersed.
bersed m.dh (-do, m.l) Qeyb guriga ka mid ah
oo fadhi loogu tala galay. ld barsad, barso,
bersad, berso.
berso m.dh ld bersed.
bes m.dh 1.(ld bis) 2. Erey lagu yiraahdo
dameerka marka la doonayo in la joojiyo.
3. Erey loo jeediyo qof hawl hayey si uu u
joojiyo. 3. B.tay baan ahay: waan liitaa.
betrooliyam m.l (kiim.) Iskujir
haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka
samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha,
lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku
xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood.
Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa
kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin).
Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada
(saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo
bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor
ahaan (betrool).
bey¹ m.l Midab cad oo madow yari ku
dheehanyahay oo ay yeeshaan lo’da, fardaha
iyo riyaha.
bey² m.dh Nooc ka mid ah halaqyada
waaweyn oo leh waabaayo halis ah.
bey’ad m.dh (-do, m.l) Degaan. ld bii’ad.
beycad
82
beycad m.l Midab ciira boos ah oo caddaan
xiggeen ah oo ay yeeshaan lo’da iyo fardaha.
ld giircad.
beycas m.l Midab ciira boos ah oo casaan yar
ku dheehanyahay oo ay yeeshaan lo’da
fardaha iyo riyaha. ld beyguduud.
beyd m.l (-dad, m.l) 1. Guri; aqal. 2. Hal sadar
oo maanso ah.
beydacar m.l (-rro, m.dh) Bey midab dacar ah
ku dhafanyahay.
beygag¹ m.l ld baydadid.
beygag² f.mg1 (-gay, -gtay) ld baydad².
beygagi f.g2 (-iyay, -isay) ld baydadi.
beygagid m.dh ld baydadid.
beygagin m.dh ld baydadin.
beyguduud m.l Midab lo’aad ah, bey guduud
ku dhafanyahay. ld beycas.
beymmadow m.l Midab bey ah oo madowgu
ku badan yahay. ld giirmadow. beynaad m.dh (-do, m.l) Bir mindida u eg oo
labada dhinac af ku leh oo buntukha afkiisa
la suro.
beynajaho m.dh (-ooyin, m.l) Afarta jaho
middood.
beys m.l (kiim.) Iskudhis sii daaya ayoonka
haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milanbiyood.
Milannada beysyada ahi waxay
leeyihiin pH ka sarreeya 7.
beytalmay m.l (-aayo, m.dh) Musqul.
beytimmaal¹ m.l 1. B. ah: hanti baylah ah.
2. Keydka dhexe ee Dawladda Islaanka. ld
baytammaal¹, baytimmaal¹,
beytummaal¹.
beytimmaal² f.g1 (-aalay, -aashay) Hanti
baylihid. ld baytammaal², baytimmaal²,
beytummaal².
beytimmaali f.g2 (-iyay, -isay) Hanti baylah
ka dhigid. ld baytimmaali.
beytimmaalid m.f.dh eeg beytimmaal². ld
baytammaalid, baytimmaalid,
beytummaalid.
beytimmaalin m.f.dh eeg beytimmaali. ld
baytimmaalin, baytimmaalis,
beytimmaalis.
beytimmaalis m.l ld beytimmaalin.
beytulxaraam m.l Masjidka barakeysan ee
masaajaddada Islaanka ugu weyn oo Maka
ku yaal.
beytummaal¹ m.l ld beytimmaal¹.
beytummaal² f.g1 (-aalay, -aashay) ld
beytimmaal².
beytummaalid m.dh ld beytimmaalid.
biciid m.l Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah, leh
midab dacar ah, geeso dhaadheer oo toosan,
bogcad iyo labo diillimood oo madow oo
dhinacyada ku yaal.
bicir m.l ld dubayo.
biciriir m.l Eegitaan aan indhaha dhab loo kala
qaadin iyadoo muruqyadooda la adkaynayo
kolka aragtidoodu yartahay ama if xoog
badani ka hor yimaado.
biciriirsad m.l ld biciriirsasho.
biciriirsasho m.f.dh eeg biciriirso. ld
biciriirsad, biciriirsi.
biciriirsi m.l ld biciirsasho.
biciriirso f.mg3 (-saday, -satay) Indhaha oo
aan dhab loo kala qaadin oo muruqyadooda
la adkaynayo wax ku eegid.
bid f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax dan
moodid. 2. (f.g) Cid wax ku tuhmid.
3. (f.mg) Wax dabayl raacid.
bidaa’i m.l Bilow ah; aasaasi ah.
bidaal m.l Male aan hubaal ku dhisnayn.
bidaar¹ m.l Nin ay timaha bidaar ka gashay. ld
bidaarle, bidaarre.
bidaar² m.dh Iin madaxa ragga gasha oo
timaha hoosha ama wax yar ku reebta.
bidaarhoraad m.dh Bidaarta gasha madaxa
intiisa hore.
bidaarle m.l (-layaal, m.l/dh) ld bidaar¹.
bidaarloobid m.f.dh eeg bidaarlow. ld
bidaarroobid.
bidaarlow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Wax bidaar ghashay noqosho. ld bidaarrow.
bidaarre m.l (-rayaal, m.l/dh) ld bidaar¹.
bidaarroobid m.dh ld bidaarloobid.
bidaarrow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) ld
bidaarlow.
bidcee f.g2 (-ceeyay, -ceysay) Qof bidci ka
dhigid.
bidceyn m.f.dh eeg bidcee.
bidceysasho m.f.dh eeg bidceyso.
bidceyso f.g3 (-saday, -satay) (dii.) Wax, wax
bidco ah, tixgelin.
bidci m.l (-iyo, m.dh) (dii.) Qof ku sifoobay
dhaqanka bidcada.
bidcinnimo m.dh Bidci ahaansho.
bidco m.dh (-ooyin, m.l) (dii.) Dhaqan
diimeed cusub oo aan diinta Islaanka ka mid
ahayn oo lagu soo daro.
bidcoobid m.f.dh eeg bidcow.
bidcow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) (dii)
Qof bidcinnimo ku sifoobay noqosho.
biddad m.dh (-do, m.l) Haweeney la leeyahay
aan xor ahayn oo sidii la doono loogu
shaqeysto.
biddannimo m.dh Bidde ahaansho (qof).
biif²
83
bidde m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin la leeyahay,
aan xor ahayn oo sidii la doono loogu
shaqeysto; addoon; cabiid.
biddo m.dh (-ooyin, m.l) Bacaad yar ka
dhasha dhul geedaha laga guray.
biddood m.l.u Dad la leeyahay aan xor ahayn
oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoomo.
bidhaamid m.f.dh eeg bidhaan². ld bidhaan¹
(3).
bidhaan¹ m.l (-aamo, m.l) 1. Muqaal meel fog
laga arko. 2. Tiro aad u yar oo ari ah oo gaar
u daaqa. 3. ld bidhaamid.
bidhaan² f.mg1 (-aamay, -aantay) 1. Wax
meel fog ka muuqasho. 2. Iftiin ama dhalaal
yar meel ka birbirid.
bidhaansad m.l ld bidhaansasho.
bidhaansasho m.f.dh eeg bidhaanso. ld
bidhaansad, bidhaansi.
bidhaansi m.l ld bidhaansasho.
bidhaanso f.mg3 (-saday, -satay) Wax
bidhaantooda eegasho.
bidibidi m.dh (-iyaal, m.l/dh) Shimbir kashifta
dugaagga oo ugaarsatadu neceb tahay.
bidid m.f.dh eeg bid. ld badid.
bidix m.dh Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan
yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku
taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.
bidixee f.g/mg2 (-xeeyay, -xeysay) 1. (f.g) Wax
si hagar leh u sameyn. 2. (f.mg) Ka b.: wax
dhanka bidix ka marid.
bidixeyn m.f.dh eeg bidixee.
big m.dh 1. Sharrax, bilid, naqash, qurxin.
2. (sh.r) If, inta muuqda durbadiiba
qarsooma; bilig. 3. B. dheh: carar meel si
deg-deg ah looga tago.
bigayn m.f.dh eeg bigee. ld bigays (2). bigays m.l 1. Shaah aan caano lahayn; rinji.
2. ld bigayn.
bigee f.g2 (-geeyay, -geysay) Shaah karin.
bigil m.l (-llo, m.dh) (muus.) Qalab muusig
hawada ku shaqeeya, labada dacal ka furan,
leh daloolo sawdkeeda lagu codeeyo oo sida
badan ay ciidammadu isticmaalaan,
turumbo.
biglayn m.f.dh eeg biglee.
biglee f.mg2 (-leeyay, -laysay) Iftiin kala
googgo’an oo is daba jooga samayn.
bigrojebi f.g2 (-iyay, -isay) Gabar cadradnimo
ka bi’in.
bigrojebin m.f.dh eeg bigrojebi.
bihimbih m.l Oohin beerlaxawsi leh oo ay
siiba carruurtu sameeyaan marka ay wax
doonayaan.
bihimbihi f.g2 (-iyay, -isay) Is b.: bihimbih
samayn.
bihimbihin m.f.dh eeg bihimbihi.
bi’i f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hoog iyo dhibaato
gaarsiin; hoojin, beleyn. 2. Hawl, arrin iwm.
si gurracan u fulin. 3. “Ka bi’i”: wax meel ku
yaal ka tirid; baabi’i.
bii’ad m.dh ld bey’ad.
biibbiilayn m.f.dh eeg biibbiilee. ld biibbiile
(3).
biibbiile m.l 1. Haraatida labada addin ee
dambe iyadoo wada jira ay dameeruhu
gadaal wax ugu dhuftaan. 2. Qalab noocyo
badan leh oo carruurtu marka ay afuufaan
luuq kala duwan bixisa. 3. ld biibbiilayn.
biibbiilee f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Faras,
dameer iwm addimada dambe wax ku
haraatin.
biibbo m.dh ld bayb.
biibiile m.l (muus.) Siinbaar.
biic m.l 1. ld beec. Qiimaha wax lagu iibinayo.
2. B. ah: wax iib u yaal.
biici f.g2 (-iyay, -isay) Wax iib u raadin. ld
beeci.
biicin m.dh eeg biici. ld beecin, beecis, biicis.
biicis m.l/dh ld biicin.
biicmushtar¹ m.l ld Biicmushtari;
biicmushtarid.
biicmushtar² f.mg1 (-ray, -rtay) Ka b.: qof
badeeco iibinteeda ama gadiddeeda hawl ka
dhigasho. ld baayacmushtar²;
beecmushtar².
biicmushtari m.l (-iyo, m.dh) Qof badeeco
gadiddeeda ama iibsashadeeda hawshiisu
tahay; ganacsade. ld baayacmushtar¹ (2),
baayacmushtari, beecmushtar¹
biicmushtarid m.dh eeg biicmushtar². ld
baayacmushtar¹ (1), baayacmushtarid,
beecmushtari
biicsad m.l ld biicsasho.
biicsasho m.dh eeg biicso. ld beecsad,
beecsasho, beecsi, biicsad, biicsi.
biicsi m.l ld beecsasho.
biicso f.g3 (-saday, -satay) Wax beec u
raadsasho. ld beecso.
biid m.l 1. Wax aad u yar. 2. B. ah: xarrago
badan oo dharkiisu hab gaar ah u tolanyahay
(qof).
bi’id m.f.dh eeg ba’². ld ba’id.
biif¹ m.l 1. Biyo yar oo lagu qooyo galley,
meseggo iwm marka la tumayo ama la
shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux.
3. ld biifid.
biif² f.g1 (-fay, -ftay) 1. Badar, digir iwm oo la
tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn.
2. Caddayn, qurxin.
biif-abaar
84
biif-abaar m.l Badar biyo lagu bilbilay oo weli
qallalan.
biifane m.l Digir ama badar la dubay oo biyo
lagu bilbilay.
biifayn m.f.dh eeg biifee.
biifee f.g2 (-feeyay, -feysay) Wax, wax aad u
cad ka dhigid; qurxin.
biifid m.f.dh eeg biif². ld biif¹ (3).
biig m.l.u 1. Warqadaha turubka inta u
dhexeysa labaalaha ilaa shanlaha (ama
tobanlaha). 2. Wax qiimo sidaa ah lahayn.
biijo m.dh Cudur bushimaha ku dhaco oo
caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.
biil¹ m.l Kharash maalmeedka ama bileed;
masaruuf.
biil² f.g1 (-iilay, -iishay) Kharash maalmeed
cid bixin; masaruufid.
biilasho m.f.dh eeg biilo.
biilid m.f.dh eeg biil².
biilo f.g3 (-iishay, -iilatay) Lacag biil ka
dhigasho; masruufasho.
biimayn m.f.dh eeg biimee.
biime m.l B. ah: qof wax cabsi leh ama meel
aan nabadgelyadeedu sugnayn u bareera. ld
biimo.
biimee f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Naf, hanti
iwm biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi
leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal
ugu bareerid.
biimo m.dh ld biime.
biin m.l (-nan, m.l) 1. Qodxo bir ah, noocyo
kala duwan leh oo wax la iskula qabto.
2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u
dheereeya.
bi’in m.f.dh eeg bi’i. ld bi’is.
biinan m.l 1. Jirro maskaxeed qofka ka dhigta
mid fudud oo aan dagganayn. 2. (w) eeg biin.
biindhayn m.f.dh eeg biindhee.
biindhee f.g2 (-dheeyay, -dheysay) Ciyaar
turub, haad la degey fas yar saarid.
biindho m.dh (-ooyin, m.l) Saaridda (ciyaar
turub).
biiq¹ m.l (-qyo, m.dh) 1. Dhasha sagaarada.
2. Qof aad fuley u ah.
biiq² f.mg1 (-qay, -qday) 1. Cabsi dareemid.
2. Macluul iyo tabardarro la kulmid.
biiqid m.f.dh eeg biiq².
biir¹ m.l Nooc khamriga ka mid ah oo aan
alkolo badan lahayn.
biir² m.dh 1. Neef sun ah oo ur gaar ah leh oo
ceelasha aan muddo laga cabin marmar
yeeshaan. 2. Wax aad u khamiiray. 3. Caano
aad u dhanaan.
biir³ f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax intay ahaayeen
ka badasho. 2. Ku b.: wax tiradooda
kordhin. 3. Ku b.: cid ka mid noqosho.
biire m.l (-rayaal, m.l/dh) Nooc qalimada ka
mid ah oo khad fadhida ku jirto.
biiri f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax si tiradoodu u
badato uruurin. 2. Wax inta uu yahay wax
kale oo la nooc ah ku kordhin.
biirid m.f.dh eeg biir³. ld biiris².
biirin m.f.dh eeg biiri. ld biiris¹.
biiriqaate m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof si xishood
darro ah u qaata laaluush.
biiris¹ m.l ld biirin.
biiris² m.dh ld biirid.
biirjeex m.l (-xyo, m.dh) Qof aan dhibta ka
waaban; qof firfircoon oo aan halista ka
waaban. ld birjeex.
biirjeexnimo m.dh Birjeex ahaansho (qof). ld
birjeexnimo.
biiro m.dh Cunto, lacag iwm oo in yarba meel
laga keenay si loo siyo cid baahan.
biiroo f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax biiri
qabatay noqosho. Tus. “Cali waa biirooday”.
biiroobid m.f.dh eeg biirow.
biirood m.f.l eeg biiroo.
biirow f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax
biir leh noqosho (biyo, caano iwm).
biirqool¹ m.l Hab gaar ah oo xarig loogu xiro
qof ceel biir leh gelaya si haddii uu biiroodo
dhaqsi loogu soo saaro.
biirqool² f.g1 (-oolay, -ooshay) Qof ceel biir
leh gelaya si haddii uu biiroodo dhaqsi loogu
soo baxsho, hab gaar ah xarig ugu xirxirid.
biirqoolan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof la
biirqoolay ahaansho.
biirqoolid m.f.dh eeg biirqool².
biirqoolnaan m.f.dh eeg biirqoolan. ld
biirqoolnaansho.
biirqoolnaansho m.l/dh ld biirqoolnaan.
biirsad m.l ld biirsasho.
biirsamid m.f.dh eeg biirsan¹.
biirsan¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax
biiray noqosho.
biirsan² f.mg4 (-naa, -nayd) Wax biiray
ahaansho.
biirsanaan m.f.dh eeg biirsan². ld
biirsanaansho.
biirsanaansho m.l/dh ld biirsanaan.
biirsasho m.f.dh eeg biirso. ld biirsad, biirsi.
biirsi m.l ld biirsasho.
biirso f.g3 (-saday, -satay) Wax la kaydinayo
hadba in ku kordhisasho.
bi’is m.l ld bi’in.
biishad m.dh (-do, m.dh) Dhagax dubnadeed
oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa
bilbil²
85
dhinac min shan dhibcood ku leh. ld
banjiyad.
biish-bicaddaan m.l (-nno, m.dh) ld caddaanbibiish.
biish-bidooh m.l (-hyo, m.dh) ld doohbibanji.
biish-bijoohaar m.l (-rro, m.dh) ld joohaar- bibanji.
biish-bijoohar m.l ld joohar-bibanji. biish-bisaliim m.l (-mo, m.dh) ld saliimbibanji.
biish-bishiish m.l (-sho, m.dh) ld shiishbibanji.
biish-biyeeg m.l (-gyo, m.dh) ld yeeg-bibiish.
biitaysad m.l ld biitaysasho.
biitaysasho m.f.dh eeg biitayso. ld biitaysad,
biitaysi.
biitaysi m.l Guuguun. ld biitaysasho.
biitayso f.mg3 (-saday, -satay) Biito ciyaarid.
biito m.dh Ciyaar-carruureed fadhiga lagu
dheelo, oo inta lugaha la fidiyo, wax la tiriyo
oo qofka ay tiradaasi ku dhammaato
lugihiisa mid laabo; guunguun.
biixi m.dh (-xyo, m.l) 1. Lafaha dhaardheer oo
ad’adag oo naflayda middooda. 2. Qayb laf
ah. 3. B. ah: qof caato ah ee aad xoog u leh.
biixiweyn m.dh (-nno, m.dh) (c.nafl.)
Lafdhabarleyda berriga ku nool,
addimadooda dambe (kubka), labadiisa
lafood tan weyn.
bijaamo m.dh (-ooyin, m.l) Isku joog ka
kooban surwaal iyo shaati ka samaysan dhar
jilicsan oo la gashado marka la seexanayo.
bikaac m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo
bikaacsashada; b. dheh; b. ka sii.
bikaaco m.dh (-ooyin, m.l) (fiis.) Walax kasta
oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo
xoodan ama labada dhinacba xoodan.
Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca
dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin
dhud ileys.
bikaacsad m.l ld bikaacsasho.
bikaacsasho m.f.dh eeg bikaacso. ld bikaacsad,
bikaacsi.
bikaacsi m.l ld bikaacsasho.
bikaacso f.g3 (-saday, -satay) Kala qaadid, kala
qabasho (il iwm).
bikil¹ m.l Inta weel qaado; mug.
bikil² f.g1 (-ilay, -ishay) Weel inta uu qaado
ku shubid.
bikilan¹ f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Weel
wax buuxsamay noqosho.
bikilan² f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Weel wax la
bikilay ahaansho.
bikilid m.f.dh eeg bikil².
bikilmid m.f.dh eeg bikilan¹.
bikilnaan m.f.dh eeg bikilan². ld bikilnaansho.
bikilnaansho m.l/dh ld bikilnaan.
bikrad m.dh (-do, m.l) Inan gabarnimadeeda
qabta oo aan weli rag la gogolgelin; cadrad.
bikrajebi f.g2 (-iyay, -isay) Gabar
cadradnimada ka bi’in.
bikrajebin m.f.dh eeg bikrajebi. ld bikrajebis.
bikrajebis m.l ld bikrajebin.
bil¹ m.dh (-lo, m.l) 1. Laba iyo tobanka
qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal
iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka
dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad
qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu
sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal
islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan
daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan
u tahay dayax billaw ah oo cas.
bil² f.g1 (bilay, bishay) 1. Wax kor u qaadid
iyadoo madaxa laga sara mariyo. 2. Wax,
wax qurxoon ka dhigid.
bilaaban f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Wax la bilaabay noqosho. 2. Waqti
xaddidan qaybtiisa hore gelid. ld billaaban.
bilaabasho m.f.dh eeg bilaabo. ld billaabasho.
bilaabid m.f.dh eeg bilow². ld billaabid.
bilaabmid m.f.dh eeg bilaaaban. ld billaabmid.
bilaabo f.mg3 (-lowday, -laabatay) Bilaw
yeelasho; abuurmid; curasho. ld billaabo.
bilaale m.l (-layaal, m.l/dh) Koob yar oo sida
badan dhoob ka samaysan oo lagu cabbo
bunka.
bilaash m.l 1. Wax aan waxtar la ahayn.
2. Wax shuruud la’aan ama lacag la’aan lagu
helo.
bilaashxeyte m.l Qof isu muujiya inuu awood
u leeyahay wax uusan karti u lahayn.
bilad m.l ld bilasho.
biladdaye m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Cad dhalo
ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo
rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama
muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad.
2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada
fog soo dhoweya.
bilan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la bilay
ahaansho.
bilasho m.f.dh eeg bilo. ld bilad.
bila-yaro m.dh Uuryaro.
bilbil¹ m.l 1. Firdhinta biyo iwm sida dhibcaha
roobka meel loogu firdhiyo. 2. Nin
gabdhaha taataabta. 3. ld bilbilid.
bilbil² f.g1 (-ilay, -ishay) 1. Biyo iwm meel
sida dhibcaha roobka ugu furdhin. 2. Gabar
taabasho.
bilbilan
86
bilbilan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la bilbilay
ahaansho.
bilbilasho m.f.dh ù eeg bilbilo.
bilbilid m.f.dh eeg bilbil². ld bilbil¹ (3).
bilbilnaan m.f.dh eeg bilbilan. ld
bilbilnaansho.
bilbilnaansho m.l/dh ld bilbilnaan.
bilbilo¹ m.l 1. Koor yar bir ka sameysan oo
lo’da loo xiro; dawan. 2. Muuqaal qurux
badan.
bilbilo² f.mg3 (-ishay, -ilatay) Meel biyo ku
rusheysasho.
bilcaan m.dh ld bilcan¹.
bilcamid m.f.dh eeg bilcan².
bilcan¹ m.dh.u Haweeney la guursaday. ld
bilcaan.
bilcan² f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Bilcan ka
dhigid; guursasho.
bilcil m.l (bilcil/-llo, m.dh) Geedaha waaweyn
oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo
kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan,
caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga
sameysto.
bilcooshaan m.dh Nooc ka mid ah maryaha
xariirta ah.
bildayaxeed m.dh (-lal …, m.l) (c.fal.) Waqtiga
uu dayaxu wareeg buuxa ku sameeyo dhulka,
waqtigaas oo u dhexeeya bil cusub ilaa bil
cusub; waana ugu dhawaan 29.5 maalmood.
bileys m.l ld boliis.
bileysad m.l ld bileysasho.
bileysasho m.f.dh eeg bileyso. ld bileysad,
bileysi.
bileysi m.l ld bileysasho.
bileyso f.mg3 (-stay, -satay) Haweenwy uur
leh oo sidda dhaweysay si ay samo ugu
dhasho alla bari samayn; kuraysasho.
bilhaarsiya m.l (daaw.) Deris ku nool saddexda
nooc uu leeyahayna ay keenaan cudurro
dalalka kulul laga helo.
bili m.l/dh 1. Nasiib wacan. 2. Sharaf wacan.
bilic m.dh Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay
aad u jecleystaan.
bilicsan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax
muuqaalkooda indhuhu u bogaan oo ay aad
u jecleystaan ahaansho.
bilicsanaan m.f.dh eeg bilicsan. ld
bilicsanaansho.
bilicsanaansho m.l/dh ld bilicsanaan.
bilid m.f.dh eeg bil².
bilig m.dh.sh.r If, inta muuqda durbadiiba
qarsooma; big.
biligbilig m.dh 1. Dhimbilayn. 2. Babbinta.
biliglayn m.f.dh eeg biliglee.
biliglee f.mg2 (-leeyay, -laysay) Iftiin meel
dheer bilig ka dhihid.
biliis m.l ld boliis.
bililiqaysad m.l ld bililiqaysasho.
bililiqaysasho m.f.dh eeg bililiqayso. ld
bililiqaysad, bililiqaysi.
bililiqaysi m.l ld bililiqaysasho.
bililiqayso f.g3 (-stay, -satay) Hanti la
boobayo in yar ka qaadasho.
bililiqo m.dh (-ooyin, m.l) Hanti yar oo meel
la boobayo laga helo.
biliq f.g1 (-lqay, -liqday; -lqi) Wax, wax si aan
habeysnayn meel ugu firirsan ka dhigid.
bilirubiin m.l (daaw.) Walaxyo midabeysan oo
ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga
oo xameetida la socda. Labada ugu
muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo
midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab
cagaar ah leh.
bilis m.dh.u 1. Bulshada inteeda aan xag
dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B.
ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah
isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.
bilisayn m.f.dh eeg bilisee.
bilisee f.g2 (-seeyay, -saysay) 1. Bilis ka
dhigid; xorayn. 2. Gudid (gabar).
bilisxaawo m.dh.u Haween. ld bilisxaawood.
bilisxawood m.dh.u ld bilixaawo.
bilkeedi f.g2 (-iyay, -isay) Aayaha dambe sida
la noqon doono eegid.
bilkeedin m.f.dh eeg bilkeedi. ld bilkeedo.
bilkeedo m.dh Eegidda aayaha dambe sida la
noqonayo. ld bilkeedin.
billaa fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo
in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tus.
“Billuu keen?”.
billaaban f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) ld bilaaban.
billaabasho m.dh ld bilaabasho.
billaabid m.dh ld bilaabid.
billaabmid m.dh ld bilaabmid.
billaabo f.mg3 (-lowday, -laabatay) ld
bilaabo.
billaawe m.l (-wayaal, m.l/dh) Mindi labada
dhinac af ku leh, caarad dhuuban iyo daab
xardhan oo gees ama caag iwm ka samaysan
leh oo ay ragga qaataan; magli.
billad m.dh (-do, m.l) Gabal yar, fidsan,
wareegsan oo dahab, qalin, maar iwm
middood ka samaysan oo astaan ama hadal
inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
billayn m.dh ld ballayn.
billaysimo m.dh ld ballayn.
billaysin m.l ld ballayn.
billee f.g2 (-leeyay, -leysay) ld ballee.
birdhaf
87
billow¹ m.l ld bilow¹.
billow² f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) ld bilow².
bilmasal fk. Tusaale ahaan, misaal ahaan. ld
bilmasil, bilmatal, bilmatil, bilmesel,
bilmetel.
bilmasil fk. ld bilmasal.
bilmatal fk. ld bilmasal.
bilmatil fk. ld bilmasal.
bilmesel fk. ld bilmasal.
bilmetel fk. ld bilmasal.
bilnaan m.f.dh eeg bilan. ld bilnaansho.
bilnaansho m.l/dh ld bilnaan.
bilo f.mg3 (bishay, bilatay) Bil dhalasho.
bilooras m.l (c.nafl.) Afka hoose ee caloosha oo
u furan xiidmaha (duwodeenam).
bilow¹ m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la
fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore.
ld billow¹.
bilow² f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl
la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid.
2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid.
ld billow².
bilqan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bilqay
ahansho.
bilqanaan m.f.dh eeg bilaqan. ld bilqanaansho.
bilqanaansho m.l/dh ld bilqanaan.
bilqasab fk. Si sandulle ah, si xoog ah.
bilqaxan f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax si aan
nadaamsanayn loo kala daadshay ahaansho.
bilqaxnaan m.f.dh eeg bilqaxan. ld
bilqaxnaansho.
bilqaxnaansho m.l/dh ld bilqaxnaan.
bilqid m.f.dh eeg biliq.
bilyaardi m.l 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc
gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la’aan iyo
kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan
maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu
dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix
god ku leh maro ku dahaarantahay oo
ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
bilyan m.l (-nno, m.dh) Tiro ka kooban kun
meelood oo min milyan ah; kun milyan;
“1.000.000.000”.
bini m.l ld beni.
binii-aadan m.l.u ld banii-aadan.
binii-aadannimo m.dh ld banii-aadannimo.
binii-aadmi m.l.u ld banii-aadan.
biniini f.g2 (-iyay, -isay) Indhaha kala qaadid
si wax loogu dhaygago.
biniinin m.f.dh eeg biniini. ld biniinis.
biniinis m.l ld biniinin.
binnuur m.l (-rro, m.dh) Koob yar oo
qaxwada lagu cabbo. ld binnuuri.
binnuuri m.l ld binnuur.
biqid m.f.dh eeg baq². ld baq¹ (2), baqid,
biqitin.
biqil¹ m.l (-llo, m.dh) 1. Abuur markaa soo
baxay. 2. ld biqlid.
biqil² f.mg1 (-qlay, -qishay; -qli) Abuur iwm
soo bixid.
biqitin m.l ld biqid.
biqlayn m.f.dh eeg biqlee. ld biqlays, biqle (1).
biqlays m.l ld biqlayn.
biqle m.l 1. ld biqlayn. Haraati iyadoo labada
addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu
gadaal wax ugu dhuftaan. 2. ld biqlo.
Sarreen magooliyay.
biqlee f.mg2 (-leeyay, -laysay) Biqle samayn
(dameer, faras, iwm).
biqlid m.f.dh eeg biqil². ld biqil¹ (2).
biqlo m.dh ld biqle (2).
bir¹ m.dh (-ro, m.l) 1. Macdanta dhulka laga
qodo nooc ka mid ah, adag oo waxyaabo
laga sameeyo oo danabka iyo kulkana si
fiican u gudbiya. 2. B. isha: barta yar
madow, oo wax lagu arko. 3. ld birajuuraan.
bir² m.dh (kiim.) Curiye kasta oo kiimikaad oo
ah adke widhwidha, danabka iyo kulkana si
fiican u gudbiya.
bir³ f.mg1 (-ray, -rtay) Wax sida iftiin bilig
dhihid.
biraha-alkaali m.l (kiim.) Curiyayaasha ururka
1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay
dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon
heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay
sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda
ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay
ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan
alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li),
soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam
(Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
bir-ajuuraan m.dh 1. Bir budo laga dhigay oo
lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta.
2. ld birxaar. 3. bir 1 (3).
birayn m.f.dh eeg biree.
bircayd m.l ld burcayd.
birdaawe m.l (-wayaal, m.l/dh) Weel fidsan oo
bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada
iwm. lagu dubo; birlaxooxeed. ld birdaawo,
birtaawe, birtaawo.
birdaawo m.dh ld birdaawe.
birdanab m.dh Bir la aaminsanyahay in ay
danabka la socota oo dhulka gasho waxay ku
dhacdana disha.
birdhaf m.l (-fyo, m.dh) (kiim.) Iskujir ka
kooban laba birood ama in ka badan (sida
boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin
xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil).
birdhi
88
B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku
laban ama iskujir iskukaan ah.
birdhi m.l 1. Macdan qaali ah. 2. Cad yar oo
xabag ah. 3. ld birdhic.
birdhic m.dh (-cyo, m.dh) 1. Bar yar oo leh
midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. ld
birdhi.
birdhig¹ m.l ld birdhigid.
birdhig² f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida
cadow iwm oo soo food leh si geesinnimo
leh uga hortegid.
birdhigid m.f.dh eeg birdhig². ld birdhig¹. bire m.l (-rayaal, m.l/dh) Weel qori ka
samaysan leh af ballaaran sidde la qabsado oo
geela lagu maalo, gaawe, toobke. ld bure.
biree f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley dhuunta
iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef
la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta
iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.
bireeris m.l (juqr.) Duuduubka deggan,
badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn,
bannanno caws leh – dhul cawsaadka loolka
dhexe – ee woqooyiga maraykanka, ee qariya
gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun
iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha
midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed
Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso
ilaa dhigta harada Mishigan.
biresbiyobiya m.dh (daaw.) Dhibaato lagala
kulmo akhriska caadiga ah iyo fulinta hawlo
dhow oo ay keento hoos u dhac xagga aragga
oo da’du keento, taasoo ishu ayan awoodin
in ay beddesho qallooca birta isha si ay faseex
ugu aragto wixii u dhow. Sababta middaas
waxay tahay ayadoo marba marka ka
dambeysa ay lumeyso awood jiitimaadka
birta isha (lens) sidaas awgeed qallooceedu
ma beddelmi karo marka si fiican ugu
muuqan mayaan wixii u dhow. Waxa lagu
saxa muraayadaha indhaha oo uu takhtar
kuu qoro.
biri f.g2 (-iyay, -isay) Dab iwm holcin.
birid m.f.dh eeg bir³.
biriir m.dh 1. Gaashi weyn, cad oo ku taal neef
lo’ ah oo midab aan caddaan ahayn leh.
2. Caro ama naxdin laga dareemo qofka
wejigiisa. ld bariir.
biriiri f.mg2 (-iyay, -isay) Weji biriir u yeelid.
biriirin m.f.dh eeg biriiri. ld biriiris.
biriiris m.l ld biriirin.
biriirix f.g1 (-xay, -xday) Wax aqoon yar ka
helid.
biriirixid m.f.dh eeg biriirix.
biriiryaabid m.f.dh eeg biriiryow². ld
biriiryow¹.
biriiryow¹ m.l ld biriiryaabid.
biriiryow² f.mg1 (-yaabay, -yowday; -yaabi)
Baraarugid.
birikinnaas¹ m.l Qaylo iyo sawaxan ay
carruurtu sameeyeen marka ay ciyaarayaan.
ld biriwixid.
birikinnaas² f.mg1 (-say, -stay) ld biriwax².
birikinnaasid m.dh ld biriwixid.
birilaxooxeed m.dh Weel bir ah, fidsan, culus,
dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.
birimbirqayn m.f.dh eeg birimbirqee. ld
birimbirqo.
birimbirqee f.mg2 (-qeeyay, -qaysay)
Birimbirqo samayn.
birimbirqo m.dh Boodbood iyo durduro ay
sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iwm
marka ay barwaaqeysanyihiin. ld
birimbirqayn.
birin m.f.dh eeg biri.
biriq¹ m.dh Gantaal danab ah, xoog badan,
wuxuu ku dhaco dila oo ka dhasha isku dhac
daruuro marka roob da’ayo. ld wiriq.
biriq² f.mg1 (-rqay, -riqday; -rqi) Iftiin yar oo
muuqday dhaqso u qarsoomid.
biririf m.dh (-fo /-fyo, m.l) Dhowr
daqiiqadood oo hawl la hayey laga nasto.
birisam m.l (-myo, m.dh) 1. (xis.) Salxaale leh
laba weji oo barbarro ah iskuna sargo’an iyo
dhammaan wejiyada kale ay yihiin
barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji
oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna
magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku
sargo’an. Dhammaan wejiyada kale waa
barbarro ah oo u dhexeeya geesaha
talantaaliga ah ee salalka.
biriwax¹ m.l ld biriwixid.
biriwax² f.mg1 (-xay, -xday; -wixi) Qaylo iyo
sawaxan samayn (caruur). ld birikinnaas².
biriwixid m.f.dh eeg biriwax². ld birikinnaas¹,
birikinnaasid, biriwax¹.
birjeeb m.l (-bo/-byo, m.l) Bir, biraha kale
lagu qabto oo ka kooban laba qalbac oo
dhexda iska haysta oo marka gadaal la isaga
qabto hore wax ka qabata; kalbad.
birjeex m.l (-xyo, m.dh) ld biirjeex. birjeexnimo m.dh ld biirijeexnimo. birjiir m.dh (-rro, m.dh) Bir jaadad badan ah
jiirka lagu dabo.
birjiko m.dh ld burjiko. birlab m.dh 1. Bir aad u adag oo aan jebin.
2. Bir awood u leh in ay soo jiidato biraha
kale. ld birsulub.
birlabnimo-duleed m.dh (jool., fiis.)
Astaamaha birlabeed oo uu muujiyo dhulku,
kuwaas oo dhulka keenay inuu noqdo birlab
bishiic
89
weyn oo labo cirif leh; waa sayniska
barashada astaamooyinkaas.
birlaxooxeed m.dh (-dyo, m.dh) Birdaawe.
birmac m.dh Nooc birta ka mid ah oo aad u
jilicsan.
birmad m.l 1. Gargaar degdeg ah oo meel ay
dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu
diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo
ciidan kale oo dagaal ku jira ama
dhibaataysan. 3. ld birmasho.
birmasho m.f.dh eeg birmo. ld birmad (3).
birmiil m.l (-llo, m.dh) Weel weyn oo bir ah
qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo
litir, fuusto. ld barmiil.
birmo f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato
ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid.
biro-dhuleed-alkaliin m.l (kiim.)
Curiyayaasha ururka 2aad ee tusaha kalgalka
curiyayaasha. Inkasta oo aanay aad ugu
milmin biyaha haddana waxay la sameeyaan
iyo beysyo. Waxay dhamaantood ku
leeyihiin laba elektaroon heertamarta ugu
sarreysa. Waxay sameeyaan ayoonno togan
oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay II. Biraha
ururkani waa: biriliyam (Be), magniisiyam
(Mg), kaalsiyam (Ca), istorontiyam (Sr),
baariyam (Ba) iyo radiyam (Ra).
birow m.l (-wyo, m.dh) Weel yar oo bir ka
samaysan; daasad.
birqaab m.l (-byo, m.dh) 1. Bir laba qalbac oo
gadaal ama dhexda iska haysta ah oo
dhuxusha birta kulul iwm lagu qabto.
2. Summad ka kooban laba alif oo
isweydaarsan oo xoolaha lagu dhigto. ld
birqabad.
birqabad m.l (-dyo, m.dh) ld birqaab.
birqabad-dhalis m.l (-dyo …, m.dh) (daaw.)
Alaab birqabatada qaabkeeda leh oo loogu
talaggalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo
ku soo jiiddo. Noocyo kala duwan ayaa jira,
midda ugu muhiimsan waa tan lagu dhaliyo
ilmaha ayadoo madaxa looga qabanayo
laguna soo jiidayo, dhibaatana aan la
gaarsiin.
birqalax m.l/dh 1. Bir jajab ah oo duug ah oo
aan waxtar lahayn. 2. Dad aan karti lahayn
oo waxtarkooda yaryahay.
birqid m.f.dh eeg biriq².
birre m.l 1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska
fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax
mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida
bariiska ku rogan.
birri m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn.
2. Dhul. ld berri¹.
birriyad m.dh Dabayl dhanka birriga ka
timaado oo dhanka badda u socota.
birsan m.dh Nooc birta ka mid ah oo aad u
adag birlab.
birshub m.dh (-byo, m.dh) Qalab biraha lagu
dhalaaliyo, qaabab kala duwanna u yeesho.
birshubid m.dh Dhalaalinta iyo qaabeynta
birta.
birsol¹ m.l 1. Neef xoolo ah oo la gowracay.
2. ld birsolid.
birsol² f.mg1 (-olay, -oshay) La gawracay
ahaansho (neef xoolaad).
birsolid m.f.dh eeg birsol². ld birsol¹.
birsulub m.dh ld birlab.
birtaawe m.l ld birdaawe.
birtaawo m.dh ld birdaawe.
bir-u-eke m.l (-kayaal, m.l/dh) (kiim.) Curiye
kasta leh astaamo u dhexeeya kuwa biraha
iyo kuwa birma-ahayaasha. Sida runta ahna,
ma jirto kala soocid cad oo lagu kala qaybiyo
biraha iyo birma-ahayaasha. Marka kalka
tusaha kalgalka bidix ilaa midig loo socdaba
waxa laga tegayaa astaamaha biraha lana
tegayaa astaamaha birma-ahayaasha.
birxaar m.dh 1. Nooc biraha ka mid ah, aad u
jilicsan oo si sahlan u jabta. 2. ld birajuuraan.
birxarbi m.dh 1. Bir dhuuban oo dheer oo
dhuunta buntukha lagu sifeeyo, wixi ku
go’ana looga soo saaro.
bis m.dh ld bes.
bisabbisoo f.mg3 (-ooday, -ootay) U b.: wax
la rabo in la sameeyo marmasiinyo u
raadsasho. ld bisimbisoo.
bisabbisood m.f.dh eeg bisabbisoo. ld
bisimbisood.
bisad m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor
jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta:
waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib
kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal,
yaanyuuro; basho.
bisayl m.l 1. Cunto dab lagu farsameeyey oo
gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm
marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la
guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah
oo la yeesho. 4. ld bislaan.
bisbaas m.l ld basbaas.
bishaarad m.dh ld bishaaro.
bishaarayn m.f.dh eeg bishaaree.
bishaaree f.mg2 (-reeyay, -raysay) U b.: cid,
war ay ku faraxdo u sheegid.
bishaaro m.dh War wanaagsan oo farxad iyo
reyn reyn leh. ld bishaarad, bushaarad,
bushaaro.
bishiic m.l ld bashiic.
bishiican
90
bishiican f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) ld bashiican.
bishiici f.g2 (-iyay, -isay) ld bashiici.
bishiicin m.dh ld bashiicin.
bishiicmid m.dh ld bashiicmid.
bishiicsan f.mg4 (-naa, -nayd) ld bashiicsan.
bishiicsanaan m.dh ld bashiicsanan.
bishiicsanaansho m.l/dh ld bashiicsanaan.
bishil¹ m.l (-llo, m.dh) ld bishkil¹.
bishil² f.g1 (-ilay, -ishay) ld bishkil².
bishilid m.dh ld bishkilid.
bishin m.dh (-no, m.l) ld burshin.
bishkil¹ m.l (-llo, m.dh) Qori yar oo xalleefsan
mayrax iwm oo dalool yar la agu gufeeyo. ld
bishil¹.
bishkil² f.g1 (-ilay, -ishay) Tigin ama qori yar
oo wax ku shakarid, ku adkayn. ld bishil².
bishkilid m.f.dh eeg bishkil². ld bishilid.
bisil f.mg4 (-slaa, -slayd) 1. Cuno, wax heerkii
lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro
iwm wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey
ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad
ah leh ahaansho.
bisimbisoo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld
bisabbisoo.
bisimbisood m.dh ld bisabbisood.
bisin m.l (dii.) Aayadda suuradaha quraanku
ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah
Bismillaahir-raxmaanirraxiim.
bisiq m.l ld dhisiq.
biskoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Nafley
jirranayd caafimaad helid.
biskood m.f.dh eeg biskoo.
biskoodsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Caafimaadsiin.
biskoodsiin m.dh eeg biskoodsii.
bislaan m.f.dh eeg bisil. ld bisayl (4),
bislaansho.
bislaansho m.l/dh eeg bislow. ld bislaan.
bislayn m.f.dh eeg bislee. ld bislays.
bislays m.l ld bislayn.
bislaysad m.l ld bislaysasho.
bislaysasho m.f.dh eeg bislayso. ld bislaysad,
bislaysi.
bislaysi m.l ld bislaysasho.
bislayso f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto bisayl ka
dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan
go’aan qaadashadeeda loogu dhibtoon.
bislee f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Cunto bisayl ka
dhigid. 2. Arrin si aan go’aankeeda loogu
dhibtoon u gogol xaarid.
bislow f.mg3 (-laaday, -laatay) Wax bisil
noqosho.
bismillaahi e.d Bisinkii Alle qabsasho.
bismillee f.g2 (-leeyay, -leysay) 1. Bisin u
qabsasho (cunto), dhadhamin. 2. (dii.) Bisin
wax ku billaabid.
bismilleyn m.f.dh eeg bismillee.
bisqan m.dh.u Timaha gumaarka dadka ka
baxa; shuun. ld bisqin.
bisqanley m.dh Meesha ay bisqintu ka baxdo;
gumaar.
bisqin m.dh.u ld bisqan.
bisturi m.l (daaw.) Middi yar oo takhtarku u
isticmaalo qalliinka, lehna af qalloocan ama
af toosan.
bitaamid m.f.dh eeg bitaan.
bitaan¹ f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid
khafiif ah hawo ku baahid.
bitaan² f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah
hawo ku baahid.
biti¹ m.l Nasiib; hoodo.
biti² f.g2 (-iyay, -isay) Wax sida buda iwm oo
aan culays badan lahayn dabayl raacin.
bitijor m.l (-rro, m.dh) Karbuuno; tooj.
bitin m.f.dh eeg biti².
bito m.dh Ciid jilicsan, buda ah oo ay
dabayshu qaaddo.
bituuminas m.l (jool.) Dhuxuldhagax
madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid
ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6 % waa
haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo
yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax
heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka,
kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul
dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la
helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta,
sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.
bixi f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel uu joogay
ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar
qodax iwm meel uu ku mudnaa ka siibid.
3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu
hayey cid kale siin. 5. Dab iwm shidid.
6. Magac u b.: nafley, meel iwm magacsiin.
7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u
hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid.
10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.:
kala saar. ld bixi.
bixid m.f.dh eeg bax.
bixin m.f.dh eeg bixi. ld baxsiin, baxsiis (4),
bixis.
bixis m.l ld bixin.
bixitimid m.f.dh eeg bixitin². ld bixtin¹.
bixitin¹ m.l Tegidda meel laga tago iyadoo
meel kale la aadayo. ld bixtimid.
bixitin² f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Qof meel
u ambabixid.
bixiye m.l Fandhaal weyn oo dabo dheer leh
kana samaysan qori oo raashinka lagu gurto.
biyashubo
91
biyaano m.dh (muus.) Qalabka muusikada
jaadadkiisa waaweyn jaad ka mid ah oo
codad aad u kala duwani ka soo baxan.
biyabbax¹ m.l Imaatinka minada labka iyo
dheddiga marka ay isu galmoodaan. ld
biyabbixid.
biyabbax² f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Lab iyo
dheddig isu galmooday mino ka imaansho.
biyabbaxo m.dh (-ooyin, m.l) 1. Meesha ay
biyaha webiga ka fatahay ku faafaan.
2. Marka ay biyuhu webiga ka fatahmaan.
biyabbeel¹ m.l 1. B. ah: badar la karinayo oo
isaga oo aan weli bislaan biyihii ka
dhammaadeen. 2. ld biyabbeelid.
biyabbeel² f.mg1 (-eelay, -eeshay) Dheri
karsamaya biyo ka dhamaasho.
biyabbeelid m.f.dh eeg biyabbeel². ld
biyabbeel¹.
biyabbixid m.f.dh eeg biyabbax². ld biyabbax¹.
biyabbiyayn m.f.dh eeg biyabbiyee.
biyabbiyee f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cunto
cabbid iwm biyo ka badan ku darid.
biyabbiyo m.l ld biyabbiyood.
biyabbiyoobid m.f.dh eeg biyabbiyow². ld
biyabbiyow¹.
biyabbiyood m.l.kh B. ah: wax biyo ka badan
lagu daray ama biyaha u eg. ld biyabbiyo.
biyabbiyow¹ m.l Ku daridda badar lagu daro
biya ka bateen noqosho. ld biyabbiyoobid.
biyabbiyow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi)
Wax biyo ka bateen noqosho.
biyabbooli m.l Meel god ah oo biyaha daadku
ku shubmaan oo aan buuxsamin.
biyaddiid¹ m.l (-dyo, m.dh) 1. Neef aan
biyaha cabbin marka uu wax qoonsado. 2. ld
biyaddiidid.
biyaddiid² f.mg1 (-day, -dday) 1. Biyo cabi
waayid wax uu qoonsaday awgeed (neef).
2. Ka b.: maamul sida loo fulinaayo saluugid.
biyaddiidid m.f.dh eeg biyaddiid². ld
biyaddiid¹ (2).
biyadhac¹ m.l 1. ld biyadhaceen. (-cyo, m.dh)
Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan.
2. (-cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin
leh oo qar, buur iwm ku hoos taalla. 3. (-cyo,
m.dh) Go’aan; duluc; murti. 4. ld
biyadhicid.
biyadhac² f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Xoolo
meel biyo leh ka harqasho.
biyadhaceen m.l Qar sare oo biyaha ka
degtaan. ld biyadhac¹ (1).
biyadhicid m.f.dh eeg biyadhac². ld biyadhac¹
(4).
biyadhig¹ m.l Roob da’ay biyaha dhulka
korkiisa uu kaga tago; xareed dhulka waran.
biyadhig² f.mg1 (-gay, -gtay) Roob da’ay biyo
dhul ku dhaafid; roob xareed dhul warid.
biyadhigid m.f.dh eeg biyadhig².
biyafariisad m.l ld biyafariisin.
biyafariisin m.l (-nno, m.dh) Dhul godan oo
biyo qabatin leh. ld biyafariisad.
biyaggaleen m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo
biyo qabatin leh.
biyajab m.l Meesha biyaha webi, durdur, daad
iwm ay ka kalago’aan.
biyajiid m.l (-dyo, m.dh) 1. Raadka daad ku
reebo meel uu maray. 2. B. ah: rati muddo
dheer la rarayey oo aan hilibkiisa la cuni
karin adayg awgiis.
biyakuhar m.l (-rro, m.dh) Balli.
biyamar m.l (-rro, m.dh) Raadka uu roobka
ku reebo meesha uu ku da’ay.
biyamarin m.dh Si xoog leh oo roob meel ugu
da’o.
biyamaris¹ m.l Roob xoog leh oo biyihiisu
daad soo rogaan.
biyamaris² f.mg1 (-say, -stay) Biyo roob daad
soo rogid.
biyammacee f.g2 (-ceeyay, -ceysay) Dhar
saabuun lagu dhaqay biyo saafi ah ku raacin.
biyammaceyn m.f.dh eeg biyammaacee.
biyammaddaadshe m.l.kh (-shayaal, m.l/dh)
B. ah: rati hayin ah oo carruurta iyo maqasha
la saaro marka la guuro.
biyammareen m.l (-nno, m.dh) Jeex; tog;
kanaal.
biyantooni m.l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh) Nin
shaqo-hoosaad ka qabta xafiisyada oo
munshaar ku qaata. ld biyatooni.
biyantooniyad m.dh ld biyatooniyad.
biyaqabad m.l (-dyo, m.dh) ld biyaqabatin.
biyaqabatin m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo
biyuhu fariistaan. ld biyaqabad.
biyarraaci f.g2 (-iyay, -isay) Wax hore loo
mayray biyo saafi ah oo wasakhda ka
dhammeysa ku dhaqid.
biyarraacin m.f.dh eeg biyarraaci.
biyashub m.l (-byo, m.dh) Meel dabiici ama
dad sameeyey ah oo ay biyuhu si habeysan
uga daataan.
biyashubad m.l ld biyashubasho.
biyashuban f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Meel ku wada shumbid. 2. Hadal ama
arrin dulucdiisa meel isugu aruurmid.
biyashubasho m.f.dh eeg biyashubo. ld
biyashubad.
biyashubmid m.f.dh eeg biyashuban.
biyashubo f.mg3 (-btay, -batay) Ku b.: hadal
arrin iwm dulucdiisa meel isugu uruurid.
biyatooni
92
biyatooni m.l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh) ld biyantooni.
biyatooniyad m.dh (-do, m.l) Haweeney ku
munshaar qaadata shaqo-hoosaadka
xafiisyada. ld biyantooniyad.
biyaxir m.l (-rro, m.dh) Dhismo loogu tala
galay in biyaha webiyada socodkooda lagu
hakiyo si loo keydiyo, heerkoodana kor
loogu qaado. ld biyaxireen.
biyaxireen m.l (-nno, m.dh) ld biyaxir.
biyayari m.dh ld biyayaro.
biyayaro m.dh Meel aan biyo badan lahayn. ld
biyayari, biyayarood.
biyayarood m.l ld biyayaro.
biyee f.g2 (-yeeyay, -yeysay) 1. Wax biyo ku
darid. 2. Wax biyo ka badan ku darid.
biyeyn m.f.dh eeg biyee.
biyo galo m.l (daaw.) Halaamacoodka
maqaarka oo uu keeno fiirus waxaana lagu
yaqaan finan yaryar oo biyo ku jiraan.
biyo¹ m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab,
dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin
iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha.
2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig
nafley marka ay isu galmoodaan ee uu
ubadku ka abuurmo.
biyo² m.l.w (kiim.) (H2O) Hoor midablaawe
ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba
100°C marka cadaadisku yahay ka
atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka
koobanyahay molikuyullo HO ah madi
(kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha
ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa
ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda
labdanab.
biyobax m.l (-xyo, m.dh) (c.nafl.) Shahwo ka
soo bixidda guska oo kacsan.
biyoculus¹ m.dh (-syo. m.dh) Ceelasha la
shubo meesha isha xigta.
biyoculus² m.dh (kiim.) Diyuteeriyam
ogsaydh: biyaha atamyadu haydarojiin ee ku
jiray, 1H, ay beddeleen isku godka ka culus
ee diyuuteeriyam, 2H, summaddiisuna tahay
D. Waa hoor midab laawe ah.
biyodhac m.l (-cyo, m.dh) (jool.)
Dhicidbiyood degdeg ah, badanaa waxa
sameeya sal dhadhaab adag ee marin webi,
oo ufug ah ama tiiro hoosaad deggan, oo dul
yaal dhadhaab jilicsan.
biyodhac-yar m.l (jool.) Meel ama meelo
isdaba taxan oo ah biyo shub ama biyo
shubyo aan sidaa u waaweynayn.
biyo-dhuleed m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Biyaha
ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee
dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka
biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya
ay hoos ugu dusayaan carrada.
biyo-fadhis m.l (-syo, m.dh) (juqr.) Jiid dhul
jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay,
mararka qaarkoodna dhammaanteed ama
qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.
biyo-fududayn m.dh (kiim.) Ka saaridda
ayoonnada kaalsiyam, magniisiyam iyo
feeram; iskudhis ahaan looga saaro biyaha ay
ku milanyihiin; sidaa darteedna lagu yareeyo
adkaanta biyaha.
biyogal m.l (-llo, m.dh) (daaw.) Meel haragga
ka mid ah oo soo foocsan inta badan biyo ku
jiran, mararka qaarkoodna dhiig ku jiro ama
malax.
biyo-goboleed m.l (-dyo, m.dh) (siyaa.) Jiidbadeed
ku qabsan xeebta oo loo
aqoonsanyahay dhul ay leedahay ummadda
xeebta deggani; maritaanka jiidda ee si nabad
ah caadi ayaa loogu oggolyahay
gaadiidbadeedka ummadaha oo dhan.
biyoobid m.f.dh eeg biyow². ld biyow¹.
biyood m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl.) Degaan b.
ama sinjiyo noole ah oo ku nool biyaha
dhexdooda, dhir iyo xayawaan mid kastaba
ha ahaadee.
biyoole m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof biyo
dhaamiya oo dadka ka iibsha. 2. Baabuur
boyaad saarantahay oo biyo lagu qaado.
biyo-saar m.l (-ryo, m.dh) (baay.) Habka
dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan
dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya
daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.
biyow¹ m.l ld biyoobid.
biyow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax
biyuhu ka bateen noqosho.
biyuutanool m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Biyuutayl
alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar
qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-
ool,CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu
waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile
ahaan.
bocool m.dh (-lo, m.l) 1. Qolof adag oo nafley
yaryar oo biyo ku nool ah galaan oo laga helo
xeebaha iyo meelaha ay biyuhu ka guraan.
2. Meel calaacasha ama cagaha ka mid ah oo
uu dhacaan khafiif ah galay marka cirid lagu
socdo ama hawl adag gacnaha lagu qabto.
bocoolaggale m.l (-layaal, m.l/dh) Nafley yar,
biyo ku nool oo bocoosha gasha.
bocoolaggurad m.l Muran, akeekan. ld
bocoolaggurasho.
bocoolaggurasho m.f.dh eeg bocoolaguro. ld
bocoolaggurad.
bololid
93
bocoolagguro f.mg3 (-rtay, -ratay) Si diidmo
iyo jikraar leh cid ugu jawaabid.
bocor¹ m.l 1. Burcadka caanaha geela ka soo
baxa. 2. Meesha kuusan oo cunaha ragga ku
taal. 3. Miro ay qaraha isku bahyihiin oo la
cuno marka la kariyo. 4. Geedka digirta
marka uusan weli aad u soo bixin ee
madaxiisu fooraro.
bocor² m.dh (-ro, m.l) 1.Miro aroorro leh oo
sida qaraha u weyn oo la cuno. 2. B. ah:
gabadh aad u qurxoon.
bog¹ m.l (-gag, m.l) 1. Caloosha meesheeda
sare. 2. Baalka xaashida labadeeda dhinac
midkood.
bog² m.l (c.nafl.) Muruq ballaaran oo xalleef ah
oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda.
Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada:
qaadashada tuurista hawada.
bog³ f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1.(f.g) Wax qabya
ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid
oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax
jeclaan: hadalkiisaan u boggay.
bogaad m.l U bogid; qiimayn.
bogaadi f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid hambalyo
u jeedin.
bogaadin m.f.dh eeg bogaadi. ld bogaadis.
bogaadis m.l ld bogaadin.
bogaadsi m.l Hambalyo.
bogasho m.f.dh eeg bogo.
bogcad m.dh.u (-dyo, m.dh) 1.Dhasha fardaha
iyo idaha inta aanay weli ababin. 2. Dhul yar
oo bannaan.
bogdoox¹ m.l 1. Wadiiqo toos ah oo ka
leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow
dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo
haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga
soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid. bogdoox² f.g1 (-xay, -xday) 1. Cadow iwm
dhinac ka wareemid. 2. Haweeney si caadi
ah u dhaliweydey si ilmaha looga dhaliyo
caloosha dhinac ka qalid.
bogdooxid m.f.dh eeg bogdoox². ld bogdoox¹
(4).
boggan f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bogay
ahaansho.
bogganaan m.f.dh ld bognaansho. bogganaansho m.l/dh ld bogganaan. bogid m.f.dh eeg bog².
bogla’ m.dh Nooc jaadadka malayga ka mid
ah.
bogo f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1.(f.g) Cunto,
cabid iwm ka dhergid. 2. Ka b.: arrin, hawl
iwm ka baaraandegid; ka salgaarid.
bogox m.l ld bugux.
bogsad m.l ld bogsasho.
bogsasho m.f.dh eeg bogso. ld bogsad, bogsi, bogsood.
bogsi m.l ld bogsasho. bogsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax buka
caafimaadin.
bogsiin m.f.dh eeg boogsii. ld bogsiis.
bogsiis m.l ld bogsiin. bogso f.mg3 (-saday, -satay) Wax caafimaaday
noqosho. ld bogsoo.
bogsoo f.mg3 (-ooday, -ootay) ld bogso. bogsood m.l ld bogsasho. bohol m.dh (-lo, m.l) Jeex hoos u dheer biyo
iwm sameeyeen oo dhulka ku yaal.
boholaddumi f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: cabsi
gelin iyo degniin cid loo jeediyo si
ujeeddadeeda looga baajiyo. ld boholatus².
boholaddumin m.f.dh eeg boholaddumi. ld
boholaddumis.
boholaddumis m.l ld boholaddumin.
boholatus¹ m.l ld boholatusid.
boholatus² f.mg1 (-say, -stay) U b.: cid si
ujeedadeeda looga baajiyo cabsi gelin.
boholatusid m.f.dh eeg boholatus². ld
boholatus¹.
boholyoobid m.f.dh eeg boholyow².
boholyow¹ m.l 1. Dareen rabitaan oo ku
dhasha qof marka wax uu jeclaa araggooda
ka raago; hilow. 2. ld boholyoobid.
boholyow² f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) U
b.: wax araggooda laga raagay in la arko aad
u jeclaysasho.
bohon m.l (-nno, m.dh) Orgi wan iwm oo aan
wax boodi karin.
bohonnimo m.dh Bohon ahaansho.
boji f.mg2 (-iyay, -isay) Xaalad shaqo iyo dhib
la’aan ku sugnaan (nafley); nasasho. ld bąji, beji.
bojiino m.dh Xaalad shaqo iyo dhib la’aaneed
oo nafley ku jirto; nasasho muddo laga nasto
hawl. ld bojin. bojin m.f.dh eeg boji. ld bąjiino, bąjin,
bejiino, bejin, bejis, bojiino.
bokooro m.dh ld bakooro.
boliis m.l Ciidan nabadgelyada gudaha ee dal
qaabbilsan. ld bileys, biliis, booliis, buliis.
bolol¹ m.l 1. B. ah: qori iwm marka ay duug
ama bahal awgiis xorshosh noqdaan. 2. B.
ah: miro daawo iwm oo faaday ama
xorshashay. 3. ld bololid.
bolol² f.mg1 (-olay, -oshay) 1. Qori iwm
duugnimo ama bahal galay awgeed
xorshashid. 2. Miro daawo iwm faadid ama
xorshoshid.
bololid m.f.dh eeg bolol². ld bolol¹ (3).
bolshofiik
94
bolshofiik m.l (siyaa.) Hab siyaasadeed iyo
fikrad uu Lenin iyo kuwii raacsanaa ay
keeneen dalka Ruushka kacaankii Ruushka
kaddib 1917.
bombo m.dh ld bambaano.
bongaree f.g2 (-reeyay, -reysay) ld bamgaree.
bongareyn m.dh ld bamgareyn. boob¹ m.l 1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh
oo hanti cid ka dhexeyso loo qaato. 2. Si
xoog iyo sharcidarro ah oo hanti iwm loo
qaato. 3. Baadariga ugu sarreeya Fatikaanka.
4. ld boobid.
boob² f.g1 (-bay, -btay) 1. Si sedbursi xoog
iyo dhaqso leh hanti cid ka dhexeyso u
qaadasho. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah hanti
iwm cid uga qaadasho. 3. Dedejin (cunid,
socod, iwm).
boobas m.l Habaas; boor.
boobe m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Nooc
banaatiiqda ka mid ah oo si daranddoori ah
u dhaca. 2. Cayayaan yaryar oo gala iniinaha
qaraha iyo sisinta oo bololiya.
boobid m.f.dh eeg boob². ld boob¹ (4).
boobsii f.g2 (-iiyay, -iisay) Hawl si degdeg leh
u qabasho.
boobsiin m.f.dh eeg boobsii. ld boobsiis.
boobsiis m.l ld boobsiin.
booc¹ m.l (-cyo, m.dh) 1. Hunguri. 2. Cune.
3. In yar oo tubaako shiidan ah.
booc² m.dh Geed caano leh caleemo
balballaaran, laamo jiljilicsan iyo miro kuus
kuusan oo buufsan leh.
boocaar m.dh Nooc ka mid ah kalluun.
bǫod f.mg1 (-day, -dday) 1. Meel lagu taagnaa
si dhaqso iyo xoog leh kor uga kicid iyaadoo
lugaha hal mar la wada qaadayo. 2. Sac
kudid (dibi). 3. Ka b.: wax qotoma dul
marid iyadoo dhankeeda kale lagu dhacayo.
4. Kala b.: arrin iwm ku heshin waayid.
bood¹ m.l Midab caddaan caawl ku dheehan
ah oo ay fardaha yeeshaan.
bood² m.dh Dhoobo cad, laga helo dhulka
lakabyadiisa hoose ee biyaha u dhaw oo
timaha iyo dharka lagu dhaqdo.
boodaami f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka
dhawaajin (geel).
boodaamin m.f.dh eeg boodaami.
boodaan m.l/dh (-aamo, m.l) Koor weyn oo
geela loo xiro. ld buudaan.
boodal m.l (-llo, m.dh) Nin geesi ah.
boodayn m.f.dh eeg boodee. ld boorayn (2).
booddo¹ m.dh 1. ld bootin. Si degdeg iyo
xoog leh, inta cagaha meel loogu dhufto, oo
laba melood laysaga hawakaco. 2. Cayayaan
yar oo boodbooda oo dadka iyo nafleyda
kale dhiigooda ku nool; qandhiso.
booddo² m.dh (-ooyin, m.l) (c.nafl.)
Xasharaad dhiigga dhuuqa oo aan baalal
lahayn, lugose leh ay ku booddo. B.da
waaweyn si aan joogto ahayn ayey waxay ku
dul noolaadaan shimbiraha iyo naasleyda.
Qaarka dadka cunana waxay qaadi karaan
cudurro kala duwan.
boodee f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Bood dhar
ku mayrid. 2. Bood timaha ku caddayn. ld
booree (2).
boodh m.l (-dho, m.dh) (baay.) Unug taran oo
keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin
unug kale oo taran b.ka waxa soo saara
dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid
ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa
noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa
heer kale oo meerta nololeed.
boodhar m.l Budo cad oo siigo ah udgoon oo
waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u
nuugto. ld boolbare, boolbire, bootar.
boodid m.f.dh eeg bǫod.
boodsii f.g2 (-iiyay, -iisay) ld booti.
boodsiin m.dh ld bootin.
boodsiis m.l ld bootin.
boodsol m.l (juqr.) Nooc carro oo astaan u ah
gobollada leh cimilada cirif-hoosaad, oo ah
ka ay ka baxaan inta badan dhirta dabiiciga
ah ee caleen irbadleyda.
boog m.dh (-go, m.dh) Nabar caalir leh jirka
muddo ku yaallay oo aan weli biskoon.
boogadhay m.l ld boogadhaye.
boogadhaye m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof
boogaha iyo nabarrada fudud daaweeya. ld
boogadhay.
boogayn m.f.dh eeg boogee.
boogaysan f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax boog
leh ahaansho.
boogaysnaan m.f.dh eeg boogaysan. ld
boogaysnaansho.
boogaysnaansho m.l/dh ld boogaysnaan. boogcalooleed¹ m.dh (-dyo, m.dh) Nabar
caloosha ka soo baxa. ld boogcaloolo.
boog-calooleed² m.dh (-dyo, m.l) (daaw.)
Boog ku sameysmata caloosha waxaana
keena aasidhka oo gubeysa caloosha.
Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha:
matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib,
waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo
dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha
markii nabarku buskoodo.
boogcaloolo m.dh ld boogcalooleed¹.
boogee f.g2 (-geeyay, -gaysay) Boog u yeelid
(jir).
booraysad
9

Comments Off on 1

1

Posted by | May 25, 2018 | Uncategorized

Taariikhdu waa daraaseynta tagtadii si taaganta loo qiimeeyo timaaddadana loo oddoroso
tabaabushena loogu yeesho. Taraariikhda Soomaalida in badan
oo ka mid ahi, waxa ay ku luntay keydin la’aan, inaha
badbaadayna waxa ay ku badbaadeen gacmo shisheeye.
Dhacdooyinka taariikheed ee sida aad ka ah wax looga qoray
shisheeye iyo sokeeya ba waxa ka mid ah, tariikhda Sayid
Maxamed C. Xasan iyo Daraawiishta. Sooyaalka daraawiishta
waxa muunad gaar ah u yeelay isagoo ah, iska-caabbintii ugu
tunka weynayd ugu na muddo dheerayd ee gumaysiga lagaga hor
yimaaddo. Dadka wax ka qoray daraawiishtu waa saddex
kooxood:
1) Qolo waa shisheeyihii dirirtu dhex martay oo
dhacdooyinka u soo tebiyey sidii ay iyagu u arkayeen mar walbana libinta iyo garta
siinayey gumaystaha ay ka midka yihiin.
2) Qolada kalena waa Soomaali aad ugu talax tegay in ay muuneeyaan oo dheeh
ashqaraar leh u sameeyaan Daraawiish iyo halgankooda.Kana dhigay in aan halgan
kale ba geyiga ka dhicin.
3) Qolada saddexaad waa koox saluugtay habka loo soo bandhigay taariikhda
daraawiishta una arka in la buunbuuniyey, ha yeeshee iyaguna gef kale ku dhacay
oo Sayidka iyo daraawiishba ka dhigay, dadqalato shufto ah oo ummadda silciyey!
Kooxdani inta badan waxa ay soo ururiyaan gefafka daraawiishta sida dhacii ay
geysan jireen, aflagaadooyinkii tixaha Sayidka qaarkii ku jirey ee uu qofafka iyo
qabiilooyinkaba wax kaga sheegay, gaar ahaan intii ka soo horjeesatay.
Waxa aan ku qanacsanahay dad kalena ila qabaan in aan weli si dhab ah oo cilmiyeysan
loo qorin halganka daraawiishta. Sayid Maxamed C. Xasan oo ah ninka udub dhexaadka
u ah, aasaaskana u ahaa Daraawiishta taariikhdiisa dhinacyo dhowr ah ayaa laga
2 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
daraasayn karaa, mar waa wadaad dariiqo diineed hormuud u ah oo dariiqadaas ayaa
saameynteeda iyo sidii loo qaatay la baadhayaa, marna waxa loo daraasayn isagoo
hoggaaminayey kacdoon gumaysi diid ah, oo shisheeye iyo sokeeyaba la galay dagaallo
qadhaadh oo dad iyo duunyaba ku le’deen, mar kale sooyaalkiisa waxa loo daraaseynayaa
isagoo ah gabyaa cabqari ah oo maansooyinkiisa iyo murtidiisa cilmiga Suugaanta ayaa
lagu abla ableynayaa. Qoraalkani waxa uu ku kooban yahay soo tebinta dhacdooyinkii
taariikheed ee ku saabsanaa kacdoonkii gumeysi diidka ahaa ee muddada dheer ka
taagnaa qaybtii Ingiriisku Gumaysanayey ee dhulka Soomaalida (Somaliland imika).
Dagaalka iyo dirirtu laba kooxood ayey ku jihaysnaayeen; kooxi waa gumaysigii dalka
haystay, qaybta kalena waa Soomaalidii gumaysigaa ku hoos noolayd ee heshiiska la
ahayd, waxa la odhan karaa isku si ayey ula dagaallameen gumaystaha iyo Soomaalida.
Qormadani waa guudmar taariikheed, ee maaha gorfeyn iyo lafagur lagu sameenayo
halganka daraawiishta, waase arrin mudan in la naqdiyo qoraalladii muddada qarniga ah
laga Samaynayey Sayidka iyo daraawiishtiisa, si aynu u helno taariikh badhax la’ oo
dhito inoo noqota.
1) Sayid Maxamed Waa kuma?
Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu dhashay, 1864-kii sida uu tibaaxay I. M Lewis,
(1) ha yeeshee Aw Jaamac Cumar Ciise wuxu xusay waraysiyo badan oo uu la yeeshay
rag daraawiish ah ka dib in Sayidku dhashay 1856kii (2). Waxaanu ku dhashay ceel u
dhexeeya Widhwidh iyo Buuhoodle gugii la magac baxay Gobeysane.
Toddoba jir isagoo ah baa malcaamad Qur’aanka la qoray, toban jir buu Qur’aanka ku
dhammeeyey, intii aanu labaatan jirsanna wuxu gaadhay darajada sheekh-nimada. Sida
qoraallo badan ku xusan Maxamed waxa uu aqoon barasho diineed ugu kicitimay dhulal
badan oo ay ka mid ahaayeen magaalada Herer; dalka Suudaan iyo Nayroobi (Lewis
1965), muddo ka dibna waxa uu ku soo laabtay deegaankiisii. Sanadkii 1894kii ayaa
Sheekh Maxamed iyo koox la socotay oo ay isku deegaan ahaayeen u kicitimeen Maka, si
ay u soo xajaan, markii xajkii ay gutteenna waxa uu sayidku ka xeraystay, sheekh
Maxamed Saalax oo ahaa sheekhii dariiqada Saalixiyada (3), halkaas oo muddo sanad iyo
badh lagu hillaadiyo uu la joogay, ugu danbeybtiina ka soo qaatay ijaasada inuu
dariiqadaas madax uga noqdo dhulka Soomaalida. Markii uu ka soo noqday Maka, wuxu
ka soo degay magaalada Berbera. Sheeko aan la hubin oo buuggaag dhowr ah ku qoran
dadkana aad ugu dhex faaftay, waxa ay sheegaysaa: In Sayid Maxamed kolkii uu kasoo
degay marsada Berbera gaalkii gumaystuhu waydiiyey in uu alaabadiisa cashuur ka
bixiyo, isna ugu hal celiyey : adigu kolkii aad timi yaa cashuur kaa qaaday? Ha yeeshee
qof kii u tarjumayey gaalkii u sheegay in ninkani Wadaad waalan yahay! Halkaasna ay ka
soo raacday naanaysta kolkii danbe gaaladu u adeegsan jireen ee Wadaadka Waalan (The
Mad Mullah), ha se ahaatee Saciid S. Samatar waxa uu xusayaa in nanaystani ay ku
dhejiyeen wadaadaddii Qaadiriyada ee ay aadka u dooddeen.
3 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
Markii uu magaalada Berbera ku negaaday, waxa uu soo bandhigay dadkana ugu yeedhay
dariiqadii Saalixiyada, (lama sheegin in sayidku wixii intaa ka horreeyey dariiqo ka
tirsanaa) Waxa se gaashaanka u daruuray culimadii dariiqada Qaadiriyada ee dhulka uga
soo horreysay, dooddo badan baa la galay, magaaladiina buuq diineed baa ka aloosmay,
dadka qaar waxa ay ku dooddayaan Sayidku markii uu taageero u waayey dariiqadiisa
ayuu Berbera isaga tegay, halka qolyo kalena soo tebiyaan in uu magaalada ka bilaabay
olole gumaysi diid ah. Waxaa la sheegaa sheekooyin aan sugnaantooda la hubin oo ay ka
mid tahay in sayidku arkay nin baadari ah, dabadeed inta uu ul ku dhuftay yidhi: Ilaahow
maanta intaasaan jihaad karaa.
Gugii 1898-kii ayaa Sayidku ka amababaxay magaalada Berbera, Intii uu dhexda ku sii
jireyna waxa uu sii maray xarun dhaymoole ku taallay oo diinta Masiixiga lagu
faafinayey(4) sida la soo tebiyana waxa uu halkaas kula kulmay carruur Soomaaliyeed,
waxaana la odhan karaa waa meelaha uu ka bilaabmay dareenkiisa gumaysi diidka ahi.
Ceel qoryaweyn la yidhaahdo, oo Caynabo u dhow ayuu ka samaystay Waab uu ku
tukado dadkana diinta ku baro, halkaas ayaanay ka unkantay xertii u horreysay ee
Saalixiyo ah, duubkii caddaa ee astaanta u ahaana loogu xidhay, waana meesha ay xerta
Saalixiyadu kula baxday magaca Daraawiish (5). Muddadii uu halkaas degganaana waxa
hawshiisu ku koobnayd diin dhigid iyo dib u heshiisiin uu ka dhex sameeyey beelihii
deegaankaas ku dhaqnaa, waxa kale oo la sheegaa in reerihii dhulkaas degganaa xoolo
badan oo siyaaro ah siiyeen. Dadka wax ka qoray taariikhda Daraawiishtu waxa ay
sheegayaan in diin dhigista Sayidku dhex waday olole uu dadka ku kicinayo, kuna
abuurayo kacdoon gumaysi diid ah. Gumaysiga Ingiriisku aad isuguma ballaadhin dhulka
gudaha oo ilaalo inuu marmar u diro mooyee, lug badan kuma lahayn, biishii may 1899
kii, ayaa la sheegay in la waayey hal qori oo ilaalada Ingiriisku lahaayeen, sida dad
badani xuseenna ninkii qorigaa sitay baa xerta Sayidka u galay dabadeed qorigii xoolo
soo dhaafsaday, kolkii uu Berbera ku soo noqdayna waxa uu sheegay in Sayidku qorigii
ka qaaday. Hawlwadeennadii Ingiriisku farriin bay u direen Sayidka ay kaga dalbanayaan
in uu qoriga iska soo celiyo. Sayidkuna waxa uu ku soo warceliyey in aanu qorigaa
haysan ee Ingiriisku baadidiisa raadsado. Dabayaaqadii sanadkaana waxa xarunta
gumaystaha la soo gaadhsiiyey in Sayidku isku dubariday col 3000 oo nin gaadhaya iyo
hub 200 qori ah.
Dhinac halabuuridda maansooyinka lama hayo wax ka horreeyey 1904tii, sidoo kale,
Sheekada ah in Sayidku Mahdi sheegtay oo dadka qaar aad u buunbuuniyaan lama hayo
caddaymo ku filan.
2) Unkankii Daraawiishta iyo Hawlgalladoodii
Xertii Daraawiishtu kolkii ay dhanka Buuhoodle u guurtay, dhaqdhaqaaqoodiina kordhay,
hub iyo xoolana gacantooda soo galeen, waxa hoggaamiyihii Daraawiishtu ku baaqay
jihaad gaalo la dirir ah. Hawlgalladaa bilowday waxa ay tuhun ku abuureen, Garaadkii
beelaha Dhulbahante, Garaad Cali Garaad Maxamuud.
4 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
Garaadka iyo Sayidka wada xaajood baa dhex maray, waxba se laguma heshiin, ka gadaal
Daraawiishtu waxa ay soo allifeen in Garaadku xujoobay oo Ingiriiska warqad sir ah u
diray, ugu danbeyntiina rag Daraawiish ah ayaa dilay Garaadkii, in kastoo dadka qaar
isku dayeen inay dilkaas Daraawiishta ka leexiyaan. Waxa la odhan karaa dilkaas ayaa
sabab u ahaa in Daraawiishi u qaxdo, dhulka galbeedka beelaha Ogaadeenna dhex degaan.
Muddodii hore soo dhoweyn badan baa ay halkaas kala kulmeen Sayidka iyo colkiisu,
lagu ma se waarin markiiba tuhun baa soo kala dhex galay, ay sal u ahayd dilal la geystay,
ugu danbeyntiina dagaal baa dhex maray Daraawiishtii iyo beelihii aaggaa degganaa.
Daraawiishina dib baa ay ugu soo qaxday halkii ay kolkii hore ka guureen. Soo
noqodkoodaas oo ku beegnaa gugii 1900, Daraawiishtu waxa ay weerar ba’an ku qaadday,
beelaha ku dhaqan hawdka oo la sheegay in ay ka soo dhaceen 2000 oo neef oo geel ah,
waxyeello nafeed oo aan tiro lahaynna u gaysteen, waa dhacdada la baxday Dayax- Weer.
Dhacdadaasi waxa ay daaha ka fayday, dadkana u fasirtay Daraawiish iyo waxa ay
damacsan tahay, waxa la ogaaday in Sayidka iyo colkiisu tubtii dariiqo diineed lagu
yiqiin ay waydaarteen. Halabuur arrintaa ka maansoonayaa wuxu yidhi:
Col ashraafi waccaysiyo, caalin reero dhacaaya,
Cilmi geel lagu qaado, Sayidkii Calmanaayow
Cimri yuu ku simaayoo, Cidhibteeda ogaada.
Geel kala qaadistu waxa ay ahayd arrin iska caadi ah, Soomaalida dhexdeeda xilliyadaa.
Waxa keliya ee Daraawiishtu ku soo kordhisay waxa uu ahaa, in fatwo diineed loogu
banneeyey xoolaha ay leeyihiin beelaha ay ula baxeen gaalo raaca.
Isla xilliyaadaa ayaa Sayidku waxa uu warqad u diray gumaystaha Ingiriiska,
dhambaalkaas waxa ka mid ahaa, {…. waxa aan ku ogaysiinayaa, in aad wax kasta oo
aad rabteen samayseen, diintayadii wacnaydna cadaadiseen,.. Haddaba kala doorta
dagaal haddaad doonaysaan waannu oggolnahay, haddaad nabad doonaysaanna sedo
bixiya} (6)
Gugii 1901dii ayaa Ingiriiska ay Daraawiish dagaalkii u horreyey dhex maray, waa
dhacdada la baxday Af bakayle, Ciidanka gumaystaha khasaare badan baa loo gaystay,
Daraawiish qudhoodana waa la wiiqay.
Sannadkaa iyo kuwii ka danbeeyey ba dagaalladu si joogto ah ayey u socdeen, meelo
baddan baa foodda la is daray, waxaana ugu magac weyn goobahan: Fardhidin (1901),
Beerdhiga (1902), Cagaar weyne (1903), Jidbaalle (1904).
Waxa intaa barbar socday dhaca iyo dilka Daraawiishtu u gaysanaysay, beelaha
Soomaaliyeed ee ay ku sunteen Gaalo raacnimada, Gabayada Sayidka ayaana laga la soo
dhex bixi karaa in uu Daraawiishta u xalaaleeyey dhiiga iyo xoolaha bulshada
Soomaaliyeed, meerisyadan baa ka mid ah:
5 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
Nin aqdaamo faranji ah, maantiyo abuurriin
Ama aaladuu sida, ama awrtaba u rara
Ama adhigaba u qala ama laba ugaadhsada
Ama uba ilaalaa ama uurka kala jira
Ashaada beeniyo Islaamnimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama odhan anna ma ogolaan karo.
Dagaalladaas lagu riiqday ee kala danbeeyey waxa ay keeneen in Daraawiishtu u durugto
xeebta bariga, 1904-tii ayaa Daraawiishtu fadhiisin ka dhigatay degmada Ayl, halkaas
waxa ay ka dhiseen afar qalcadood oo kala ahaa: Daawad: oo laga dhisay xeebta Ayl, Ilig,
Gabbac iyo Baday. 22 Abril 1904tii ayaa ingiriisku duqayn dhanka xeebta ah, ku
burburiyey qalcaddii Ilig.
Xeebaha bariga xilligaas waxa ka jirey, saddex maamul beeleed, midi waa Boqor
Cismaan oo Gara-cad xarun u ahayd, tan kalena waa Cali Yuusuf oo Hobyo saldhig u
ahayd, tan saddexaadna waa Garaad Maxamuud Cali shire oo deegaanka beesha
Warsangeli ka arriminayey. Labada hore Talyaani bay kula jireen, heshiis ilaalineed, kan
danbana Waa beelihii Ingiriisku kolkii uu imanayey heshiiska la saxiixday.
Talyaaniga oo ka baqa qaba in Daraawiishtu ku durugto deegaannada uu maamulo, wuxu
ka shaqeeyey, in heshiis dhex maro, Ingiriis iyo Daraawiish. Wada hadallo iyo waan waan
Cadan ka soo bilaabmay oo uu Daraawiishta uga wakiil ahaa, Sheekh Cabdalla Shixiri
ayaa ku dhammaaday in heshiis la kala saxiixdo 5tii maarso 1905- tii. Heshiishkaasi waxa
uu ka dhacay Ilig, qodobadii ka soo baxayna waxa ka mid ahaa:
1- In Daraawiishta looga ogaalaado dhul, qaybtii uu Talyaanigu xukumayey.
2- In Sayidka iyo Daraawiishtiisa la siiyo xorriyad diineed, iyo madax bannaani ganacsi.
3- In Daraawiishtu deegaannada raacsan, ay iyagu ka taliyaan.
Heshiiskani dhanka Daraawiishta wuxu u fududeeyey, in ay saldhigtaan, maamul iyo kala
danbayn samaystaan, waxa ay heleen koboc dhaqaale, iyo mid maamul. Intii nabadda la
ahaa, waxa la xusi karaa, inuu jirey, dagaal dhanka afka ah, oo u badnaa gabayadii
Sayidku tirinayey, iyo kuwo isaga loo tiriyey.
2.1 -Qaybaha Ciidanka Daraawiishta
Daraawiishtu maamul ahaan waxa ay u qaybsanaayeen afar qaybood oo kala ahaa:
 Qusuusi: Waxa ay ahaayeen Culimo iyo Waayeel guurti ah, oo iska leh go’aanka ugu
danbeeye ee la qaadanayo.
6 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
 Maarraweyn: Waa ciidaanka duullaanka gala, ee abbaanduulayaasha leh, waa iga
kuwa inta badan la diriray gumaystaha, ama beelaha Soomaaliyeed ee aan
Daraawiishta taageersanayn.
 Gaadh haye: Ilaalada Xarumaha saadka iyo xarunta Sayidku deggan yahay.
 Reer beede: Waa Maatida Daraawiishta iyo kuwa raaca xoolaha Daraawiishta,
fardaha dagaalkana xannaaneeya.
Ciidamada dagaalka gala ee Daraawiishtu waxa kale oo ay nidaam ahaan u qaysanayeen
unugyo mid waliba magac gooni ah leeyahay, hawl gaar ahna u qaynsan yahay sida
Shiishyaale, Goleweyne, Taargooye, Indha badan, Miinanle, Dharbash iyo Ragxun(7).
2.2-Daraawiishta iyo dadka ka soo horjeeday
Daraawiishtu duullaannadii ay ku qaadi jireen beelaha Soomaalida ah ee aan
taageersanyni waxa uu u soo jiiday cadaawad badan, beelahaasi kolkii ay u fursad helaan
xoolo Daraawiishtu leedahay, waa ay dhacayeen. Saddexda maamul beeleed ee aynu soo
sheegnay in ay Daraawiishta la deris ahaayeen, in kastoo kolkii hore Sayidku isku deyey
inuu soo dhoweysto oo la xididay (guur siyaasadeed), iyaguna aanay wax diidmo ah kala
hor iman kacdoonka wadaadka, ugu danbeyntii iyaga iyo Daraawiishtu waxa ay noqdeen
col daahii go’ay. Dhanka kale dad badan oo indheergarad ah, judhii horena Daraawiish ku
biiray baa ay u cuntami wayday sida Wadaadku wax u wado, qaar badan oo saluuggooda
soo bandhigay waxa lagu abaaliyey in dhegta dhiigga loo daro. Xarunta daraawiishta
waxa laga jideeyey wax loo bixiyey xujoobid, inta badanna qofkii la yidhaahdo wuu
xujoobay macneheedu waa in qudha laga jaro; hab dhaqankaasi waxa uu keenay in rag
badani xarunta ka firdhadaan. Dadka Sayidka afka kula dagaallamay, falalka gurracan ee
gudaha Daraawiishta iyo debeddeeda ka socdana soo bandhigay waxa ka mid ah labada
maansayahan ee Cali Adaan Gorayo (Dhuux) iyo Cali Jaamac Haabiil.
Cali Dhuux oo Wadaadnimada Sayidka durayaa waxa uu yidhi:
Allaahu akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene
Ashahaaday gaalkuba se waa ehelu naarkiiye
Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede
Asxaabihii olol ku dhece waa u abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene
Abtiyaalladaa iyo ku nece ururkii reer khayre
Arbow Jaamac iyo Aadan iyo Oogle kaa taga’e
Waxaan uubateeyaba tolkay oodda soo jebiye.
Markale isagoo hogatusaya dhaqannada kelitalisnimo ee xarunta ka jira, waxa uu lahaa:
Ninkii weligii diintaa bannaan daacad ugu sheega
Daw kulama soo baxo cilmiye waa la diriraaye
Doofaarraduu wadan jiruu dila yidhaahdaaye
7 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
Iyaguna markaasay ku didi diidi mahayaane
Bal in meesha lagu doorsan yahay waxa u daliilkiiya
Duqaydii badnayd ee ku lumay duudsi iyo jeedal.
Cali Jaamac Haabiil isna Sayidka waxa uu ku maagay gabayo badan. Waxa aynu tusaale
uga soo qaadanaynaa, gabay durraamasho ah oo uu Alle kaga tuugayo in uu ninkaas
arlada ka qabto.
Allahayow middii uur leh iyo tii irmaan dumarka
Allahayow ummulihii nin dilay ubad jaqsiinaayey
Allahayow agoon iyo miskiin aadanaha liita
Allahayow nimaan oday da’ ah iyo habar ka oollaynin
Allahayow mid aabbi iyo kibir muumin ku idleeyey
Allahayow Ilaahnimo nimaan kugu addeecaynin
Allahayow Ibliis sheekh u eeg aannu garan waynay
Allahayow mid oogada jidhkana aad insiga mooddo
Allahayow misana aan ahayn awliyana sheegta
Allahayow mid ruuxuu arkaba ku adyadoonaaya
Allahayow ninkaa ku inkiree diidey amarkaaga
Allahayow mid aayadaha iyo diinta ku adeegta
Allahayow misana aan u odhan siday ahaayeenba
Allahayow aqoonlaawahaa eydu daba joogto
Allahayow adigu waad ogtahay waanad aragtaaye
Allahayow aroor iyo galab goor alliyo leyl ba
Allahayow Ibliiskaa khalqigu ka ashkatoonaayo
Allahayow ha nagu eegin kaa kuu ergaan bahaye.
Dhanka kale Sayidku isna waxa uu tirinayey tixo uu qolyahaas ku weerarayo, ama cid
kaleba ugu halcelinayo. Gabayo badan oo Sayidku leeyahay waxa ka buuxa aflagaaddo
loo geystay reero Soomaaliyeed iyo qofaf ba. Waxa kale oo jirey gabayo badan oo uu ugu
hanjabayo beelo ay is hayeen iyo dad kacdoonkiisa ka soo horjeestay, meerisyadan baa
aynu u soo qaadan karnaa muunad ahaan:
Haddii aannan Majeerteen sidii adhi u iideynin
Ararsamiyo Iidoor haddaan idhan ka loo qaadin
Oo aan irbaha dheer ka jarin Eyda reer hagar ah
Awlaxa haddii aanan la dhicin niman Ogaadeena
Ololaha colkaan wado haddaan laga ashaatoodin
Jidka Adari loo maro haddaan laga ugaadhoobin.
Hab dhaqankaa gurracan ee Daraawiishtu ku kacaysay ee aan looga baran dadka
Culimada ah, iyo Wadaad hormuud u ah dariiqo diineed, waxa ay kicisay Wadaadadii
Soomaaliyeed qaarkood. Cod dheer baa ay ku sheegeen in Wadaadku waxan uu wadaa
aanay diin shuqul ku lahayn, sida aynu hore u soo marnayna isku dhaca wadaadada, gaar
8 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
ahaan dariiqada Qaadiriyada iyo Sayidku waxa uu ka soo bilaamay Berbera.
Khilaafka Culimadii Soomaaliyeed iyo Sayidka ka dhexeeyey waa ka ugu danbayntii
galaaftay Buunigii Qaadiriyada koonfureed homuudka u ahaa ee Sheekh Aweys
Baraawe(8), oo daraawiishtu ku dishay Biyooley, Sayidka oo dilkiisa ka maansoonayaana
waxa uu yidhi :
Wuxuu dookhaneeyoo xumaan deli la meeraaba
Denbiguu Falaayaa Aweys loogu dawgalaye
Candho dogoble goortaan diluu roobku noo da’ay.
3-Ka guuristii Ingiriiska ee dhulka Miyiga
Gugii 1909-kii ayaa maamulkii Ingiriisku wuxu ka soo guuray dhulka miyiga ah, isagoo
isku ururinaya xeebaha. Waxa se uu qaaday tallaabo aan loo aayin, oo ahayd in uu hub u
qaybiyey beelihii deggaanaa dhulkii uu ka soo baxay, si ay isaga difaacaan Daraawiishtu
haddii ay soo weerarto, oo ka dhignaa “lafo Maroodi iyagaa la isku jebshaa”. Hayeeshee
waxa dhacay arrin aan gumaystuhu haabka ku hayn, ama ku talagal u sameeyey. Reerihii
hubka loo qaybiyey waxa ay u adeegsadeen in ay iyagu isku dhacaan, utumo colaadeed
oo hore uga dhaxeeyey. Waxa dhacday colaad baahsan iyo macaluul galaafatay dadkii
dalka ku noolaa, saddex meelood meel ahaan, waana xilliga la baxay Xaaraama Cune.
4-Dacwaddii loo gudbiyey Sheekh Maxamed Saalax
Isla gugii 1909-kii waxa magaalada Maka u ambabaxay culimo geyiga Soomaaliyeed
misaan ku leh oo laga xusi karo, sheekh Cabdillaahi Nayoobi (9) iyo Sheekh Ismaaciil
Sheekh Isxaaq (10). Ujeeddada socdaalkani wuxu ahaa in Sheekh Maxamed Saalax oo
hormuudkii dariiqada Saalixiyada ah la gaadhsiiyo, falaadka wadaaddka Daraawiishta
haysta. Dadka taariikhda Daraawiishta qoray qaar baa aaminsan in ay tani ahayd xeelad
gumaystuhu ku dhabar jebinayey halganka Daraawiishta. Sidii doontaba ha ahaatee
Culimadaasi waxa ay sheekhii dariiqada gaadhsiiyeen in Sayidku dalkii iyo diintiiba
fasahaadiyey. Waxa isna Culimadaa u marag furay Sheekh Cabdalla Shixiri oo
Daraawiishta ka mid ahaa, kolkaa se ka goostay.
Sheekh Maxamed Saalax waxa uu Sayidka u soo direy warqad uu ku canaananayo uguna
sheegayo inuu joojiyo falalka diinta ku lidka ah ee uu ku kacayo. Aw Jaamac Cumar Ciise
oo ah buuniga ururiyey taariikhda Daraawiikhtu, waxa uu xusayaa in warqadaas la been
abuuray, sheeko la yaableh ayuu qorayaa oo odhanaysa: Sheekh Maxamed Saalax waxa
uu waraaqaha ku shaanbadayn jirey kaatunkiisa oo marka keliya ee uu iska saaraa ahaa,
kolka uu musqusha gelayo, dabadeed isagoo suuliga ku jira ayaa karraanigiisii hoos laga
la heshiiyey, oo warqad madhan shaambaddii lagu dhuftay, markii danbena wixii la
doono lagu soo qoray.
9 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
Hase ahaatee waxa la odhan karaa sheekadaa far baa ku godan oo dhawr siyoodba
macquul uma aha,dadka sheekha Marka ugu tegay gaalo la socotay oo qorshaha
maleegaysay lama sheegin, Culimada waaweyn ee halkaas tegayna dhaqan xumada
sidaad u liidataa kama suurtawdo, cidda sidan ku doodaysaana ma ay soo bandhigin
labadii waqadood, tii asalka ahayd iyo tii la been abuuray. Maamulka gumaysigu
warqaddan sheekha ka soo baxday waxa uu uga faa’iidaystay hoos u dhigidda sumcadda
Daraawiishta, oo warqaddii oo la badiyey ayaa culimadii Soomaaliyeed oo dhan la
gaadhsiiyey.
Daraawiishtu dacwaddaa laga gudbiyey waxa ku eedaysay inuu soo maleegay sheekh
Cabdalla Shixiri, Sayidka oo u hanjabayaana waakii lahaa:
Asay xidhatayaa amase weer kugu abaadyaaba
Amminkii habeennimo hurdada alalad booddaaba
Raggii uu waraabuhu axadhay agas u qaaddaaba
Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba
Ararihiyo dibadaha marba naga ufootaaba
Awtaamisaa iyo sidii geel u oloshaaba
Arki maysid ina shixiriyow inamadaadiiye
Adiguna Amxaar baad tahay iyo ehel nijaaseed.
4.1-Canjeel Talo waa
Warqaddii sheekh Maxamed Saalax kolkii ay xaruntii Daraawiishta soo gaadhay,
nuxurkeediina la ogaaday, waxa bilaabmay guux hoose iyo hugun. Rag door ah oo ay ula
muuqatay in aan xaaladdan la sii eegan karin baa is urursaday oo goor habeennimo ah ku
shiray geed Canjeel ah oo xarunta ka durugsanaa. Haddii talo la rogrogayna waxa la
dhaafin waayey laba middood in la sameeyo; in xarunta laga hulleelo oo Daraawiish
sidaa lagaga baxo, iyo in Sayidka laga takhaluso, meeshiisana qof kale loo dhiibo.
Si halganku u sii socdo, hase yeeshee iyadoo aan weli wax tallaabo ah la qaadin baa
warkii gaadhay madaxdii Daraawiishta, waxa la sheegaa dadkii howsha waday in
midhadh firxaday mooyee intii kale in dhegta dhiigga loo daray. In kastoo kacdoonkaasi
dhicisoobay haddana waxa la sheegaa in wixii intaa ka danbeeyey, Daraawiish dhexdeeda
is aamminku ku yaraaday.
4.2-Degistii Taleex
Dabayaaqadii 1909-kii ayaa Daraawiishi u soo guurtay dhanka Nugaaleed, waxaanay
degeen meesha la yidhaahdo Dameer oo laga dhisay qalcad la yidhaahdo Daarcad.
Taleexna waxa laga dhisay, afar qalcadood oo kala ahaa:
 Silsilad : Oo ahayd xarun loogu talagalay inay ku hoydaan ilaa 5000 neef oo xoolo
ah iyo 2000 oo ciidan ahi.
10 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
 Falaad : Oo ahayd taliska ay degganaayeen Sayidka iyo Khusuusigu.
 Daawad : Oo loo dhisay dadka martida ah.
 Daar ilaalo : Waa qalcadda laga laga ilaalinayey xarumaha kale iyo deegaanka oo
dhan. Waxa jiray qalcado badan oo deegaanno kala durugsan laga dhisay.
Kolkii Daraawishtu soo degtay Taleex ayaa Ingiriisku 1912-kii dib ugu soo noqday
dhulkii miyiga ahaa ee uu ka guuray. Waxaanu sameeyey ciidan rakuubley ah oo uu
hoggaamiye ka yahay Rijaadh Koofil. Xilligaas Daraawiishtu waxa ay lahayd ciidaan
Dooxato la yidhaahdo oo wareega, saldhigna aan lahayn, waxa ay hawshiisu ahayd in
Ingiriiska iyo beelaha xukunkiisa ku hoos nool dhac iyo argagixin joogto ah ay ku hayaan.
Ciidankaas ayaa weerar ba’an ku qaaday beesha Burco iyo agagaarkeeda deggan, dad
wixii ay layn karayeenna way layeen, wixii xoolo ay heleenna waa ay soo dhaceen.
Ciidankii rakuublayda Ingiriiska oo ay weheliyaan Soomaalidii xoolahooda laga soo
dhacay ayaa ka daba baxay Daraawiishtii. Sanadkii 1913-kii ayaa la isku haleelay meel
Dulmadoobe la yidhaahdo, waxa ka dhacay daagaal lagu riiqday, oo Ruugga la baxay.
Khasaare baaxad leh ayaa soo gaadhay labada dhan ba. Ingiriiska waxa halkaas kaga
dhintay, hoggaamiyihii ciidanka rukuubleyda Koofil, Sayidku dilka ninkaa wuxu ka
tiriyey gabay ashqaraar leh.
Daraawiish ayaa damacday in ay isku ballaadhiyaan dhulka Garaad Maxamuud Cali
Shire ka taliyo, hase ahaatee Garaad Maxamuud oo kaashanaya boqor Cismaan ayaa col
ku soo saaray, ciidankaas is bahaysiga ahi waxa uu soo jebiyey Daraawiishtii. Lakiin
xaruntii Taleex ayaa laga soo abaabulay col, isbahaysiga u waydaarta maatidii iyo
xoolihii ay ka yimaaddeen. Waxa la sheegaa in Daraawiish iyo cidamadaas dagaallo aan
waxba la isu la hadhini dhex mareen.
Xilliyadaa Sayidku waxa uu xidhiidho la sameeyey Boqorkii cusbaa ee xabashida Lij
Iyaasu iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo kolkaas aan itaal la sheego lahayn, lama
sheegin wax caawimo ah oo ay soo gaadhsiiyeen.
5-Jabkii Daraawiishta
Gugii 1918-kii ayaa daraawiishtu Taleex ka guurtay, una digarogatay Jiidaali oo qalcadi
uga dhisnayd, muddo ka dibna waxa ay saldhigteen Mirashi, halkaasna ku negaadeen.
Ingiriisku 1919-kii ayuu bilaabay hawlgal aan la shaacin oo uu doonayey in lagu soo
afjaro iska caabbinta muddada dheer socota ee Sayidka iyo Daraawiikhtu wadeen.
Hawl galkaas oo aad loo qariyey waxa loo qorsheeyey sidan:
– Ciidanka badda 3 markab
– Ciidanka Cirka 8 diyaaradood.
-Ciidanka dhulka oo saddex madax ah.
11 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved
Daraawiishtii Mirashi fadhiday markii lagu kediyey duullaan aanay waxba ka ogayn,
waxa ay u firdhadeen dhanka Taleex. 4tii Febraayo 1920-kii ayaa diyaaradihii gumaysigu
duqeeyeen, 7dii Febraayana ciidankii Ingiriiska ayaa la wareegay xaruntii Taleex.
Sayidka iyo koox qoyskiisii u badan ayaa u baxsaday dhankaa iyo galbeedka, halkaas oo
ciidan aan badnayn oo Daraawiish ahi degganaayeen. Muddo yar ka dibna Ingiriisku ergo
culimo iyo salaaddiin ka kooban ayuu u diray Sayidka si loogu qanciyo inuu hubka dhigo
oo nabad qaato, hayeeshee waxba kama soo bixin waan waantaas. Beelihii hawdka
Maxmiyadda degganaa oo Ingiriiska taageero ka helaya, ayaa ugu danbeyntii weerar
ba’an ku qaaday, Daraawiishtii oo markaas cudurro iyo tamar la’aani isugu tageen.
Wixii weerarkaas ka danbeeyey Sayidka iyo ciddii raacay waxa ay tageen Iimay. Halkaas
oo Sayidku ku geeriyooday dabayaaqadii 1920-kii isagoo 64 jir ah, halkaasna waxa ku
soo gabagaboobay kacdoonkii Daraawiishta oo Muddo 21 gu’ ah taagnaa.
Gebogabadii dhacdooyinka taariikhda Daraawiishta qof ba dhankii uu jeclaystay ayuu ula
kacay, waxa se mudan in xaqiiqda laga sheego. Waxa la odhan karaa Sayidka iyo colkiisu
gumaysiga waa la halgameen intii itaalkood ah. Umadda ay u halgamayeen se gefaf
waaweyn ayaa ay ka galeen, sidaa daraaddeed, mar waa halgamayaal gumaysi la dirir ah,
oo taariikhda galay, mar kalena waxay ahaayeen col geel qaadnimada iyo umuladooxa ku
ibtiloobay, oo bulshada dhiiggooda iyo xoolahoodaba xalaashaday. Waxa la odhan karaa
jabka Daraawiishta sababaha keenay waxa ka mid ah, colaadda dhex taallay Soomaalida
iyo Daraawiishta, iyo colaadihii soo jireenka ahaa ee beelaha Soomaaliyeed ka dhexeeyay,
oo beelaha qaar colka Daraawiishta waxa ay u arkayeen beel isbalaadhinaysa oo
dhulkooda iyo xoolahooda damacsan, waa isla sababta qarni ka dib, dawladnimada
Soomaalidu u hanaqaadi la’dahay, maamulladooduna u hagaaseen.
Cabdikriin Xuseen
Email: cabdikarim89@hotmail.com
————-
1-I.M lewis :the modern history of Somalia p.63.
2- Aw Jaamac : Taariikhda Daraawiishta bog. 15
3-Saalixiyadu waa dhambal ka falliidhmay Dariiqada Axmediyada ee suufiyada,
waxaana hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Saalax oo fadhigiisu ahaa Maka.
4- French Roman Catholic Mission waxa ay Berbera soo gaadheen 1886kii, waxaanay
xarun waxbarasho oo diinta masiixiga lagu faafiyo ka furteen, tuulada dhaymoole 1891.
5- Erayga Darwiish oo asalkii Beershiyaan yahay, waa eraybixin suufiyeed loo la jeedo
12 Daraawiishta: Milicsi taariikheed
W/Q Cabdikriin Xuseen
Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved